Home » Warar »

Xildhibaan Cawad Axmed Casharo “Ninka ka hor yimid go’aankii Baarlamaanka waa nin aan dooneyn in Soomaaliya ay dowlad noqoto”

“Talyaaniga Qaylinaya oo iska dhigaya Dowlad ka Naxaysa Shacabka Soomaaliyeed ma midkii Baddeenna ku shubey Sunta”…

Xildhibaan Cawad Axmed Cashara oo ka mid ah Baarlamaanka Dowladda Federaalka oo shir jaraa’id ku qabtay maanta  Hotel Ambassador ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qaylo dhaantii dhawaan ka soo yeertay Beesha Caalamka ee ay ku diidanaayeen kordhisashadii muda saddexda sano ah ee Golaha Baarlamaanka kordhistay, waxa uuna sheegay in Baarlamaanku uu astaan u yahay Dowladnimada Soomaaliya isla markaana qofka ka horimaanaya go’aankaasina uu yahay qof aan dooneyn in Soomaaliya Dowlad noqoto.

Cawad  Axmed Cashara oo ka hadlayey dhibaatooyinka haysta shacabka Soomaaliyeed ayaa waxa uu yiri “Wadamada Deriska nala ah waxaa ka buuxa jeelashooda dad soomaali ah, fiiriya dadka maalin walba ku dhimanaya badaha, saxaraha, jeelasha, iyo kuwa barakacayaasha ah ee qaxootiga ku ah wadamada deriska ah, dhibaatadaas waxaa abuuray beesha caalamka oo aan dooneyn in Soomaaliya ka baxdo dhibaatada”.

Xildhibaan Cashara ayaa hadalkaas sii raaciyey “xiligii Caydiid waxaa la go’aansaday in Caydiid laga dhigo hubka balse Mareykanka ayaa diiday, qabqablayaashii dagaalka iyana in hubka laga dhigo waxaa diiday Mareykanka, marka Mareykanku ma rabo in Soomaaliya marnaba ay degto”, waxa uu intaa ku sii daray “Beesha Caalamka iyada ayaa soo jeedisay in  Baarlamaanka Soomaaliya laga dhigo 550, waxaana u sheegnay in Soomaaliya qaadi Karin 550 Xildhibaan balse sanka ayay naga geliyeen waxayna ujeedadoodu ahayd in Soomaaliya qas ku jirto”.

Xildhibaan Cawad Axmed Cashara  ayaa markii uu ka hadlayey dhibaatada ay beesha caalamka u gaysatay Soomaaliya waxa indhihiisa ka soo daadatay ilmo, isagoo sheegay in beesha caalamka ballan qaadeen in ay bixinayaan mushaaraadka ciidamada, isagoo sheegay in mudo sanad ah Ciidamada Soomaaliya aysan helin mushaarkooda, sidoo kale waxa uu sheegay in Hay’adda WFP ay keentay cunto dhacday oo uu sheegay in lagu baabi’iyo ummadda Soomaaliya. “Anagu waxaan xoriyad qaadanay 1960-kii ee ma ahan in wax walba naloo yeeriyo, Talyaaniga maanta qaylinaya ee dhaha Baarlamaanka xili dheeraad ah kuma darsan kara waxa uu ahaa kii badaha Soomaaliya suntan ku shubay, isagoo ka faa’iideysanaya dowlad la’aanta Soomaaliya, maanta oo ay Soomaaliya dowlad heshayna waxa uu doonayaa in uu lugta ku dhifto dowladnimada yar ee hadda jirta”.

Xildhibaanku waxa uu tusaale u soo qaaday wadanka Kenya oo markii ay qalalaasuhu ka dhaceen ay u soo gurmadeen Mareykanka iyo Yurub iyagoo fulinaya danaha gaarka ah ee ku leeyihiin dalka Kenya, marka waxaan u soo jeedinayaa shacabka Soomaaliyeed in ay dantooda gartaan una kacaan sida ay maanta qaar ka mid ah wadamada Carabta u kaceen”.

Cawad Axmed Cashara mar uu ka hadlayey arrimaha Puntland waxa uu sheegay in Puntland ay weligeed ahayd mid u taagneyd midnimadda Ummadda Soomaaliyeed isla markaana waxay ka tabanayaan Dowladda Soomaaliyeed waxaa ka qancin doona Baarlamaanka Soomaaliya ee waa inay u kacaan sidii Soomaaliya ay dhibaatada uga bixi lahayd.

