Wasiirka Qoreynta DFKMG Prof, Cabdiwali Maxamed“…In Hay’adda UNDP Soomaaliya ay u Fakarto, Koleey Annigu Intaan Joogo Ma Dhaceyso !!” wareysi muhiim ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amaanka Qaranka Cabdishakuur Sh. Xasan “Waxaad Moodaa Inuu Shirkaanu Ka Xoog Badan Yahay oo Annaguna Haddaanu Nahay DF-ka Aan Uga Xoog Badanahay Ka Qaybgalkiisa Sidii Hore…”
Denjire Mahiga “…Haddii Aan Si Guud Dhibaatada Loo Xalinin, Macno Kale Ayey Yeelaneysaa Iyo Waxyaabo Kale oo Ka Xun oo Aan Hadda Idiin Sheegikarin…” Isagoo Ka Jawaabaya Su’aal Somalitalk Ay Weydiisey.
Wakiilka Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Abuubakar Diyaara “Maanta Waxaa Aad Inoo Farax Gelinaayey, In Shirka Aan Ku Aragno Dadkii Bulshada Caalamka Ka Mathilaayey ee Fadhiyey Shirka, Sida Ay Uga Go’an Tahay In La Kaalmeeyo DKMG…”
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka DKMG Soomaaliya Prof, Cabdiwali Maxamed Cali ayaa ka dhoofey garoonka diyaaradaha ee Caasimadda dalka Jabuuti 22/01/2011. Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ee uu hogaaminayo ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha diinta, Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amaanka Qaranka, Wasiirudowlaha Gaashaandhiga, Taliyeyaasha Ciidamada Militeriga iyo Booliiska DKMG Soomaaliya, Taliyaha Ciidamadda AMISOM ee jooga dalka Soomaaliya iyo xubno kale.
Prof, Cabdiwali ayaa intii uusan ka dhoofin dalka Jabuuti oo aan wareysi gaar ah kula yeeshey Hoteel Kempinski ee Caasimadda dalka Jabuuti, ayaa waxaa uu waraysiga kaga hadlayaa waxyaabihii la iskula soo qaadey kulan 4 geesood ah oo looga hadlayo arrimaha amaanka dalka Soomaaliya oo ay xubno ka ahaayeen isaga iyo wafdigiisa, waxa ka soo baxay shirkooda iyo inta uu xilka hayey waxa u qabsoomey wasaaraddiisa Iyo waxa ugu horeeya ee uu ka qabanayo wasaaradda uu mas’uulka ka yahay xiliga kala guurka.
Mar uu ka hadlayey Wasiirku mudadii dowladaha KMG ahaa ee lagu sii meel gaarey ay dalka ka jireen oo qorshayaasha dowladdahaasi ay dejinayeen Hay’addo caalami ah, waxa uu kaga duwan yahay wasaaraddiisa ayaa wuxuu yiri “ walaalle sheekadaasi ma jirto, waa dhamaatey Hay’add caalami ah oo wadan u dejiso dal qorshayaal. dowladd kastaa waxaa laga rabaa barayooritigeeda inay yeelato, iyadaa laga rabaa qorshaheeda in ay yeelato, iyadaa laga rabaa in ay la timaado mashaariicda iyo barnaamijyada ay rabto in ay hirgeliso, haddii intaas aadan sameyn Karin dowladd ma tihid, haddii waxaas hore u dhaceen hadda ma dhaceyso, waqti dhow waxaa imaanaya madaxda Hay’addaha caalamiga ah qaybahooda ugu waaweyn, waxay u imaanayaan waxaa weeye, maxaa innaga muhiim inoo ah in aynu u sheegno, ma aha wax ayagu maskaxdoodu ku fikirayaan, … markaas annagu aan u dhiibano, laga wada munaaqishooda ka badcdina sidii ay wax uga qaban lahaayeen oo ay u taageeri lahaayeen laga wada hadlo, laakiin in Hay’adda UNDP Soomaaliya u fakarto ee koleey annigu intaan joogo ma dhaceyso ”.
