Dhaqanka Wanaagsan waxa uu qayb weyn ka qaadataa horumarinta dalka, waxa sidoo kale muhiim ah in dhaqanku uu yahay mid aan ka hor imaaneyn Diinta Islaamka mar haddii aynu nahay dad Islaam ah isla markaana si wanaagsan looga faa’iideyso dhaqanka, waxaase isweydiin mudan in markiisii hore dhaqanka wadan uu u muuqday ama uu lahaa saan saan horumarineed oo ku q otonta kor u qaadista horumarka dalka iyo dadkaba.
Soomaaliya waxa ay leedahay dhaqan soo jireen ah oo dadyowga adduunka ay uga duwan tahay, dhaqankii hore ee Soomaaliya waxa uu ahaa mid si weyn loo ammaanay marka laga reebo waxyaabo aan sidaasi u badneyn oo uu kaga hor imaanayay Diinta Islaamka kuwaas oo iyana dadka lagu wacyigeliey in ay ka saaraan dhaqanka balse burburkii Dowladda Soomaaliya kadib waxaa soo baxay dhaqan cusub oo fool xumo weyn u gaystay dhaqankii suubanaa ee Soomaaliya. Dhaqankaan cusub ayaa ku qotoma arrimo badan oo faa’ido daro u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed taa bedelkeedana si weyn u dhisaya dalal iyo dadyow shisheeye, sidaad ka garan karto cinwaanka maqaalkan waxa uu dhaqankaan la yimid dhibaato badan oo dib u dhigtay Qaranka Soomaaliya, waxaana diiradda saari doonnaa hoos u dhaca dhaqaalaha ee ka timid dhaqanka Soomaalida ee waayadii dambe soo xoogeystay waxaana ka mid ah dhaqanka xun ee Soomaalidu ku caan baxday cunista Qaadka kaas oo kummaan kun oo Doolar ku baxdo maalin walba, faanka iyo dhaldhalaalka ayay sidoo kale adduun fara badan Soomaalidu ku bixisaa iyo waxyaabo kale oo fara badan oo ah dhaqan dhaqaale burburis ah.
Jaadka waa midka ugu weyn oo hoos u dhac aad u daran ku keenay dhaqaalaha wadanka Soomaaliya, maalin walba waxaa dalka Soomaaliya dibadda uga baxa kumanaan kun oo doolar waxaana taa bedelkeeda dalka soo gala cagaar ay dadka Soomaaliyeed siyaabo kala duwan ugu mashquulsan yihiin, in yar oo nolol maalmeed ka raadisa mooyee dadka intiisa kale isaga ayay cunaan, waxa uuna qaadku keenay dhaqamo xun xun oo si weyn uga soo horjeeda Diinta Islaamka.
Qaadku keliya hoos uma dhegin dhaqaalihii wadanka, sidoo kale wuxuu keenay in marnaba la heli waayo wado nabadeed oo suuragelisa in dib dhidibada loogu taago dowlad hanata dalka dibna u soo celisa sharaftii qaranka Soomaaliyeed uu ku lahaa adduunka, cunista qaadka aad ayay u xidideysatay waxayna gaartay heer qofku uu ku cabiro waxa uu qabanayo faa’iidada ka soo gelaysa inta ay qaad ka goyn karto, tusaale haddii aad qof shaqo u dirato, qarashka aad u sheegto in uu shaqadaasi ku qabto waxa uu ku leeyahay “sxb shaqadaa ma qabanayo maxaa yeelay qarashkaad ii sheegtay mejin qaad ah ma gooyo”, way caddahay in qaadku hoos u dhac weyn u gaystay dhaqaalaha wadanka isla markaana ay dadka Soomaaliyeed dhaqan ka dhigteen ka ganacsiga qaadka, haddii la joojin lahaa cunista qaadka waxaa shaki ku jirin in dad badan ay ku cataabayaan in nolol maalmeedkoodii la hor istaagay balse dhanka kale aan kaa tuso, dhaqaalaha ku baxa keenista qaadka sow kama haboono in loo adeegsado mashaariic kale oo dadku ay ka heli karaan fursado shaqo laakiin in middaa la hirgeliyo waxay u baahan tahay aragti cusub oo u gogol xaarta in la helo dowlad si cadaalad ah dadka ku hogaamisa una hor kacda wadiiqada horumarku ku jiro isla markaana dadka ka wacyigelisa dhaqanka xun ee ka ganacsiga qaadka kaas oo ay dhaqaale badan ku lumiyeen.
