Home » Faallo »

Dib udhaca kuyimid Guurka Jaaliyadaha Somaliyeed ee Wadamada Khaliijka.

Assalaamu Alaykum. Maqaalkeena maanta, waa fariin kusaabsanyahay walaac kasoo kordhay xaga taranka umada Soomaaliyeed ee wadamada Khaliijka.

Waayadii hore,Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee wadamadan waxaay caan ku ahaan jireen caruur fara badan; xeen caruur yaryar ah ayaad ku arkaysaa marka aad guryahooda booqasho kutagtid.Waxaad isleedahay malaha tartar xaga caruurta ah ayaa kadhaxeeya!

Waxaa lagu kaftami jirey, marka dalka lagu laabto oo nala waydiyo: Maxaad lasoo laabateen, waa idinkii dalka kamaqnaa intaas oo sano? Waxaan kujawaabeynaa: Dad, gabdho iyo wiilal lagu tarbiyadeeyey thaqaafah Carabiyah,ayaan idiinsidnaa.

Kaftankaas wuxuu ahaa mid udhaxeeyey jiilkii hore ee wadamadan soo galay ayagoo waaweyn ee dalkii  ka soo guursaday.

Jiilkii yaryaraa oo soo kacay!

Caruurtii ayaa qaan-gaartay ayagoo kusoo barbaaray dhaqan kaduwan kii- wadankoodii hooyo!

Waxaa kadhumay jinsiyadii Somalinimo ee ay ugu faanilahaayeen umadaha kale iyo xeer hoosaadkii loo adeegsan jirey howlo badan oo ay kamid yahay sida laysu guursan jirey!

Ha layaabin dhalanyaradan,ilaa maalintii ay yaraayeen, Somalinimadu ma’ahan mid soo jiidankaro ilma dibida kudhashay!

Da’yartaan, sida ay ubadanyihiin, wadankii Somalia indha kama qaadin asbaabo badan awgood. Qaar kale oo yaraan lagu keeneyna waxba kama sii xasuustaan qaab noolaleedka Somalia!

Qaarkood, haddii aad wax kawaydiso Somalia, waxaay kuu sheegayaan warar hoose oo kusaabsan qabiiladooda iyo dowlad goboleedkooda oo ay kasoo jeedaan nasab ahaan.

Dhaqan guur rasmi ah

Sida lagu yaqaan caruuraha dibida kudhasho, shabaabkan Afsomaliga iskuma wanaagsana! Inkasta oo anay wadamada Khaliijka ay jinsiyad ahaan soo dhaween, hadana waxaay isu arkaan inaay ayaga kamid yihiin.!

Xasuus: qofka inta uu kuhadlayo luuqada Somaliga, meesha uu doona hakudhashee- waa Somali. Qofkaas wuxuu doona ha aaminsanaado, jinsiyada uu doona ha sito!

Qiso: Mid kamid ah shabaabka meeshan kudhashay ayaa maalin dhaweyd laxirey oo waxaa lageeyey ibcaadka, meesha dadka ajaanibta laga tarxiilo. Waxaa layaab laheyd in laxiray waxaan kasoo ogaanay dhalanyaro qadariyiin ah oo ay iskuulka isla dhigan jireen oo marka ay arintiisa bixinwaayeen isyiri Somalida ha lagaarsiiyo. Wiilkan,qolada ibcaadka kuhaysa wuxuu  kacodsanaya inaaysan Somalia udhoofin ee udiraan wadankale oo Carabaha!

Mar aan kusoo booqanay xabsiga, meeshii uu kufarxilahaa ayuu nagu canaantey booqashada aan ugu nimid.

Mar aan damacnay inaan kawaraysano danbiga uu galay, waxaan waynay luuqad aan hoos isugu waraysano booliiska hortiisa, waayo wuxuu kuhadlaya Carabi oo Afsomali masoo rogto. Markii danbe waxaay dantu nagu qasabtay inaan maciinsano luuqada Englishka oo aan islaheen askarta mafahmi karaan!

