Home » Warar »

“Haddii xilka uu madaxweynaha ka dhammaaday, baarlamaankana wuu ka dhammaaday” Waraysi Safiirka DFKMG u fadhiya Jabuuti

“Madaxweynaha xilku kama dhammaan, waxaa xilku kaga egyahay Agoosto 2011….  in madaxweynaha uu xilku ka dhammaado oo baarlamaankuna jiro ma soconeyso.”  “Meesha waa la wada dumo ama waa la wada jabi..” ayuu yiri.

C/raxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo ah Safiirka cusub ee Soomaaliya  u fadhiya Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti oo aan waraysi la yeelanay ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin guryaha ay Safaaradda Soomaaliya ku leedahay Jabuuti oo aad u dayacan isla markaasna uu muujiyey in shaqaalaha Safaaradu aysan helin tixgelin sababtoo ah xukuumadda FKMG ee Soomaaliya oo ku mashquulsan xaaladda adag ee ka jirta gudaha Soomaaliya. Waxa uu sheegay in dublomaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawl gala jabuuti in tiradoodu tahay 6 qof.

Waraysiga oo dhamaystiran Halkan ka dhegeyso

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/guulwade1.mp3]

C/raxmaan Guulwade oo ka mid ahaa u tartamayaashii madaxweynanimada DFKMG ayaa sheegay in uu la shaqaynayo Sheikh Shariif ilaa maalintii Sh.Shariif la doortayna uu taageero u ahaa, waxana uu sheegay in kuwa ka soo horjeeda ay yihiin “khawaarij”, waa sida uu hadalka u dhigay’e.

Waxana uu sheegay in Shariif iyo Farmaajo waxa ugu horeeya ay qabanayaan inay tahay inay dalka ka “sifeeyaan” Alshabaab, ayuu yiri.

Guulwade waxa uu tilmaamay in caalamku aqoonsan yahay dawladda dhexe oo keliya, isagoo tibaaxay in aduunku uu doonayo Soomaaliya oo midaysan. Marka dawladdu ay nabad Xamar ka dhigto halkaas ayaa la isugu  imanayaa ayuu yiri. Waxana uu tilmaamay in Sheikh Shariif lagu soo dhaweeyey guriga downing street ee London, taas oo aan afka baarkiisa ahayn, ayuu yiri.

Waxa kale oo uu sheegay in mushkiladda haysata DFKMG in uu yahay mushkilad ka jirta gudaha.

C/raxmaan Guulwade waxa uu ka jawaabay arrinta ku saabsan in la sheegayo xildhibaano ku doodaya in madaxweynaha uu xilku kaga egyahay dhammaadka Janaayo 2011, taas oo uu yiri “Madaxweynaha xilku kama dhammaan, waxaa xilku kaga egyahay Agoosto 2011” Waxana uu intaas raaciyey “Haddii xilka uu madaxweynaha ka dhammaaday, baarlamaankana wuu ka dhammaaday oo nidaamku ma kala harayo, in madaxweynaha uu xilku ka dhammaado oo baarlamaankuna jiro ma soconeyso.”  “Meesha waa la wada dumo ama waa la wada jabi..” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu xusay in ay jiraan hay’ado laab-laab ku jira oo loo baahan yahay in la dhiraan dhiriyo si Soomaaliya uu xukunkeedu ugu soo wada wareego.

Danjiraha DFKMG u fadhiya Jabuubi, C/raxmaan Cabdi Xuseen Guulwade

Waxaa waraysiga qaaday

mohamed mo’alim Osman ALLMAN | SomaliTalk.com Jabuuti
Email: fatxumaalik1 @ gmail.com


Warsaxaafadeed ka soo baxay Xasfiiska Ra’iisul wasaaraha DFKMG, Jan 13, 2010

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:

WAR-SAXAAFADEED KU AADAN KULAMO HOR DHAC AH OO UU R/WASAARUHU LA QAATAY

War-saxaafadeed

(Muqdisho, 13 January 2011) Ra’isul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa Arbacadii 12ka January gaaray magaalada New York si uu uga qeybgalo kulamo muhiim u ah Somalia oo lagu qaban doono xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York.

Kulankii ugu horreeyey ayuu Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay isla Arbacadii 12kii January 2011 Ergeyga joogtada ah ee Dalka UK u fadhiya Qaramada Midoobay (UN), Sir Mark Lyall Grant. Kulankan ayaa u dhacay si wanaagson. Ergeyga UK waxuu Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyey sida uu u dar-dargeliyey howlaha Xukuumada FKMG ah ee Somalia. Ergeyga Joogtada ee UK u fadhiya QM ayaa aad ugu farxahay inuu la kulmo Ra’iisul Wasaaraha Somalia, waxuuna sheegay in UK ay taageereyso Dowladda FKMG ah, isla markaana ay qabanqaabineyso kulan dhexmara wadamada ku howlan Somalia iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM Ambassador Augustine Mahiga si loo dar-dargeliyo la shaqeynta iyo caawinaada shacabka iyo Dowladda Somalia. Ergeyga Joogtada ah UK, Sir Grant ayaa sheegay in loo baahanyahay in caalamku uu hal meel uga soo jeesto arrimaha Somalia.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed, ayaa aad uga mahadceliyey Ergeyga Joogtada ee UK u fadhiya QM, isla markaana warbixin kooban ka siiyey xaalada dalka, oo uu xooga saaray dhanka abaaraha sii raagaya iyo sida caalamka looga baahanyahay inay si deg-deg ah gurmad ula soo gaaraan dadka ku dhibaateysan dalka Somalia. Ra’iisul wasaaruhu waxuu ku tilmaamay nasiib darro in kooxaha nabaad diidka ah ee ka soo horjeeda dowladda ay dadkii u diideen in hay’adihii gargaarka ay gargaar gaarsiiyaan shacabka dhibtu ku raagtay.

