Home » Warar »

Qaxooti Soomaaliyeed oo lagu xirxiray Zambiya, Qaarna loo tarxiilay Tanzania

iyo dalka Mozambique oo a qaxooti Soomaali ah ku wareejiyay hay’adda UNHCR —-

iyo 700 Soomaali Qaxooti ah oo lagu xiray Zambiya —

Dalka Zambiya ayaa qaxooti Soomaaliyeed oo gaaraya in ka badan 60 ruux ka masaafuriyay dalkeeda, waxaana loo gudbiyay dadkaasi Ciidamada ilaalada xuduudaha ee wadanka Tanzaniya sida uu xaqeejiyay mid ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan wadankaasi.

Maxkamad ku taala Caasimadda wadanka Zambiya ee Lusaka ayaa dadkaasi Soomaaliyeed ku xukuntay in dib loogu celiyo dalka Tanzaniya oo ay markii hore uga soo tallaabeen wadanka Zambiya.

lamana xaqeejin ilaa iyo haatan sida dalka Tanzaniya ula dhaqmay qoxootigaasi Soomaaliyeed ee ka soo cararaya dagaalada aan dhamaadka laheyn ee ka socanaya dalka Soamlia.

Dadkan la masaafuriyay ayaa dalka Zambiya ku xirnaa ku dhaaw mudo hal bil kadib markii ciidamada amaanka dalka Zambiya ay dadkan kala baxeen xero qaxooti oo ku taal Magaalada Kidwi ee waqooyiga dalkaasi Zambiya.

go’aanka masaafurinta dadkani aya walaac ka muujiyay ganacsatada Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Zambiya iyo hay’addaha xuquuqul insaanka u doodo, iyagoo ku tilmaamay arintani mid aan habboonayn maadama dadka la masaafuriyay ay ahaayeen qaxooti ka soo barakacay dagaaladda aan joogsiga lahayn ee ka socda dalka Soomaaliya.

Horaantii bishan December 2010 ayey ahayd markii magaalada Lusaka lagu xiray ilaa 700 qof oo qaxooti ah, loona sheegay in hay’adda UNHCR ay siin doonto kaararka (ID) qaxootinimo.

Dhanka kale dowladda dalka Mozambique ayaa qaxooti Soomaali ah oo gaaraya lix iyo labaatan qof ku wareejisay hay’adda UNHCR ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga todobaadkani horaantiisa.

ciidamada Booliska dalka Mozambique ayaa dadkan Soomaalida ah ka qabtay Magaalada Shimoyo ee ku taala koonfur galbeed dalka Mozambique xilli aydoonayeen inay u gudbaan dalka Koonfur Afrika oo inta badan aay u soo tahriiban Soomaalida ugu badan.

W;;q Nuur Ismaaciil Sheekh (Nuur-Yare)

nuur.usa@hotmail.com tell +27786293859

Cape-Town Koonfur Africa

…………

Zambia Detains 700 Somali Refugees

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Qaxooti Soomaaliyeed oo lagu xirxiray Zambiya, Qaarna loo tarxiilay Tanzania "

  1. raxmo xasan says:

    asc dhamaan maamulka wabka iyo wariyaalka waad ku mahad san tahiin soo gudbinta dhibaatooyinka heesta soomaalida