Home » Warar »

Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho oo wada Qorshe ay dib isugu soo Abaabulayaan

Hogaamiye kooxeedyadii mar ka talin jiray Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxay wadaan qorshe ay dib isu soo abaabulayaan waxaana maalmahan socday shirar ay ku yeelanayeen Magaalada Muqdisho kaas oo ay uga arrinsanayeen sidii ay mar kale dib uga soo muuqan lahaayeen Siyaasadda Soomaliya.

Hogaamiyayaashaan ayaa waqti ka mid ah waqtiyadii soo maray Soomaaliya waxay ahaayeen kuwo si aad ah looga yaqaanay Magaalada Muqdisho hase yeeshee waxay dabeyshu qaaday xiligii ay soo baxeen Maxaakiimta Islaamiga ah kadib markii ay bilaabeen in ay dhisaan Isbahaysi la magaca baxay (Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada) kaas oo ay si weyn uga caroodeen Bulshada Soomaaliyeed waxay sababtay in dagaalo mudo kooban socday in lagu kala firdhiyo.

Markii ay dalka Soomaaliya soo galeen Ciidamada Itoobiya ayay mar kale dib ugu soo laabteen Magaalada Muqdisho basle Dowladdii C/llaahi Yuusuf Axmed ma aysan siin ahmiyad hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho waxayna ahaayeen kuwo ku eg Golaha Baarlamaanka oo qaarkood ka mid ah , balse mararka qaarkood ayaa waxay dhiiban jireen afkaaro ay ku muujiyeen siyaasadooda ku wajahan arrimaha Soomaaliya.

Markii uu Mareykanku ku dhawaaqay in uu gacan siinayo maamulada ka jira Soomaliya ayaa moodaa in hogaamiye kooxeedyadii ay bilaabeen in ay madaxa la soo kacaan, waxayna dagaalo ka abaabuleen gobolada dhexe kaas oo markii dambe ay ku fashilmeen hase yeeshee waxaa maalmahan la dareemayaa in ay doonayaan in ay ka soo muuqdaan saaxadda siyaasadda Soomaaliya, iyadoo dhawaan mid ka mid ah hogaamiye kooxeeyaddaasi uu hakiyey hawlihii Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho ilaa iyo haddana Dowladda Federaalka kama aysan hadlin arrintaasi.

Hogaamiye kooxeedyada ayaa waxaa la sheegay in ay u ololeynayaan dowladda la filayo in sanadka soo socda loo soo dhiso Soomaaliya, hase yeeshee dadka u kuurgala siyaasada ayaa waxay sheegayaan in haddii hogaamiye kooxeedyadii dib loo soo celiyo ay arrinta Soomaaliya cirka isku sii shareeri  doonto ayna sii socon doonaan dagaalada weli ka socda Soomaaliya, iyadoo Dowladda Mareykanka looga digay in ay gacan siiso hogaamiye kooxeeyada. Sidoo kale Dowladaha Deriska la ah soomaaliya ayaa looga digey in taageero siyaan Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho

Isku soo wada duuboo shacabka Soomaaliyeed ayaa ka wada dheregsan hab dhaqankii  hagaamiye kooxeedyadii soo maray Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho mana jirto cid u riyaaqeysa in mar kale hogaamiye kooxeeyadu  dib uga soo muuqdaan arrimaha siyaasadda Soomaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.cm

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho oo wada Qorshe ay dib isugu soo Abaabulayaan "

  1. umumuslim says:

    Allah ayaa diintaan ilaashanaya horta, laakiin kaagan soomaligaa ee leh aduunkii ayaa inagu soo jeestay, war markaadii hore ayaad aheed tuke canbaar leh, ee wadankaadii kaa soo saareen qashinkii usa iyo eu,afrika ay siiyeen hubka la oran jiray usa, snm,snn, kuligood naarta Allah ha ku fageeyo,xitaa Allah ma siiyo naxariis yar.