Dhinaca kale Kulan 4 geesood oo uu soo qaban qaabiyey Wakiilka Xog-hayaga Guud ee Q.M ee Soomaaliya Denjire Mahiiga oo looga hadlayo arrimaha amaanka dalka Soomaaliya oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirka Qoresheynta iyo Iskaashiga Caalamiga DFKMG Cabdiwali Maxamed Cali, Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Cabdullaahi Abyan, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amaanka Qaranka Cabdishakuur Sh. Xasan, Wasiirudowlaha Gaashaandhiga Xildhibaan Abtidoon, Taliyeyaasha Ciidamadda Militeriga iyo kuwa Booliiska Soomaaliya, madaxda ciidamadda AMISOM, Wakiilada Hay’addaha Deeq bixiyayaasha Caalamka ee ka hawlgala, AU, EU iyo Wadamadda daneeya arrimaha Soomaaliya, ayaa lagu soo gebagebeeyey Hoteel Kempinski ee Caasimadda dalka Jabuuti 20/01/2011.

midig Diyaara, dhexda koowaad cabdiwali, dhexda labaad Mahiiga, bidix labaad wasiirka Arrimaha gudaha, bidix wasiirka cadaalada
Shirkaan oo socdey maalin keliya, islamarkaana ahaa mid al-baabadu ay u xirnaayeen, ayaa gunaanadkii waxaa si wada jir ah shir jaraa’id u qabtey isla goobta shirku uu ka dhacay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiwali Maxamed Cali, ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka DKMG Soomaaliya, wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramadda Midoobey ee Soomaaliya Danjire Mahigga iyo Wakiilka Midowga Afrika Danjire Abuubakar Diyaaraoo ay kaga hadlayaan waxyaabihii la iskula sooqaadey Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka DKMG Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali, Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Mahiga iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Abuubakar Diyaara, waxyna shirkooda jaraa’id kaga hadleen waxyaabihii looga hadlayey iyo waxa ka soo baxay.
Cabdiwali “Shirkaan Waxaa Ka Soo Baxay Waxyaabo Badan oo Taabanaya…”
Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka DKMG Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali oo ugu horeyn halkaasi ka Hadley ayaa wuxuu “…shirkaan waxaa ka soo baxay waxyaabo badan oo taabanaya, arrimaha nabad-gelyada soomaaliya, sidii wax looga qaban lahaa iyo in aduunyada iyo soomaaliya ay yeeshaan Boolasi mideysan oo wax ka qabashada nabadgelyo la’aanta ka taagan wadanka soomaaliya. Shirkii maanta waxaa ka horeeyey laba maalmood oo ah dodo iyo tababaro, kan maantana wuxuu ahaa gabo gabadii…”
Codka Cabdiwali oo dhameystiran halkaan ka dhegeyso
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/cabdiwali_1.mp3]Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Mahiga “Gudiga Wada Jirka Arrimaha Nabadgelyada Waa Makaaniizam Looga Hadlayo Arrimaha Soomaaliya…”
Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Mahiga oo isna halkaasi ka Hadley ayaa wuxuu yiri “wasiirka ayaa sheegey wixii gudiga nabadgelo uu ka wada hadlaayey, anniga arrimaha uu sheegey keliya uun baan tafaasiil ka sii sameyn karaa keliya, waxaan ku dhihikaraa, gudiga wada jirka arrimaha nabadgelyada waa makaaniizam looga hadlayo arrimaha soomaaliya oo lagu aas aasey jabuuti, waxaana xubno ka ah, dadkii xubnaha ka ahaa heshiiskii hadda ka hore ka dhacay Jabuuti, kaasoo hadda ahaa dhab ahaatii TFG-da, Qaramadda Midoobey, Ururka Midowga Afrika iyo xubnaha sida weyn ee u matala bulshada caalamka, sida Ururka midowga Yurub, dowlada Mareykanka, Norwey iyo wadamo kale oo reer yurub ah” isagoo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku darey
“Shirkani waxaa lagu wadaa inuu noqdo shir si joogto ah u qabsoomidoona, aadna loogu wado in uu Muqdisho ka dhaco haddii alle yiraahdo, kulanka soo socda waxaa lagu wadaa inuu ka dhaco Muqdisho, ujeedadda laga leeyahay shirkaan wadajirka ah ee arrimaha amniga looga hadlaayo, markii hore ee la sameynayey waxay ahayd inuu kow hirgeliyo xabad joojinta heshiiskii lagu gaarey buu ahaa, kadib markii ay dhamaatey dhibaatadii, hadda laakiin ujeedadiisu ama danta laga leeyahay waxay tahay inuu ka caawiyo DKMG arrimaha nabadgelyada, khaasatan afarta waji ee soo socota, in ciidan cusub oo soomaaliyeed la sameeyo, in uu gacan ka siiyo dhismaha ciidan booliis soomaaliyeed oo tayo leh, in dhismaha ciidamadii asluubta Soomaaliyeed iyo dib u unkidooda dowlada dowlada soomaaliyeed gacan laga siiyo, in hab garsoor oo iswataahi uu dowlada gacan ka siiyo sida ay u sameysan lahayd…”
Codka Mahiiga oo dhameystiran halkaan ka dhegeyso.
