Home » Faallo »

Khudbadda Wariye Cabdiqafaar Axmed Shire

Uu ka jeediayay Hotel Barakaat oo uu kula kulmay Warbaahinta Soomaalida.

Bar-kulan Waa idaacadda ugu Musuqmaasuqa badan Soomaaliya, Waxaana Taageera Qaramada Midoobay
Hordhac

Ugu horeyn Bismilaah, Mahad dhamaanteed ilaahay ayay uu sugnaatay, waxaana qirayaa inuusan ilaah jirin marka laga yimaado ilaaha xaqa ah ee macbuudka ah oo sida sharciga ah koonkan u taagay islamarkaana ku abuuray, ku irzaaqay, kuna adoonsaday makhluuqa caalamkan ku sugan oo kala ah Noole iyo ma noole, dareere, adke iyo hawaba, waa ilaahayga koonkan ka abuuray dhirta iyo xayawaanka iyo qawmiyahadaha kala duwan ee banii aadamka ku abtirsado islamarkaana dhamaanteen nagu adoonasady inaan ilaahay caabduno, waxaan si taasi la mida u qirayaa in Nabi Muxamed Naxariis iyo Nabad galyo dushiisa ha ahaatee uu yahay rasuul rabigiis si saxa uga keenay risaalada loogu soo dhiibay ummaddan islamarkaana noo soo gaarsiiyay sida rabigeen uu noogu soo dhiibatay, anigoo ilaahay ka barayay inuu nagu dilo khaatumadeenan kusoo idleeyo diinta islaamka, aakhirana dhamaanteen nagu irzaaqo Jantul Firdaws.

SII AKHRI……

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

21 Jawaabood " Khudbadda Wariye Cabdiqafaar Axmed Shire "

  1. Asc. sallanta islamka kadib – waxan ku faraxsanahay runta oo cadaatay iyo kaalinta suxufiyinta somaliyed sida Wariye Cabdiqafaar Axmed Shire oo is leh waxad soo bandhigtay sirta iyo qiyanadda Iddaacadda u adeegta gaaladda siiba kuwa umadda malinkasto gumaadka ku haya………… fariinta Wariye Cabdiqafaar Axmed Shire waxey muujineysa in suxufiyinta ay shaqo ku raadinayan dhiiga walalahooda somaliyed sida cadeynayo sufigan iminka u muuqda mid laga gaaray dantii laga lahaa oo iminka ku calaacalaya erayo aan marka qof damiir leh uusan ku hadaaqi karin. waan jeclaan lahaa inaan arko adigoon cidka kaa burinin shaqadda inaad runta sheegto lakin maxaa ku soo beegay qudbadaada iyo wararka aad inoo shegeyso marka lagaa joojiyey shaqadda. suxufiyinta waxay ka qeyb qateen colaadda dalka waxay huriyaan dagaaladdda waxay lakala safteen gaaladda iyo daba dhilifyadooda waxayna ka soo horjeesteen diinta illahay. Illahey ninkii cadow ka dhigtaan jidkaas ayaa u dambeyna aduunkana hoog iyo duli nimo aakhirana cadaabta alle oo adag. hadii aad rabto in umadda ku cafiyo dadka aad dambiga ka gashay cafis weydiiso mujaahidiintana safkooda ku soo biir calaacalka iska dhaaf gaal waxaa la walalao ah gaal uun. hadii aad musliminta ku saf noqoto illahey ayaa macaaga noqonaya.

    waxan idin rajeynaa khery iyo baraare

    Name: Mohamad Muhsin
    Loc : Mogadisho Somalia
    _______________________

  2. ugu horayn waxaan salaamayaa bahda somali talk meel kastoo ay joogaan kadid waxaan aad ugu faraxsanahay sida ay uqaabileen ama u uru riyeen ra,yiga dad waynaha runtiina waa mid kuyar saxaafada somalida in afkaar saxa laga dhiibto meelwaa nad mahad santihiin

