Home » Faallo »

Faaf Reeb: Tuug Malise Ayuu ka tagaa!

Warbixinta oo ka kooban 26 bog ka akhri HALKAN (pdf)

Waxa dhowanahanba durbaanka tumaysay dowlada Ethiopia oo sheegaysa in nabad iyo Horumar laga gaadhay Dhulka Somalida Ogadeniya iyaga oo Xafiiska Ra’isal wasaraha ay kasoo baxayeen baaqyo isdaba joog ah oo sheegaya in Shacabka Somalida Ogadeniya ee ku nool qurbaha ay kusoo laabtaan dhulkooda, nabada iyo horumarkana ay xoojiyaan ka yagleeshay dhulkaas. Waxa Dolwada Ethiopia ay usoo dirtay wafdiyo wadamada Ree Galbeedka Jaaliyadaha kusugan Masuliyiin ka socda Deeganka Somalida ay Ethiopia maamusho kuwaas oo ku fidinaya fariinta dowlada dhexe ee TPLF in dhulkii nabad laqaatay shacabka Somalida Ogadeniyana ay ku qanacsanyihiin Ethiopiannimo.

Su’asha ayaa waxa ay tahay waqti dowlada Ethiopia ay ku dhawaaqday nabad in laqaato islamarkaasna ay haddana ay ku howlantahay Xasuuq ballaaran oo ka taagan dhulka Somalida Ogadeniya. Magalada Qabridahare Waxa Ciidanka Ethiopianku ay ku dilleen 17 January 2011 Cabdirasaq Hurre Cusmaan iyo Suubaan Axmed Khaliif iyaga oo meydkooda suuqa lasoo dhigay. Waxa kale oo laga warqabin 17 shacabka magalada Qabridahare ka tirsana oo ciidanka ethiopia ay labaxeen meel ay geyeena laga warqabin illaa hadda. Sidoo kale Magalada Higlaley ee Gobolka Dhagaxbuur waxa Ciidanka Ethiopia ay ku dilleen Amina Cali Madoobe oo aheyd gabar ganacsato ah iyo Badri Maxamed Aw ismacil. Waxa Ciidamda Ethiopia ay weerar la beegsadeen tuulada Higlaley iyaga oo shacabkii ku qasbay inay ka qaxaan tuuladaas.

Su’asha Jawaabteda ayaa waxa ay tahay, Odey dhaqameedka Somalida Ogadeniya ayaa 1994tii shirkii Huurso Waxa ay ugu sheegeen Males Zenawi maah maah aheyd. Tuug Malise ayuu ka taggaa. Dowladihii hore ee Dergiga iyo Haile Sellasie Waxay ahayeen tuugo kusoo duushay dhulka somalida Ogadeniya iyaga oo halkaas ku baa bi’iyay shacab badan waxayna dhalleen Malise oo ah Males Zenawi oo u aabo yeelin xassuuqa badheedhka cad loogu geysto shacab aan waxba galabsan.

Warbixinta oo ka kooban 26 bog ka akhri HALKAN (pdf)

Mustafe Xaaji Ibrahim
Xiriir: Somaligalbeed@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Faaf Reeb: Tuug Malise Ayuu ka tagaa! "

  1. Tusaale u soo qaado Cali Beysteenkii dhulka Mareykanka u dhashay iyo Madawgii addonsiga lagu keenay dalka mareykanka, ayaama maanta mustaqbil leh? Waad aragtaan maanta nin madaw ayaa Madaxweyne ka
    ah Mareykanka maanta, aaway Cali Beysteenkii dhulka lahaa? Way is
    dhiibeen dabadeedna maanta ma jiraan, sidaas oo kale ayey idinla rabaan
    kuwa idin leh dhulkii ku soo noqda, in laydin dhameeyo dabadeedna la
    idin waayo.