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/mahiiga_somalitalk.mp3]Wakiilka Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Abuubakar Diyaara “Maanta Waxaa Aad Inoo Farax Gelinaayey, In Shirka Aan Ku Aragno Dadkii Bulshada Caalamka Ka Mathilaayey ee Fadhiyey Shirka, Sida Ay Uga Go’an Tahay In La Kaalmeeyo DKMG…”
Wakiilka Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Abuubakar Diyaara oo ugudambeyn meesha ka Hadley ayaa wuxuu ku dheeraadey qaybaha shirka, waxyaabihii la iskula soo qaadey iyo waxa ka soo baxay “aad ayaad u mahadsan tihiin, waxaanba is-lahaa haddii wasiirka iyo Denjire Mahiiga ay hadlaan wax kuu haray oo aad ka hadasho ma jiraan ayaan is-weydiinayey, laakiin waxaa dhahayaa ama sheegayaa in Afar maalmood oo muhiimad lahaa oo wanaagsanaa oo wadaha hadal ah oo dhex maraayey TFG-da AMISOM iyo AU-da in ay inoo socdeen, maalinta koobaad oo aanu nimad waxaa si rasmi ah loo furey tababar ciidamo 500 booliis Soomaaliyeed ah, labada maalmood ee ku xigtey waxaanu xooga saareyney, Iskaashiga wanaagsan ee dhex mari lahaa iyo wada shaqeynta wasiiradda ay khuseyso arrimaha amniga dalka, maantana sida uu sheegey Denjire Mahiiga, waxaa la soo gebagebeeyey shir khuseeya gudiga arrimaha nabadgelyada, si loo tayeeyo iskaashiga DKMG iyo bulshada caalamka dhinaca arrimaha amniga iyo wax ka qabashada dhibaatada dalka ka jirta”.
Waxaa kale oo uu intaa raaciyey Denjire Abuubakar Diyaara “maanta waxaa aad inoo farax gelinaayey, in shirka aan ku aragno dadkii bulshada caalamka ka mathilaayey ee fadhiyey shirka, sida ay uga go’an tahay in la kaalmeeyo DKMG, lagana kaalmeeyo sida ay wax uga qaban lahayd dhibaatada nabadgelyo la’aanta ee ka jirta dalka, sidaad ogsoon tihiin dhibaatooyin ama caqabado fara badan ayaa DKMG ka haysta dalka sida, dhibaato argagixiso, dhibaato ka imaaneyso dhinaca burcad badeeda, dhibaato dhisid tayo leh haday yihiin ciidamo Militeri ama Booliis, arrimahaasi iyo arrimo kale oo aan soo sheegney waxay dalbanayaan, in tayo iyo iskaashi wax tar leh laga helo bulshada caalamka, sidaas darteed waxaan maanta ka hadalney sidii iskaashiga dhex maraaya dowlada iyo bulshada caalamka loo tayeyn lahaa ayaan ka hadalney, waxaan kalsooni ku qabaa in iskaashi miro dhal leh, annagu hadaanu nahay bulshada caalamka iyo dowlada Soomaaliyeed uu na dhex maridoono…”
Mar uu ka hadlaayey Abuubakar Diyaara waxyaabaha ugu muhiimsan ee horyaala DKMG iyo beesha caalamka ayaa wuxuu yiri “…waxaa na horyaal laba arimood oo muhiim ah, inta aan la gaarin intaas in ciidamo amni oo xoog leh dalku uu helo, waxna laga qabto arrimaha nabad gelyada ee wadanka gudihiisa ka jirta, marka si xaalada amni ee dalka waa in dowlada loo awood siiyaa sidii ay wax uga qaban lahayd dalka gudihiisa, sida dastuurka la daraaf gareynayo uu qabo, ama jaatarka uu qabo in dowladu ay yeelato awood dalka ay hanato horeyna u socdoto, in la tabareeyo oo tabartii ay u baahneyd la siiyo loona diyaariyo, hadaan soo kobo wax qabadka shirkaaniga intiisa weyn wuxuu ku saabsanaa, sidii dowladda Soomaaliyeed loo tayeysiin lahaa awood loogu yeeli lahaa si muqdisho iyo dalka intiisa kaleetaba ay awood ugu yeelato, awoodeeduna u balaarato si dadweynaheeda u gaarto dowlada waad mahadsan tihiin”. Ayuu ku soo gebagabeeyey Denjire Diyaara.