Isku soo duuduuboo,dhalanyaradan waxaa soo wajahday  dhibaatooyin aan lasoo koobi karin oo  ay ugu weyntahay, guur la’aan. Duruufta ay kusuganyihiin waxaa tilmaamaysa heestaan:

“Qalabka yaan usidanaa           quruxda yaan uleenahay,

Marag qaaradkale jirabuu         nooqoray Ilaahay.”

Ereyadaas waxaay kamid ahaayeen hees aan ka dhageysan jirey idaacadii la oronjirey ‘Radio Muqdishu’ berisamaadkii, waqti aniga iyo malaayin Soomaaliyeed aan kutaami jirney inaan mar uun indhaha kasoo qaadno magaalada ay Idaacadaas kutaal, Xamar Cade.

Waxaan kacudur daaranaya haddii aan jajabiyey erayada heestan oo marka kali ah xasuus ahaan igu soo duxday intii aan kafikiraayey maqaalkan.

Anigoon marka horaba heesaha kuwanaagsaneyn, hadana tani waxaan ka qoray xasuus, dhowr iyo 20 sano kahor;  waxaan xifdiyey anigoo yar oo aan sidaas ugu sii warhaynin sababta heesaha loo alifo iyo sirta kadanbaysa. Gadaal ayaan  ka ogaaday inaay heesu xanbaarsanyihiin fariimo kala duwan.

Mar aan maciinsadey ‘Google search’ bal inuu iga saxo ‘ereyada’ heestaan, intaan umada lahortagin, nasiib-daro jawaabtu waxay noqotay sidaan:  Your search – qalabka yaan usidinaa – did not match any documents.. Malaha waxaan qaldey ‘magaca’ heesta loo yaqaan.

Sida heestan kaaga muuqato, qolada ugu daran ee ay guur la’aanta saameenta ugu weyn  kuyeelatay waa dumarka sababta oo ah cimriga- guurkooda oo kooban.

Dhaqan ahaan, wiil guur ka raagay waa ka xanuun yar gabar aan horay loo guursan. Waxaad taas kagaranaysaa magacyada loo kala bixiyo. Ninka guurka karaago waa ‘doob qalanjadii gabay’. Ama gabadha guurka kadaahdo….. iyo af maroojis!

.                                                                                       .

Magaca maqaalkan ma’ahan mid aan kamaqsuud ahay

Cinwaanka maqaalkan,runtii kuma haboona mushkilada meesha kajirto aan aan doonayo inaan idin sharxo. Waxaan aaminsanahay,haddii aan ahaan lahaa dadka hibada uheley Afka-Soomaaliga iyo erey bixintiisa waxaan turjumilahaa kalmida Carabiga “ العنوسة ” oo runtii muujinayso tacbiir aad uxeel dheer.

Dhibaatada inta ay la’egtahay!

Qaarkiin waxaa laga yaabaa inay  isleeyihii: Dadkii iyo dalkii ayaan gacan lagu haynin ee maxaad kasheegeysaa ‘dib udhac guur’. Tacliiq noocaas oo kale ah waxaad ku arkaysa maqaalada qaarkood.

Aan kuu soo dhaweeyo xaalada meesha ay marayso! Maxaay kulatahay,haddii anigan kula hadlaayo,  guriga ii joogaan 4 gabdhood oo qaan gaar ah oo isku xigo, oo aan midna laqabin, balse mid lasoo doonay aysan kujirin? Sow godkaada biyo hakugu galeen ma’ahan!!

Intaas waxaad kudartaa,gabdhahan mida ugu yar  dugsiga sare  waxaay kabaxdey 2004, maantana waa 2011! Arintaas sow dhul gariir xaga dhaqanka ma’ahan?

Maxaadse oronlaheyd, haddii xaaladaan aysan aniga kali igu koobneyn oo tobonaan qoys oo Somaliyeed  ay sidaas ula fadhido!.

