Home » Warar »

Shirkado badan oo la sheegay in ay qaabilsan yihiin dhinaca ammaanka oo isku haysta Soomaaliya

Dowladda Federaalka KMG oo heshiish la gashey “Shirkad Qaabilsan dhinaca Amaanka” oo lagu magacaabo SARECEN —

DFKMG oo laga dalbaday in ay baarlamaanka hor keento waxa uu ku saabsan yahay heshiiska ay la gashay shirkadda xarunteedu tahay Bayruut, Lubnaan….

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka C/kariin Xasan Jaamac ayaa daboolka ka qaaday in Dowladda Federaalka ay heshiis la gashay shirkad dhinaca ammaanka qaabilsan oo lagu magacaabo SARACEN INTERNATIONAL oo fadhigeedu yahay dalka Lubnaan caasimaddiisa Bayruud, isagoo sheegay in shirkaddaan ay Dowladda gacan ka siin doonto dhinaca nabad sugida ammaanka, dhinaca tababarada ciidamada iyo ilaalinta mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka,waliba ilaalinta goobaha muhiimka u ah Dowladda iyo weliba la dagaalanka Wax loogu yeerey Argagaxisada.

Mar wax laga weydiiyey wasiirka sida ay u wada shaqeyn doonaan shirkaddaan qaabilsan dhinaca ammaanka iyo ciidamada AMISOM, waxa uu sheegay in ay sharaxaad badan AMISOM ka siiyeen waxa ay qabaneyso shirkaddaasi hase yeeshee saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa lagu waramay in shaki weyn ka qaadeen waxa ay qabaneyso shirkaddaasi maadaama iyagu Soomaaliya u joogaan nabad ilaalin.

Shirkadda SARECEN ayaa waxaa la sheegay in kharashka ku baxaya ciidamada ay wadato ay bixinayaan dowlado muslim ah, hase yeeshee wasiirku waa uu ka gaabsaday in uu faahfaahiyo dowladdaasi magacyadooda, balse shirkaddaan ayaa waxaa la sheegay in ay hawlgalo fara badan ka sameysay qaar ka mid ah wadamada ay xasaraduhu ka taagan yihiin.

Shirkaddaan ayaa waxaa dareen xoog leh ka muujiyey qaar ka mid ah xildhibaanada Soomaaliyeed oo iyagu qaarkood qaba in shirkaddaani ay ka mid tahay shirkado calooshood u shaqeystayaal ah oo ka jira adduunka, iyagoo sheegay in Dowladda Federaalka KMG ay ku fududaatay in ay  Heshiis la gasho uusan Baarlamaanku ka haysan wax faahfaahin ah iyo waxa ay qabaneyso, waxay kaloo ay sheegeen in xitaa aan laysla meel dhigin waxa ay gaystaan Ciidamadeeda  cidda lagala xisaabtami doono, waxayna u soo jeediyeen Dowladda Federaalka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan Baarlamaanka u hor keenaan waxa ay qabaneyso shirkaaddaasi, warar kale ayaa sheegaya in shirkadda ay ku lug leedahay Arrimo Ganacsi  oo ay ugu horeeyaan Kalluunka iyo Macdanta iyo Shidaalka.

Wasiirka ayaa waxaa la weydiiyey in shirkaddaan maadaama ay hubeysan tahay ay ku xadgudbeyso qaraarkii Qaramada Midoobey ee cunqabateynta hubka Soomaaliya, waxa uuna sheegay in shirkaddaani aysan waxba u dhimeyn qaraarkaasi balse shirkaddaani ay Dowladda ka gacansiin doonto dhinaca ammaanka iyo nabad sugida .