  3. ugu horeen waxan salaamayaa bahda Websit-ka Somalitalk.intaa kadib anniga waxan ka mid ahay wariyaasha Soomaalida ee hadda ka howlgala wadankeenii Somalia,aad ayan isku naqana Abdi Kafaar Shire,Sxbo ayan nahay qoraalkiisa mar hore ayan arkay,laakin anniga waxa qabaaa ma ahan markii ugu horeysay oo Idacad ku hadashay Af-Somali ah ay ku tumato suxufi somali ah ama suxufiyad Somali ah,laakin waxa aan la yaabo ayaa ah maxaa keenay arrintan ma ahan arrin ugub ah walaalyaal waxa la hadlayaa maxaa keenay in Madaxda Idaacadda iska leh ama somali ha ahaadaan ama kuwa kale keenay in Idaacadaha ay ka dhigaan meel la isku gumaado
    ugu dambeen anniga markale waxan utacsuyeenaa sxb-keey Cabdi Gafaar shire byyyyyyyyyyyyyyyy

  4. Asc wad salaamantahay sxb.salaan kadib wa wax laga xumaada dulmiga shaqada lagaaga saaray.lkn waxaa wax lagu farxa ah fishilaada aad fashishay taasoo aan soo bixi leheyn hadii aad kasii shaqeyn laheyd barkulan.sxb waxaa habooneyd markii hore ee aad ogaatay hadaf ka ay leyihiin, kasoo ah lugooyada umada soomaaliyeed. In aad kasoo haajirto maxaa yeelay dad ay kago’antahay in ay dadkaga iyo dalkaaga lugooyaan ilama ahan in ay adiga shaqsiyadaada ixsaan u falayaan.teeda kale waxaa jira dad fara badan oo howsha aad kasoo taktay cml faraha kula jira iyagana waxaan kula talinayaa intaay goori goor tahay in ay kaga soo dhaqaajiyaan si sharaf leh.c/qafaar sxb aadigana wa ku mahad santahay sida aad runta daaha uga qaaday.

  5. Abdifatah says:

    Awalba Sxb Goob xun baadu shaqo tagtay idacad AMISOM leedahay awalba barako ma lahayn, AMISOM ma doonisteenay dalkeena ku joogaan waa kawan laynaya dadkeenee, sxb iska Ilow kuwa ku harayna oroda isaga taga ku dheh Allena waydiista irsaaqad wanaagsan

  6. asc dhamaantiin, bahda Somalitalk aad baanu idiinka mahad celinaynaa Fariinta aad nasoo gaarsiiseen.

    Jawaabta shakhsiyaadka dhaliilsan wiilkan wariyaha ah ee sheegtay in lagu xadgudbay.

    Ugu horeyn anigu ma taageersani, mana jeclaan lahayn in gabaknai uu ka shaqeeyo idaacadaasi, laakiin waxaan aad uladhacay go’aanka uu qaadtay iyo qaabka quruxda badan ee uu usoo diyaarsaday khudbadiisa.

    1- horta Soomaalida waxaan kala yaabay, amaba aan is iri miyaysan afka Soomaaliga iyo ula jeedada khudbadaha aysan fahmin?

    Wariye Cabdiqafaar Shire hadaanan khaldanayn khudbadiisa waxaa ku jirtay inuu sheegay “hadii aan maanta waxan ka ogahay aan Bar-kulan ka ogaan lahaa, go’aankii aan uga shaqo bilaabay si kale ayuu ahaan lahaa”

    Arinta kale ee meesha ku jirta waxay tahay, ninkani islaanimada horta kamuusan bixin idaacad markeedii hore loogu talo galay in lagu hormariyo warbaahinta soomaalida ayuu ka sahqeeyay dadaal ayuu sameeyay suu sheegtay in idaacadaasi si xaq ah islamarkaana cadaalad ah lagu dhaqo, isaguna uu haatan soo daahfuray cadaalada darro iyo musuqmaasuq farabadan oo idaacadda ka jira, tan kale waxa uu tilmaamay in dad ajnabiya ay meesha ku gumaystaan wariyayaasha Soomaaliyeed.