Dad badan ayaa ku eedeysan arintaan

Dhibaatada intaas la’eg waa in lahelaa qof kamas’uul ah oo lama oronkaro dhibaatada wadanka kajirta ayey qeyb katahay. Waxaa dhabarka uridanaya qeybaha kala duwan ee Jaaliyadaha wadamada Khaliijka dagan, culimadooda, waalidiinta iyo wax garadkooda.

Jaaliyada:Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee wadamadan qeyb ayey kuleeyihiin dhibaatadan waayo masoo bandhigaan adeegyo fiican oo dadka lagu wacyigaliyo maadama ay wadankoodii ka go’anyihiin.

Tusaale ahaan,Jaaliyada Qatar oo aan aad ugu warqabo, malahan nidaam ay kumideysanyihiin oo ay kaga hortagaan dhibaato noocaan oo kale ah.  Malahan gole wacyi-galin oo laysku yimaado oo looga arinsado dhibaatooyinka jaaliyada.

Nadiib daro jaaliyada Doha waxay kamid tahay jaaliyadaha ugu liito ee wadamada Khaliijka marka ay timaado wax wada qabsi iyo ismaqalka. Marka kali ah ee aysu yimaadaan waa  marka uu qof dhinto aaskiisa.

Sidaas awgeed, xaalku wuxuu maraya ‘nin iyo xabaashiis’ loo kala baxa’ oo dhibaatadan waxay noqotay mid ku kooban waalidtii wax dhalay iyo dhalaankoodii!

Hooyooyinka hablahan dhalay oo howsha kajiifa. Waxaa la arki jirey hooya kawalwasha guur la’aanta gabadheeda oo gabadha oo aan qaan gaarin kutirahdo: Sidaan isu dhaan oo meesha iska qaad, naag weyn baad tahay wixii maanta kadanbeeya! Maantase, waxaan halkan kuhaynaa hooyo kuleh gabadheeda: Guur majiro haddii aan laguu aroosayn sida gabdhaha Qadariyada oo kale, landcruiser, hotel, dahab iyo guri waa in lakeenaa, haddii kale guriga ha iska joogaan. Maahmaahdii Soomaaliyeed ayaa dhab noqotay:‘Sac ninkii lahaa uu seynta kaga fadhiyo ma istaago’

Gabdhaha laftooda,qeeb libaax ayey kaciyaaraan howshaan. Gabadhan meeshaan kudhalatay waxaay lafikrad tahay hooyadeed iyo bee’ada meesha kajirta. Waxaay doonayaan inaay unoolaadaan, uguursadaan sida gabadha Qadariyada ah. Ma aaminsano farqiga udhaxeeyo ayada iyo gabadha qadariyada fursad ahaan xitaa guurka. Gabadha Qadariyada waxaay leedahay dhowr jaanis oo aysan laheyn gabadha Somaliyeed ee meeshan kunool. Dhaqan ahaan,Qadariyiinta, waxaay isu guursadan qoys qoys; gabadhii ina adeerkeed guur kawayso, waxaay heleysaa wiil qadari ah oo qabiilada kale ah, oo nasab ahaan iyo dhaqaale ahaanba awoodi karo.

Sow dan ma’ahan inaay iska dabo wareegtaan oo ay qaadaan heestaan:

“Qalabka yaan usidanaa           quruxda yaan uleenahay,

Marag qaaradkale jirabuu         nooqoray Ilaahay.”

Aabayaasha gabdhahan oo ayaga kuwareejiyey arinta dhan dumarka oo iska dhaadhiciyey inaay arintaan tahay mid utaal hooyada. Xitaa haddii laga soo doona gabadh weyn, wuxuu kuleeyahey islaanta ayaa sidaas tiri.

Waxaa intaas kadaran, maalmahan danbe, gabdhihii waxaay bilaabeen inaay shaqeeyaan kadib markii ay soo dhameeyeen waxbarashadii. Waxaa shaqada kafariistay odayaashii gabdhahan dhalay. Waxaa booskoodii galay oo reerka biila gabdhaha.