Ra’iisul Wasaaraha waxuu kaloo la socodsiiyey Sir Grant in Xukuumadda FKMG ah ay sameysey dadaalo fara badan, sida dib-u-heshiisiin laga dhaliyey gobolada dhexe ee dalka, dhanka amniga, dhanka maaliyadda oo miisaaniyadii la ansixiyey laguna dhaqmo, guddigii dastuurka oo la ansixiyey si ay u dar-dargeliyaan dhameystirka qabyo qoraalka dastuurka, iyo arrimo kale oo fara badan. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha waxuu xooga saaray sidii UK ay u labolaabi laheyd kaalmadeeda dhanka dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka bani’aadanimo.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda la qaato kulamo is daba-joog ah diblomaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta QM oo uu kulan qaas ah la leeyahay Xoghayaha Guud ee QM Mr Ban Ki-Moon maalinta Khamiista 13ka January, ka dibna maalinta Jimcaha ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo shirka Golaha Amniga ee QM.

-DHAMAAD-

La xiriir Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " “Haddii xilka uu madaxweynaha ka dhammaaday, baarlamaankana wuu ka dhammaaday” Waraysi Safiirka DFKMG u fadhiya Jabuuti "

  1. Its remarkable how interrupted these comments sound. What bases do you have to accuse an individual of such corruption? Is it because you got denied a visa? Or maybe because you didn’t put in any work to further your own life so it’s easier to blame others. The comments that I see on this board are as disgusting as they come. It’s amazing how the Somali population wants to blame everyone else except themselves for faults that are baseless. Once you come with documents that confirm this guy was a fault for anything that was listed here today maybe I will take these accusations seriously. Until then site your comments, let me know what your sources are, and please don’t play the blame game because your life is in shambles. In my opinion this man is a pioneer in the Somali political world and if you don’t know enough about him DON’T COMMENT. Its crazy how the people that don’t feed into the corruption of Somali politics are blamed for the same wrong doings as the ones who do. Let Allah be the judge and allow yourself to work on how you can better your country and people while moving away from the politics of tribalism.

  2. muna maxamed says:

    as,c waxan halkan ugu mahad celinayaa dhaman inta comment,ka dhiibatay qoralkan, ama codka laso dubay intaba, waxan aad ula yaabay hal qof oo tagerta, kuma jiran, dadka fikirkoda cabiray, arintasi aya igu kaliftay, in an ana darenkeyga ku so gudbiyo, halkan,
    Ugu horeyn ninkan lo so magacabay safarada somalida e Jabuuti, waxan u shega iyo shacabka somaliyedba hortiisa ayaa laso magacabay nimanka asaga o kale ah waana la ogaa jidkii ey maren qaar ayago dagan hotelo an u qalmin ayey tii rabi u timid, qarna guryo an u qalmin waxay ey ku so kordhiyena majirto, kanina waxa ii muqato in uu tabtii kuwii hore ku socdo,
    marka waxan kula talin lahaa ninkan cusub in uusan somalida ku dhaqan jabuuti uusan eed ka galin, ee uu dowlada jabuuti ka radsado xaqa uu ku leyahay sida in uu hello aqalkii safiirka uu mudna in uu dago. ee yusan ku so laaban qaxootiga masakinta ah ee degen guryaha somalida ku ledahay jabuuti…….

  3. Ordaaye says:

    Intaadan gurigaaga ka soo bixin muraayad ayaa la isku fiirshaa si aad u ogaatid meelaha labiskaagu ka qaldan yahay ama qof kalaa la dhahaa i fiiri. Waa nasiib darro in Cabdiraxmaan Guulwade oo kale uu umadda Soomaliyeed soo hor istaago.
    Maxkamadda ICC ma jecli laakiin markaan kuwan oo kale arko ayaan is dhahaa yaa geeya.

  4. Togane says:

    Guulwade waa odayaashii shirkii sharwadayaasha ee xamar lagu qabtay horboodayey, shirkaasoo la rabay in lagu sharciyeeyo soo galitaanki itoobiya.

