Home » Warar »

Gobolada Soomaaliya oo ay soo wajahday Xaalad abaar aad u daran

Shirkadda Hormuud oo biyo dhaamin ka bilowday deegaanada qaar —

Iyadoo dalka ay soo food saartay xaaladda abaar ah ayaa wararka ka imaanaya gobolada dalka  Soomaaliya waxay sheegayaan in dad iyo duunyo ay ugu geeryoodeen abaarta kadib markii ay waayeen biyo baad, waxayna dadku bilaabeen in ay u soo barakacaan qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Odoyaasha la socda xiliyada roobka waxay sheegeen in abaartaani tahay mid ka duwan kuwii horey uga dhacay dalka kadib markii ay saameysay dhamaan gobolada Soomaaliya oo dhan waayo tii 1991-dii ee cago bararkii waa mid ku ekeed Koonfurta Soomaaliya, waxayna sheegeen Odoyaashu in haddii aan Alle si dhaqsi leh roob u keeni ay abaartaani salfan doonto dad iyo duunyo badan.

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ka jawaabeysa baaqa shacabka Soomaaliyeed ayaa bilowday in ay biyo gaarsiiso qaar ka mid ah deegaanada ay Abaaraha xoogani ka jiraan iyadoo maalintii shalay ahayd deegaanka Biyo Cadde ee gobalka Sh/dhexe ay gaarsiiyeen Booyad biyo ah, iyadoo meeshii biyahaasi lagu qaybinayey ay soo dhoobteen boqolaal qoys oo ay ka muuqatao diifta, haraadka iyo darxumada ay gaarsiisay abaartu. Mas’uuliyiinta Shirkadda Hormuud ayaa waxay sheegeen in ay sii wadi doonaan hawlaha biyo dhaaminta ee ay ka wadaan dalka sidoo kale waxay dhawaan Hormuud raashin gaarsiisay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Karaan halkaas oo ay ku dhibaateysnaayeen dad fara badan oo ay waxyeelo ka soo gaartay dagaalada iyo Abaaraha dalka ka dhacay.

Dhinaca kale Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa gobolada ay gacanta ku hayaan barnaamij dadka lagu gaarsiinayo biyo, sidoo kale waxaa intaa dheer in dadka la siinayey xoolo laga uruuriyey dadka oo dhinaca Zekeda ah sidoo kale Dowladda Federaalka ayaa ugu baaqday Hay’adaha samafalka in ay gargaar la soo gaaraan dadka ay abaaruhu ku habsadeen.

Isku soo wada duuboo xaaladda abaarta  ee ay ku jirto Soomaaliya ayaa ah mid aad u daran iyadoo gobolada soomaaliya intooda badan ay sanadkaan waayeen xiligii deyrta waxaana gobolada soomaaliya qaarkood ay dadka sheegayaan in ay isugu darsameen abaart iyo cuduro iyadoo carruutooda qaarkeed ay u dhimanayaan cudurada ay ka dhaxleen abaarta.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Gobolada Soomaaliya oo ay soo wajahday Xaalad abaar aad u daran "

  1. xujaale says:

    waxan ileey ka baryeena inoo ka qaado abaarto oo roob udo ee dadka ileeheey wax siiyoo u gargaara walaahiin aduunku waa maalmo qora oo waxa laga qadanyaa 2miti oo maro cada ee mata aad janis heesataane sidaqo labaxa waad u jeedan intii xabda ka hartay waxeey u dhimanayaan gaajo iyo haraad ee ilaah hadii anahay umadaada noo gargaar oo roob iyo barwaaqo nooga dhig dhulkeena soomaliya aaaaaaamiiiiiin