Codka Abuubakar Diyaara oo Dhameystiran Halkaan Ka Dhegeyso.
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/abuubakar_diyaara.mp3]Denjire Mahiga “…Haddii Aan Si Guud Dhibaatada Loo Xalinin, Macno Kale Ayey Yeelaneysaa Iyo Waxyaabo Kale oo Ka Xun oo Aan Hadda Idiin Sheegikarin…” Isagoo Ka Jawaabaya Su’aal Somalitalk Ay Weydiisey
Markii ay ereyooyinkii shirkooda jaraa’id ay ku gudbinayeen ay dhameysteen ayaan mas’uuliyiinta shirka jaraa’id qabatey waxaan dhex dhigey su’aal kooban oo misana noqotey mid aan si deg deg ah looga jawaabin, su’aashu waxayna u dhacdey sidan, haddii aan ku hormaro, Sidaan ognahay soomaaliya in mudo labaatan sano ku dhawood waxay ku jirtaa dhibaatooyin, intaana waxaa maamulayey arimaheeda Q.M, AU, IGAD iyo kuwo kale, dhibaataduna wey sii baaheysaa maalinba maalinta ka dambeysa, rajo intee la eg ayaa lagu qabikaraa, iskudeyga hadda ay wadaan Q.M, AU, IGAD iyo kuwa kale?!!
Jawaabta su’aasha mas’uuliyiinta shirka jaraa’id waxay ka keentey qosol gariir, Danjire Mahiiga ayaa ugu dambeyn ka bixiyey jawaab taabtey boogo waaweyn oo in mudo ah soo taxnaa misana aan la daweyn, kuwo uu qariyey ka hadalkooda iyo is-difaacid aan xiligan loo baahneyn.
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/mahiiga_somalitalk.mp3]Sidoo kale dhegeyso shirkii Jaraa’id
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amaanka Qaranka Cabdishakuur Sh. Xasan “Waxaad Moodaa Inuu Shirkaanu Ka Xoog Badan Yahay oo Annaguna Haddaanu Nahay DF-ka Aan Uga Xoog Badanahay Ka Qaybgalkiisa Sidii Hore…”
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudah iyo Amniga Qaranka DKMG Soomaaliya Cabdisharuur Sh. Xasan oo markii uu soo gabagaboobey siminaar laba maalmood u socdey wasiiradda iyo Saraakiisha ciidamada DKMG, Amisom iyo UNPOS oo saxaafadda la Hadley inta aan la galin kulanka wadatashiga ayaa ka warbixiyey waxa la iskula sooqaadey kulankooda, islamarkaana sii sheegey kulanka ay u balansanaayeen.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdishakuur “ shirkaan sida aad la socotaan waxaa uu socdey laba maalmood, waana shir bishiiba mar la qabto, waxaa uuna ku saabsan yahay dhinaca amniga, waan shir bishiiba mar ay wada qaataan dowladda, International Community iyo beesha caalamka, fursadaana waxaa weeye fursad aan u helney in aan uga qaybgalno dalka jabuuti, waxaana uga soo qaybgalney heer wafdi Wasiiro ah iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeen, maanta ayaana filayaa maalintii ugu dambeysey, shirka labadii maalmood ee hore waxaa uu ku saabsanaa, warbixino aan kala qaadaneyney International Community iyo xukuumadda Federaalka ah, maantana waxaan dib u furmey shirkii wada tashiga amniga labada dhinca, wax badan ayaan ka wada hadalney balanqaadyo horey u jirey oo aan daba soconey waa jireen, kuwaasoo aan xaqiiqsaney in ay dhamaadeen, sida mushaarooyinka ku saabsan dhinaca ciidamadda Militeriga iyo Booliiska…”
Mar aan weydiisey wasiirka waxa uu kaga bedelan yahay shirkaan, shirarkii hore iyo cidda sooqaban qaabisey, ayaa wuxuu ku jawaabey Wasiirka “nasiib daro shirarkii ka horeeyey annigu minitiskiisa inaan helney mahee, annigu hore kama aannan qayb galin, laakiinse sida aan la socdo shirarkii hore iyo shirkaan waxaad moodaa inuu shirkaanu ka xoog badan yahay oo annaguna haddaanu nahay DF-ka aan uga xoog badanahay ka qaybgalkiisa sidii hore, sababtoo shirkii hore waxaa ka qaybgeli jirey Taliyeyaasha ciidamadda, laakiin shirkaan waxaa ka soo qayb galey wasiiradda DF-ka ah, sidoo kale waxaa ka soo qayb galey wakiilka qaaska ah ee UN-ka iyo Hay’addo badan oo caalami ah…”
codka wasiirka c/shakuur sheekh oo dhameystiran halkaann ka dhegeyso.
