Home » Warar »

Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo 100-kii Maalmood ee uu qabsadey Xagee Mareysaa?

55 Maalmood ayaa ka tagtey waxaa u Harsan 45 Maalmood —

20-kii Nofember 2010 ayay ahayd markii Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo uu qabsadey Boqol Maalmood in uu wax kaga qabanayo Arrimaha Amaanka mar uu la hadlayey Golaha Baarlamaanka uuna soo bandhigey Qorshahiisa ee Dowlada ee wax ka qabashada arrimaha Nabadgelyada taasoo ay si aad ah ula dhaceen qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka halka kuwa kale ay sheegeen in ay hore u soo daawadeen Riwaayad noocan oo kale ah Shacabkuna aysan u baahaneyn Hadal iska dheh ah ee ay u baahan yihiin Ficil

Qorshaha Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo waxaa kaloo soo dhaweeyey qaar ka mid ah Shacabka halka Xarakada Alshabaab Mujaahidiin ku tilmaameen Riyo aan soconeyn horena loogu hungoobey balse qaar ka mid ah Shacabka ayaa sheegey in 100 maalmood ee uu qabsaday Ra’isul Wasaare Farmaajo aysan waxba ka bedelayn xaaladda wadanka haddii xitaa la siiyo 100 sano.

Ra’isul Wasaaraha DFKMG Farmaajo inkastoo kala bar ay mareyso waqtigii uu qabsaday haddana ciidamada Dowladda oo iyaga laga sugayey in ay sugaan ammaanka ayaa sidii la rabay loo habeyn, sidoo kale waxaa fadhiid ka dhigay Dowladda Federaalka isfahamdarada dhex taala mas’uuliyiinta sare ee Dowladda oo iyagu isku khilaafsan qaabka loo wajahayo nabadeynta Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

Shacabka Muqdisho ku nool ayaa isweydiinaya halka ay ku dambeysay 100-kii maalmood ee uu qabsaday Ra’isul Wasaare Farmaajo, waxayna qaarkood yiraahdeen “Horey ayaan uga daalnay qorshayaal noocaan oo kale ah, horey waxaa qorshe noocaan oo kale ah u soo jeediyey Ra’isul Wasaarihii hore Cali Max’ed Geedi, waxaa sidoo kale qorshe noocaan oo kale ah qabsaday Ra’isul wasaarihii dhawaan xilka ka degay Cumar Cabdirashiid oo sheegay in ay xasilooni ku soo dabaali doonaan Magaalada Muqdisho”.

Ra’isul Wasaaraha DFKMG Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa Dowladdiisa waxay weli ku qaylineysaa in loo soo kordhiyo tirada ciidamada AMISOM oo haatan gaareysa 8-kun, waxayna Dowladda Federaalka ah codsatay 12-kun in la gaarsiiyo ciidamada AMISOM kuwaas oo ay sheegeen in ay wax ka qabanayaan arrimaha ammaanka Magaalada Muqdisho, hase yeeshee Ciidamada AMISOM ayaa weli ku xareysan xeryo ku yaala Magaalada Muqdisho umana muuqdaan kuwo wax ka qabanaya ammaanka Magaalada Muqdisho.iyadoo hore loo ogaa in Ciidamadii Itoobiya ee tirada badnaa ay muqdisho ka huleeleen iyagoo aan wax u qaban Dowladii Cabdulaahi Yuusuf.

Boqolka maalmood ee uu qabsaday Ra’isul Wasaaraha DFKMG Farmaajo waxaa kale oo hareeyey markii ay soo ifbaxeen in shirkado shisheeye oo dhinaca ammaanka ah lala galay heshiisyo waxayna arrintaasi muran ka dhex abuurtay Dowladda Federaalka, hase yeeshee Baarlamaanka ayaa ku diiday Xukuumadda heshiisyada ay la gashay shirkadaha shisheeye, waxaa sidoo kale arrintaasn si aad ah uga gilgishay heshiisyadaasi Ciidamada Amisom maadaama ay sheegeen in ay nabad ilaalin u joogaan gudaha dalka Soomaaliya.ee aan loo baahneyn Shirkado Amaanka Suga Isku soo wada duuboo 100-kii maalmood ee uu qabsaday Ra’isul Wasaare Farmaajo waxaa ka harsan maalmo kooban mana muuqato saan saan meesha looga saari kooxaha ka soo horjeeda Dowladda.

Halkan ka akhri hadalkii Farmaajo ee 100-ka maalmood

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com.

###
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo u Dhoofay Maraykanka iyo Wafti la socda oo sii dhoofaya dalka Norway

November 20, 2010 Ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa 316 xildhibaanada oo ku shirayey Muqdisho waxa uu u sheegay waxa ay qaban doonto xukuumaddiisu, gaar ahaana in Boqolka Maalmood ee ugu horeeya ay Xooga saari Doonaan Ammaan. Akhri 100-ka maalmood

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.