Home » Warar »

Sarkaal ka Tirsan Ciidamada DFKMG oo si weyn uga soo horjeestey Hadalki Shiikh Shariif ee ahaa in Ciidamada Dowlada Joojiyaan Cunista Qaadka

Col Maxamed Nuur “Hadii aanan Cuni lahayn Qaad mar hore ayaa la qabsan lahaa Xarunta Madaxtooyada” – Qaadka ayaa Madaxweyne ka ah Dalka Soomaaliya —-

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo dhawaan la hadlayey Ciidamada Booliska mar ay xusayeen Sannad Guurada 67 aad ee Aas-aaska Cidamada Booliska  ayaa u soo jeediyey  qaybaha kala duwan ee Ciidamada in ay joojiyaan Cunista Qaadka ka dib markii uu ku tilmaamey Mid Dib u dhaca u keeney Ciidamada  islamarkaan wuxuu sheegey in uu qayb ka yahay Burburka Qoysasaka soomaaliyeed maadaama maalin weliba lagu bixiyo Dhaqaale fara badan hase yeeshee hadalka Madaxweyne Shiikh Shariif waxaa ka soo horjeestey Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda FKMG oo lagu magacaabo Col Maxamed Nuur Qalow oo sheegey  haddii Ciidamda Dowladda aysan Cuni lahayn qaadka mar hore la qabsan  lahaa Xarunta Madaxtooyada iyo goobo Fara badan oo ay ku sugan yihiin Ciidamad Dowladda.

Col Maxamed Nuur wuxuu sheegey hadii aysan cuni lahayn ay mar hore u dhamaan lahayd  sheeg sheega Dowlada Shiikh Shariif oo la qabsan lahaa wuxuu kaloo uu sheegey  in Cunista Qaadka ay ku Ilaaliyaan Wuxuu ugu yeerey Caddowga wuxuu kaloo uu sheegey in Cunista Qaadka ay ciidamada ka dhigaan kuwa firfircoon isla markaana  kuwo Howlkar ah  oo ku soo jeeda Har iyo Habeen  sidii ay u Difaaci lahaayeen Dowlada Federaalka

Sarkaalka wuxuu sheegey in Cunista Qaadka uu yahay mid ay awood badan ku leeyihiin isla markaana wuxuu sheegey in mar hore ay soo taraarixi lahaayeen kooxaha ka soo horjeeda Dowlada oo ay qabsan lahaayeen Goobo Badan oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowlada

“Qaadka isagaa Madaxwyne ka ah ama ka taliya Wadankaan waad aragtaan in marka uu yimaado dad fara badan ka  Daba Ordaan  waana midaa mida ku tusineysa in Qaadka uu dalkaan Madaxweyne ka yahay”ayuu yiri Col Maxamed Nuur oo intaa raaciyey”Cunistiisa waxaan ku sameynaa ama ku dejinaa Qaabka looga hortaga kooxaha ka soo horjeeda Dowlada wuxuuna qayb ka yahay  in uu ka hortago in Ciidamada ay fikiraan”

Waxaa Xaqiiqo ah in qaadku uu qayb ka yahay dhibaatada maanta ka taagan Dalka iyadoo dad fara badan ay maanta godka u jiifaan ka dib markii iyagoo laga raadinayo ama laga dhacayo Hantidii Lagu gadilahaa Qaadka ay la kulmeen Dil, waxa kaloo dhaawacyo ka soo gaareen dad fara badan oo Soomaaliyeed oo qaarkood ku waayey Lixaadkodii  iyagoo la kulmey Qaad la dhacayo.

Isku soo duuboo Ciidamada Dowlada FKMG waxaa dib u dhaca u keeney waa Cunista qaadka waayo waagii hore lama ogoleyn in Ciidanada  loo qaato qof Balwad leh sidoo kale wuxuu qaadka uu dib u dhac u keeney Guud ahaa Dalka waayo waxaa maalin weliba lacag adag lagu soo bedeshee Caleen aan waxtar u lahayn Bulshada.