    Tan kale war somali maanta keligeed maaahan waa kulli muslim, waana lagaa dhib badan yahay,damiir xumada jooji gaalaka gafuurka ku foolka xum orod oo wadanka wax ka xoree adoon cumarow cidna aflagadeyn koley rag somaliyeed warkooda waa baye.

    INNA DIINA CINDALAAHU ISLAAAAAAAAAAAAAAAM.

  2. Soomaali says:

    Walaal qoraaga qoraalkan waxaan kugula talinayaa inaad magaca ah ‘khasaaro’ ku badasho’ Faa’iido’, adoo raacaya kitaabka iyo sunnada.
    Waayo sida ku cad labadaba magacyadu islaamka waxay ku leeyihiin qiima weyn, loona baahan yahay inaa magac fiican ama naanays fiican la baxno ama dadka loo bixiyo , kuwa xunna laga fogaado.
    Aamiin Faa’iido inaa ku badasho ayaan ku soo jeedinayaa, Walaal Soomaali ah oo wanaagsan baad tahay, magaca ‘Khasaaro’ kuguma fiicna.

  3. guuledd warsamed says:

    waxaan oran lahaa shabaab kheyr ma laha laakiin waxay dhaamaan dowlad ku sheega xamar joogta iyo kuwa damiirka aan lahayn(qabqablayaasha dagaal) oo quud darraynaya inay markale bilaabaan shaqadoodii ahayd dabadhulifnimada iyo dulinimada.

  4. mohamed says:

    a/s all muslin and somali dhaman melksato ay jogaan waxaan intaa kadib ushegilaha walalkay axmed siad marka horee allshabaab maha waxa ay ku sheegto anaad sodabacdo ado isleh danta somalika hadal shabaabna maha muslinka keliya ee adunka kajiraa kamana aha masuul dinta islamka diinta islamka ilahy baa masulka ah isagana ilashadaa adigaa waxa kusaran inaad cibadaysato umafisana unabad gelisoo ,inta kadib dowlada somaliyed aday dantada tahy waana dhamanaysaa dhibka ad daka kula dhexjirtaan ee aduunkusidan ahan meyee katashoodantada gar ahaned ee akhiro iyo adunba ninasaga ahna yusan kuguradsan barnamij khas uah isaga

  5. ASC dhaman wad salamantihiin marka xigta
    Horta lagama yaabo iney soo laabtaan Hogamiyo kooxeedka muqdisho umada nafta u keenay umada soomaliyeed way ka dharagsantahay hadan lama joogo waqti hoogamiyo koxeed 20 sano aan soo dhaafney ha inoo ahadaan somaaliya qabiil wuxuu yahay wey soo aragtey marka niyadiina marnaba ha gilinina iney soo labanayaa

  6. omar says:

    shabaab mexey soo kordhiyeen walaal ahmed
    hogaamiye kooxeedyadii ayaa la qaatay , kuwani diin kuma socdan oo aduunkii o dhan ayey inagu soo jeediyeen , waad aragta dadkii qaxootinga ku ahaa kenya ,uganda iyo caalamka in ey dhib usoo jiideen
    ilaahay ha inaga qabto kuwan diinta ku qaraabanaya..,

    hogaamiye kooxeedna xal maahan , lakin dawlad xumi dowlad la’aan wey dhaanta taas ogoow,

    waxaa dhici karta in kuwa soo socda ee dawladaha kale ay dad wax inoo qaban kara noqdaan ,… sidaasi ku dudcayso….

  7. ahmed said says:

    Hadii aysan guulaysan Alshabaab waxaan hubaa in dagaal oogaayaashii soo noqonayaan.

    Diinta Alle hala taageero, Alle uma baahna Somali ee Somaali iyagaa u baahan, hadii dowlad kusheega hada jirta oo taageero kahalaysa USA iyo Yurub iyo mushrikiin oo dhan ay guulaysato walee Somali gudkeeda ayaa biyo ugu galeen.
    waxaan leeyahay Diinta iyo dalka Alle habadbaadoyo.

    waxaan dagaal oogayaasha ka necbahay dowlod kusheega.

    Ilaahow umadan sidan u dhaan.