Marka laga soo tago dhaqanka ay Soomaalidu u leeyihiin cunista iyo ka ganacsiga qaadka waxay Soomaalidu sidaas oo kale dhaqan ka dhigteen in ay maalgashi ku sameeyaan wadamo shisheeye isla markaana ay guryo iyo xarumo ganacsi ka sameystaan, waxayna si weyn u camireen wadamo badan oo shisheeye iyadoo wadankoodu uu aad u burbursan yahay uuna u baahan yahay dib u dhis xoog leh, waxaa waqtiyadan dambe aad loogu faanaa ganacsiga laga furto wadamada dibadda, waxaa moodaa in inta badan soomaalidu is laheysiiyeen dalalka shisheeye taasina waxay qayb ka tahay dhaqamada cusub ee inta badan Soomaalidu jeebka kala soo baxday mudooyinkaan, dhaqaale badan ayaa lagu bixiyaa wadamada shisheeye, waxaa xusid mudan xitaa dadka wax dhisaya in ay yihiin dad u dhashay hadba dalka laga hirgeliyo dhismayaashaasi sidaasi darteed waxaa dhaqaalahaasi ku xisaabtamaya dalal shisheeye hadaba sow ma dhihi karno dhaqanka noocaas ahi waa mid dhaqaale burburis ku ah Soomaaliya, aad ayay u soo badanayaan mudooyinkaan xayeysiimaha loo sameynayo Goobo ganacsi, Hoteelo iyo Dhismooyin ay leeyihiin dad Soomaaliyeed kuwaas oo ku yaala wadamo shisheeye.
Dalalka shisheeye ayaa mashaariicda Soomaalida ka hela faa’iidooyin badan sida canshuuraadka iyo bilicda dhanka deegaankooda oo dhisanta, somaalidu marnaba kuma fekeraan in ay mashaariicdaasi u soo weeciyaan dalkooda. Dadka wadaniyiinta ah ayaa ku taliyey in dalka loo soo weeciyo mashaariicda wadamada shisheeye lagu hormarinayo si bay yiraahdeen ay dadku u helaan shaqooyin ay uga haraan hurinta dhibaatooyinka dalka soomaaliya dib u dhigay isla markaana laga haro dhaqanka ku dhisan dhaqaale burburinta. Soomaalida waa dad cajiib ah oo dhaqankooda laga hadal hayo adduunka, waa dad marka aad u fiirsato dhaqan ahaan ku biyo shubanaya xisaab la’aan, waxaa lagu tirayaa in ay yihiin dad gacan furan oo aan ka fekerin meesha ay wax ku bixinayaan, waxay si aad ah u qadariyaan faanka oo dhalay saldanad jeceylka, qofka Soomaaliga ahi si uu madax u noqdo waxa uu ku bixinayaa maal badan isaga oo aan ka fekerin natiijada uu ka heli karo madaxtinimadaas, taasna waxay qayb ka tahay dhaqanka dhaqaale burburiska ku dhisan.
Marka laga soo gudbo labadaasi qodob, aad bay u badan yihiin waxyaabaha soomaalida dhaqanka u leeyihiin ee dhaawac u gaystay kobaca dhaqaalaha soomaaliya, waxay soomaalidu tiraahdaa (intaadan meel dheer fiirin hoostaada eeg), taa waxaan ula jeedaa dhaqanka dhaqaale burburinta ku saleysan waxa uu xitaa ka dhex jiraa Qoyska tusaale ahaan waxaad arkeysaa nin maqaayad ka cunteeya isla markaana gurigiisa saddexda waqti dabku ka shidan yahay isla markaana xaafadda looga tashaday saddexdaa waqti, waxaa laga yaabaa in cunada loogu talagalay god lagu shubo subax kasta, halkaasi waxaa si aan habooneyn loo bixiyey qarash labo dhinac ah isla markaana ninkaasi wax dhibaato ah uma arko arrintaasi maxaa yeelay waxa uu ka mid yahay dadka Soomaaliyeed ee qaabkaasi dhaqankooda noqday.