    Tan kale Calaacal iyo wax hadal liidta lagu tilmaamo Wariyahani kuma uusan hadlin, shakhsiyaadka iska dhigaya iney hadalka aad u fahmeen una dhuuxeen waxaan u malaynayaa ineysan waxba ka fahmin hadalka wariyaha, Waxaan kaloo qirayaa haddii Wariyahani waxa uu ku hadaly ay calaacal iyo hadal liidta tahay inaanan lagu soo daabaceen inta badan Warbaahinta, Soomaalida, Sida Bartamaha, Hiiraan, Horseedmedia, iyo Somalitalk oo aan hadaba ku jirno.

    Way fiicnaan lahayd in dhinaca wanaagsan arinta laga eego, ilaahay dembi dhaaf weydiiso, ayaa soo noqnoqotay in badan, waxaan filayaa inuusan ninkani ruux dilin amaba uusan diinta ku xadgudbin khudbadiisa waxaaba iiga muuqata in wax uun intay gaartaba hale ekaatee uu Diinta ka yaqaano marka aanu fiirino qaabka uu ku bilaabay khudbadiisa, Waxaan taageero iyo qiiraba usoo jeedinaya Warbaahinta xilkaska ah ee soo gudbisay hadalada xambaarsan fariinta ubucda Weyn ee uu Wariyahani soo bandhigay, aad baan idiin salaamayaa.

  7. Yahya Ali says:

    War ninkan wuxu ka hadlayo maxey tahay wan layabay, oo wali wu kusi idha adag yahay shaqada kardara la iga ruqseyey maxey tahay, srry that,s funny, raga madaxwenaha benta lagu sheego ee wadanka cidamada shisheye ku ilaliyan aya ruqsad lasiya tusale waxa kugu filan meqa madaxweyne aya kursikan xilkisa dhaman la iskugu badalayay ayago ushaqenaya cadowka wadanka hadaba adiga amisom iyo dowlada an waxba kajirin ayad ushaqeneysay wana shegeysa iney xita dhulka iyo bada hadey xarasheyso adan ka hadli karin, idacada amisom ayad u calacale war isku xishow qofkasto cadow ushaqeya sidan ayu ruqsad uqadana hadu wadankisa difac maako. Bar-kulana wanaqana waxa lo asasay waxey tahay dalka iyo dadka iney dhibka ku jiran eysan ka bixin, hadaba an kula taliyo sxb (1) waxa tahay qof dalkisa iyo dadkisa dambi ka kaley ilahey udobadken (2) dambile aya tahay waxa lakayaba hadey dowlad cadalad ah dhalato dadka maxkamada lahorkenayo inad kamid noqoto si adan uga mid noqon camal wanagsan ku badal falka aad kashay, (3) calacalka joji somali cid wax uqabaneysa malahan, ee shaqa kale ka raadso, cid ku dili kartana majirto ilahey aya ku dili kara job sakurati wax kama celin karo ilahey amin,

  8. asc marka hore. waxan u mahadcelinayaa Wariye C/qafaar Shire iyo bahda Somalitalk.com oo mar walba noo soo bandhiga Xaqiiqooyinka.
    waxaad mooddaa dad qaarkiis inaanay garanba u jeeadada faallada loo qoray,
    sxbkey c/qafaar Axmed waxa uu ka hadlayaa maaha shaqo ka cayrin oo qura, waxa laga hadlayaa waa xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Raadiyaha Barkulan iyo habdhaqankooda saxafinimo iyo sida loola macaamilo wariyayaasha soomalaiyeed ee xirfadooda la adegsanayo,