Shirkaddaan ayaa qayb ka mid ah ayaa la sheegay in ay hadda ka hawlgasho Magaalada Boosaaso ee maamul gobaleedka Puntland waxaana lagu magacaabaa SARCEN-Uganda , waxaana wararku sheegayaan in uu madax u yahay wiil uu dhalay madaxweynaha wadanka Uganada Musaveni waxaana la sheegey in  halkaasi ka qabtaan hawlo la xiriira sidii ay tababar u siin lahaayeen ciidamada Badda ee maamul gobaleedka Puntland si ay uga hortagaan kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida, iyadoo dhawaan diyaarad ay lahayd shirkaddaasi lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa taas oo weli lagu hayo maamulka Somaliland, balse mas’uuliyiinta shirkadda waxay sheegeen in ay wadday dareeska ciidamada iyo qalabka lagu baaro miinooyinka.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in shirkad kale oo dhinaca ammaanka ah ay iyana aad u daneyneyso in Soomaaliya ay ka hawlgasho, iyadoo lagu waramay in qaar ka mid ah dowladaha deriska ah ay wataan shirkado kale oo doonaya in Soomaaliya ay ka hawlgalaan sidoo kale wiil Soomaali ah oo haysta dhalashada Ingiriiska ayaa dhawaan waxa uu shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka ay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan dhinaca ammaanka, waxa uuna sheegay in shirkaddooda ay qaabilsanaan doonto sugida ammaanka goobaha ay Dowladda Federaalka ku sugan tahay.

Madaxda DFKMG oo heshiis la saxiixday Shirkadda SKA

Dhawaan ayay ahayd markii Dowladda Federaalka ay heshiis la gashay shirkad lagu magacaabo SKA Air and Logistic oo qaabilsanaan doonto hawlaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaana heshiiskaasi DFKMG u saxiixay madaxweynaha Dowladda Federaalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyadoo dhawaan ay shirkaddaasi qalabkeedii kala soo degtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana lagu waramay in shaqaale shisheeye ay shirkaddaasi la timid kuwaas oo kala qayb-qaadanaya dhinaca ammaanka iyo dib u dhiska garoonka sida ay sheegtay, waxaana la sheegay in shirkaddaani leedahay ciidamo u gaar ah iyo waliba diyaaradaha dagaalka oo u badan helicopters .

Isku soo wada duuboo dhawaan ayey ahayd markii Kooxaha ka soo Horjeeda Dowlada ay ku eedeeyeen Dowlada in dalka si qarsoodi ah u keeneen Shirkad lagu Magacaabo Black Waters iyagoo sheegey in loo keeney in ay la dagaalamaan dadka ay ka muuqato Shacaa’irta Islaamka weliba waxay ku eedeeyeen in shirkadaas ay ka dambeysey Qaraxii ka dhacay Masjid ku yaala Bakaaraha.

FG: Wasiirka Warfaafinta DFKMG warsaxafadeed uu ka soo saaray heshiiska shirkadaa SARACEN hoos ka akhri

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.ccom

Jamhuuriyadda Soomaaliya

Wasaaradda Warfaafinta, Boostaha & Isgaarsiinta

Xafiiska Wasiirka

Ref:WW/XW/348/10                                                     Date. 25/12/10

War Saxaafadeed 55

Faahfaahin kusaabsan Mowqifka Xukuumadda ee Heshiiska Saracen international.

Waxaa iftiimin u baahnaa  xiriirka u dhexeeya  dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya iyo Shirkad lagu magacaabo Saracen International. Iyo weliba howlaha shirkaddaasi ay ka heyso Somalia.

Waxaa jiray jawaabo  laga bixiyay su’aalaha saxafiyiinta, Wareysiyo iyo qoraallo arrintan ku saabsan oo lagu saleeyay macluumaad aan dhammeys tirneyn ama aan sugneyn xilligaas.

Maanta haddaba waxaan  rajeyneynaa in aan arrinta kala caddeyno, oo aan idinka iyo caalamkaba idinla wadaagno macluumaad sax ah oo sugan, ka dib markii aan dib u eegnay documentiyo badan oo arrintan la xiriira , isla markaana la hadalnay dhinacyada ay khuseyso.

