Madaxweynaha DFKMG Xilkiisa oo la sheegey in uu ku eg yahay bisha Ogoosto
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo waqtiga loo Kordhinayo inta ka horeysa labaatanka Bishaan
Iyadoo dhawaan Wadamada la isku yiraahdo IGAD ay sheegeen in loo baahan yahay in Baarlamaanka soomaaliya loo kordhiyo Xilliga uu jiraya ayaa waxaa arrintaa si weyn u soo dhaweeyey Xubnaha Baarlamaanka hase yeeshee dhinaca Bulshada marka la fiiriyo Waxay kuu sheegayaan in haddii Baarlamaanka loo kordhiyo Xilliga ay tahay in Beesha Caalamka ay doonayaan in soomaaliya ay sidaa ku sii jirto waxaana dadka soomaaliyeed buuxsamey 20 saanoo oo bur bur ah iyo dagaalo aan dhamaad lahayn
Beesha Caalamka oo arrinkoodu yahay Qawda Maqashii waxna ha u qaban ayaa waxay doonayaan in Bishaan Feberaayo inta aysan dhamaan ayaa lagu wadaa in beesha Caalamka ay waqtiga u kordhiso Xilliga uu jirayo Baarlamaanka oo markii hore ku yimid qaab qabiil iyo qabqable dagaal waxaa la isla dhexmarayaa in la doonayo in loogu darro Muddo Sadex sanno ah iyadoo sanadahaas loo qaybiyey laba sanno oo gogolxaar ah iyo hal sano oo lasoo bandhigayo Dastuurka Soomaaliyaad iyadoo wixi xilligaa ka dambeeya la qaadi doono afti hase yeeshee Shacabka si aad ayey u diidan yihiin Dastuurkaa oo ay sheegeen Qabyadiisa ay ku jiraan wax soomaali aysan rabin
Xildhibaanada qaar kamid ah ayaa sheegey sababaha Bishaan loo kordhinayo Xilka Golaha Baarlamaanka ayaa ku macneeyeen in ay tahay axdiga Ku meel gaarka uu dhigayo in Baarlamaan u harsan tahay lix bilood uusan shaqeyn Karin isla markaana uusan go’aan gaari karin waana midaa midda uu xalku ku jiro iyadoo qodobkaas ay qabaan Baarlamaanada Caalamka.
Sidoo kale waxaa weli la isla meel dhigin in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu la mid noqon doono Xubnaha Golaha baarlamaanka ee Waqtiga loogu darey.
Hadaba marka Baarlamaanka loogu darro Xilliga waxay beesha caalamka dooneysaa in aan la soo hadal qaadin Masuuliyiinta Dowladdda Federaalka iyadoo beesha caalamka ay dooneyso in marka la gaaro Bisha Ogoosto in ay dhaceyso Doorashadii Madaxweynaha waxaana haatan bilowdey Xodxodashadii Xubnaha baarlamaanka iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka uu doonayo in Noqdo Madaxweynaha soomaaliya, iyadoo Xildhibaano sheegeen in haddii Shariif Xasan uu ku guuleysto Jagadda Madaxweyninimada uu doonayo in uu Ra’iisul Wasaare ka noqdo Dalka Cali Maxamed Geedi oo lagu xasuusto Soo gelitaankii Ciidamada Itoobiya ee iyaga dagaalo ku galey Dalka soomaaliya sidoo kale Shariif Xasan oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegey in uu dhawaan tegi doono Garoowe si uu halkaa uga raadiyo Taageero ku aadan Ololahiisa Musharaxnimo ee Madaxweyne iyadoo lagu waramey in uu dooonayo in uu ka raali geliyo Pundland Xurguftii dhexmartey iyaga iyo Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif.
Sheikh Shariif oo haatan Madaxweyne ka ah DFKMG ee dalka ayaa isna ololahiisa dhinaciisa ka bilaabey isagoo la filayo in taageero ka raadiyo qaar ka mid ah wadamada daneeya arrimaha soomaaliya.