Qaadku waxa uu burburiyey guud ahaan hab-dhaqankii iyo habkii dhaqaale ee guud ahaan mujtamaca Soomaaliyeed.

XIRIIRKA KA DHEXEEYA QAADKA IYO AIDS-ka AKHRI

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Sarkaal ka Tirsan Ciidamada DFKMG oo si weyn uga soo horjeestey Hadalki Shiikh Shariif ee ahaa in Ciidamada Dowlada Joojiyaan Cunista Qaadka "

  1. ali says:

    Ragaan Ciidanka u ah dowlada waxay ka soo jeedaan maleeshiyo beeleed .
    Astaamihii lagu yaqaanay ciida qaran ee somaliyeed meesha ka muuqdo marka ninkaan ku doodaaya jaad in ciidanka loo ogolaado waa nin aan aqoon u lahayn shuruucda militeraga . haddii se u aqoon u leeyahay shuruucda militeraga wuu ka xishoon lahaa hadalkaas in uu idaacada ka sheego amaba waxaa la marsiin lahaa xeerka ciqaabta ee militerega u yaal .

  2. wadani says:

    A/c anigoon uriyaaqeeyn hadalka sheik shariif hadana qaad waa ina dilooday kamana kaban doono mustaqbalka dhow,
    waxaana mas’uul ka ah in qaad halkaas ina gaarsiiyo kuwii ku sheegay quutul awliyo kidbiya,
    wuxuuna hadda fara kulul ku hayaa dadka reer miyigaa,
    oo dhawaan gaaray,
    waxaana xaqiiqaa tirada ugu badan ee cunta qaadta inay yihiin dadka reer miyigaa ama dhawaan magaaladda soo galay, iyo bulshada kuwooda ugu liita sida, xamaalileeday, qabqablayaasha, kuwa waardiyeeya, qabqablayaash, inta u shaqeeysa cadowga weyn ee soomalida,dabaqoodhiga
    suufiyada qabri galka ah,
    ama guud ahaanba mushtamaca soomaalida inta ugu liidata ayaa cunta qaadka ayaa la oran karaa,
    by wadani

  3. Sargaalka iyo Shariif, waxaa ila saxan sargaalka oo runta udhow, waayo raga jooga Villa Somalia ka agdhow ayaa sidaas ah! Teedakale sargaalka markii laqorayey ayey aheyd in loo sheego inuu qaadka joojiyo iyo anshaxa askariga Somaliyeed. Maanta oo dagaal lagu jiro, ninka safka hore ku jira ayuu hadalkiisa soconaya. Shariifkana wuxuu bixiyey Awood aan madaxweyne Somaliyeed laheyn. Waana ayaan darada nahaysato.

  4. mohamed says:

    waa arin aad u fool xun in ciidamada qaranka laga joojiyo qaadka maxaa yeeley marqaan la’aan howl mawadi karaan gedigooda waxay kushaqeeyaan marqaana inta uu afkooda kujira waa dad markay tufaana waa xoolo oo aan aqli lahayn marka intay xoolo isku bedelilahaayeen waa in loo daayaa cunista qaadka waayo dhiigooda ayaa ku shaqeeya waayo dustuurk ayaa sidaas dhiga. in qof walba loodaayo wuxuu raboodo madaama madaxweynaha uu qali kawado muxuu askarta keli ah karabaa muu waziiradiisa iyo janaraalada ciidamada iyo kuwa barlamaanka u uga digo arintaas maxaa ku koobay askartaan masakiinta waxaan leeyahay madaxweeyne aad shacabka u naxeynin waa inuu ka aamusaa ciidanka

