Home » Warar »

“Dawladda TFG waxay xor u tahay siyaasadeeda in ay maamusho” Waraysi Wasiirka Gaashaandhigga DFKMG

Wasiirka Gaashaandhiga DFKMG Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo aan waraysi kula yeelanay magaalada Jabuuti oo booqasho ku yimid ayaa sheegay in “Dawladda TFG ay tahay dawlad xor u ah in ay ayaaheeda maamusho oo ka taliso aayaheeda, shacabkeedana maamusho oo xor u ah in ay siyaasadeeda maamusho”.

Waraysiga oo dhamaystiran halkan ka dhegeyso

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/gaashaan_dhigga1.mp3]

Wasiirku waxa uu waraysiga kaga hadlay in dhibaatooyinka Soomaaliya soo gaaray ay qayb weyn ka ahayd burburkii ay ku dhacay ciidamadii dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in xukuumadda hadda jirta ay ku dadaaleyso sidii dib loogu dhisi lahaa ciidanka, isla markaasna la siiyo mushaharka, lana daryeelo askarta ay soo gaaraan dhaawaca iyo bukaankooda iyo in kuwa dhinta reerohooda la daryeelo oo mushaharkii sidoodii loo siiyo. Waxana uu muujiyey in maamuladii hore aysan muhiimad weyn siin ciidamada, isagoo sheegay in ay arrinta dib u dhiska ciidanku ay u baahan tahay waqti oo ay hadda dhigayaan aasaaskii.

Markii aan weydiinay in dhibaato weyni ka jirto xagga badda Soomaaliya, Cabdixakiim Fiqi waxa uu sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay u dhisi lahaayeen ciidamadii badda, isagoo muujiyey in ay wadahadal u socdaan dalal arrintaas ka caawinaya.

Caqabada hortaagan arrimaha badda Soomaaliya in wax laga qabto waxa ka mid ah in aysan jirin imkaaniyaad ku filan iyo nabad gelyada dalka oo aan sugnayn, ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga DFKMG.

Wasiirku waxa uu qiray in dhibaatada Soomaaliya ay qayb ka tahay faragelinta kaga imanasa shisheeyaha ama bannaanka.

Waxa kale oo uu ka hadlay kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda xukuumadda FKMG oo uu ku tilmaamay in ay u adeegaan kooxo shisheeye oo doonaya in ay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig (base).

Waraysiga oo dhamaystiran halkan ka dhegeyso

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/gaashaan_dhigga1.mp3]

Sidoo kale dhegeyso Waraysi Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFKMG

Waxaa waraysiga qaaday:

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " “Dawladda TFG waxay xor u tahay siyaasadeeda in ay maamusho” Waraysi Wasiirka Gaashaandhigga DFKMG "

  1. Cumar says:

    Asc,
    Afeefteyda hore waa inaan shaYoolkeyga qof gaar ah maha, balse cinwaanka maqaalka ayaa i wacay. Erayo aan ku cabbiraana wey igu adkaatay laakiin sawir baa ii soo baxay oo sidaan ah: Farxshan ayaa sawir feegaar ah midabeyay uguna magac daray GOLEYAAL XUKUUMADEED, markaa ayuu muraayad hor dhigay deedna qaar baa humaaggii jaceyl ba’an u qaaday.
    Dadka markuu karaama seegayo xishoodka ayuu seegaa, xaqa , baadilka xalaasha iyo xaaraanta kal sooci waayaa! sida mucaaradka hubeysan ee diiday culimada waaweyn ee aqoonta diineed ehelka u ah, ama kuwan kale e hummaaggu waalay, yaa dal iyo dad u damqanayaba? Aaway qaranka, xukuumadda iyo dawladda Soomaliyeed ee xorta?