Sidaas darteed, waxaad arkaysa oday 3gabdhood uu dhalay ay shaqaynayaan oo aan midna laqabin. Waxaadba isleedahay, tolow haddii gabdhaha laga guursado, yaa reerka biilayo! Waa arin walaaceeda leh!

Warkii oo kooban, maqaalkan ma’ahan mid aad kagaga bogan kartaan dhibaatada soo foodsaartay gabdhaha Soomaaliyeed ee wadamada Khaliijka, waxaanse quud daraynayaa in dhalanyarada ila joogta Khaliijka ay ku dhiiradaan in dhankooda soo diyaariyaan maqaalo taabanayo xaqiiqta meesha kajirta, anigoo og sida ay arintaan xasaasi utahay bulshada dhexdeeda in laga hadlo.

Sidoo kale  bal isku dayo inaad kawardoontaan haddii ay qaraabo idinka joogta Khaliijka, oo bal kawareyso gabdhihii inta laguursaday.Waa intaas oo gurmad la’idinka helaa, gaar ahaan raggiina Yurub jooga waxaa laga yaabaa inaad discount fiican heshaan!

Inta aan markale dib ukulmayno waa Adam Abuzuhri oo idinleh, Somali ha israacdo, Rabbigeedna ha utowbadkeento.

Wasalaaamu Alaykum.

Adam Abuzuhri Al-Hasani

abuzuhri1 @ gmail . com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

16 Jawaabood " Dib udhaca kuyimid Guurka Jaaliyadaha Somaliyeed ee Wadamada Khaliijka. "

  1. asalaamu alaykum warax matulaah walaal wad kumahadsan tahay maqalka aad kaqortay dib udhaca kuyimid gabdhaha somaliyeed khasatan kuwa khliijka jooga aniga ooah hooyo soomaaliyeed haystana 4gabdhood waxaan rajaynayaa in aa nan kudhibin gabdhahayga guurka tii guur gaarta oo aan lagu xirin wax lacag ah ama ganacsi laga ganacsanayo gabdhaha laakiin waxa shardi ah wiilka soomaaliyeed in uu yahay mid guur udiyaar ah oo diin iyo akhlaaq leh gabarna lagu aamini karo laakiin wax ganacsi layi raahdo majirto aniga ra,yi gayga sas ayaan qabaa wasalaamu alaykum

  2. dulmidiid says:

    Asc salaan kadib, Fiiro gaar ah: walaalka C.C. Musse waxaa wanaagsan wixii dacwad ama tallosiin ah private email ula xiriiirtid.

  3. Assalamu Caleykum,
    Abu Zuhri, walaal waxad sheegtay war laga naxo oo dhiillo weyn ah! Waxad tidhi gurigayga waxa jooga 4 hablood oo kulligood ka weyn 20 jir! Dabcan, qoysas badanna waa kula mid! Rabbanaa Yasahal!

    Walaal aniga waxan ku talinayaa in dhallinyarada loo soo dhoofiyo (waqtiyada fasaxa) xaggan Soomaaliya gaar ahaan gobolada nabadda ah iyadoo lagu soo aaddinayo dad ay qaraabo ama asxaab yihiin. Taasi waxay keenaysaa inay isbartaan dhallinyaro wanaagsan oo guur-doon ah weliba aad baa loo jecel yahay hablaha ku koray Khaliijka. Anigu waxan joogaa Hargaisa oo gabadha ka timaada Khaliijka dhulka uma dhacdo!
    Markaa, waalidiinta, fadlan hadal wax ma taree ficil sameeya oo dhallinyarada badbaadiya.

    Dhallinyarada waxan leeyahay hadday waalidkiin idin dayaceen idinka miyeydaan caqli lahayn ma waxa ka liidataan hablihii hore ee “heermi” jiray markay degaankooda guur ka waayaan, waayo waxay ka cararayeen GABOW IYO GOBLAN. Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa: NIN HABEEN OGI, MAALIN MA HADHSADO!