    wariye C.qafaar Axmed Shire waa Nin saaxiibkey ah oo aan aad aad isugu dheernahay, waa nin aan garanayo heerkiisa aqooneed iyo xirfadeed oo aan ku kalsoonahay daacadniamdiisa muddo dheerna aan wax wada barannay oo isku dugsi aanu wada ahayn, waa nin aqoon leh oo Dugsiga sare uga baxay Muqdisho ka dibna guda galay xirfadda saxaafadda,
    run ahaantiina waxaan dareemi karaa kaalinta weyn ee uu mudane C/qafaar kaga jiro bulshada gaar ahaan tan iyo markii uu guda galay howlaha saxaafadda oo uu ka gaaray heer sare,
    waxaan shaki iiga jirin in wariye C/qafaar oo aan garanayo aqoontiisa iyo daacadnimadiisa uu mar walba bulshada usoo bandhigi doono xaqiiiqda jirta ee dad qaarkii ka qarsoon

    waxaa wax laga xumaado oo aad u foolxun in lagu yiraahdo wariye C/qafaar Axmed Shire oo aan ogahay khibraddiisa iyo aqoontiisa shaqada waa lagaa eryay. runtii wax loo dulqaato maaha ficilka lagula kacay C/qafaar, sharaf dhac iyo xad gudub wayn ayaan u arkaa falkaasi foosha xun oo ay ku kaceen maamulka Barkulan.

    sida cid walba ay ogsoontahay, barkulan waa Raadiye hoostaga Qaramada Midoobay ayna maamulaan beesha caalamka xaruntiisuna tahay Nairobi, wariyayaasha ka howlgala raadiyaha waa soomaali hase ahaatee waxaa maamulka u haya dad ajaanib ah oo u kala dhashay dalal kala duwan
    run ahaantii Somalia waxay noqotay mashruuc qaramada midoobay ay lacago uga cunaan hay’adaha adduunka, sidaasi darteed Barkulan oo ah mashruuc la mida hay’adaha caalamka oo kale wax dan ah uma uma hayo Somalia iyo dadka soomaalida aan ka ahayn inuu af soomali ku hadlo, raadiyaha Barkulan loogama hadlo maslaxadda soomaalida mana soo hadal qaado arrimaha dhabta ah ee ay bulshowayntu u baahnatahay inay ogaato, waa raadiye loogu tala galay inuu mashquuliyo ra’yul caamka soomalida

    waxaa war idiin kugu filan inta uu wariye C/qafaar idiin sheegay , waxaan soomaalida ku baraarujin lahaa inay ogaadaan xaqiiqada dhabta ah oo aysan is indha tirin

  9. moxamed-khadar says:

    a/c bahda somalitalk. marka xiga waxaan salamay cabdiqafar shire.
    waxaan aad oga xumahay sida xun ee laguula dhaqmay walow aadan ugu horeen hadan waxaan aad ugu faraxsanahay dhiiga iyo go’aanka cad ee aad ku qaadatay in aad u istaagto ama aad fashisho dadka dhiig iyo dhacaankii suxufiyiinta somaliyeed miiran jiray.waxaan leeyahay ama aan ka codsanayaa siyaasiyeenta,saxafiyiinta,dowlada,iyo waliba dhalinta somaliyeed in ay u istaagaan wax kaqabashada tacadiga loo geysanyo saxafiyiinta dada yar ee somaliyeed.
    waxaan aad ula dhicijiray sida qiimaha leh ee uu soo tabin jiray barnaamijyada qiimaha ulahaa dhalinta. way cadahay waxuu shegay abdiqafaar wana in dowladu ay wax ka qabataa arinkaas. waana wax ayada ku soolabanayso saxafiyiintuna waxaan leyahay arinkaas ha u istaageen. sac baa laga hayaa “libaax hada imaadan cunin ee waxaad i cunatay markii dibigii gaduudnaa aad cuntay” marka wadadii cabdiqafar uu maray ayaad mareysaan dhamaantiin hadiidan hada wax laga qaban arinkaas.
    arinkaas yaan lookala hadirn ayaan qabaa saxafiyiin iyo dawalaba.

