Home » Warar »

Machad cusub ee Hay’ada Tadamun oo lagu baran doono xanaanaada xoolaha ee magaalada Gaalkacyo oo la dhagax dhigay

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta oo maanta dhagax dhigay Mashruuc lagu dhisayo Machad lagu baranayo Xanaanada Xoolaha iyo beeraha

(Daawo Sawirada)

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta dhagax dhigay Mashruuc aad u weyn oo laga hirgelinayo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, gaar ahaana qeybta uu ka arimiyo maamul goboleedka Puntland.

Mashruucan oo ah mid aad u ballaaran ayaa waxaa lagu dhisayaa Machadkii ugu horeeyey oo Xanaanada xoolaha iyo beeraha lagu baranayo kaasoo isugu jira Waxbarasho dhexe, sare iyo heer Jaamacadeed oo lagu qaadanayo shahaadada loo yaqaano Diploma, waxaana intaasi u sii dheer in Machadkani uu yeelan doono qeyb Jiif (Boarding Department).

Machadkan ayaa kharashka ku baxaya waxaa bixinaya Bankiga horumarinta Islaamka (Islamic Development Bank), waxaana fulinaya hay’ad maxali ah oo lagu magacaabo Tadaamun, iyadoo la filayo in dhismaha Machadkani uu socdo muddo 7 bilood ah.

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane Dr. Cabdieli oo ka hadlay munaasabadda dhagax dhigga ayaa aad u soo dhoweeyey dhismaha Machadkani wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la kordhiyo goobaha Machadyada waxbarashada, isagoo si gaar ahna u xusay in loo baahan yahay in la helo Machad daboola baahida Xanaanada xoolaha iyo Baahida maadaama ay gabaabsi yihiin macalimiinta dhigta xanaanada xoolaha loona baahan yahay Jiil cusub.

“Aadbaan ugu faraxsanahay inaan maanta dhagax dhigo Machadkan waxaana u mahadcelinayaa Bankiga horumarinta Islaamka oo kharash badan ku bixinaya sidii loo hormarin lahaa dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Dr. Cabdiweli isagoo dhanka kalena u mahadceliyay mas’uuliyiinta maamulka Puntland oo uu sheegay inay guushan iyaga dhaliyeen.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amnigan Qaranka Mudane Cabdishakuur Sheekh Xasan ayaa isna dhagax dhigay Isbartiibo loogu magac daray Cabdullaahi Ciise Siyaad taasoo laga dhisayo dhanka Koofurta ee maamulka Galmudug, iyadoo munaasabad loo sameeyey ay ka qeyb galeen madaxda maamulka Galmudug oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalim.

Isbartiibadan ayaa la sheegay in lagu bilaabayo dhismaheed lacag dhan 10,000 (Toban kun oo Dollar) oo ay bixiyeen guddiga Oleympicada Soomaaliyeed, iyagoo ugu  baaqay hay’addaha caalamiga ah iyo jaaliyaddaha Soomaaliyeedba inay ka qeyb qaataan sidii loo dhameystiri lahaa dhismahaasi maadaama toban kun oo Dollar aanu dhisi Karin 10% garoonkan Cabdullaahi Ciise.

Garaad Salaad Xirsi

Gaalkacyo, Somalia

garaadcadde@hotmail.com

Hay’ada Tadamun oo dhagaxdhigtey furitan  machad cusub oo lagu baran doono xanaanaada xoolaha ee magaalada Gaalkacyo

Hay’ada wadaniga ah ee tadamun ayaa maanta (Isniin) dhagax dhigtey machad lagu baran doono xaananada xoolaha iyo cilmiga beeraha oo laga furi doono magaalada Gaalkacyo ee magaala madaxda gobolka mudug, dhagax dhigaas ayaa waxaa ka soo qeeyb galay madax ay ka mid yihiin wasiirka qorsheynta iyo xiriirka calaamiga ah ee doowlada faderaalka KMG soomaaliyeed isla markaasna ah ra’iiso wazaare ku xigeenka.iyo wasiirka beeraha ee puntland iyo waziir ku xigeenka waxbarashada sidoo kalle waxaa ka soo qeeyb galay waziir ku xigeenka xanaanada xoowlaha ee puntlad.

Waxaa goobta joogey oo soo dhaweeyey dadka iyo madaxda ka soo qeeyb gashey shirka gudoomiyaha haay’ada wadaniga ah ee Tadamun mudane cabdulaahi sheikh xasan asagoo ku tilmaayey mashruucaan in uu yahay mashruuc faa’do iyo miro dhal badan u lahaan doono dadka ku dhaqan gobolada puntlad ee soomaliya asagoo tilmaameyey in Bankiga horumarinta ee Islaamku uu in badan ka qeeyb qaatey hoolaha hormarineed ee ka socda puntland oo aay hay’ada wadaniga ah ee Tadamun faraha ku heeyso.

waxaa kaloo asna meesha ka Hadley madax kale oo aay ka mid yihiin waziirka beeraha puntland iyo gudoomiyaha gobolka mudug iyo madax kaloo fara badan oo dhamaantood muujiyey muhimada aay leeydahay hirgilinta machadkaan caafimaadeed…

ugu danbeeyntii waxaa meesha ka Hadley waziirka qorsheeynta iyo xiriirka caalamiga ah isla markaasna ah ku xigeenka ra’iisu wazaaraha soomaliya asagoo isla markaasna la dhagax dhigey madaxdii kalle ee ka socotey doowlada dhagaxii biloowga mashruuca………

Hayada wadaniga ah ee Tadamun waa hay’ad ka shaqeeysa arimaha pulshada waxbarashada iyo hoowlaha horumarinta aadami nimada……

Qorre: Abdul fitax Nur ( Ashkir )

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.