Home » Warar »

Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho oo wada Qorshe ay dib isugu soo Abaabulayaan

Hogaamiye kooxeedyadii mar ka talin jiray Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxay wadaan qorshe ay dib isu soo abaabulayaan waxaana maalmahan socday shirar ay ku yeelanayeen Magaalada Muqdisho kaas oo ay uga arrinsanayeen sidii ay mar kale dib uga soo muuqan lahaayeen Siyaasadda Soomaliya.

Hogaamiyayaashaan ayaa waqti ka mid ah waqtiyadii soo maray Soomaaliya waxay ahaayeen kuwo si aad ah looga yaqaanay Magaalada Muqdisho hase yeeshee waxay dabeyshu qaaday xiligii ay soo baxeen Maxaakiimta Islaamiga ah kadib markii ay bilaabeen in ay dhisaan Isbahaysi la magaca baxay (Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada) kaas oo ay si weyn uga caroodeen Bulshada Soomaaliyeed waxay sababtay in dagaalo mudo kooban socday in lagu kala firdhiyo.

Markii ay dalka Soomaaliya soo galeen Ciidamada Itoobiya ayay mar kale dib ugu soo laabteen Magaalada Muqdisho basle Dowladdii C/llaahi Yuusuf Axmed ma aysan siin ahmiyad hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho waxayna ahaayeen kuwo ku eg Golaha Baarlamaanka oo qaarkood ka mid ah , balse mararka qaarkood ayaa waxay dhiiban jireen afkaaro ay ku muujiyeen siyaasadooda ku wajahan arrimaha Soomaaliya.

Markii uu Mareykanku ku dhawaaqay in uu gacan siinayo maamulada ka jira Soomaliya ayaa moodaa in hogaamiye kooxeedyadii ay bilaabeen in ay madaxa la soo kacaan, waxayna dagaalo ka abaabuleen gobolada dhexe kaas oo markii dambe ay ku fashilmeen hase yeeshee waxaa maalmahan la dareemayaa in ay doonayaan in ay ka soo muuqdaan saaxadda siyaasadda Soomaaliya, iyadoo dhawaan mid ka mid ah hogaamiye kooxeeyaddaasi uu hakiyey hawlihii Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho ilaa iyo haddana Dowladda Federaalka kama aysan hadlin arrintaasi.

Hogaamiye kooxeedyada ayaa waxaa la sheegay in ay u ololeynayaan dowladda la filayo in sanadka soo socda loo soo dhiso Soomaaliya, hase yeeshee dadka u kuurgala siyaasada ayaa waxay sheegayaan in haddii hogaamiye kooxeedyadii dib loo soo celiyo ay arrinta Soomaaliya cirka isku sii shareeri  doonto ayna sii socon doonaan dagaalada weli ka socda Soomaaliya, iyadoo Dowladda Mareykanka looga digay in ay gacan siiso hogaamiye kooxeeyada. Sidoo kale Dowladaha Deriska la ah soomaaliya ayaa looga digey in taageero siyaan Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho

Isku soo wada duuboo shacabka Soomaaliyeed ayaa ka wada dheregsan hab dhaqankii  hagaamiye kooxeedyadii soo maray Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho mana jirto cid u riyaaqeysa in mar kale hogaamiye kooxeeyadu  dib uga soo muuqdaan arrimaha siyaasadda Soomaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.cm

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.