1-        Kulammadii uu yeeshay Golaha Wasiirrada Soomaaliya ee  maalmihii Talaadada 21 December 2010 iyo Khamiista 23 December 2010, waxa uu uga dooday  arrinta ku saabsan heshiiska ay wada galeen dowladda Federaalka KMG ah ee Somalia iyo shirkadda Sacacen International.

2-        Heshiiska TFG iyo Saracen International dhexmaray waa mid ka horreeyay xukuumadda hadda jirta, sidaas darteed waxa doodad Golaha Wasiiradu ku aadanayd dib u eegidda iyo turxaan bixinta heshiika si loo hubiyo in uu yahay mid u adeegayaan danta Shacabka Soomaaliyeed.

3-        Heshiiska waxaa dhinaca dowladda KMG ah u saxiixay wasiirka maaliyadda  oo sidoo kale ahaa isla Wasiirkii Maaliyadda ee xukuumaddii hore.

4-         Heshiiska aan la galnay Saracen International  kuma xusna wax howlo ah oo laga qabanayo dowlad goboleedka Puntland.

5-           Baaritaan dheer ka dib waxaan xaqiijineynaa in dowladda Federaalka KMG ah aysan haba yaraatee gelin heshiis wax yeelleynaya qaraarrada Golaha Ammaanka QM.

6-           Haddaan nahay TFG waxaa xil naga saaran yahay sugidda ammaanka shacabkeenna, waxaanna u baahannahay  gacansiinta Beesha Caalamka si aan ugu guuleysanno ujeeddooyinka aan higsaneyno.

7-          Howlaha shirkaddani fulineyso waxaa maalgalinaya dowlado muslim ah oo aan Soomaaliya ka lahayn dano gaar ah, aan ka ahayn in ay shacabka iyo dowladda Soomaaliya ka caawiyaan sidii ay uga bixi lahaayeen  dhibaatooyinka  soo daashaday labaatankii sano ee tagtay.

Waxaa soo saaray Wasaaradda Warfaafinta, Boostaha & Isgaarsiinta

IIBINTA DOMAINKA .SO: https://somalitalk.com/tag/domain/

Ninka madaxda ka ah shirkadda ay DFKMG ka iibisiey Domainka oo magaciisu yahay Hiro Tsukahara oo waraysi bixiyey ayaa isagoo ka hadlayey lacagta ka soo baxda diiwaangelinta .SO waxa uu yiri “Maadaama Soomaaliya ay tahay dal ku negaadey in uu caawinaad uga baahan yahay dhinacyo badan, waxaa GMO ay ugu deeqeysaa qaar kamid ah dakhliga ka soo gala si u siiso caawinaad, gaar ahaan carruurta.” AKHRI https://somalitalk.com/2010/11/12/so/

DIFAACA BADDA SOOMAALIYA:

— “Norway Faraha ha kala baxdo Badda Soomaaliya”: Saraakiishii Mileteriga Soomaaliya ee ku sugan Italy

— Warbixin iyo Baaq ku socda Soomaalida oo Idil

— Xukuumadda Farmaajo maka badbaadi doontaa shirqoolka la doonayo in lagu maja-xaabiyo xeerka Badda Soomaaliya ee No.37

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Shirkado badan oo la sheegay in ay qaabilsan yihiin dhinaca ammaanka oo isku haysta Soomaaliya "

  1. Magan says:

    Somalitalk waad ku mahadsan tihiin hawsha aad haysaan waxaa fiicnaan lahayd in Baarlamaanku uu gudi gaar ah u saaro hawlahaan oo dhan wixii la ogyahay iyo inta aanan la ogaynba soo baara ka dibna la xisaabtama shaqsigii hanti qaran ku tagri fala. midda kale Baarlamaanka naftiisu waa inuu iska shaandheeyo kuwa sumcadooda iyo sumcadda magaca Xildhibaanimadda ku ciyaaraya.

