Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo u Dhoofay Maraykanka iyo Wafti la socda oo sii dhoofaya dalka Norway

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisal Wasaaraha DFKMG ayaa tibaaxay in wafti uu hoggaaminayo Maxamed C/laahi Farmaajo ay u dhoofeen Maraykanka oo ay  ka qayb gelayaan shir lagu qabanyo Golaha ammaanka, waxaana waftigaas qaar kamid ah ay usii dhoofi doonaan dalka Norway si ay uga qayb galaan shir looga hadlayo arrimaah Soomaaliya.

Warsaxafadeedku waxa uu u qoraa sidan:

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka oo ka dhoofay dalka kuna sii jeeda dalka Meyrakanka

Talaado, 11.01.2011——–Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cabdulle Cismaan ee magaalada Muqdisho iyagoo raacay diyaaradda Jubba Airways waxayna ku sii jeedaan magaalada New-york ee dalka Mareykanka halkaasoo uga qeybgalayaan 14-ka bishan January shir ay yeelan doonaan xubnaha Golaha Ammaanka ee Q/midoobay oo looga hadli doono arrimaha dalka Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya R/wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Marwo Sahra Maxamed Cali, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) iyo La-taliyaha Ra’iisal Wasaaraha Arrimaha Warbaahinta Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yarisow) waxaana la filayaa in Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/wasaaraha iyo guddoomiyaha G/Banaadir inay u sii dhoofaan dalka Norway si ay uga qeyb galaan shir ay soo qaban qaabiyeen dalalka Norway, Sweden iyo Denmark kaasoo looga hadli doono arrimaha Dalka Soomaaliya gaar ahaana Siyaasada, Amniga, Gargaarka Bani’aadaminimada iyo sidii taageero dhaqaale loogu fidin lahaa hay’addaha dowladda Federaalka xilliga KMG ah.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa garoonka ku sii sagootiyay Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga oo isagu noqonaya sii hayaha xilka R/wasaaraha Cabdixakiin Maxamed Faqi, Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdishakuur Sh. Xasan Faarax, Wasiirka Warfaafinta iyo Boostada Cabdikariin Xasan Jaamac iyo saraakiil ka tirsan Xafiiska R/wasaaraha oo uu ka mid ah Agaasimaha Xafiiska R/wasaaraha Abuukar Daahir Cismaan.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa shirka Golaha ammaanka kadib la filayaa inay kulamo kala duwan la qaataan madax iyo saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka iyagoo kala hadli doona arrimaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale la filayaa inay la kulmaan jaaliyaddaha Soomaaliyeed qaarkood ee ku dhaqan Mareykanka.

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisal Wasaaraha
media@opm.gov.so

###

Xildhibaanada oo laga codsaday in ay warqad u qoraan Norway

Xildhibaanada Baarlamaanka oo lala socodsiinayo in ay ka hor tagaan khatarta ka iman karta Qorshaha Norway iyo Commonwealth ee ku aadan damaca Badda Soomaaliyeed oo ah arrin weli taagan… AKHRI…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo u Dhoofay Maraykanka iyo Wafti la socda oo sii dhoofaya dalka Norway "

  1. Nadiira says:

    Toloow ma badii baay soo gadayaan maxaay Norway ka raadinayaan??

  2. waxaan aminsanahay in raysalwasaare farmaajo yahay nin dadaalaya ilaa xad, uuna hayo wadadii madaxweyne Mahamed siyaad Barre(HALYAY WADANI AHAA) allaha unaxariistee,
    waxaad ka garanaysaa wuxuu u’magacaabay Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Marwo Sahra Gen.Maxamed Cali Samatar, taasina waxay ka tur jumaysaa in uu san ahayn nin qabiil,
    tusaale ahaan ragii asaga ka horeeyay ( Xasan abshir, Geedi ,nuur cade, omer c/rashiid) kuli waxa ku xeernaa waxay ahaayeen jifooyinkooda)