Home » Warar »

Dad shacab ah oo si sharci darra ah ay xukuumadda Jabuuti ugu gacangalisay Itobiya.

Warsaxaafadeed JWXO 3dii Febraayo, 2011

Warsaxaafadeed ay Jabahadda Wadaniga ee Xoreynta Ogadenya soo saartey 3exdii Febraayo 2011 ayay caalamka ugu sheegtay in xukuumadda Jabuuti iyo nabadsugidda Itobiya oo is-kaashanaya ay hab argagixisnimo ah oo u dhigma nidaamkii booliiska Nazi-ga ee Gestapo ugu qaadeen olole si sharcidarra ah ay ugu soo qabqabteen dad qaxooti ah oon ka yareyn 100 qof oo si sharci ah ku daganaa dalka Jabuuti ka dibna ugu dhiibeen gumaysiga Itobiya.

Ololahan oo bilowday 20kii Janaayo 2011 markii ay booliiska Jabuuti oy wehliyaan saraakiil ka socota nabadsugidda Itobiya ay weerareen in ka badan 30 guri iyo meelo kaloo meherada kala duwan ah, waxay mujrimiintaa isu-tagay si qasab ku soo qabqabteen dad shacab ah oo ka soo jeeda Soomalida Ogadenya. Dadkaa ayaa lagu ururiyay xero ciidanku leeyahay oo daraf kaga taala magaalada Jabuuti ka dibna intii gawaadhi ciidanku leeyahay la saaray 23kii bishii Janaayo loo sii qaaday meel ka mid ah gudaha Itobiya oo aan la garanayn.

Ilo wareedyo ka tirsan nabad-sugidda Jabuuti waxay noo xaqiijiyeen in toban ka mid ah dadkii la qabqabtay u dhinteen jidh dil intii ay Jabuuti ku xidhnaayeen halka intii ka soo hadhay dadkii shacabka ahaa aanay xataa eheladoodii ilaa hadda ogayn meel la geeyay. Waxay olalahan qab-qabashada ah ay ku bartilmaan-sanyeen booliiska Jabuuti si isir raac ah oo qorshaysan dadka ka soo jeeda S.Ogadenya.

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya waxay isku dayday in arintan lagu xaliyo si diblomaasi ah, hasa ahaatee xukuumadda Jabuuti intii ay sixi lahayd fal-dambiyeedkeeda, waxay si xishood darri ah isugu dayday inay shirqool been ah u alifto dadkii ay dhiibeen ee qaxootiga ahaa iyagoo damiirkooda ku qancinaya, qaanuunka caalamiga ahna ka been sheegaya.

Nidaamka Jabuuti wuxuu jabiyay miithaaqii Afrika u yiilay iyo Cahdiga Caalamiga ee ku saabsan xuquuqda qaxootiga, iyagoo falkan ay kula gorgortameen Itobiya ay xukuumadda Jabuuti u dhaqantay hab masuuliyad darro iyo qar-iska tuur ah. Waxaan shaki ku jirin in dadkaa ay xukuumadda Jabuuti u dhiibeen Itobiya la marin doono jidh dil iyo ciqaab.

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya waxay cambaareynaysaa fal-dambiyedkan waxashnimada ah waxayna ugu baaqaysaa mujtamaca caalamka inay xukuumadaha Itobiya iyo Jabuuti kula xisaabtamaan fal dambiyeedkan.

Waxay Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya 16kii sanee la soo dhaafay faraha ka laabatay qaar ka mid ahaa danaheeda istraatiijiga ah say u ilaaliso qaranimada iyo amniga Jabuuti iyo xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada shacab ee Jabuuti iyo Ogadenya. Hasa ahaatee wuxuu falkan si dhab ah u muujinayaa inaysan xukuumadda Jabuuti qiimaynin xidhiidhka sokeeyenimo ee ka dhexeeya labada shacab.

Sidaa darted, fariinta ay JWXO gaarsiinayso xukuumadda Jabuuti waxaa weeye ugu horeyn inaan halganka shacabka S.Ogadenya lagu curyaamin karin siyaasadahan marinhabowsan ee xukuumadda Jabuuti ay kula dhaqantay qaxootiga. Falka noocan ah wuxuu sii kordhinayaa un hamigii iyo mintidnimadii shacabka Ogadenya say u sii wadaan halgankooda xaqqa ah.

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya.

Email:onlfpress  @  onlf.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dad shacab ah oo si sharci darra ah ay xukuumadda Jabuuti ugu gacangalisay Itobiya. "

  1. Mohamed Haji says:

    Mudane Madaxweyne, waxaad ogaattaa in aad taariikhda meel mugdi aad ka gali doontid, wanaagaaga abdan ee aad Soomalida u sameysanna uu maanta qattar ugu jiro in uu daboolmo, oo ay xumaantaada ka sara marto. Fadlan dhowr xuquuqda aadanaha, tan walaaltinmo. Mas’uul baad tahay!.