Ugu dambeyn Xildhibaan Cashara waxa uu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu yahay midka qura ee ka haray astaankii Qaranka Soomaaliyeed waxa uuna yiri “cidna ka yeeli mayno in Baarlamaanka la kala diro, waayo waxaa laga soo maray dhisitaankiisii dhibaato badan , marka waxaan leeyahay kuwa cabaadayow candhuuftiina dib u liqa”, sidaas oo kale waxaa isna hadlay xildhibaan  Suleymaan Maxamed Cali oo isna ku mawqif ahaa Xildhibaan Cawad Axmed Cashara ayaa waxa uu caddeeyey isla markaana afka ku dhiftay in beesha caalamka aysan dooneyn in Soomaaliya ay dhibaatada ka baxdo isagoo u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed in ay ka tashadaan danahooda.

Dhawr beri k ahor ayey ahayd markii IGAD sheegtay in loo baahan yahay in waqtiga loogu daro baarlamaanka DFKMG, waxaa xigey in durbadiiba ay xildhibaanadu waqtiga ku darsadeen 3 sano, waxaa arrintaas dambe kordhisa degdegga ah ka hor yimid beesha caalamka oo ay ka mid tahay Qarammada Midoobey.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Xildhibaan Cawad Axmed Casharo “Ninka ka hor yimid go’aankii Baarlamaanka waa nin aan dooneyn in Soomaaliya ay dowlad noqoto” "

  1. Puntland says:

    “Wadamada Deriska nala ah waxaa ka buuxa jeelashooda dad soomaali ah, fiiriya dadka maalin walba ku dhimanaya badaha, saxaraha, jeelasha, iyo kuwa barakacayaasha ah ee qaxootiga ku ah wadamada deriska ah, dhibaatadaas waxaa abuuray beesha caalamka oo aan dooneyn in Soomaaliya ka baxdo dhibaatada”.

    Cawad waxuu ka tagay “shimbiraha gaajadu leeysay, xuquuqdii kaluunka oo aan la ansaxin, aroosyada oo qarash badan ku baxaan, filimo hindi ah oo fiican oo aan wadanka soo gaarin iyo federationka(bariis iyo baasto) oo aan maqaayadaha qaar eey joojiyeen.”

    Cawad waxuu ilaaway in shaqada uu qabto mushahaarkeeda eey beesha caalamku bixiyaan. Aduunku ma awoodo in eey 550 midkiiba siiyaan $2000 bishii, iyagoo hoteelo jiifa. Hadeey yiraaydeen, tii horaan qaati ka joognaye, sedex sano oo hor leh kama bixi karno, mana aqbaleeyno xaq beey u leeyihiin.

    CAWAD YOU ARE FIRED!!!!

  2. cabey says:

    Cawad riyadda uu riyoonayo haka baxo, beesha caalamka way diiday kordhinta sedexda sano hadii ay ka dhaga adeegaan xildhibaanada baarlamaan waxay u danbey maamul gobeleedka banadirlad inay noqdaan.

  3. somali jecel says:

    salaama caleykum barlamanka somaliya hadii la kala diro wax aan qasaaro aheyn ka faa’idi mayno sababtoo ah 20kii sano marba meel ayaa shir noogula qabanayay si aan dowlad nimo u gaarin maanta baarlaman waa leenahay oo ay iska arkaan somali oo dhan baarlamanka soomaliya isagaa maanta u taagan astaanta somalida

  4. Ordaaye says:

    Sidaan dhawr goor hore ku tilmaamay burcaddaan sharciga haysata ilaa la kala diro wax nabad ah kama imanayaan Soomaaliya. Taladaasna runtii waa meel mar ah. In la diido kuwaan kuwo la mid ahna aan lsa ogaalaan ayuu caqli wanaagsan keenayaa.

  5. Ali says:

    Aniga waxaan qabaa baarlamaanka hadda jira wax dan ah uma hayo shacabka somaliyeed waxaa haboonayd in xildhibaan kasta uu dib ugu laabto beesha uu matalaayey si ay go’aan uga gaaraan cida ay u dooranaayaan xildhibaanka uga qayb gelaaya baarlamaanka .

  6. Magan says:

    Aniga waxay ila tahay Cawad Casharo xaqiiqada ayuu ka waramay Somali waa inay iyagu isku tashadaan oo aanay waxba ka sugin Beesha caalamka waayo Beesha caalamku waxay doonayaan inaan ku meelgaar laga bixin oo mustaqbalkana la kala qayb qaybiyo somaliya oo dhan sida meelaha qaar hadda ka taagan. Markaa walaalayaaloow waxaa haboon inaanu isku tanaasulno oo aanu somaliya dib u soo celinaa anagoo ilaahay kaashanayna dadnimana is ka raadinayna kana tagnaa cudurka kansarka ka daran ee nakala geynaya (QABIIL)

  7. shire says:

    xil cawad waa ninkii shalay lahaa anagoo reer hebel ah dowladda waa diidnay maanatana soomaalinmo naga dhaadhicinaya most of mbs are like this shame on them