  10. Amran-waayeel says:

    Asw, bacdal salaam.

    Waan ka xumahay waxa loo gaystey Wariye C/qafaar Shire, falalka xun-xun ee uu shisheeyahu u maleegayo Soomaalida oo aan wax dawlad effective ah haysan, taasi oo haday jiri lahayd aysan ku dhacdeen waxa uu ka cabanayo ama ku dhacday inankan. Waxaana Orankaraa, C/qafaar arinta ku dhacday waaba yartahay marka loo eego waxa qarsoon ee muwadiniinta loo geysto, ha ahaado wariye, qaxooti, iwm. Waana wax dhacda, waliba waxaan sii raacin lahaa arintaan shisheeye kaligiis ma ahan waxaanse dareemaya in Soomaali waxmagaratay ah loo adeegsado arimaha noocaan ah si dadban ama si toos ah.

    Arin kale oo aan meeshan ka dhadhansadey laakiin uusan inankan khudbadda Jeediyay uusan xusin ayaa dhici karto inay jirto, taas oo ah in qabiil iyo gobolo uu ka soo jeedo loo ximiyay/faquuqay hase ahaatee uusan isagu waxba kasoo qaadin dhibka iyo dhibaatada Soomaalida dhexdeedu ay isku hayso balse uu si muuqata uga hadlay musuqmaasuqa.

    Mahadsanidiin

  11. mh Mohammed says:

    ASC, mudane hal oraah aan kugu darsado waan dhuuxay hadalkaaga si fiicanna waan u fahmay laakiin talada ma ku darsatay SABARKU maahan marka dantu kaa saadcalayso ee waa adoo wax sameyn kara inaad ka sabarto, waxaan ula jeedaa WADANINIMADU maahan marka inta lagu isticmaalay hadana lagu tuuray inaad tiraahdo wax baan sheegayaa, yaa kuu diiday oo kaa hortaagnaa inaad waxaan sheegto intii aadan faraha la galin?? Taladana ku darso wa dhacaan waxaan mar walba laakiin waxaan aad uga xumahay waxa kugu dhacay ogow Soomaalida markii ay baxarka galaan oo hadna bacaadka la dhigo ayay galgashaan falaartuse kama harto.

  12. aragti says:

    sxb abdi kafar waan kusalamay s salaam kadib sxb waxaan halkaan rabaa in aan fikirkayga ka dhiibto ama aragtidayda ku aadan idaacada barkulan ama idaacad amisom sxb waxaan aad uga xumaa in aad ka shaqaysaba idaacad ku shaqaysa afka amisom waayo waxaan kugu aaqaanay nin dhalin yaro ah oo aad u firfircoon isla markaasna ay aragtidiisu ku salaysantahay wadani nimo aqoon xeel dheer iyo kobac wanaagsan oo saxaafada ah balse waxaan filayaa in aad uga shaqaynjirtay oo kaliya in aad kashifto waxa aad hadaba ka shiftay, ee ah falxumada iyo tacadiga loo gaysanayo dalka iyo dadka soomaaliyeed marka sxb waligaa ha kadaalin ifinta iyo fashilinta waxyaabaha noocaas ah oo kale
    waana ku mahadsantahay warbixintaada
    mahadsanid

  13. Dhagacase says:

    Salaam

    Waan ka xumahay walaakaas inuu shaqo waayay, laakin markaan dhagaystay hadalkiisa waxaan ku ra’yi ahay Cabdul iyo Abdikarim. Sababtuna waxaa weeye xuquuqda umadda Soomaliyeed oo dhan ayaa baylahan, dal dad, duunyo oo wax walba la boobaa, lana baabi’iyaa, marka walaal shaqo looga eryay si xaqdarra ah, waxa dhacaya waxay ka tahay iyadoo la buunbuuniyay nin jeerigaan biyaa ka dhaansaday badwanta Hindiya oo layiri badii ayaa biyihii laga dhamaystay!

