Home » Faallo »

Qabyo-Qoraalka Dastuurka Cusub: Qorshaha la rabo in Dowlad Cusub Dalka Loo Sameeyo | Culusow

Waxaa, la socotaan in dhowaan waqtigi Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha, Sheikh Sharif Sheikh Axmed ku egyahay August 20, 2011 iyo January 16, 2011 sida ay u kala horeeyaan. Haddaba, sida qorshaha yahay waxaa dhaceysa in dhamaan xilliga dhammaasha Golaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha isku waqti laga dhigo,  laguna ekeeyo August 20, 2011, dowlad cusubna dalka loo soo dhiso ka hor inta aan la gaarin xilligaas, lana bilaabo xulashada Mudanayaasha Baarlamaanka Cusub bisha July 1, 2011, ka horna dhammaado Qabya-qoraalka Dastuurka Cusub bilaha February 1, 2011 ama March 1, 2011.

Runti, ma qabo Qabyo-qoraalka dastuur in uu u nogon karo dalka, mana ahin in aan ku taagyeeraayo Sheikh Sheikh Axmed, Madaxweynaha iyo 550-ka Xildhibaan ee diidan in uu dhaqan galo kuna waayaan jagadooda, marka waqtiga ka dhammaado. Waa, fiicnaan la hayd in aan lagu xerin si dowladda hadda jirta loo bedelo in dastuur, qabya ah ee aan dalka dhammaan aan saameeyneynin, aftina lagu ansixineyn, lana garan karin qaabka Xildhibaanada cusub loo soo xulaayo in waqtigi iyo hanta badan lagu bixiyo, mase dhicin. Waxaase, lagama maarmaan ah in dowladda hadda jirta in aan waqti dambe loo kordhin oo wax ay ku soo kordhineyso dalka ma jirto, dhow jeer ee horana dowladda federaalka kmg-ah ah waa loo kordhiyay waxna waa ku qaban weysay.

Haddaba, waa adagtay xaaladda siyaasadeed ama ammaan ee uu dalka ku jiro  jiro in Dastuurka Aft-Dadweyne loo qaado sida uu qabo Axdiga Qaranka KMG-ah iyo in Xildhibaanada si toos ah loo soo doorto. Mida, kale lama haayo Tirakoob sax ah ee Gobollada dalka kuraasta loogu qeybiyo iyo tirada la rabo in Xildhibaan kasta ka helo Degmada uu iska soo sharaxay si loo soo doorto. Waa, jirta in Soomaaliya tirakoob ugu dambeeyay 1975 xilligii Maxamed Siyaad Baree (ALLAHA-U-NAXARIISTO), qaladka geli karana uu yahay + ama – 9% (margin of error + or – 9%).  UN-ka, 2010 waxaay ku qiyaastay tirakoobka Soomaliya, sagaal milyan iyo boqol iyo lixdan kun ( 9, 160,000), mana sameeyn tirada ama uma kala qeybin tirakoobka Gobollada dalka sida loo kala dad badan yahay ama look ala deggan yahay. Marka, weey adagtay in la raaco tirakoobki xilligii Maxamed Siyaad Barre (ALLAHA-U-NAXARIISTO) oo dad badan ayaa dhintay, qaar badan ayaa dalka ka qaxay iyo dad bandanna waa dhasheen. Sidoo, kale tan UN-ka maadaamo ay qiyaas tahay oo aan guri-guri, tuulo-tuulo, ceel-ceel, deggaan-deggaan iyo gobol-gobol loo tirakoobin ayaduna si wax loogu qeybsado waa adagtahay.

Maxaa, la sameeynaa ama la damacsan yahay si looga gudbo marxaladan? Sidee, loo soo xulaa Xildhibaanada Cusub ee Maamulka Dowladda Cusub? Marka, hore waxaa la dhammeystiraa Qabyo-qoraalka, qoddobaddiisana waxaa ka mid noqon doona in Baarlmaanka hadda jiro ansixyo dastuurka cusub iyo in la soo xulo 200 Xildhibaan Dowladda Cusub. Marka, dadweynaha Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay talo ka soo dhiibtaan qaabkii loo soo xuli lahaa Xildhibaanada Cusub, Cidda Soo Xuleeyso iyo Sifooyinka laga rabo ruuxa noqonaayo Xildhibaanka in uu buuxiyo (Selection Criteria).

Dr. Cabdi Maxamed Culusow “Black”

Email: drabdi 2000 [at ] yahoo . com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Qabyo-Qoraalka Dastuurka Cusub: Qorshaha la rabo in Dowlad Cusub Dalka Loo Sameeyo | Culusow "

  1. FAQI says:

    WAX LA AAN BAA KA FIICAN WAX AAN LA HAYSAN>MICNAHAAGU WAN DAWLAD LA HELIN < WAN HAYSAANAA DAWLAD LAGU GAARO DAWLAD KALE < MANA AH IN LA BURBURIYO DAWLADA HADA JIRTA <DAWLADA HA ANSIXISO DASTUUR HANA NA GAARSIISO MEEL AAN WAX KU NOQON KARNO HANA LAGU DARO LABO SAN CUSBONAYSIIN < HANA LA DHAMEEYO FIKRADA ALSHABAAB WAXA AAMINSAN SI LOO HELO DAD ISKU DHAW < SIDAAD BAN KU TALIN LAHAA ANIGA