Waxaa la yaab leh nin ganacsade ah ayaa lacag aad u fara badan oo kumaan kun oo doolar gaareysa ku soo iibiya baaruud, istakiin iyo daawooyinka dumarku isku caddeeyo kuwaas dhibaato mooyee aan wax anfac ah ugu jirin Soomaaliya, ninkaasi ganacsigaasi fulinaya waxaa hubaal ah in guriisa aan inta badan laga hele qudaar anfac u leh carruurtiisa balse uu taa bedelkeeda u soo iibiyey baaruud ay isku baacsadaan ama isku waxyeeleeyaan, haddii lacagtaasi lagu maalgelin lahaa beero lagu abuuro qudaar kala duwan waxa uu ninkaasi horsed u noqon lahaa wax isaga waxtar u leh bulshada waxtar u leh, dhaqanka dhaqaale burburinta ku dhisan ayaa sidaas oo kale Soomaaliya ka galay dhanka ganacsiga.
Waxba waxbaa ka daran waxaad arkeysaa qoys dhamaan wada isticmaala taleefanka gacanta (Mobile) oo aad moodo in ay u shaqeeyaan shirkado caalami ah amaba ay yihiin ganacsato maareyneysa ganacsi balaaran oo adduunka oo dhan ka kala socda balse taa bedelkeeda waxaa laga yaabaa in hal waqti dabka shitaan kaas oo si ciriir ah, iskaba daa in carruurtooda u awoodaan in ay ka bixiyaan qarashka waxbarashada, tanina waxa ay ka mid tahay dhaqanka Soomaalida gaar ahaan qaybta faan jaceylka oo ay ku caan baxeen iyagoo mar walba isha ku haya wixii cusub waxaana halkudhig u ah (Wixii cusub caalamkaa jecel), Soomaalidu way ku adag yihiin dhaqanka soo jireenka, qaaraamiga ah ee duugoobay kaas oo asal ahaan raad ku laheyn in laga fekero mustaqbal fog, waxaa arkeysaa qoys hanti alle siiyey isla markaana jahli ah oo ku fikireyn in carruurtooda ay waxbarasho geeyaan balse aad uga fekera labiskooda iyo dhaldhalaalkooda waxayna ku bixinayaan dhaqaale aad uga badan midka ku bixi lahaa kobcinta maskaxdooda (Waxbarasho) balse nasiib daro waxaa si weyn u jiitay dadka soomaaliyeed dhaqanka adduunku ka tegay ee weli Soomaalidu dhegaha ku dhegan tahay.
Maalin ayaa nin labis qurxoon wata isla markaana ku socda gaari cad waxa uu soo fariistay Biibito shaaha laga cabo, ninkii waxa uu cabay koob shaah ah markii uu dhameystay ayuu nin kale oo meesha fadhiyey oo uu yaqaan ku yiri “Hebelow shaaha lacagtiisa adiga waaye ee iga bixi”, ninkii kale oo aad u yaaban ayaa ku yiri “Sxb hadalkaas ma waxaad ula jeedaa shaaha aniga ayaa bixiyey, maxaad iigu jees jeesaysaa maad shaaha naga wada bixisid”, halkii ayaa dood ka dhalatay waxaana markii dambe lacagtii bixiyey ninkii meesha loogu yimid halka kii xaragoonayey ee baabuurka watay uu iska dhaqaajiyey. Ninkaasi waa ka daacad waxa uu wataa gaari qurux badan oo kuwa raaxadda ah mana awoodo in uu shaah iska dhiibo, aan dhanka kale kaa tusee haddii uu gaariga iibsado oo uu ku furo ganacsi yar waxaa ka faa’iideysan kara dad badan oo ay ugu horeyso nafsaddiisa, micnaha ulama jeedo in Gaari la iibsado ay qalad tahay balse waxaan ula jeedaa yaa mudan in la hor mariyo baahida aasaasiga ah iyo midda sare ee dheeraadka ah.
Soomaalida faanka waa ku kala horeysaa waxaa arkeysaa Gawaari fara badan oo lays dabadhigay oo sida aroos isla markaana saacado badan ku wareegaya Magaalada uu aroosku ka dhacayo, waxaa gawaaridaasi lagu soo kireeyey maal badan oo aan ka go’in lamaanaha is guursaday, nin ayaa xaaskiisa ku yiri “Walaaley lacagta aan ku bixineyno kirada gawaari fara badan iyo xaflad heeso iyo cayaaro lagu soo bandhigo, sow nooma haboona inaan raasumaal ka dhigano mustaqbalka ayay wax na tareysaaye”, gabadhii ayaa si aad ah uga carootay hadalka ka soo yeeray wiilka waxayna ku tiri cod ay kor ula kacday “Waryaa ma waxaad rabtaa in Xaafadda nalooga sheekeysto oo nalagu tilmaamo in aan nahay dad liita mise waxaa rabtaa in gabadhaha xaafadda ku shekeystaan heblo arooskeeda wuxuu ahaa mid aan heer sare aheyn oo kala tuur ahaa, wax ma kuu sheegaa mustaqbalka aad sheegeyso Alle ayaan u qabnaa ee waqtigaan waxaa ii diiran in aan sharafteyda ilaashado”.