    Hadaadse hadalkiisa u fiirsataan Cabdulqafaar isaga ayaaba diidaanaa inuu baahiyo arinka domain-ka oo kabaqayay dowladda ama iska dhigayay nin sharci saxaafadeed ilaalinaya, meesha ninka kasoo jeeda Banin uu doonayay in arinkaan laga hadlo isagoo dan ka lahayn xanaaqa TFG. Marka bal gar Alleey taqaane maxaan kula caadifoonaa walaalkaan?

    Dad badan waxaa kamuuqata inaysan dhuuxin hadalkiisa, iyo waliba waxaa yaab leh cinwaanka somalitalk usamaysay sidii nin domain difaacaya oo sidaa dhaawac kusoo gaaray, waaba isburinayan cinwaanka iyo hadalkisa. Dhibse maleh, horay ayaa nin caddaan ah u yiri hadaad rabto Soomali inay kula caadifooto, is-boohi oo baroordiiq samee adigoo leh ‘War yaa tol eheey, war yaa Soomali Maxamed aheey’, ama u hees adigoo u qaadaya ‘Soomaliyeey toostooy’ dhar calan buluugana u xiro, markaa waa iska wada ooyayaan, waxay hayaan naf iyo maalna way kusiinayaan iyagoo xattaa eegin inaad tahay nin cad ama nin madow. Marka aan iskala caadifoona nin calooshiis u shaqaysanayay oo hadana lasoo eryay.

  14. Yassin Ali says:

    Waa kaa qaadey salaanta muslimaka aad nagu salaamtey adna sidoo kale wacaleyku salaama wa raxmatu laahey wa barakaatu.ka dib markaan aqriyey warbixint cinwaankeedu shaqo lagaaga ceyriyey difaaca sharaftaada iyo umada aad ku abtirsato Somali. Marka hore aad baan ugu faraxsanahey shaaqadaaad lagaa ceyriyo tuug gurigaada xadayo ood iska qabatey weliba ma aadan rabinee inaad iska qabatee gacanta si aadan rabin kaga dhacdey.Adigoo weliba si ulakac ah u sameynin difaaca sharaftaada hadana waa kuu qiimeynayaa.somali waxay tiraahdaa xaqa feeruuhu ka dilaaca.inta midiyo iyo waramo u watan kuwa u dhalan waxaa ka badan kuwa u dhashey oo is dooxayo gacantooda. oo hadana farta isu fiiqfiiqayo oo leh aniga ma ihi ee waa isaga.Wax yaroo hungari ah waxba kama dhimayaan wadankaan iyo dadkaan ee waxaa iigu daran xirfad oo noqotey mid lagu faano oo lagu tartamo war maxaa kaa soo gaarey iyo waxyaabo la mid ah ood ku yaqyaqsiyonisid.war hadadan ilaahey iyo umadiisa hadadan ka xishoon weysey naftaada ka hishood oo intaad hoos eegi laheyd soo loguuma qaato inaad kor Eegto. hadii aduunka mar kaliyah lagu dhargi lahaa wey wanaagsanan laheyd ee wax aad cunto mooyee inta kale u reeb walaalkaa ama inta aan heli karin waqtigaas caamayahow saaxib waa ku dheeradey gunaanadkeygu waxa weeye waxaa tahey Geesi aan is ogeyn oo u waayey shaqadiisa umadiisi iyo wadankiisa yaa heli karo. ilaahey waxaa kaga rajeynayaa mid ka fiican oo kaaga sharaf badan in ilaahey kuu sahlo Aamiin. Aamin Aamin

