Home » Warar »

Shirweyne Nabadeed oo Lagu soo gabagabeeyey Deegaanka Meygaagle ee G/Nugaal

Meygaagle:- Waxaa Maanta Deegaanka Meygaagle oo Qiyaastii 52-Km dhanka Waqooyi bari uga beegan degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal si rasmi ah loogu soo gabagabeeyey Shirweyne Nabdeed oo Labadii Bilood ee lasoo dhaafay halkaas uga socday Beelo wada dega Deegaankaas oo kasoo wada jeeda Puntland.

Xiritaankii Shirkan Nabdeed ayaa waxaa ka qeybgalay Dhamaan Ergadii ka kala socotay labadan beeloo,Dhexdhexaadiyeyaal Cuqaal & Culimo isugu jira,Madax katirsan Xildhibaanada Dawlada dhexe ee Ethiopia,Isimu uu horkacayey Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise & rag kale oo uu ka dhexmuuqday Siyaasiga Maxamed Cabdi Xaabsade oo mudooyinkii lasoo dhaafay kusugnaa deegaanada Puntland.

Xafladan oo ay gabagabadeedii ka hadleen Dhinacyo kaladuwan waxaa si rasmi ah looga dhawaaqay heshiiska ay labada beelood gaareen oo ay u horeyso Xabad joojin rasmi ah iyagoo goobta ku balanqaaday inay ilaalinayaan dhamaan qodobadan oo ay shalay wada saxiixdeen,waxaana Dhexdhexaadiyeyaasha labadan beelood ay sheegeen inay ku kalsoonyihiin Qodobadii ay soo saareen in si rasmi ah loogu wada qancay.

Gudoomiye xigeenka Gobolka Wardheer ee Dawlada Deegaanka Soomaalida dalka Ethiopia oo shirkan ku matalayey Dawlada Deegaanka Soomaalida ayaa sheegey in ay ku faraxsanyihiin Shirkan maanta sida rasmiga ah usoo gabagaboobey,waxaana uu Gudoomiye xigeenku sheegey in Dawladiisu ay si gaar ah ula xisaabtami doonto shaqsigii ku xadguba heshiiskan isagoo beelahana ka codsaday inaysan badbaadin kuwa ka shaqeynaya Xumaatada dadkooda.

Maxamed Cabdi Xaabsade oo kamid ah Siyaasiyiinta waaweyn islamarkaasna mudooyinkii lasoo dhaafay kusugnaa Meygaagle ayaa sheegey in shirkani uu yahay mid qiimo badan leh.

Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo kamid ah isimada waaweyn ee deegaanada Puntland oo gogasha shirkan fidiyey ayaa maanta si rasmi ah shirkan usoo xiray,waxaana uu sheegey in uu ku kalsoonyahay in shirkani uu noqon doona mid miro dhala keenana Nabad lagu waaro.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Shirweyne Nabadeed oo Lagu soo gabagabeeyey Deegaanka Meygaagle ee G/Nugaal "

  1. Abdisamad says:

    Waxaan ammaan iyo bogaadinba u soo jeedinayaa Amiirka iyo intii kala qaybqaadatay gogosha nabada waxaan Alle ka baryayaa in walaalaha heshiisku dhexmaray ay ka dhabeeyaan heshiiskaas, oo aan cid dambe macna la,aan lagu dilin.

  2. Abdullahi says:

    Amiir iyo ragga kaleba waa mahadsanyihiin.. Ilaahay ka sokoy waxaa hubaan ah inay badbaadiyeen dad badan oo macno daro ku dhiman lahaa… Ilaahay waxaan uuga baryeynaa sugnaan..