  4. C.C. MUSSE says:

    Marka hore haddaan qiimayo qoraalka,… waa mid lagu caajisaayo,dadka wax qorana ma jecla qormooyinka caynkaas ah,waayo ujeedadii ayaa ku dhex dhumaaysa,tan kale waxaa mugdi ku jiraa somalinimada wadaadka maqaalka qoray,lama baxno magacyada,ABU iyo wixii lamid ah ay ka horeeyaan oo tilmaamaya in ninkaasu dhalay wiil …ujeedada guud maqaalku waa wacnaanta dhex,DIB udhaca ku yimi guurka qolyaha deggan KHALIIJKU waa arin la xidhiidha ka raja dhigida mustaqbal wacan waxayna la qaybsanayan dhammaan bulsha waynta Somaliyeed meel ay joogaanba

  5. Hassan says:

    Asc dhamaan akhyaarta. Salaan ka dib Hanad waad ku mahadsan tahay qoraalkaaga inkastoo intii ugu muhiimsnaeed aad ka dhigtay af qalaad calaa kulli xaaal shukran. Dhinaca kale waxaan ku raacsanahay Hanad in qoraaga qoraaladiisa ay xambaarsan yihiin xog ogaalnimo iyo xiiso gaar ah aad ayaan aniga u xiiseeyaa, waa nin soomaalinimada ku weyntahay waa nin sid aacad ahaan wax u qora, horaa loo yili wixi qalbi ka yimaad ayaa qalbi akle gala.
    Midda guurga culesskisaa waan fahmi karaa khaliijka lkn kuwa yurub joogo ma fahmin, aniga yurubaan joogaa waan guursaday wax guur igu dhibana ma arag. Waa joogaan gabdho guur doon ah raba kaliya in cidda loogaga duca qadao bas lkn waa gabdhaha hada soomalaiya ka yimid adinkana waxaad rabtaan gabadhaha waxbartay sidiina oo kale. Taasi ayaa keenesa in tan wax baratay ee dhaqanka yurub la qabsatay ay fiirsato aroos iyo waxaan loo joogin lkn gabadha hada dalkii ka timid waxay diyaar u tahay nin dhaqdo waxay kaloo rabtaa inay cideeda niyada ugu dhisto inay guursatay, maadaama ay amainsan yihiin waalidkeeda in yurub lagu halaabo. Marka gabdho yurub waa joogaan ee raadsada ha fiirinina kaliya kuwa yurub wax ka bartay ee la qabsaday nolosha yurub.
    ka raali noqda hadaan si qaldan wax u qoray. waad mahadsan tihiin qoraaygana waan u mahad celinaa.

  6. asc walaalken abu zuhri aad ayaad u mahadsantahay runtii waa xaqiiq jirta in arinka guurku adagyahay marka la fiiriyo dhamaan wadama khaliijka,kumana koobna soomaalida oo qura waxaana la arkay oday gabadhiisa guurkeda udiiday mushaarka eey qaatado oo kaliya! ninka gabadha guursanlahaana uu leeyahay anaa kuu la diyaara intaa kabadan bilkasta jwbtii odayguna wexey noqotay maya kuma aamini karo ogoow ma aha waxa lagu aamini la,yahay gabadha nafteda ee waa mushaarka oo kaliya! taasna waxaa laga dhaxlay gabadhii iney dhaafto sinnu zawaaj ka dibna iney ku biirto alcawaanis ama guumeys noqotay sida somalidu taqaan. intaa waxaa ka daran wiilkii albaabka laga celiyay

  7. Yahye Mohamud says:

    Walaalayaal ciladu meelkale haka dayina. Ciladu waa aabayashi oo gabay masuuliyadi Eebe saaray. Arintu waxay ka quruntay ragi oo xilka (qawamadi) guriga ku wareejiyeen haweenki. Gabari marki la soo doono aabaheed ku oran mayo anigu waan aqbalay ee gabadha hadaad is fahantaan waa idiin dhameynayaa ee waxay badankood waxay kugu jawabayaan waan soo tashan oo macnaheed yahay “waa soo idan qaadan”. Hadii hawsha dhinaca guriga kasoo dhamaato waxaa marlaab xujo lagaga dhigayaa arooska waa in laga dhigaa sida walalkay uu noo sheegay aroosyada ay dhigtaan qadariyiinta.

