Home » Faallo »

Hay’adaha Samafalka Soomaaliyeed(ee Islaamiga) & Carabta: Qaybta 1aad


Assalaamu Alaykum. Marka hore fariinteyda sanadka cusub 2011, waxaan Ilaahey weydiisanaya inuu sanadkan arimaheena wax kabadalo; inuu quluubteena isu soo dumo, inuu Qaranimadeena noo soo celiyo, inuu kadhigo sanadkan mid loogu magacdaro oo lagu xasuusto ‘Sanadkii ay heshiisey Somalia- 2011’. “Aamiin Allahayow Waa Amaanadaadii”

Maanta iyo maqaalkeena, waxaan ku eegeyna arimaha samafalka  Somalida iyo hay’adaha Islaamiga  qaabka ay uwada shaqeeyaan iyo wixii talooyin ah oo aan  arintaas kusaabsan si’ay howshooda ugutaan sida uguwanaagsan.

Sababta igudhalisay qoritaanka maqaalkan

Maqaalkan waxaan diyaariyey Ramadankii lasoo dhaafay mar aan arkay dad farabadan oo ku soo hungoobay wadamada Khaliijka kadib markii ay lakulmeen isbadalo cusub oo kuyimid arimaha samafalka.

Dadka intooda badan waxay kusocdaan macluumaad hore oo ah inaay Carabta guud ahaan gaar ahaan Bisha Ramadan.

Horay ayaa loo yiri ‘Bisha Ramadan ayay Carabtu Muslinimadu dhab katahay’. Xitaa Zakada waajibka, sida ay ubadan yihiin, waxay ku aadiyaan bishaan.

Isbadalka ugu weyn wuxuu dhacay 9/11

Maqaalkan hay’adaha aan ula jeedo waa hay’adaha islaamiga ee kudhisan asaas diineed ama xarako. Waa hay’adaha 1990kii gurmad badan ka sameeyey meelo badan oo caalamka Islaamka kamid ah, xiligaas oo wadamada badan ay kajirtey dhibaatooyin  xaga bani’aadamnimada ah.

Sida lawada ogsoonyahay hay’adahaas waxay dhibaato badan kasoo gaartey dhacdadii caanka ahayd ee 9/11 iyo maalinta aduunka guud ahaan isbadalka kudhacay.

Xasuusin,mudadii ay hay’adahaan saaxada kamaqnaayeen culays badan ayaa ka soo kordhay arimaha samafalka  ee wadama Muslimka waayo hay’adahaan waxay qaban jireen waxyaabo kaduwan waxa ay qabtaan hay’adaha gaalada(reer galbeedka).

Baaritaan iyo dabagal badan kadib, waxaa adkaatay in lahelo wax cadayn ah oo muujinaya inaay hay’adahaan kaalmo siin jireen waxa loo yaqaan ‘Irhaabka’, argagaxiso, taas oo ahayd marmarsiiyadii ugu wayneyd ee keentey in albaabada loo xiro hay’adahan islaamiga oo loo arkayey kuwa badalikaro  hay’adaha reer-galbeedka oo ayagu caan ku ahaa inta muda ah arimaha samafalka xitaa wadama Muslimiinta.

Isbadalka kusoo kordhay howshaan iyo dib ufuritaankooda

Eedeemo kadhan ah hay’adahaan:Hay’adahan intooda badan waxaa howl-wadeeno ka ahaa- ayaa laleeyahay dhalanyaro leh xamaasad diineed laakinse lagu dhaliilsanyahay  inaaysan khibrad badan ulaheyn howlaha samafalka iyo gurmadka musiibooyinka aduunka kadhaca.

Eedeymahaas waxaa kale oo kamid ah, sida ayagoo dadka kala xigsade xaraka ahaan ama mad-hab ahaan, hanti farabadan oo aan lagaraneyn meel ay kabaxdey.

Waxaa marar badan la’arki jirey dhalanyaro majaalkan kashaqeysa oo mudo yar gudahood kunoqday  ‘maal-qabeeno’.