Hadaba waxaa bishaan Gudaheeda la kala ogaan doonaa halka ay u ciirto Siyaasada Soomaaliya hase yeeshee waxay dadka soomaaliyeed ay qabaan in aysan waxba soo kordhineyn kuwa maanta hor boodaya siyaasada soomaaliya waxaana laga dhaxley Burbur , Barakac iyo Xasuuq.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
waa waxaan la aqbalin karin waxaana soomalida ugu baaqayaa inay ka dhiidhiyaan mudaharaad arinka loo ka so horjeedo la qabto sida masaarada hormuudna ay ka noqoto somalitalk.com!!!!!!!!!!!!!
Aad baan ugu hambalyeynayaa Sheriif Xasan inuu Noqdo Madaxweyne Somaliyeed,sababtuna waxa weeye Somaliyi waxey isu dagaashay Dawlanimadeediina kuweyday Aniga laandheere ah taasna isagaa ku guuleystay waayo waa ninka C/laahi Yusuf Somalia ka cayriyey,waa ninka intuu noqday Wasiir Maaliyadeed markii Barlamaanku dabagal ku sameeyeyna yiri anigaaba noqonaya Gudoomiyaha Barlamaanka,waa Maskaxda Sheikh Sheriif booska keentay,kuna amarku taagleysa dabcan maanta waxaa keliya oo uharay waa jagada inuu noqdo Madaxweyne Hawiyena qeylo buu ka adagyahaye afkiisa ha xirto markii Sheikh Sheriif loo soo dhigto yeysan xaar ka wareegi
marada ha xejisto waayo ninkii Ethiopia gacantaag kusoo geliyey bey Wasiirka maaliyada iyo Gudoomiye barlamaan ku tageeren marka jago Madaxweynimo micno badan malahee Sheikh Sheriif buu booska ka riixan yeysan u arag inuu Haiwiye booska ka riixanayo
Dowladu xil kordhiska waxaa ka horeeya in ay ciidankeeda anshaxooda sugto. Xukun cadli ahna marsiiso kuwii isgoysa banaadir ee Xamar ku laayey shacabka. Haddii ay sidaas yeesho waxay kasban lahayd taageero badan oo dhanka shacabka ah.
Sidoo kale baarlamaanka waa in uu talaabo ka qaadaa xubnaha ka midka ah ee kursiga xildhibaanimada u adeegsado sida qaldan, kuwaasoo ay ka mid yihiin Mudane Furux oo kalsii horeysay ciidankiisa ku weeraray dekada xamar, sidoo kale in ay xilalkooda kula xisaabtamaan xildhibaanada mudada ka badan sanadka aanan soo xaadirin shirarka golaha oo ugu horeeyo Mr. Geedi.
Howlahas iyo kuwo kaloo badan ayaa u yaala markaasey mudo kordhin ku jarmaadeen! Cajiib.
Walaalayaal wax la yiraahdo Beesha caalamka ma jiraan waa group cadow ah Islaam, ka quus qaata Masar waxa ka dhacaya aaway waxa ay ku magacabeen dimqoradi kuwa ku tasbiixinaayay , kordhinta wax ku kordhi maayeen Soomaaliya bur bur aan ka ahayn, la garab gala qolada diinta ku dhimanaayo oo istaagno raayada islaamka , aan ka erno kuwa dhaqaale ku qaadanayaa magaca nabdgeliyeyaal
Wa Salaam kuli,
Ma shaki ayaa ku jiro in Somalia ee ku jirto gumeysi farsameesan hadiiba barlamanka Somalia waqti u kordhinta ay IGAD u sameenayso oo aanan haba yaraatee ku jirin wax xishood iyo cabsi meel kale. War hala xishooda tuugadad meesha halaga bixiyo oo hala dad Somali jaceel ku jirto oo aanan dad dileen aheen.