  5. Sarkaalka qaadka cunaya sidee loogu amaani karaa nabadgelyada uu Qaran leeyahay nin ay Maskaxdiisii maqan tahay caqligii uu dhintay, waxaa intaa ka sii daran kuwa ka ganacsanaya inagoo og inuu Qaadku yahay Tiirka Zinada ama Macaasida oo dhan, Dhaca, Dilka , Xasuuqa iyo Tuugada, Dhaawacyada Dhaqaalle iyo Ammani darro ee Dalka soo gaaray 20kii Sano ee la soo dhaafay ayuu Qaadku ka yahay numberka koowaad, Madaxda Sare ee Dowladduna waxay Deeqaha loogu talagalay Dadka Saboolka ahi ku Cunaan Qaadka taasina waa mid Maanta Aakhiro lays weydiin doonaa ama inta laga gaarayo Dowlad Caadil ah oo Dalka gebi ahaanba ka Talisa

  6. hussein says:

    bismillaah hadii anwaxkasheego qaadka sida an aniga uarka waxaacunakuwabaniiaadankauguliita

  7. Abdirisaq says:

    Qaadku waa cudur caalami ah.
    Wuxuuna qarka u saaranyahay in caalmka dhan si wada jir ah looga mamnuuco.
    Dalal badan oo caalmka ah ayuu haatan ka yahay mamnuuc oo xarig lagu muteeysanayaa,halka kuwo kalena uu ka socodo olole xoogn oo joojintiisa loogu jiro.
    Somalia hadda ka hor ayaa la isku dayay joojintiisa, waxayna ku dambeysey in la fasaxo marki loo caalwaayay kaddib khasaare naf iyo maal iyo xarigba leh kaddib.

    Umadda Somaliyeed oo aad loogu ibtileeyey cudurka qaadka ayaan lagu degdegi karin hal mar joojintiisa.
    waxay u baahantahay in baraarujin bulsho xag diineed,xag caafimaad, xag aqooneed,xag maaliyadeed ama dhaqale iyo xag bulsho oo xoog leh muddo la siiyo dadka ayada oo la adeegsanayo hayadaha caafimaadka, kulamada bulshada, masaajidda iyo idaacadaha viyo websiteyadaba.
    Muddo kaddib qiimeyn lagu sameeyo darenka bulshada iyo awoodda loo lahaan karo ka hortaggiisa lana wado qiimayntaas ilaa ka hortaggu ka sahlanaado rabitaankiisa.

  8. Xusen says:

    Maxamed Nuur Qaalow waxaan ku talin lahaa Shaqada halaga eryo, Nin Sheeganaya Hogaamiye Ciidan ama Masuuliyad ma ahan inuu difaaco Cawska Xaaranta ah oo aanu marnaba Caqligu ogoleen– Sida laga wada warqabo Jaadku waa kan Wadankeena Burburiye iyo Qosaskeena , marnaba lama aqbali-karo in nin masuul ah uu xalaaleeyo Xaaran Diinta iyo caqliguba Ogolaankarin— QAALOW deg deg Ciidanka halooga eryo ayaan ku talin lahaa.

  9. Runtii Soomaaliya dhibaatooyinka ugu waaweyn ee uu Dalku ka degi la’yahay ayuu ugu horeeyaa Qaadku, maxaa wacay? Sarkaalka qaadka cunaya sidee loogu amaani karaa nabadgelyada uu Qaran leeyahay nin ay Maskaxdiisii maqan tahay caqligii uu dhintay, waxaa intaa ka sii daran kuwa ka ganacsanaya inagoo og inuu Qaadku yahay Tiirka Zinada ama Macaasida oo dhan, Dhaca, Dilka , Xasuuqa iyo Tuugada, Dhaawacyada Dhaqaalle iyo Ammani darro ee Dalka soo gaaray 20kii Sano ee la soo dhaafay ayuu Qaadku ka yahay numberka koowaad, Madaxda Sare ee Dowladduna waxay Deeqaha loogu talagalay Dadka Saboolka ahi ku Cunaan Qaadka taasina waa mid Maanta Aakhiro lays weydiin doonaa ama inta laga gaarayo Dowlad Caadil ah oo Dalka gebi ahaanba ka Talisa, Waxaan qabaa baaris dheer oo aan sameeyey fikradda ah in Soomaaliya Qaadka laga joojiyo si loo sugo Ammnigeeda oo dhan, haddii aan Qaadka laga joojina Soomaaliya waxba lagama qaban karo.