  2. ASC IDIL ahaanba soomaalida meelkasta oo ay joogaan:-

    waxaan jeclaan lahaa in hawsha hadda aadka loo buunbuuninayo in sidan lagu bedelo:-

    1.haddaanu soomaali nahay,waxaynu ubaahan nahay dowlad hawsheena maamusha,oo wakiil inaga noqota,maantana wadanka gudihiisa waxaa kusugan kuwo aan dad iyo dal midna dhaafayn,oo al-shabaab labaxay, oo hadda umuuqda in uu xaalku kusoo ururay dowladda iyo alshabaabka dhunsan.sidaa daraadeed waa in aanu dowladda lashaqaynayaa oo ay saxaafaddu sidan ubedeshaa,mid ay dowladda kutaageerayso iyadoo kaduulayso in dalkan labadbaadiyo.niyaddana lagu hayo dowlad xumi waxay dhaantaa dowlad la’aan.

    2.cayda iyo aflagaadada loosoo jeedinayo mas’uuliyiinta dowladda soomaaliya,waxaa ila haboon in lagu bedelo toosinta madaxda, amaantooda oo aan kutalaxtag ahayn,si ay udhiiradaan. iyo in madaxda dowladda loo aqoonsado in ay yihiin kuwo annaga haddaanu soomaali nahay,na metelaya hadday xun yihiina ay annaga noo xun yihiin,hadday wanaagsan yihiina ay annaga guul noo tahay oo loobaahan yahay, sidii loo dhiirigelin lahaa.

    3.baadhitaanadan aad waddaan ee dhanka sharikadaha nabad sugidda, xumaan iyo wanaagba dowladda ayaa lahishiisay, loona baahan yahay dowladda wax laga weydiiyey lkn aan loo dhaqmin sidii ummad jaahiliin ah oo door mooday dowlad la’aan iyo kabeensheegidda mas’uuliyiintooda. waxaana ila wacan in aad kudartaan AL-SHABAAB,dhibaatadooda ay shacabka soo gaadhsiinayaa.iyagana aad baadhitaan badan kusamaysaan,si uu wadankan udego.

    4.in shacabka in badan looga sheekeeyo,qiimaha ay NABADDU leedahay, dowladnimada,midnimada iyo is jacaylka dhexdeena ah. hamigeenu ha ahaado sidii wadankeena loo dhisi lahaa,caalamkana ula jaanqaadi lahaa. walaalayaal aynu wada dhalasheeda kashaqayno ,sidee udhisnaa dowladan.mid kaduwana ukeeni karnaa,wanaagga aynu isu sheegno oo sidan aynu hadda udhaqmayno ee seef laboodnimada ah,aflagaadada madaxdeena loo jeedinayo iska dayno.xalka aynu wada raadino. inta aanu DOMAIN iyo sheekooyin kale kuwareegayno aynu kahadalno dhiigga shacabkeena ee maalin walba qubanaaya.

    allow samaha nawaafaji,soomaalinimada midnimada kudhisanna nagaransii.

  3. Guled says:

    waala yaabay, shirkad ka timid lubnaan , oo maafiyaha rabto in macdan xado & kulluunka , ama amaanka ayee sow cellinkartaa walee Groupka sharifka , way ku fashilmeen , soomaaliya ay isku dhiibaan Qaxooti wadamada reer galbeedka.

  4. Togane says:

    aaway dowladii loogu magacdaray “DOWLADA AQOONYAHANKA”?!

    yaa u maqan Soomaaliya?! ma waxaan xal ka sugnaa kuwa isku sheegay aqoon yahan ee busaarada ku dishay qurbaha?

