Home » Warar »

Sheekh Shariif oo laga yaabo in uu Maro Wadadii uu xilka isaga Casiley Cabdulaahi Yuusuf

Shiikh Shariif haddii uu tago waa in ay la tagaan Ragga kale ay Dowlada kuwada jiraan waayo..

Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa habeenkii Arbacada saqdii dhex mar ahayd tahay waxaa la sheegay in uu si qarsoodi ah ka dhoofay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho sida ay noo sheegey rag isaga ku dhow dhow isagoo ku sii jeeda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadib markii ay u yeereen wakiilo ka socda beesha caalamka oo maalmahan ku suganaa Magaalada Nairobi iyadoo Safarka Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu ku soo beegmey Xilli  Magaalada Nairobi ay ka socdaan shirar ay leeyihiin qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka iyo Siyaasiin Caan ah,  waxaana  Garwadeen ka ah shirarkaas  Gudoomiyaha   Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Ra’isul Wasaarihii hore ee DFKMG Soomaaliya Cali Max’ed Geedi ayagoo oo ka arrisanaya sidii ay beesha caalamka uga dhaadhicin lahaayeen in Sheekh Shariif  xilkiisa uu ku ekaado 31-ka Jaanaayo oo ah xiligii Jabuuti lagu doortay. Waxaana shir ka mid Shirarkaas lagu waramey in lagu  kala dareerey ka dib rag aan lagu Casuumin ay ka soo qaybgaleen kuwaas oo la sheegey inay buuq iyo Dagaal halkaa ka sameeyeen.

Warar aanu ka helnay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxay sheegayaan in intii uusan Sheekh Shariif ka ambabixin Magaalada Muqdisho uu kullan la qaatay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey isagoo ka codsaday in uu kullan isugu yeero xildhibaanada Baarlamaanka hase yeeshee arrinkaan waxaa maqlay Guddoomiyaha Baaralmaanka Shariif Xasan waxa uuna u sheegay in shir uusan la socon aan la qaban Karin.

Sheekh Shariif ayaa rag sharci yaqaano ah kullan la qaatay isagoo kala hadlay arrimo la xiriira dowladda federaalka, waxaana lagu waramay in Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif laga dhaadhiciyey in uu kala diro Golaha Baarlamaanka waana arrintaas mida keentay in la baajiyo kullankii uu Sheekh Shariif dalbaday, waxayna sharci yaqaanadu Sheekh Shariif ku booriyeen in isaga oo  cuksanaya dastuurkii 1960-kii oo ah in Madaxweynuhu awood u leeyahay in uu kala diro Baarlamaanka.

Hase yeeshee warar kale oo aanu ka helnay xildhibaano ayaa sheegaya in kullan ka dhacay Magaalada Nairobi oo ay isugu yimaadeen Guddoomiye Shariif Xasan iyo beesha caalamka looga hadlay qorshaha uu wato Sheikh Shariif ee ku aadan in uu kala diro baarlamaanka waxaana laga dhaadhiciyey dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya in xiligaan ay fududahay in uu xilka iska casilo Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif halka haddii baarlamaanka la kala diro ay adkaan doonto in dib loo dhiso baarlamaanka cusub.

Shariif Xasan ayaa waxa uu doonayaa in uu xilka madaxweyne sii hayo 8-da bilood ee ka harsan jiritaanka Baarlamaanka Soomaaliya, warar ayaa waxay sheegaan in Xildhibaan Cali Max’ed Geedi uu la soo xiriiray xildhibaano ay is xigaan oo Muqdisho ku sugan isagoo u sheegay in Sheekh Shariif looga adkaaday siyaasadda isla markaana uu is casilayo, waxaana muuqata is gaashaanbuureysi cusub oo u dhexeeya Shariif Xasan iyo Cali Max’ed Geeddi.