    Madaama ninka gabadha soo doonay uu yahay nin dhalinyaro ah awood uma lahan dhaqaale lagu dhigo aroosyada qadariyiinta. Arintan waxay keentaa halkaa in gurigi dhismirabay sheekadiisa ku dhamaato.

    Ninki dhalinyarada ee marki hore lagu kalifay dhaqaalo 5 sano goor ay soo wareegto waxaa suura gal inuu yeesho dhaqaale fiican uu ku dhigo aroos qadari ah. Madaama dhaqaale farabadan laga qaadayo wuxuu markaan diyaar u yahay inuu xulasho sameeyo oo raadsado mid waliba mida ay ka cajiibsantahay maadaama meesha suuq isku badeshay waxayna u badantahay inuusan guursan gabadhi hore madaama da’adeeda ku siyaaday 5 ama lixsano.

    Dumarku sidoodaba da’ada ugu fiican ee lagu guursado waa qaangaar ilaa 25. Hadii aabihi hawshii gabay hooyadina gabadha dhashay ay gabadheeda ka dhaadhicisay hooyo wax baro nin la iskuma haleeyee maxaa keenay baroota dambe. Goorti lawada rabay gabadhan oo la daba ordayey soo tii ragga oo dhan la xujeeyey.

    Waxaan ku soo gabagabeynayaa anigoo ah aabo dahalayna 3 gabdhood in aabayaashi kaalintooda ka soo baxaan dhalintana u fududeeyaan guurka oo wax badan lagu xijeyn hadii kale wax badan waad baroorandoontaan.

  8. Sac ninkii lahaa uu seynta kaga fadhiyo ma istaago!!(inta nin reer yurub joogo lala rabo gabar khaliijka joogto way dhib badnaanaysaa maaxaa yeelay kuwa reer yurub ayagaaba is guursanin. waxaa fiicneed in gabadha qofkastoo diinleh oo reer dhaqaal rabo in albaabka loo furo waliba qof mas’uuliyada qaadi karo oona awoodi karo meherka yaamacshara shabaab manistadhaaca minkumul baa’ah fal yatazawaj(Alle ayaa riziqa kafaala qaaday)As.c

  9. Yacquub says:

    Asalaamu caleykum
    Marka hore Ilaahey ayaa mahad iska leh, Walaal qoraalkaage aad ayaan ula dhacay waana ku mahadsantahay. Soomaali hadaan nahay yurub iyo adoonka gees walba oo ka joogno dhibaatadaan waana heysataa. Aniga waxaa ahay Graduate ku nool UK. 5 tii sano oo lasoo dhaafay waxaan ahaa guur doon jecel soomali inuu guursado, laakiin hada waxey iga maree inaan ajaanib iska guursado sida soomaalida guurka u adkeeyeen awgeed. Gabdhihii iyo Wiilashii ayakoo single ah ayey buuxaan UK laakiin waalid u istaagay arintaan ma laha. Hooya kasta gabadheeda arooskeeda bey hortaagan tahay waa la yaab. Hada 25 ayaan jiraa meeqo sano ayey qaadan doontaa inta aan ka helaayo mid ilaaheey taqaan, Lama oga taasna waxey keentay in dhalinyaradii guurka iska iloobaan. Hooyooyinkii gabdhaha waxey keeneen in arooska la isugu faano. Gabadhii aan hotel weyn aroos loogu dhiginna la caayo. Oo la leeyahay naa ma wecel baa sidaa. Waa arin yaab leh. Arooskii business ayaa laga dhigay taasna waxey keentay furiin badan. Somaali ilaahey hasoo hanuuniyo, dhibaatadaanna Allaha ka dulqaado.