Waad garan kartaa in gabadhaasi dhaqanka ay haysato ku riixay heer ay ka fekerto oo keliya waxa ay dadku ku sheekeysanayaan balse meel dheer waxba kama fiirin, marka wixii la heli karo lagu bixiyo xafladda arooska isla markaana todobada laga soo baxo ayay arrintu waji kale yeelataa, waxaa bilowda guux ka dhex dhashay lamaanaha oo qaarkiis marka dambe cirka isku shareera wuxuuna khilaafka intiisa badan salka ku hayaa dhaqaale xumo qoyska la soo gudboonaata waxayna marka dambe arrintu ku dambeysaa in la kala tago oo sidaasi uu qosykii ku burburo, dhaqaalihii lagu cayaaray waxa uu qayb weyn ka qaadan karay nolosha qoyska arooska kadib balse dhaqanka aan leenahay ee dhanka faanka ayaa keentay in gabadhaasi ay rasumaalkeedii burburiso iyadoo ka carareysa sheekadda jiilkeeda sida xun u warain doonaan.
Dhaqan dhaqaale burburis ah aad ayuu ugu badan yahay soomaalida waxaana sabab u ah dhaqanka aan isbedelka laheyn ee soomaalidu haysato mudo dheer kaas oo ka dambeeya heerka maanta uu caalamku marayo, waxaa Soomaalida dhaqankeeda ku arkeysaa in dadka aysan u muuqan dariiqo lagu gaari karo horumar isla markaana ay ku dhegan yihiin dariiqo kale oo u horseedeysa dib u dhac balse ay iyagu u fahsan yihiin inay tahay midda saxda ah taa waxaa tusaale kaaga filan gabadha aan ka soo hadlay taas oo keliya ka fekertay dhaldhalaalka maalinta arooska, markaan sidaas leeyahay ulama jeedo in dhaqanka Soomaaliya idilkiisa yahay mid dhaqaale burburis ku dhisan.
W/D: Cabdiraxmaan Maxamed Adan (Dirham)
Email: cabdiraxmaandirham@hotmail.com
Aad baad u mahadsan tahay walaalkayga qoraalkan soo diyaariyow adiga iyo websitekan Somalitalkba.Runtii meesha Soomaalidu ka burburtay bulsho ahaan waa habkii dhaqan dhaqaale ee ay u noolayd ,mar keli ah ayay si bilaa qiyaas uga guureen habkii ay u noolaayeen iyagoo aan ka fekerin waxay ku bedelan lahaayeen, taasna waxaan odhan karaa waxaa u sabab ah nidaamkii muxaafidnimada ahaa ee aynu ku dhaqmi jiray ayaynu uga guuray nidaamkanLiberalnimo ah ee qofku wax kastuu arko uu si sahal oo isaga qaadanayo.
Maaanta waxaa ayaandaro ah dadkeenii intay ka tageen beerihii iyo xoolihii ay dhaqan jireen ay rabaan inay u nooladaan sida bulshooyinka ku nool wadamada warshadaha leh ee qaniga ayna inoo sii dheertahay dhaqanxumooyinka kale ee balwadaha iyo masiibootinka wata taas waa waxa dagaalada iyo isboobka inoogu wacan.
Mahadsanidin
Aad buu fakarka qoraalkaagu u fiican yahay isagoo badnaa waxaan akhriskiisa ugu bareeray inaanu lahayn sheekooyinka qubanaha ah ee casrigan soomaalidu wada hunqaacday kuwaasoo ah badi daba dhilif iyo waa layiri iyo islaam aan laqoon faragalintiis. waxay sheekadaadu nadiif ka ahayd qabiilooyinka soomaalida iyo dariiqooyinka noosoo gudbi faa,iidooyinkan oo kale wax garad ayaad tahaye) in kastood taabatay soomaali baayacmushtar kasameeyey dalal kale ha ilaawin nabad iyo dad wax gadanaya ayaa halkaa jooga shilinka nin soomaaliyeed helo koleey burcad badeed tahayna ha moogaan soomaaliyuu u soo noqone