Home » Warar »

Kordhisashada Xilliga Shaqo ee Mas’uuliyiinta Sare ee Dowladda FKMG iyo Xildhibaannada ma Tahay mid hirgeli karta?

Jawaabta Su’aashan waxaan ka sugeynaa Dadweynaha Soomaaliyeed

50 xildhibaan ayaa maalintii khamiista ahayd ee 30kii December shir ku yeesheen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxayna ka wada hadleen xiliga dowladda u harsan wixii laga yeeli lahaa, waxaana sidaasi u sheegay Saxaafadda Mr Xasharo oo ah Madaxa guddiga saxaafadda ee Baarlamaanka, sidaas oo kale fadhigii baarlamaanka ee Magaalada Muqdisho ku qabsoomey isla maalinkaa  qoraal kaas la mid ah baa laga hor akhriyey fadhiga Baarlamaanka.

Shirarkaasi isadaba jooga ah ulajeedadiisu waxay tahay iyadoo baarlamaanka iyo madaxweynahaba labada sano ee loo kordhiyey markii Sheekh Shariif la soo doortay ay ku eg tahay bisha Janaayo 31-keeda, 2011 ayaa beesha caalamka u ogolaatay in loogu daro 8-deeda bil ee u harsaneyd Dowladdii C/laahi iyo Nuur Cadde ay Madaxweyne iyo Ra’isul wasaare ka ahaayeen, wax qaanuun ah oo ku qoran Axdi Qarameedka ama qodobadii  dib u heshiisiinta ee Dowladda iyo kooxhii ka soo horjeeday oo muujinaya in 8-deedaas bilood loogu kordhiyo ma jirto, keliya waa heshiis afka baarkiis ku siman oo ka yimid beesha Caalamka (Gentlemen Agreement).iyadoo taa ay jirto ayey  hadana rabaan in ay is jalaafeeyaan oo qaarkood qaarka kale ka takhalusaan.

Laga soo bilaabo Dowladdii Carta ee C/qaasim Madaxweynaha ka ahaa ilaa iyo Dowladda uu haatan Sheekh Shariif Madaxweynaha ka yahay xildhibaanadu kuma aysan imaan doorasho (Election), balse waxay ku yimaadeen xulasho beeleed (Selection), 90% xildhibaanada Baarlamaanka tayadoodu way liidataa waxayna ka yimaadeen maleeshiyo iska soo hor jeedey, sidaas oo kale inta haysata Shahaado Jaamacadeed waa 15%, waxaysan ogeyn koonfur Soomaaliya xoogagga isku haysta ee kala ah TFG-da iyo Dhaqdhaqaaqa Shabaab, waxayna labaduba leeyihiin marjac ay u noqdaan, tusaale Al Shabaabku marjacooda (Al Qaida) waa og yihiin ,waxaase la yaab leh TFG-da oo marjaceedu yahay Beesha Caalamka (International Community) oo ah midda meesha ku haysa una keentay ciidamadii hore ee Itoobiya iyo kuwa AMISOM ee hadda jooga kuwaas oo meesha ku ilaalinayey mudo 7 sano ah, haddii ay meesha ka baxdo AMISOM waxaa hubaal ah in Shabaab ay 5 daqiiqo ku qabsaneyso afarta degmo ee ay Muqdisho ka joogaan.

Maxaa kalifay in ay garan waayaan marjacooda sida shabaab u yaqaanaan marjicooda, taasi waxay caddeyneysaa in 85% aysan aqoon laheyn una dheer tahay damac xumo siyaasadeed, Beesha caalamka oo aan la ogeyn damac xumadaas ay go’aansadeen, waxayna iska xulayaan guddiyo farsamo oo soo diyaariya qaabkii ay u kordhin lahaayeen, iyagoo keenaya caddeeymo u noqon kara marmarsiyo sida dhameystirka Dastuurka, Sameynta maamul gobaleedyada, Afti ka qaadida dadweynaha, waxaan wada og nahay in arrimahaasi ku dhici karaan in ay dowladdu hesho awood ay ku qabsato gobalada koonfureed iyo kuwa dhexe oo ay Al shabaab gacanta ku hayaan taasi hadda suuragal ma aha  xitaa haddii loo kordhiyo 3 ama 5-ta sano ee doonayaan in ay kordhistaan waayo waxay lumiyeen 70% deegaanadii magaalada Muqdisho oo ay Dowladdii C/llaahi Yuusuf gacanta ku haysay, waxayna qancin la’ yihiin inta yar ee ciidmadu gacanta ku hayaan kuwaas oo aan wax mushaar ah qaadin mudo sanad ku dhowaad ah, iyadoo maanta  ay tahay 1-da Janaayo 2011 waxaa dhacday in isgoyska SYL gaadiidkii marayey oo u badnaa kuwa xildhibaanada in ay jidgooyooyin u dhigteen askar careysan oo mushaar la’aan ah kuwaas oo jir dil  u gaystay Xildhibaano isla markaana ka furtay taleefanada gacanta (Mobile), askartaasi careysan waxay kaloo boobeen xaruntii Xawaladda Dahabshiil ee Degamada X/weyne.