  10. dulmidiid says:

    Asc Ustaad Shukran jasiilan. Runtii waxaad
    xoog ogaal u tahay dhibaatooyinka ka jirta qurbaha
    loona baahan yahay in la iska kaashado.
    waxaan mar la kulmay wiilal dhalin yaro ah oo jaamacada sare kasoo baxay oo shaqo fiican
    heeysta ayaa halkaan kula kulmay mid walba markii aan weeydiyey
    guur la,aanta maxaa kugu wacan? wuxuu iigu jawaabay
    labo arrin ayaa na hortaagan 1 ma jirto meela lagu kulmo
    2 gabadha oo heeysta too high expectations.

  11. asc walal waxaan ahayn arday waxkabarta macaahida wadanka yaman qaab qaxotina ku jooga wadanka waxaan aad uga naxay xaalada dhabta ah ee aad kahadashay waxaana ugubaaqi lahaa somali ku dhaqan wadamakhaliij gaar ahaan dhalinta inay soomaalinima ilaaliyan guurkana ay kudegdegaan markay waxbartaan walalaalahoodna ay daboolan cawradooda

  12. ckhxy says:

    walaalkeen waxa uu meesha anaa marqaati ka ah in ay saxyihiin 100%.
    ku nool khaliijka

  13. Hanad says:

    Inkastoo aan ka mid ahay dad badan oo aan akhrinin qoraalada Soomaalida, hadana qoraalada walaalkeen Adam aad baan ula socdaa. Sababta aan qoraaladaada u akhriyo:

    Waxay inta badan ka hadlaan xaqiiqda dhabta ah ee haysta dhamaan shacabka Soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan. Anigu waxaan ahay graduate student oo degan dalka Maraykanka, inta badan waxayaalaha aad ka hadashid waa wax kusaabsan nolosha runta ah ee shacabka Soomaalida.

    Burbur ku yimid xaga nolosha, faham-daro naga haysta nolosha iyo dhamaan musuqmaasuq baahsan (Wide spread cultural and religious corruption) oo xaga dhaqanka ah iyo Diinta ah, waxay sababeen dhibaatooyin ay ka mid yihiin kuwa aad xustay. Inkastoo dhibkan uu haysto dhamaan umadaha ku nool wadamada carabta gaar ahaan ku dhaqaalaha liita, sida Masar oo kale, hadana Diin ahaan Shacab wada single ah waa dhibaato aad u wayn oo cawaaqib xumo u keeni karta shacabka. Waxay arintaanu fududaynasaa fasaahaad xaga dhaqanka iyo caqiidada ah oo ku yimaado shacabka. Sida kaliya ee looga badbaadi karo waa Waalidka, Culumada diinta, iyo wax garadka oo dareema cawaaqi xumada ay keeni karto arintaan. Sidaasna ugu kaco siday wax uga qaban lahaayeen.

    Intaa kadib, nasiib darada ugu wayn ee na haysto hadaan nahay shacabka Soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan waxay tahay, waxaan dhamaanteen hostage (la hayste) u nahay caadifad QABIIL. Haday noqon lahayd, Culumaa’udiin, Wax garad, Aqoonyahan, Uruurada Bulshada, Arday, Siyaasiyiin, dhamaan hal hay’ad ama inistitution oo ka badbaaday Cudurkana qabiilka ah ma jirto. Taas waxay sababtay in aan dhaqan ahaan, horumar ahaan, luuqad ahaan, diin aahaan, iyo wax walba oo bulsho lagu cabiro ay naga burburaan ama naga dhumaan.

    Umadi waa inay leedahay hal wax oo midaynkara, taa hadii la waayo, waxaa dhacayso in umadaas ay noqoto sidii Tusbax la furay oo kale. Dhibaatada kale een arkay oo umadaha kale aad moodo inay ka badbaadeen waxay tahay. Shacab ahaan ma lihin (at least for now), wadanino, ma jirto xiriir adag oo aan la leenahay wadankeena ama dhulkeena. Taas waxay fududeeynasaa in kuwo badan oo inaga mid ah ay iska babaa’aan. Waxaan marar badan is waydiiyaa:

