Home » Warar »

Daladda SOSCENSA oo soo Gabagabeysey Kulan la tashi ah oo ku saabsan Dastuurka Qabyada ah

Daladda jilayaasha aan dowliga ahayn ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya (SOSCENSA), ayaa maanta oo Khamiis ah kusoo gabgabeeyay hoteelka Ambassador ee Muqdisho, kulan wadatashi ahaan oo ku saabsan qabyo-qoraalka dastuurka Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Dallada SOSCENSA, C/qaadir sheekh C/llaahi Colow oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in kulanka ay kasoo qaybgaleen 60-qof oo ka kala socday ururrada blushada rayidka Soomaaliyeed, ganacsatada iyo xirfadleyda kana kala yimid 11-ka gobol ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

“Kulankan, waxaan uga doodnay qabyo-qoraalka dastuurka, iyadoo kasoo qayb-galayaashu ay si qoto dheer qodob-qodob ugu akhriyeen dastuurka qabyada ah, iyagoo soo bandhigay fikradahooda ku aaddan qaybyo-qoraalka dastuurka,” ayuu yiri Colow oo shir jaraa’id qabtay.

Qodobbada ay sida aadka uga doodeen ka qaybgalayaasha kulankan, ayaa waxaa ka mid ahaa: qodobka ka hadalaya federaalka, midka ka hadlayay xubnaha ay dumarku ku yeelanayaan dowladda iyo qodobka garsoorka.

“Waxaan si dhab ah indhaha ula raacnay dastuurka, innagoo ka raadinay daldaloolo, qodobbo aan bulshada Soomaaliyeed ee islaamka u cuntamayn iyo inuu waafaqsan yahay xeerarka caalamiga ah, kaddibna waxaan u istaagnay sidii loo sixi lahaa,” ayuu yiri xoghayaha SOSCENSA.

Muddadii afarta maalmood ahayd ee ay dooddu socotay, ayay xubnihii ka qaybgalay waxay soo bandhigeen qodobbo muhiim ah oo qaarkood ay soo jeediyeen in laga saaro gabi ahaan qabyo-qoraalka dastuurka, qaarkoodna waxay soo jeediyeen in wax laga badalo iyadoo u fiirinayay caqiidadooda.

“SOSCENSA, waxay ballanqaadaysaa in talooyinkii kasoo baxay kulankooda ay la wadaagto dadka ay khuseyso, isla markaana iyadoo qoraal ah aan gaarsiinno guddiga madaxbannaan ee dastuurka IFCC – Indepedent Federal Constitution Commission,” ayuu yiri xoghayaha guud.

Mr. Colow wuxuu kaloo sheegay in SOSCENSA, ay dhawaan bilaabi doonto wacyi-gelin ku saabsan qaybo-qoraalka dastuurka, isla markaana ay soo ururin doonaan fikiradaha shacabka Soomaaliyeed

Warsaxaafadeedka SOSCENSA ay soo saartay, ayaa lagu sheegay in kulanka ay fududeeyeen laba khabiir oo dhinaca sharciga ku takhasusay, kuwaasoo kala ahaa Prof. Xirsi Xaaji Culusow iyo Cabdalla Maxamed Macallin oo iyagu soo ururiyay qodobada ugu muhiimsan ee ay dadku su’aalaha badan iska karaan.

Dhanka kale, xubnihii kulanka SOSCENSA ka qaybgalay ayaa iska ururiyay lacag gaaraysa 1,000-doollar ay ku kaalmeynayaan dadkii ku dhaawacmay rasaastii ay dhawaan ciidammo ka tirsan dowladda Soomaaliya ku fureen dad rayid ah oo ku sugnaa isbitaalka Banaadir

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.