Dhibaatada ugu weyn waxay kataagneyd sidii loo heli lahaa wax record(raad raac ah)  oo kusaabsan lacagaha soogala iyo sida loo maamula intaba. Tusaale ahaan, cida lacagta bixisey oo laga soo qaaday, cida kasoo qaaday qofka lacagta bixiyey , cida lasiiyey iyo mashaariicda lagu fuliyey intaba.

Wada shaqeynta dowlada iyo dib ufuris hay’adaha

Dib ufuritaanka hay’adahaan waxaa sahlay ayagoo waxkabadalay qaabkii ay ushaqeyn jireen. Nidaamka cusub,waxaa wada shaqeeya dowlada iyo hay’adaha oo markii hore umadax banaanaa howlahooda.

Heshiiskan, dowladu waa inaay lasocoto shillinkasta iyo meesha lagu bixiyo.

Waxaa lasameeyey hay’ad dowladu leedahay oo dusha ka ilaalinayso wixii samafal ah ee ka baxaya dalka. Hay’adaana waxaay warbixin siinaysaa wasaarada arimaha bani’aadamnimada iyo samafalka. Kadib cidii shaki kaqabto hay’ad kamid ah hay’adahan iyo howlaheeda, waxay lasoo xariireysaa dowlada.

Heshiiskan,waxaa laysla gartay cida waxbixinayso, cida xaqa uleh inaay lacagaha ka aruuriso wadanka gudihiisa, haddii ay ahaan laheyd lacag laga aruuriyo masaajidyada iyo  meelaha caanka ah.

Kolsooni: Qofka wax bixinayo laftiisa wuxuu heleya kalsooni iyo inaan  dib loo dabo galin beri kamaalin, taas oo aheyd dhibaato horey ujirtey.

Sidoo kale waxaa sahlanaatey helitaanka  warbixinta mashaariicda lafuliyey oo runtii ay musiibo kataagneyd.

Aaga samafalka oo balaartey: Xitaa waxaad arkaysaa inuu balaartay aaga ay kashaqeeyaan marka labarbar dhigo kii ay horay ugu shaqeyn jireen hay’adahan. Maanta,  waxaad arkaysaa ayagoo kashaqaynaya wadama aan Muslim aheyn sida Haiti iyo meelo kale oo lamid ah. Meesha ay qaarkale bilaabeen inaay iskaashi bani’aadimnimo lasameeyaan hay’ada Christian ah ama dowli ah.

Gabo gabo iyo gunaanad qayta 1aad

Inta aan dib ukulmeyno iyo qaybta 2aad iyo xariirka Somalida, waa Adam Abdi Abuzuhri oo idinleh, assalaamu Alaykum .‘Somali ha israacdo Rabbigeedna ha utowbadkeento’

Adam Abuzuhri Al-Hasani
abuzuhri1 @ gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Hay’adaha Samafalka Soomaaliyeed(ee Islaamiga) & Carabta: Qaybta 1aad "

  1. Asc. Waxaan ugu mahadcelinayaa Qoraaga Maqaalka Qiimaha badan oo uu bilaabay inuu faafiyo. taa oo ka timid ayada oo la wada ogyahay in la isweydiiyo sababta keentay xiritaanka qaar ka mid ah Hay’adihii ka howl gali khayriga ahaa ee ka howl gali jiray Dalka Soomaaliya, sidoo kale ay wali muuqato in ay kuwa kalena ay wadada sii hayaan. taasina ay keentay 2 arin;
    1- dagaal ay gaalada kula jirto guud ahaan umada muslimiinta ah.
    2- qaldaad inta badan ka dhaca dhinaca muslimiinta, ha ahaadaan kuwa farsamo ama muumul.
    waxaan ka rajaynaynaa qoraaga inuu sii dhamaystiro qeybaha ka harsan maqaalka, ayadoo aan ka sugayno inuu cadeeyo asbaabta.
    maxamed sh. xasan . Moqdisho