Dhacdooyinkii ugu qatarsanaa waxaa ka mid ahaa in shan wasiir oo kala ah Cumar Xaashi, Ibraahim Xasan Caddow, Ahmed C/llaahi Waayeel, Qamar Aadan Cali iyo Suleymaan Colaad Rooble iyo Ambassador C/kariin Laqanyo in la diley ,   sidoo kale waxaa la dilay Afar xildhibaan iyo Saraakiil oo lagu weeraray hoteelka Muna ee Muqdisho, waxaa kale oo la dilay xildhibaan Ing. Caddow iyo Taliye ku xigeenkii Booliiska Cali Siciid sidaa awgeed waxay arrimahaasi caddeynayaan in taakdarada Dowladda haatan jirta.

Waxaa kaloo jira in hadafkii mas’uuliyiinta sare ee Dowladda uu ku soo koobmay boobka hantida Qaranka iyo iibsashada dhulka, badda iyo Cirka, tuaasle heshiiskii uu Nuur Cadde la galay EU-da kaas oo uu saxiixay Ambassador Max’ed Cali Ameerika heshiiskaas oo u saamaxaya iyo maraakiibta dagaal iyo diyaaradaha dagaalka ee Yurub ay isticmaali karaan Hawada iyo badda Soomaaliya, wax kasta oo ay sameeyaana aan Maxkamadda Caalamiga (ICC) ah la geyn karin, qofkii Soomaali ah oo ay diyaaradahaasi ama maraakiibtaasi dilaan in uusan wax magdhow ah laheyn, heshiiska noocaas ah ee Nuur Cadde la galay EU-da Golaha Wasiirada iyo Golaha  Baarlamaan midna lama horgeyn iskaba dhaaf in la ansixiyo. Waxaa la yaab leh in Dowladii Shiikh Shariif ay Nuur Cadde ku  abaal marsey in uu noqdo Safiirka Soomaaliya u jooga EU-da iyo Talyaaniga iyadoo Max’ed Cali Ameeriko uu weli yahay Safiirka Soomaaliya u jooga Kenya.

Waxaa kale oo jirtay in Badda koofureed ee Soomaaliya qaybta xigta Kenya la isku dayey in laga iibiyo Norway iyadoo dalaal hoose ay ka tahay Dowladda Kenya, qoraalka is afgaradka MOU (Memorandum of Understanding) waxaa kala saxiixay Wasiirka Qorsheynta Qaranka Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, iyadoo MOU-gaasi la sheegay in ay mas’uuliyiin kala duwan oo ku jira Dowladda Soomaaliya ay qaateen laaluush dhan 3-Milyan oo Doolar, waxaa hadda jira Shirkado badan oo heshiisyo lala galay sida SARACEN, SKA, BLACK WATER iyo kuwo kale oo la mid ah.waxaa ka sii yaab badan in Beesha Caalamka ay ku Eedeeyeen Mauuliyiinta Dowlada in ay ka shaqeeeyaan wax loogu yeerey Isxambaarka oo ah dad laga gato Fiisooyin Yurub iyo Dalal kale ee Adduunka.

Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda ee arrimahan ku hawlan hadakoodu waxa uu yahay lacag uruursi oo keliya umana daneeyaan danta guud ee ummadda Soomaaliyeed, haddana iyaga ayaa dabada ka riixaya xili kordhisashada Baarlamaanka iyo mas’uuliyiinta sare ee Dowladda inkastoo aynu ognahay in ay qaarkood rabaan in ay qaarka kale ka taqalusaan oo ay yiraahdaan xiligii baa ka dhamaaday sida Madaxweynaha oo kale oo ay sheegeen in xiligiisa uu bisha Janaayo ku eg yahay, sida ay Soomaalidu tiraahdo (Geel jire waa wadajiraa waana kala jiraa).

Haddaba ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto waxaan kula talineynaa in ay aftidooda ku aadan kordhisashada Madaxda Sare iyo xildhibaanadaba mudo 3 sano ah soo gudbiyaan.

Beesha Caalamka waxaan kula talineynaa in ugu hanjabaan Gudoomiyaha Baarlamaanka  in ay xanibayaan haddii uu fursad siin waayo Dadweynaha.

