Home » Warar »

Maraykanka oo lagu dhaawacay Askari ka tirsan Booliska Los Angeles oo dhalashadiisu tahay Soomaali

Maxamed Axmed oo 27 jir ah ayaa la gaarsiiyey dhaawac culus kaddib markii xabbad lagala beegsaday madaxa, sida ay sheegeen booliska magaalada Los Angles oo uu ka tirsan yahay. Waxaa dhaawaca wajiga ka gaarsiiyey waa nin la sheegay in uu ahaa Gangster, ninkaas oo toogasho lagu diley.

Maxamed Axmed oo ah Somali immigrant, waxa uu ku jirey tababar la xiriira booliska gaafwareega ama ilaaliya ammaanka magaalada L.A. dhankeeda Bari. Waxana uu la socdey askari kale oo tababarayey.

Sida laga soo xigtey booliska, maalinimadii Talaadadii qiyaastii 7:18 fiidnimo ayaa Maxamed Axmed iyo sarkaal tababarey oo wada socda ayaa waxay arkeen qof ay ka shakiyeen oo ku dhex jira gaari. Markii ay soo gaareen ayna isku dayeen in ay qabtaan ninkaas ayaa ninkii waxa uu xabbad wajiga kaga dhuftay Maxamed Axmed.

Markaas ayaa askarigii kale ee in uu tababaro ula socdey Maxamed Axmed waxa uu toogasho ku diley ninkii ay ka shakisanaayeen ee xabbada soo ridey, sidaas waxaa qortay warbaahinta maxalliga ee L.A.

Waxaana markaas dhakhtarka loo qaaday Maxamed Axmed halkaas oo lagu daweynayo.

Waxaa socda baaritaan ku saabsan sidii arrintaasi u dhacday.

Halkan ka daawo Video warbixin…

Sawirka: http://www.latimes.com/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Maraykanka oo lagu dhaawacay Askari ka tirsan Booliska Los Angeles oo dhalashadiisu tahay Soomaali "

  1. ghulet says:

    alaha caaafifiyo wiilkaan dhalinyarada eedadaalay
    smlidana waxaa laga rabaa inay wadamada ay joogaan wax ka qabsadaan
    oo iska dhaafaan waxyaalaha macna darada ah iyo hadalka beenta ah

  2. Hassan says:

    scw waad mahadsantihiin somalitalk fursadda aad sii dadka oo ah inay fikirkooda dhiibtaan, intaas ka dib, ninkaan dhaawacmay ilaahey ha kaciyo dhaawaca soo gaaray, waana wax lagu farxo inaan aragno ,ninsoomaali ah oo ka dhex muuqda bulshada uu la noolyahay, aduunka waxaa nalooga yaqaan dad ku xiran inay caawimaad qaataan(social income)iyo inaan nahay dambiilayaal, dhib badan oo u taagan inay dhibaateeyaan bushda ay u yimaadeen, waxaan oran lahaa, ka muuqda meesha aad joogtaan, muuqasho ah dhinaca wanaagga iyo horumarka ah wa bilaahi tawfiiq

  3. jalaqsane says:

    marka hore rabbi ha u sahlo walaalkeena soomaliyeed ee dhaawaca ah amin.
    waxaan kula talin lahaa dhalinyarada soomaaliyeed ee ku nool qurbaha gaar ahaan wadamada ogol in la dhex galo inay wax ka noqdaan bulshadana dhexgalaan waxna bartaan,

  4. run ahaantii waa wax laga naxo dhibaatada soo gaartay wiilkaas dhalin yarada ah ee soomaaliyeed ee doonayay in uu gutom waajibkiisa, illaahayna waxaan uga rajaynayaa caafimaad deg-deg ah waxaase wax lagu farxo ah oo la dhiiri galiyo in ay dhalinyarada soomaalida ah ee ku sugan u.s.a. ay dhex galaan bulshada ayna ka shaqeeyaan dhamaan qaybaha kala duwan ee adeega bulshada oo amaankuna uu ku jiro intii ay gangs-ka ku biiri lahaayeen, intii la oran lahaa waxaa uu ku dhaawacmay asaga oo gangistero ku jira waxaa dhaanta in uu dhaawacmay asagoo amaanka ka shaqaynaya ilaahayna waxaa markale u waydiinayaa caafimaad deg-deg ah
    ALLAAH AYAA MAHAD LEH