Home » Warar »

Dalka Malaysia:- Buuq iyo dood ka taagan Maxkamadeynta Burcad-Badeed Soomaali ah!


Khamiis  January 20, 2011 ayay aheyd markii Burcad-Badeed Soomaali ah kuna hubeeysan AK-47 ay afduubteen Markab lagu magacaabo MT Bunga Laurel balse Shaqaalaha Markabka ayaa Qaylo dhaan u dirsaday Markab dagaal oo ay dowladda Malaysia leedahay kuna sugan meel u dhow Xeebaha Soomaaliya kaasoo ugu danbeytnii soo bad-baadiyay Markabka iyo Shaqaalihii saarna iyadoo Dhaawac u geestay qaar ka mid ah Burcad-Badeeda Soomaalida qaar kalana Gacanta ku dhigay.

Dowladda Malaysia waxa ay ka midtahay Dowladaha Maraakiibta dagaalka u diray Xeebaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Burcad-badeeda Soomaalid iyadoo September 7, 2008 ay xeebaha Soomaaliya gaarey saddex markab oo kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay dalka Malaysiya si ay ula dagaalamaan burcad badeedda. Saddexdaas markab oo ah KD Pahang, KD Lekiu iyo KD Sri Inderapura.

Qiyaastii 20 ilaa 30 Maraakiibta Dagaalka oo ka yimid 14 dal ayaa la rumaysan yahay in ay ku gaaf wareegayaan xeebaha la olloga ah Soomaaliya ee Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Maraakiibtaas tiradooda rasmiga ah iyo meelaha ay ku sugan yihiin lama oga  iyadoo Xeebta Soomaaliya Dhererkeeda lagu qiyaaso 3333 Km.

Malaysia waxa ay ka midtahay dalalka shaaca ka qaaday in ay Ciidan u soo direen Xeebaha dalka Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Burcad-Badeeda xeebaha Soomaaliya ka dilaacday iyadoo dalalka Ruush-ka, Iraan, Hindi, Japan, Midowga Yurub (EU), Shiinaha, Dalka Mareekanka iyo Dalal kalle oo dhamaan ay Maraakiibtooda Ganacsi isticmaalaan Badweynta Hindiya iyo Xeebaha ku dhirarsan dalka Soomaaliya.

October 7, 2008 Golaha Ammaanka ee QM ayaa isku raacay Qaraar lambarkiisu ahaa Resolution 1838 (2008), kaas oo ku baaqay in “dalalka danaynaya ammaanka badaha ay ka qayb qaataan hawlaha lagula dagaalamayo burcadda badweynta ku aadan xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan in ay halkaas u diraan maraakiibta iyo diyaaradaha militari, hab waafaqsan sharciga caalamiga ah.”

Howlgal ay sameeyeen Ciidamadda dalka Malaysia ayaa lagu soo qabtay 7 Burcad-Badeed Soomaali ah iyadoo dhawaan la filayo in la keeno dalka Malaysia si loogu maxkamadeeyo sida ay qoreen warbaahinta dalka Malaysia.

Dalka Malaysia iyo Maxkamadeynta Burcad-Badeeda Soomaalida ah?

Kadib markii ay Ciidamadda dalka Malaysia ay soo qabteen Burcad-Badeeda Soomaalida ah isla markaana ay Madax sare oo uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Malaysia Najib Rasak ay sheekeen in lagu madaxkamadeen doono dalka Malaysia, arrintan ayaa Dood badan ka dhalisay dalka Malaysia.

“Haddii danbiilayaasha dalkeena (Malaysia) la keeno si loogu maxkamadeeyo dabcan waa in lagu qaadaa Sharci uu dalka(Malaysia) leeyahayn iyadoo Garsooraha Sharciga lagu maxkamadeen Burcad-Badeeda uu su’aal ka keeni doono sababtoo ah Malaysia malahan sharci qabaya Burcad-Badeeeda Soomaalida ah” sidaas waxaa waregeeska Bana u sheegay Prof. Salleh Buang oo wax ka dhiga Jaamacadda Universiti Teknologi Malaysia oo u warayay Wargeeska Bernama.

Sida caadiga ah dowlad walba waxa ay leedahay sharci u gaar ah oo ay ku qaado dadka Danbi ka gala dalkeeda balse Malaysia Sharci qabana Burcad-Badeed aan wax dhibaato ah ka geesan Xeebaha dalka Malaysia ma qabto waana arrinta keentay in ay dood ka dhalato qaabka iyo sharciga lagu maxkamadeen doono Burcad-Badeeda Soomaalida ah.

Dooda ka taagan Maxkamadeynta Burcad-Badeeda waxya ku saleesntahay sidan:-

1- MT Bunga Laurel waa Markab Xamuul (Booyad), waxaa laga leeyahay dalka Japan wuxuu ka diiwaan gashanyahay dalka Panama balse waxaa soo ijaartay Shirkadda Maamusho Maraakiibta Dalka Malaysia ee loo yaqaan (Malaysian International Shipping Corporation).

2- Afduubka Markabka ayaa ka dhacay meel 555 Km u jirta xeebaha Dalka Oman iyadoo Dalalka Malaysia iyo Soomaaliya fogaanta u dhaxeeyso ay tahay 7,000 Km.

3- Shaqaalaha saarnaa Markabka oo gaaraya 23 dhamaantood waxay u dhasheen dalka Filibiin oo daris la ah

Sadaxdan qodob aya saldhig u ah Maxkamadeynta Burcad-Badeed Soomaali ah oo lagu maxkamadeeyo dalka Malaysia, tiradda Burcad-Badeeda ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan 18.

Dalalka Kenya, Germany, Holland, Mareekanka, Yamen iyo dalal kalle ayaa horay loogu Maxkamadeeyay Burcad-Badeed Soomaali balse Dowladda Malaysia ayaan wali go’aan rasmi ah ka gaarin Maxkamadeynta Burcad-Badeeda Soomaalida ah.

Dalka Malaysia waxaa ku nool Soomaali u badan arday, Soomaalida Malaysia kunool ayaa u arka dowladda Malaysia in ay tahay Dowladdaha ugu fiican xaga soo dhaweynta dadka Soomaalida ah sababtoo ah qofka Soomaalida ah eek u socdaalayaa Passport-ka  Soomaaliga wuxuu dalkan iman karaa isagaa oo aan wadan wax Fiiso mana la dhibo dadka Soomaalida ah ee dalklan ku nool iyadoo aanan la aqoon saameynta ay arrintan ku yeelan doontoo Soomaalida.

Insha Allah wixi ku soo kordha arrimahan waan idinla socodsiin doonaa..

Dhallinyarada Soomaaliya AKHRI: BBC/MPR Forum on Somali Youth http://minnesota.publicradio.org /display/web/2011/01/26/midmorning2/

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”

sayfudiin@gmail.com

Selengor, Malaysia.

Tixraac:

http://thestar.com.my/news/story.asp?file=/2011/1/25/nation/20110125201339&sec=nation
https://somalitalk.com/2011/01/22/burcadbadeed/
http://www.bernama.com/bernama/v5/newsgeneral.php?id=559013

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.