W/D Somali National Civil Society

Muqdisho –Somalia

Somalinationalcivilsociety@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Kordhisashada Xilliga Shaqo ee Mas’uuliyiinta Sare ee Dowladda FKMG iyo Xildhibaannada ma Tahay mid hirgeli karta? "

  1. fikrad says:

    walaal anigu waxaa dhihi lahaa hadii beesha calamku u ogalaatay in ay 8 bilood sii shaqeeyaan haloo tixgaliyo anaga oo xushmaynayna aqoonyahaniinta hada imaaday oo doonaya in ay isbadal sameeyaan hadii 8daa bilood ay dhamaato waxaan helaynaa firada saxda ah oo ah in ay wax matarayaal yihiin oo aan kacodayno iyo in ay dad fiican yihiin oo aan u codayno, waad mahadsantiin

  2. abuucabdalla says:

    assalaamu calaykum
    anigu waxaan odhan lahaa suuragal matahay in golaha wasiirrada ee cusub iyo sheekh shariif bal muddo la fiiriyo inay wax qaban karaan iyo in kale,baarlamaankan tirobadane tayoyare lakala diro, oo markaa baarlamaan(majlisu-shuuraa)kooban oo rabbi yaqaan oo run yaqaan oo rag yaqaan lasoo xulo? arrintaa qaynuunka beesha caalamka qiil malooga helayaa oo ah in xukuumaddana loo yara kaadiyo barlamaan cusubna la soo doorto?labatalaba tii roon rabbiyoow na waafaji.aamiin.

  3. hussein fiqi says:

    aniga oo aan cidna cambaareeyn, fikirkeeyga ku aadab kordhisashadda xilka ee daawladda tfg, waxaan aaminsanahay ineeysan sinaba ugu daneeyneeykareeyn danta ummadda soomaliyeed sidaa darteed loo baahanyahay in soomalidda aan arimaheedda qaar dantoodda fiirsanaya loo afduubin ee arimaha soomlidda faraha looga qaado. waxaan aminsanahay ineey soomalidda waxeey leeyihiin dhistaan horey ayaa loo tijaabiyey oo s/land iyo p/land ku najaxeen. ee soomalidda ha dhisato daawlad ka madax banaan waxaan loogu yeero beesha caalamka oo danahoodda caalamiga eegta lakiin aan marna fiirin danta soomaliya,

  4. Abdisataar says:

    Waxaan marka hore salaamayaa Qoraaga Maqaalkaan iyo dhamaan bahda Somalitolk oo runtii ah dad kaalintoodii saxaafadeed iyo tii wadaninimoba gutay sidoo kale uhawlgalayaasha saxaafadda kale waxaan u soo jeedin lahaa inay sidaas si la mid ah u shaqeeyaa.
    intaas kadib markaan soo koobo fikerkayga ku aadan kordhisashada xiliga shaqo ee masuuliyiinta sarsare ee Dawlada TFG-da waxaan kala fiker ahay qoraaga maqaalkaan oo soo bandhigay dhamaan fashikoodii, wadaniyad xumadoodii, siyaasad xumadoodii, iyo aqoonxumadoodiiba waxaana leeyaha NO MORE TIME GO DOWN

  5. shire says:

    walaal waxaan salaamayaa dhamaan bahda somalitalk salaan kadib waxaa soomaali u dan ah cidii wax u qabanaysa, cidii aan ukala eexanayn ama cidii aqoonleh waxaan usoo joognay massuuliyiin badan oo qaarkood jahli ku weynaadey oo shisheeyahana aad ugu nuglaa gudaha iyo dalka dhexdiisana aan waxba ka qaban jirin marka bal waxaan dhihi lahaa bal nimankaan aqoonta leh fursad hala siiyo oo xoogaa haloo kaadsho middakale nimanka nairobi ku shirey degdeg ama damac baa ka muuqda anagu dalbaan leenahaye may haday wax u qabanayaan yimaadaan oo wax u qabtaan middakele waxaan ka xumahay in xil. xasharo uu shalay kalsoonida dawlada kala laabtay isagoo weliba qabiilkiisa u doodaya meeshuu dalkiisa iyi dadkiisa u doodilahaa uu beel u leexdo maantana nairobi kasoo qayliyo

  6. shacab says:

    Somalia fore sale!

    Haddii wadanka laga iibiyo ummadaha u baahan maxaa ku jaban?! Mar hadii kuwii lahaa mulkiyada wadanka ay ku heshiin waayeen oo maalinba koox yari gees goosanayso-shisheeyana la hoos tagayso soo kama haboonaateen in hal mar wadankaan lawada iibiyo oo qof walaba cash gacanta loo saaro. cir iyo dhul meehsu qaban lahaa asagaa markaas hawl u taalo tahaye!!

    In xil la kordhisto waxaa ka horeysa in markii horeba qofku xil hayey bulsho ama ummad–markii hore ayey xil u hayeen kuwaani, anigu waan la yaabay markaan qormadaan cinwaankeeda arkay–sidaad malaha ulla yaabteen fikirka aan qoraalkaan ku bilaabay

    wabilaahi towfiiq
    Shacab