    Why can’t we treat ourselves the same way we treat other foreign communities? And why can’t we apply to ourselves the same universal standards that entire world enjoys? Despite our ills, hunger, draught, and manmade tragedies and anarchy, what makes us less of human being? What makes us believe that Somali person is not entitled to God granted individual rights? Why don’t we feel for our pain and suffering the same way others do? What makes us believe that our brother’s and sisters don’t deserve to be respected? And most of all: Why is it hard for us to understand the concept of peaceful coexistence? These questions and many more hunt me every time I read something about Somalia in the news. For how long are we going to be in this self-induced comma? When are we going to wake up, and how much pain and suffering it will take for us to wake up. In other words, what is our suffering threshold, and how much humiliation should we endure before we finally say ENGOUH!. Hope is my last sanctuary that I have, and it keeps me move forward in the maddest of confusion and chaos. INSHA ALLAAH one day, we will be able to wake up from this deep darkest dream in our history, and we will restore our dignity and bride once again.

    Waa markii iigu horeysay ee qoraal noocan oo kale aan qoro. Fadlan ka raali ahaada qoraalka dheer iyo wixii xadgudub noqon karo.

    Mahadsanid

    Hanad
    Minneapolis, MN

  14. af-macaane says:

    as. waa qoraal wanaagsan, laakiin magaca qoraaga ayaaba soomaalinnimadu ku dhedhen yar tahay, mida kale intaad dadka soomaalinnimo guurka ugu waanin lahayd waxaa igala saamayn badan inaad xaga diinta ka soo gashoo, wax uga sheegto guurka iyo halka uu islaamka ka joogo.’
    si kastaba walaalaky waa uga mahadcelinayaa qoraalkiisa.

  15. qurbaabi says:

    Salaamu calaykum w.w.w. Salaan kabacdii hadaan fikarkayga ku aadan guurka jaaliyada soomaaliyeed ee khaliijka amaba hadaan iraahdo soomaalideena..

    Sidaanu ula wada socono hadaynu soomaali nahay duruufaha aduunyadu waxaad moodaa inay inteena badan ay wada haystaan waloow umado badan ay inalawada qabaan balse waxaad moodaa inay inaga inagu badantahay dhibaadatad aduunka kajirta miday doonto hanoqotee..

    Haddaan siidhexgalo fikarkaygan waqtigan xaadirka ah waxaynu uwada badanahay umad wada saboola anigoon siikala dhigdhigayn saboolnimada waxaan ku koobayaa waxaynu nahay umada wada xaal mastuura ..

    Marka arinka guurka iyo caruur badan dhalida iyadoo taas ilaah ay ugaartahay oo xiliguu idmo ay dhismaayo guri soomaliyeed oo soo kordha ama caruur soomaaliyeed oo dhalata waloow ay dadaalkuna meesha kamarayn,, balse waxaa marka hore larabaa inuu qofkan uu kasoo bixikaro waajibka uu leeyahay guurka amaba rer dhaqashada mid nafaqo iyo midkaleba..

    Aniga kama soo horjeedo guurka oo yaal qalad loofahmin balse masuuliyada guurka iyo xiligan aynu joogno oo daruufuho adagi kajiraan dunida oodhan waloow soomaalideena intooda badani xaal mastuur iskaga noolyahay balse markaad xaas iyo guri yeelato masuuliyad ku korayso tii aad ku jirtay maahee mid kale dadkeena qurbaha jooga iyo kuweenan soomaaliya joogaba nolosha way wada karisay marka ilaahoow dhibka iyo dawlad la aanta nagasaar… aaamiin . walaal kayga maqaalkan soo qoray waad ku mahad santahay …

  16. Mohamed says:

    Salaanta islaamka kadib………
    waxaan ahay arday Soomaaliyeed oo dalka MALAYSIA wax ku barta qoraalada uu soo qoro walaalkeena Adam Abuzuhri Al-Hasani aad ayaan ula socdaa.
    walala waad ku mahadsantahay xaqiiqo ka hadalkaaga
    arin fiican ayaad taabatay gaar ahana dhalinyarada meesha ku nool u fiican.
    MAHADSANID