Hase yeeshee rag ku dhow dhow Sheekh Shariif ayaa noo sheegay in arrimaha haatan socda ay yihiin kuwo lagu qalqalgelinayo Madaxweynaha, waxayna sababaha uu ugu duulay Nairobi ku sheegeen hawlaha dowladda la xiriira gaar ahaan dhanka ammaanka belse Xildhibaano aan taageersaneyn labada dhinaca ayaa noo sheegey in Haddi uu tago Shiilkh Shariif iyana meesha ay ka bixi doonaan Guddoomiya Baarlamaanka iyo Raiisul Wasaaraha waayo waxay qabteen ma jiraan weli Dagaaladii Bilowdey Xilligii  Cabdulaahi Yuusu weli waa socdaan dadka weli waa Barakacayaan sidoo kale waxaa socda Madaafiicdii lagu laynayey Shacabka  hase yeeshee waxaase  saansaakeedii  muuqda wadaddii uu maray Madaxweynahii DFKMG C/llaahi Yuusuf ay hadda beesha caalamku ugu yeereyso Sheekh Shariif.

Jan 28, 2011: Habeenimadii Jimcadu soo geleysey ayaa Sheikh Shariif dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib markii uu soo ka soo laabtey safarkiisii, safarkaas oo uu sii gaarey magaalada Kampala ee dalka Uganda oo uu kula soo kulmay Musafeni.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

###

Tixraac: Sawirka guriga Geeddi: http://www.somalitalk.com/gentleman/g283209.html


Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska afhayeenka Xukuumada Federaalka KMG ah

War-saxaafadeed

27.01.2011——-Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wefdigii uu hogaaminayay ee mudada labada todobaad ah safarada ku soo kala bixiyay dalalka Mareykanka, Talyaaniga iyo Imaaraadka Carabta ayaa saaka ku soo laabtay dalka iyagoo ka soo degay garoonka Aadan Cabdulle International ee magaalada Muqdisho iyadoo halkaasina ay ku soo dhoweeyeen Wasiiro uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Dr. C/weli Maxamed Cali iyo saraakiil ka tirsan Xafiiska R.wasaaraha oo uu ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Xafiiska R/wasaaraha Mudane Abuukar Daahir Cismaan.

Ra’iisal Wasaaraha oo ka hadlay safarkiisii ayaa sheegay inuu ka qeyb galay shirkii golaha Ammaanka ee Q/midoobay (Security Council), oo uu hor dhigay barnaamijka Xukuumadiisa ay ku hor marineyso dalka, dhanka Siyaasada, Dhaqaalaha, iyo Bulsho.

Isagoo ka hadlayay Ra’iisul Wasaaruhu, horumarka ay sameysay Xukuumadiisu mudadii ay jirtay wuxuu cadeeyey inay talaabooyin horumar leh ka gaartay dhinacyada dib u heshiisiinta, Cadaalada iyo dhismaha ciidamada.

“Natiijo wanaagsan ayaa uga soo baxday dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya shirarkii New York ee Security Council-ka, wuxuuna goluhu si buuxda ugu muujiyay taageero Xukuumada cusub” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu faah faahiyay kulankii uu magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Silvio Berlusconi oo ay ka wada hadleen sidii loo xaajin lahaa xiriirka dhan kasta ka kooban ee soo jireenka ah ee u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Talyaaniga. Isagoo sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Dowladda Talyaanigu ay balan qaaday inay doorkeeda ka qaadan doonto taageerida Arrimaha Soomaaliya ururka Midowga Yurub dhexdiisa.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa faah faahiyay kulamo uu la qaatay madaxda ugu sareysa dalka Imaaraadka Carabta oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal sidii loo sii horumarin lahaa, wuxuuna sheegay inay u balan qaadeen in shacabka Soomaaliyeed ay gacan weyn ka siinayaan sidii ay uga bixi lahayeen dhibaatooyinka ka heysta xaga Nabadgelyada, horumarka iyo arrimaha Gargaarka Bani’aadaminimada.

