Home » Warar »

Cumar C/rashiid oo beeniyey in Xukuumaddiisii ay Heshiis la gashay Shirkadda Saracen international

“Haddii ay tahay sida uu wasiirka maaliyadda sheegayo oo ay tahay in madaxweynaha saxiixay, ruuxeeda waa sharci darro sababtoo ah xukuumaddii aniga oo arrinta shaqada ku lahayd ayaa lala garab maray…. ” Cumar C/rashiid.

Q1: Halkan ka dhegeyso Waraysiga Cumar C/rashiid (VOA)

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/aa_cumar_shirkadda.mp3]
  • Qaybta labaad ee waraysiga ra’iisul wasaarahii hore ee DFKMG waxa kale oo la socda warbixin ku saabsan shirkadda Saracen oo 1994 kaddib lagu soo asaasay Koonfur Afrika, Waxaana shirkadda sannadkii 2000 waxaa laga cayriyey Rwanda oo loo qabtay muddo 24 saac in ay uga baxaan Dalkaas Ruwanda. Sooyaan Cali Cumar ayaana arrintaas laga waraystay (dhegeyso Qaybta 2aad ee waraysiga hoose)

Q2: Qaybta 2aad ee Waraysiga Halkan ka dhegeyso

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/cumar_2_dec2010wav.mp3]

Ra’iisul wasaarahii hore ee Dawladda kumeelgaarka ah, Cumar C/rashiid Sharmaarke oo waraysi siiyey Idaacadda Codka Maraykanka (VOA) ayaa beeniyey in xukuumaddiisii ay wax heshiis ah la gashay shirkadda Saracen international ee la sheegay in qaabilsan tahay ammaanka.

Sabtidii oo taariikhdu ahayd December 25, 2010 ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wasiirka Warfaafinta DFKMG waxa uu ku sheegay in “Heshiiska TFG iyo Saracen International dhexmaray waa mid ka horreeyay xukuumadda hadda jirta.” Waxa kale oo wasiirka warfaafintu hore u sheegay in shirkaddani ay xukuumadda FKMG u soo tababareyso ciidamo VIP oo ilaaliya saraakiisha sare ee xukuumadda. Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda DFKMG Xuseen Cabdi Xalane ayaa sheegay heshiiska shirkaddaas ay DFKMG la saxiixatey dabayaaqadii bishii October ee 2010, waxaana dhanka DFKMG u saxiixay Sheikh Shariif, ayuu yiri wasiirka Maaliyaddu.

Cumar C/rashiid oo arrimahaas ka jawaabayey waxa uu yiri “Runtii Shirkaddaan wax aan kala socdey ma jiraan, xukuumadaydana wax ay ka ogeyd ma jirto, sida haatan isoo gaaraya ama uu wasiirkii warfaafinta sheegay, yacni waxay ila tahay wasiirkii saxiixay xilligii xukuumadaydii jirtey in uusan marna soo wargelin xukuumadda, golaha wasiirada iyo anigaba, marka wax kasta oo wasiir ka mid ah xukuumadda uu saxiixay waqtigaas oo annaga uusan nasoo wargelinna, arrin noocaan oo kale ah oo runtii shaki iyo khatar kale keeni karta in wasiirkii ku dhaqaaqa ay tahay wax sharci darro ah oo isaga ku kooban oo aysan ahayn wax xukuumadda ay la ogtahay haba yaraatee.”

“Haddii ay tahay sida uu wasiirka maaliyadda sheegayo oo ay tahay in madaxweynaha saxiixay, ruuxeeda waa sharci darro sababtoo ah xukuumaddii aniga oo arrinta shaqada ku lahayd ayaa lala garab maray.” Waxana uu ku celceliyey in uusan waxba kala socon shirkaddaasi oo xukuumaddiisii aysan wax shaqo ah ku lahayn. Waxana uu yiri maxaa arrinta loo qarqarinayaa, oo loo soo bandhigi waayey waxa ku qoran qandaraaska lala galaay shirkaddaas. Ma shirkad ku kooban ammaankaa mise arrimo kale ayey geli doontaa ayuu yiri.

Waxana uu aad uga hadlay arrinta ku saabsan ammaanka in aan shirkadi wax ka qaban karin, waxa kale oo uu xusay arrintii uu wasiirka warfaafinta DFKMG ku sheegay in shirkaddani ay u tababar siinayaan ciidamada VIP ilaalinaya, taas oo uu ku tilmaamay in aan shirkad ajnabi ahi wax ka qaban karin, oo ay jiraan dawlado tabarabadaas u sameeya DFKMG.

Cumar C/rashiid waxa kale oo uu ka hadlay heshiiskii lacagta loogu soo samaynayey xukuumaddiisii ee ay la galeen dawladda Suudaan. Waxana uu sheegay in lacagtaas aan hadda loo baahnayn in la soo daabaco waayo xukuumaddo meelo badan faro kuma hayso, ayuu yiri.

Waxa kale oo uu ka hadlay lacagta xukuumadda ka soo geli jirtey Dekedda oo uu ku sheegay in ay ahayd 1 malyan.