  2. shihaab... says:

    waxaan u arkaa in sxb kay uu asiibay qoraalakan uiu ku cabiray fikir kiisa waayo dada ka kunool gobolka soomaalida ogaadeniya in ay xaq uleeyihiin inay helaan xoriyad taam ah

  3. SAMAWADA says:

    SC waxaan salamyaa bahweynta somaliTalk.com,waxaana leyahay good wark,halkaana ka sii wada,
    mida kale walalahayaga ugaadenya oo mujahidinta ah malaha waxad dagalameyseen in hafe qarni,ninkii ceelka biyaha ka wayey waxuu yiri bal shab-shablena ku dey,marka dagaal waxaa ku dhamadey dadbadan oo la jecelyahay,dumar iyo ciyaalo,naf wax ka qaalisan ma jirtee ,nabada bal ku daya anoo aamin san amxaar inusan aamin lahayn hadana,bal shab shablena ku radaro,ogada dayuuska xoolahaga barbaa looga tagaa. nabad marna laguma qasaaro .ilaahayna cadowga somalida ha qabto;;;;;;;;

  4. Guure says:

    Waxaan mahad u celinayaa bahda Somalitalk oo marwalba dadka soomaaliyeed usoo gudbisa warka dhabta ah ee saamaynta ku leh nolasha qofka Soomaaliga, waxaan marka labaad u mahad celinayaa qoraaga warbixintan soo diyaariyay waxaan leeyahay shaqo wanaagsan halgame

  5. fiiq says:

    tuuga cabdi ilay wuxuu u shaqeeyaa dowlada itoobiya oo ma masalo shacabka la gumeeysto kuwa u naageynayo ayaa ka xun ayagana waa ladacweynayaa oo qalaaso oo an loodirsan ayey faraha lagaleen dhulkooda somaliya waa gubanayaa markaas qadiyad kale ayey lugaha la soogalayaan marka hadii loo nageynayo malaza orda oo mukali iska dhiiba cabdi ilay waa la sooxirayaa.

  6. Geeljir says:

    aad baan ugu bogey, qoraalkan waxaanan uga mahad celinayaa website-ka somalitalk.
    waa arrin innaga oo dhan inoo taalla hadaynu bahay, dadka soomaaliyeed inaan ka hadalno, waxa ka jira dhulkeena ay Axmaaradu inaga haysato.

  7. Muuse says:

    ‘ Tuug Malisuu la tagaa”
    Qadiyadda Dhulkaasi Waa furaha Nabadda Geeska iyo Bariga Afrika, ethiopiana Gaajo iyo Dagaal ka biximayso inta ay Dhulkaas haysato Dadka DHulka iskalena way Dagaalamayaan ilaa maalinta ay Xor ka Noqon~

  8. c/casis says:

    ACWW.

    Salaan kadib.

    Aad ayay ugu mahadsanyihii somali talk qoraalkan aadka uhufan ee ku saabsan xasuuqa iyo gawra aan loo aabo yeelayn ee ka socda ogadenya runtii dhiigyacab malas waxaa kadhaadhacsan fikrad khaldan oo ah khasab ku itobiyaanee somalida ogadenya tasoo aan marnaba dhacayn caqli daradiisana waxaad moodaa in uusan wax cibro qqado sha ah uu san kaqaadanayn dareenka umada iyo in ay ka go,antahay in ay iska celiyaan.

    weaxaase kasii daran oo aanan garanayn danta ay kaleeyihii kuwa ayda sumaysan ah ee u shaqaynaya ee gacantooda dhiiga kula jira 24 eed moodin in layiri la idinla xisaabtami doono.

    shaki igagama jiro in ay iman maalin aydaas iyo reer tigray lala xisdaabtami doona.xisaabtooduna noqondoonto in loo marjiyo sida ay dadka u marjinayaan.

  9. Cumar says:

    ASc,
    Waxaan leeyahay illin baa ku furmay Xabashida waa aftida ka dhacday koonfurta Sudan waa furaha qowmiyada dhaqankooda is diiddan inay kala tashadaan, waliba shidaalka ku jira K. Sudan kama yara ka dhulka ay Xabishada gumeysta ku jira kana kheyraad badan. Digdigta iyo dararamta doqontaa ku indhosaabanta una nugol dulli iyo dulmi inay ku hoos jirto waa xilligii la adkeyn lahaa midnida, higsigu waa tubta ay martay koonfor Sudan