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/abdishakuur_sheekh.mp3]Qoraalada ka soo baxay shirka oo luqadda Ingiriiska ku qoran ka eeg linkiyada hoose:
JSC convenes in Djibouti (Press Release) | JSC 20jan2011 | JSC 20jan2011 Agenda | JSC 20jan2011 Concept Note
Laakiin Marka si guud loo eego kulankan looga hadlayo arrimaha amaanka Soomaaliya ayaa waxaa laga dareemayey, mid si weyn loo ilaalinayey, islamarkaana aan wax badan laga ogaanin, hase ahaatee hadalo hoose oo aan ka helney dadd goob joogeyaal ah, ayaa waxay somalitalk u sheegeen in si weyn la isu cadaadiyey dhinacyada TFG iyo hay’addaha kale ee ay la shirayeenba, waxaa kale oo jirey goobta shirka uu ka socdey, ayaa shir kale oo looga hadlayey arrimaha burcad badeeda, khilaaf soo kal dhexgaley TFG iyo maamul Goboleedka Putland lagu qabtey.
Marka la isku soo duubo dhacdooyinkan kala duwan ee is-diidan ee ka socda dalka soomaaliya ayaa waxaa kuu soo baxayo sawiro dhiig badan daadinaya oo aan sababtooda la garan, haddii dadka soomaaliyeed aysan isla fahmin is-bedelada guud ee dalku uu luga la siigalayo iyo kuwa kale ee ka dhacaya caalamka, waxaana taagan su’aalo fara badan oo ka jawaabistoodu ay adag tahay waxa ka dambeeya bisha aynu ku jirno ilaa iyo bisha sideedaadd ee sanadkan 2011.
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
“Marka la isku soo duubo dhacdooyinkan kala duwan ee is-diidan ee ka socda dalka soomaaliya ayaa waxaa kuu soo baxayo sawiro dhiig badan daadinaya oo aan sababtooda la garan”.
Mahadsanid nuxurka hadalka intaa ku daa. Hay’adaha dilaalayda ah ayaa dalkaan xukumayey haddan xukuma, waxaad moodaa inay la yaaban yihiin madax af taqaan oo ilaa xad xisaabtamaysa oo Soomaali ah inay jiraan, taasoo inay ku qancaan ay daga tahay.
Waxay aqoon jireen koox hotelo la geeyo oo ku qanacsan jiifka iyo Tv-da oo keliya inta badana shirarka la galo uga qayb galo oo keliya marka la qoslo inay qoslaan, waana marka keliya oo codkooda la maqlo.
Ilaa bisha Agost 2011 is badalka keliya oo dhici kara waxaa weeye inaan xafiisyada dawladda waxba la siinin iyadoo loogu marmarsoonayo ma ay laha awood maamul, taasoo micneheedu yahay maamul wax fahmi kara oo tuugo qayaxan samayn kara ma ay aha, waxayna sugayaan hay’adahaan marka xiligaas la gaaro inay sii daayaan waxoogaa lacag ah si tartamayaal ay fahmi karaan ay ugu galaan tartanka waana xilliga keliya oo Soomaalidu wax walba hurto.
Iyadoo aan meel la saarin hab dhaqameedka hay’adaha oo aan lagu koobin inay yihiin caawiyayaal – waaba hadday mutaystaane- waxaan filayaa inaan wax badan ka qabsoomi doonin shir walba oo la qabto.
Jabuuti waan dareensaday.
ASC,
Hoogga iyo ba’a qaran jabka nagu habsaday kollaba ka bixi meyno inta aan ka fahmeyno wakiilada gumeysiga dadban iyo guracnaanta xeeladahiisa..Waa kan aqoonyahankii la sheegayay xeyndaabkii programgareesnaa si buuxda oo sahlan loogu riday waa ciil, uur ku taallo, tala seeg iyo dad iyo dal seeg. ( KUWANI BADBAADIN KA FOG ALLOW TUBTA TOOSAN TUS AMA KUWA DHAAMA NOO SAHAL)