Qayb kale oo waraysiga ayuu kaga hadlay khilaafkii asaga iyo madaxweynaha DFKMG. Waxaana salka u ah khilaafka Dastuurka iyo sidii loo maareeyey, iyo sidii looga bixi lahaa Kumeelgaarka, iyo waxyaabo kale oo aanan isku si u arkayn, ayuu yiri.

Q1: Halkan ka dhegeyso Waraysiga Cumar C/rashiid

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/aa_cumar_shirkadda.mp3]

Q2: Qaybta 2aad ee Waraysiga Halkan ka dhegeyso

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/cumar_2_dec2010wav.mp3]

Warsaxaafadeedkii Wasiirka Warfaafinta DFKMG hoos ka akhri..


Jamhuuriyadda Soomaaliya

Wasaaradda Warfaafinta, Boostaha & Isgaarsiinta

Xafiiska Wasiirka

Ref:WW/XW/348/10                     Date. 25/12/10

War Saxaafadeed 55

Faahfaahin kusaabsan Mowqifka Xukuumadda ee Heshiiska Saracen international.

Waxaa iftiimin u baahnaa  xiriirka u dhexeeya  dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya iyo Shirkad lagu magacaabo Saracen International. Iyo weliba howlaha shirkaddaasi ay ka heyso Somalia.

Waxaa jiray jawaabo  laga bixiyay su’aalaha saxafiyiinta, Wareysiyo iyo qoraallo arrintan ku saabsan oo lagu saleeyay macluumaad aan dhammeys tirneyn ama aan sugneyn xilligaas.

Maanta haddaba waxaan  rajeyneynaa in aan arrinta kala caddeyno, oo aan idinka iyo caalamkaba idinla wadaagno macluumaad sax ah oo sugan, ka dib markii aan dib u eegnay documentiyo badan oo arrintan la xiriira , isla markaana la hadalnay dhinacyada ay khuseyso.

1-        Kulammadii uu yeeshay Golaha Wasiirrada Soomaaliya ee  maalmihii Talaadada 21 December 2010 iyo Khamiista 23 December 2010, waxa uu uga dooday  arrinta ku saabsan heshiiska ay wada galeen dowladda Federaalka KMG ah ee Somalia iyo shirkadda Sacacen International.

2-        Heshiiska TFG iyo Saracen International dhexmaray waa mid ka horreeyay xukuumadda hadda jirta, sidaas darteed waxa doodad Golaha Wasiiradu ku aadanayd dib u eegidda iyo turxaan bixinta heshiika si loo hubiyo in uu yahay mid u adeegayaan danta Shacabka Soomaaliyeed.

3-        Heshiiska waxaa dhinaca dowladda KMG ah u saxiixay wasiirka maaliyadda  oo sidoo kale ahaa isla Wasiirkii Maaliyadda ee xukuumaddii hore.

4-         Heshiiska aan la galnay Saracen International  kuma xusna wax howlo ah oo laga qabanayo dowlad goboleedka Puntland.

5-           Baaritaan dheer ka dib waxaan xaqiijineynaa in dowladda Federaalka KMG ah aysan haba yaraatee gelin heshiis wax yeelleynaya qaraarrada Golaha Ammaanka QM.

6-           Haddaan nahay TFG waxaa xil naga saaran yahay sugidda ammaanka shacabkeenna, waxaanna u baahannahay  gacansiinta Beesha Caalamka si aan ugu guuleysanno ujeeddooyinka aan higsaneyno.

7-          Howlaha shirkaddani fulineyso waxaa maalgalinaya dowlado muslim ah oo aan Soomaaliya ka lahayn dano gaar ah, aan ka ahayn in ay shacabka iyo dowladda Soomaaliya ka caawiyaan sidii ay uga bixi lahaayeen  dhibaatooyinka  soo daashaday labaatankii sano ee tagtay.

Waxaa soo saaray Wasaaradda Warfaafinta, Boostaha & Isgaarsiinta.

###

Shirkado badan oo la sheegay in ay qaabilsan yihiin dhinaca ammaanka oo isku haysta Soomaaliya

IIBINTA DOMAINKA .SO: https://somalitalk.com/tag/domain/

Ninka madaxda ka ah shirkadda ay DFKMG ka iibisiey Domainka oo magaciisu yahay Hiro Tsukahara oo waraysi bixiyey ayaa isagoo ka hadlayey lacagta ka soo baxda diiwaangelinta .SO waxa uu yiri “Maadaama Soomaaliya ay tahay dal ku negaadey in uu caawinaad uga baahan yahay dhinacyo badan, waxaa GMO ay ugu deeqeysaa qaar kamid ah dakhliga ka soo gala si u siiso caawinaad, gaar ahaan carruurta.” AKHRI https://somalitalk.com/2010/11/12/so/

DIFAACA BADDA SOOMAALIYA:

– “Norway Faraha ha kala baxdo Badda Soomaaliya”: Saraakiishii Mileteriga Soomaaliya ee ku sugan Italy

– Warbixin iyo Baaq ku socda Soomaalida oo Idil

– Xukuumadda Farmaajo maka badbaadi doontaa shirqoolka la doonayo in lagu maja-xaabiyo xeerka Badda Soomaaliya ee No.37

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.