Xafiiska afhayeenka Xukuumada Federaalka KMG ah

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Sheekh Shariif oo laga yaabo in uu Maro Wadadii uu xilka isaga Casiley Cabdulaahi Yuusuf "

  1. Ugu horrayn bahda somalitalk aad ayaan idiin salaamayaa iyo dhamaan soomaliwaynba, wana idiinkaga mahadcelinayaa dadaalka aad umadda ugu jirtaan . Fikirkayga hadaan dhiibto walaaha xaqiiqdu waa muuqataa inaan dan soomaaliyed iyo daryeelideeda meesha loo googin ee nin walbaa jeebka buuxso uu hadafkiisu yahay . Haday sh.shariif noqotona dan soomaaliyeed iyo wadaninimo meesha uma uu joogo ee waa nin la haysto oo gacmo shisheeye ku adeeganayaan xaqiiqduna ay saa tahay , haday c.m.geedi noqotona kaba daran oo waa ninka asagoo 3 million oo soomaali ah wax ku dhow oo dhibaataysan oo uu asagu sabab u ahaa barakicintooda wixii kaalmo ahaa oo loogusoo dhiibay garanwaayay xataa wax u reeb oo is yiri kaama badna adiga tani, shariif xasanna maaliyadda halooga sabro waa asiga xisaabtanna diiday tiisuna u dhoobantahaye. Bal hala fiirsho hana la miisaamo dadkaan waxa ay qabteen iyo waxa ay soo kordhiyeen xukun intaasay afduub ku haysteene, runtu way cadahay inayan dan soomaaliyeed meesha ku hayn ee ay yihiin mid lagu shaqaysto iyo mid calooshii u shaqaysanaya, dadka yayna daalin ee meesha ha baneeyaan , dhibkana dadka haka daayaan.

  2. Fuaad says:

    SCWW
    Salaan kadib, Dhamaan soomaalida ku nool aduunka waxaan u sheegayaa in soomaaliya aysan u soo cadayn ama saansaanteeda aysanba jirin wax layiraahdo Dowlad somaliyeed oo madax banaan, shariif wuu tegi goor uu tagoba, ama febrayo horaanteeda ama agoosto horaanteeda e, waxaa bedeli doona mid ka daran isaga oo la mid noqon shariif, waayo, waxaynu ognahay in Dowladdaha caalamku somalida arimaheeda faraha kula jiraan ayna ku dul maamulayaan.. mana jiro, mana jiri doono nin somali ah oo xoriyadiisa ku maamaulayaa.. dalka somaliya, tan iyo inta wax beesha caalamka loo yaqaano faraha kala baxayaan soomaliya.
    Allaah waxaan ka rajaynayanaa Dowlad khayr qabta oo aan dabo-dhilif ahayn….. amiim.. aamiiiim

  3. Osman says:

    Dadka Somaliyeed waxa iiga muuqda nin dheef raadinaya iyo nin jaga raadinaya iyo qandaraas raadinaya maahee nin danta Somaliyeed iyo dalkiisu inuu wax noqdo nin raadinaya inuu aad ugu yaryahay Somali ayaa isso baxday
    Shariif tagyaa iyo ma taginaaba haddii Geedigi Hoteellada Nairobi wuxuu arroski wiilkiisa ka dhigay ka dhigay caalamki iyo deeq bixiyayaashi la yaabeen.Gurigi hoggmiyihi kofurta sudan ku jira, dalkiisi iyo dadkiisina gaajo qurac hoostiis daadsanyahay oo dacdarro ku haysato iyo Shariif xasan oo wasaaraddii maaliyadda weli xisaab aan kasoo gudbin oo marki la yiri xisaab keen golihi la xisaabtami lahaa kursigiisi ku fadhiistey.haddiiba kuwaas Somali daba yaacayso nasiibkooda ayaa sidaas noqday. Dawladnimo iyo Somali kala dheere ha ogaadaan maanta waxa aad sameysaan in loo aayi doono qarni yaal soo socda.
    Markaad dalkiinna gacan gelisaan adinkana qaxooti dacallada adduunka ku noqotaan ayaan is weydiin doonnaa hunguriga aad isla daba yaacaysaan iyo qabyaaldda.