    Waxaase taa kasii daran eedeyntaan ninka iga koreeyo sheegayo ee kuwajahan deeq waxbarasho ee uu lunsaday waa arin igu cusub horey uma maqal hadayse jirto waa jariimo weyn.

    Walaalayaal ninkaan halaga digtoonaado, waxuu doono ayuu sameynayaa si uu danihiisa qaaska ah ku gaaro.

  5. anigoo gudoomiyaha ardayda soomaaliyeed ee iran waxaan ka xumahay waraysiga aad layeelateen nin danbiile ah oo dadka soomaliyeed mucaawanadoodi lunsaday oo xitaa kamid ah raga aan ogolayn in dawlada soomaliya ka dhalato waxaana uugu baaqayaa shacabka soomaliyeed inay tagaeerin dadka danbiga ka galay oo soomali jufojufo ukala qoqobay waxaan maanta haynaa natiijadii ama mirihii safiirka hore ee iran oo ardaydii soomaaliyeed oo dhamaan goboladasoomaliya kakalatimid ukala qaybiyey si qabyaalada kujirto isagaa isticmaalaya waxmagarato taasna waa tan keentay in dawlada iran ay ururka ardayda soomaliyeed toos ula shaqeeya si dhibaatada ardayda loo yareeyo oo dhawaana uu kasoo cararay wadanka iran markii waaxda socdaalka ee iran ogaatay in dad itoobiyan ah ay deeqaha shacabka soomaliyeed ku yimaadaan una sii gudbaan turkika ayadoo lawada xasuustokulankii sanadkii hore dhexmaray isaga iyo wasiirkii horearrimaha dibada ee iran munachir mutagi ee wasiirku kusiiyey lacag gaadhaysa 2milyan iyo daawooyin loogu talogalay shacabka soomaliyeed ee dhibaataysan taas oo dubai lagu leexsaday taas waxay sababtay in dhawaan markay soo shaacbaxday arrintani uu kacararay wadanka danbiile guulwade halka wasiirkii qaladka sameeyeyna labadalay bil ka hor taaswaxay galisay ardayda soomaliyeed inay siiwadaan dadaalkooda ku aadan ka takhaluska danbiilayaasha xaga webka waxaan talo uugusoojeedinlahaa in dad lawaraysanayo ay ahaadaan dad haysta kalsoonida shacabka nasiibdarro waan dhagaysay waraysigii waxaa xusid mudan dal uu sii burburinayaan inay dhahaan dad ba aduminaya waxaan ku faraxsanahay dadaalka ay wado wasaarada arrimaha dibada taas oo aad dhawaan arkidoontaan taas oo danbiga uu ka galay danbiile guulwade maxakamad lagusootaago wadan iran iyo ciidamada sirdoonku ay wadaan hawlahoodiiku aadanaa xalinta arrintan
    danbiile waa laga qabanaya shacabka soomaaliyeed shariifna waa dhacay shacabka soomaaliyeedna waa guulaysanayaa nasiibdarro xil ayuu ka hadlaya aya adoortay ma shacabka soomaliyeed halkeese shacabka soomalieed ku doorteen waxa xusid mudan in ninkan uu ahaa gudoomiye ku xigeenka shirkii dawlada cabdilaahi yuusuf ku qabatay 2007 mugadisho tasaoo lacag sucuudigu bixiyey ku lunsaday maanta ayuu cid imaanlaawe ku sheegayaa akhri cvkiisa ama dabagal meeluhu ka shaqeeyey waa nin da a oo caafimaadkiisuna liito laakiin tuugado mataqaano da waxaan mulkiilaha webka kacodsanayaa in uu ilalaiyo macaamiisha web dadka xunxuna aan loogu yeerin magacdawladeed shacabka soomaliyyeed waa guulaysandoonaan dhawaan ayaad arkidoontaa insha alaah

  6. abdirahman says:

    asc wr wb dhamaan umadda soomaaliyeed meelkasta oo aay joogaan iyo gaar ahaan walaalaha somalitalk oo runtii markasta iku hoowla kadigidda aay uga digaan umadda soomaaliyeed halisaha kuwajahan dalka iyo dadka sida sida heshiis kusheegii badda ee keyna marka hadii aan kahadlo ujeedada qoraalkeygan waxa aaytahay waa fiicantahay in soomaaliya maanta leedahay doowlad aduuka ukala socota oo la aqoonsan yahay laakiin su.aasha isweeydiinta mudan waxaytahay maxaa hortaagan inay doowladu aay kadhaaciso dowladaha afrika inay dadkani yihiin umad dhibin oo qaxootiya marka u aqoosada qaxooti ee kadaaya xariga iyo dhibka marka danta qoraalkeygan waxa aaytahay inaan tuso xukuumada reysul wasaare farmaajo inta doowladood ee ugu dhika badan ama ugu xun soomaalida waxa aykala yihiin 1.kenya 2.tansania 3.sabia 4.musanbik 5.botswana tan uguxun dhamaantoodna waa botswana marka waxaan rejeenayaa in umaddan cid usoobaxidooto insha allaah warafaadaye by abdirahman fanah cap town s.africa