Home » Warar »

Ciidammo ka socda dalka Malaysia oo si xoog ah ku furtay Markab u afduubnaa Burcad badeed Soomaali ah.

Ciidamada Badda ee dalka Malaysia ayaa aroortii hore ee Maalinimadii Jimcaha aheyd January 21, 2011 xoog ku soo furtay markab ka diiwaan gashay dalka Malaysia oo ay burcad badeed Soomaali ah ka afduubteen meel u dhow gacanka Carbeed habeenadii Khamiista ku dhawaad 11pm xilliga Afrika.

Markabka oo lagu magacaabo MT Bunga Laurel iyo dhamaan shaqaalihii saarnaa oo gaaraya 23 ayaa laga soo badbaadiyay burcad badeeda Sooomaalida ah sida uu qoray wargeeska New Straits Times ee ka soo baxa dalka Malaysia, markabkan laga soo badbaadiyay Burcad badeeda Soomaalida ah waxaa saarnaa Shidaal iyo Kiimiko gaareeysa $10 million oo Dollar wuxuuna ku wajahnaa dalka Singapore ee dariska la ah dalka Malaysia.

Kadib fariin digniin oo aan helnay ayaa lagu sheegay n in weerarar lagu qaaday markabka MT Bunga Laurel ayaan go’aan ku gaarnay in aan talaabo ka qaadno Burcada gacanta ku dhigtay Markabka” sidaa waxaa yiri Abdul Aziz Jaafar oo ahTaliyaha hogaaminayay ciidanka Badda ee Malaysia ee badaadiyay Markabka ay afduubteen burcad badeeda Soomaalida isagoo intaas ku daray in dhaman Shaqaalihi saarnaa markabka aysan wax dhibaato ah gaarin.

Intii uu socday Howlgalkan Ciidanka Baddda ee dalka Malaysia waxay dil iyo dhawacba u geesteen qaar ka mid ah Burcadeeda Soomaalida iyadoo ku dhawaad 7 kalle soo qabtay.

Ra’iisul wasaaraha dalka Malaysia Najib Razak ayaa u hanbalyeeyay ciidanka Badda ee dalka Malaysia.

Go’aan ayaan ka gaari doona in aan dalka Malaysia ku maxkamadeeno iyo in kale  burcad badeeda ay soo qabteen ciidanka Badda” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha dalka Malaysia Najib Razak oo saxaafadda kula hadlayay magaaaladda Kuala Lumpur.

Dhawaan ayay aheyd markii Ciidanka Badda ee dalka Koonfur Kuuriya ay xoog ku soo furten markab dalkooda laga leeyahay oo Burcad Badeed Soomaali ah ay gacanta ku dhigeen.

Daawo VIDEO Sida Soomaaliya hubka loo soo geliyo

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”

sayfudiin@gmail.com

Selengor, Malaysia.

‘Prince of Mercenaries’ who wreaked havoc in Iraq turns up in Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.