  5. nomad says:

    A/c waamahadsantihiin somalitalk sidashraftaleh ee aad indhaha uguhaysaan dalka iyo dadkaba,war iyo dhamaantii Aniga waxay ila tahay in aan sameysano network oo somalida fiican kadhaxayso si wadanka dibloogusootaago cirbihiisa, oo dadka masaakiinta loocaawiyo waa in aan Helnaa sida Bangiga badbaadada somaaliya oo halkaas lagusooshuba wixii daqli ah kadibna dadka tabaalaysan lagucaawiya had iyo jeer mediayadana sida somalitalk ama kuwakalana aay kashaqayyaan
    wixii iskuxirid ah.teedakalena had iyo jeer ma shaqsiyaad ama doolad isku sheeg ama qabqable ayaa nawaalaya oo dalkeenii keenaya qandaraaswalba amaba ka iibinaya dadshisheeye meeday wadaniyadnimadii ma dhulshisheeye iyo dalshisheeya ayaan kufaanaa,maan iska qabano waxaan waa dad sideena oo kale oo waa laheli karaa ama gudaha ha joogeeyn ama dibada hajoogeyn.anigu waxay ila tahay hadii nimankaan lala xisaabtamilahaa herkaan magaarilahayn. nimankaan haloosoo jeesto oo halhal haloolaayo meelwalba aay joogaan ma.ahan in aay magac somalinimo kuqaraabtaan hantida ayaga malahan ee dalkaa leh nimanyahoow fadhiga aan kakacno hadalbadan haan mabuuxsho ee aan laxisaabtanno tuugwalba oo raba in uu qarankeena baabi iyo somaalia hanoolaato.

  6. cabdala says:

    waxa aan la yaabanahay dowladan shariif oo udhaqmeysa sidii mooryaanti waxaan arki jiray mooryaan hebal gurigii hebal ayuu dagay beertii hebal ayuu xoog ku qabsaday hebal ayaa ladilay oo jufadiisa hubeysneen hantidiisi la qaatay shariifka iya kuwa la shaqeeya farmaajo iya wasiiradiisa iyo ina crashiidkii ka horeeyay waxba isma dhaamaan mooryaantan arki jirnay oo waaweyn lee waaya oo soomaliyaa mas uul katihiin la dhahay wax eey dhowraan malaha wax eey ka xishoonaayaan malaha shariifka eey dadka qaarkiis eey aamin san yihiin aniga waxaan arki jiray asigoo mooryaantii maxamad dheere ki jira asigaana soo bar baariyay kaas ayaa la dhahay umadan ayaa mas uul katahay mooryaan mas uul ah soow udhaqmi lahaa lee ayuu udhaqmayaa ninkii yiraahda sheeq shariif waa wadaad istaaqfurulah dheh waa danbaawday, marka soomaali dhulkeey taalaahe ilaaheey wax ka qaada ha u bixiyo aamiin

  7. Mire says:

    Ac
    Akhyaareey Soomaaliya waa mashruuc aduunku ku soo daadsho qashinka sunta, calooshood u shaqeystayaasha, hanti qaran oo laxaraashto safaarad, dhulbadeed, .SO dulaalkuna waa Dowlada meel ku gaarka allow Kheyr u soo dedeji Soomaali Aamiin.

  8. axmed says:

    asc salam kadib waxan u arkaa tuugo tuugo laheshiisay waxna lasaxiixatay saracen waa shirkad kamida calooshood ushaqaystayaashii dadka kulaayey ciraaq waxan leeyahay sharifyaan ciday doonaan dadka ha’ushar cuyeeyeen waana laga xisaabtamo dona insha allaah nimanka puntland joogana waa la’ogyahay ayaguna tuugada ay hashiisyada kula jiraan
    wlahi waxaa iman doonta maalin aad cadaalada hortaagan tihiin waxaa anshax xumada siyaasadeed kamida in nin madaxwayne somaliyed sheeganaya iyo gudoomihiisii barlamanka uu nin caloshi ushaqayste sidi madaxwayne usalamo!!! maxa kuqasbaya ugu yaran maa cidkale uwakiisho
    sharif iyo raga lashaqeeya waxan leenahay dalka waan idinla leenahay ee kadaaya xadgudubka iyo anshax xumada siyaasadeed saracen iyo iwm waxay kaganacsadaan dhiiga dadka amisom ayaa dadkii masakinta ahaa duqayn kulaysay hadana ska iyo saracen oo aduunkaba wax sharci ah aysan qaban!!!!! waa arkayna insha alaah