  15. Abdikadir Boss says:

    Aad baan uga xunahay C/qafaar sxb wax kasta oo dhaca, waxaase i noo muuqata sxb in aad qaaday tilaabo geesinimo ku jirto, ka dhawajisaa xogag badan oo qarsoonaa kuwaasoo fajaciso igu noqday aniga qaas ahaan, tani waxaay meesha ka saareeysaa xormadii loo hayay Idaacan ajaaniintu maamulaan, anyway waxan ku baqayaa in Saxafiyiinta ku harsan meeshaan aay ku daydaan walaalkood Shire, si aay uga baxaan gacanta calooshood u shaqeestayaasha.

  16. may mahamed says:

    As wr wb, Cabdulqafaar marka hore waxaa aad iyo aad uu yableh in rux beni aadam ah shaqadiisi laga buriyo isagoon qiil maskax gal ah loo helin waayo dunidaan eynu ku nool nahay waxaa jiro xeer aan qofka xuquuqdisa iyo shaqadiisa midan lagu xad gudbi karin ilaama isgu kasbado amaa ula yimado qaladaad sababi karo buris iyo wixi la midah tan kale waxaa ii cada in aan midanab meshan olin mana ahaa shaqo un ee waxa eey ku xad gudben shaqsi nimadaad gef kani aad ayuu uu weenyahay waan ka xumahay Human rights kuma jirto in qofku sidi la rabo lag yesho lakin waxa eeynu nahay dad somaliyeed oo xaquu dii ey lahaayen dhuntay beri hore am wadankii haa jogan ama mel kale balsee waxaa eey ila tahy in aad wixii aad ka qaban kartid oo macquul ah kaa qabatid hadii kale marku waadankeenii hooyo nabad ilaah ingo dhiigo ayad waxaa uga qaban donta aqoontada iyo fir fircoonidan ilah ku siiyey mashaa allaaaaaaaaaah samir aboowe in ilahaaa kula gab gaalo howshaadan culus wixii tageero iyo wiixii kalab waan kula garab joogna anigaa iyo intii ila mid ah ee ku raacsan guuuuuuuuuul ayaaan ilaah macbuudka ahaa kaaga baryaay sidii eey ku dhamatan weeynu kaa war sugeena insha alaah

  17. Abdikarim says:

    Waan idinsalaamay dhamaan,salaan ka dib:- Waxaan la yaabay Soomaalida markey danahoodii iyo xooggaagii san dareertadda ahaa waayaan ayey cabaad afka kala qaadayaan, haddii Soomaalinimo iyo wadanimo ku hayso mar hore ayaad dhibaatadda Idaacadda sheegi lahayd laakiin markii aad mushaarkaagii iyo shaqadaadii weyday ayaad afka furatay falaari gilgilasho kaagama harto. Adiga waxaad ka hadleysaa mushaar iyo tacadi laguu geystay taas waa iska fududahay marka loo eego Soomaaliya iyo waxa ka dhacaya oo AMISOM, DKM ,SHabaab iyo kuwo kale oo magacyo badan ay ku sameynayaan rayidkii amase shacabkii soomaaliyeed, waliba ogow AMISOM DKM SHabaab kuli lama weydiiyo xasuuqa ay dadka u geystaan marka iska samir Dalkaaga iyo Dadkaaga burburay ayaad dhibaatadda dhinacaaga kala qaybsaneysaaye. Kaligaana maaha waan kula qabnaa dhibaatadda Soomaalidu meelkasta oo ay joogto Dowlad noo dooda oo la xisaabtanta Caalamkana ma lihin oo waa taasoo wadankii dhinac kastaba uu ka aradan yahay hantidii guud iyo dadkiisaba iska dayacan yihiin, waatiiyoo Dowladdii Magaca u taagneydna ayadiiba wadankii xaraasheyso. Si kastaba haddii aad xaqaaga raadsaneyso amaba ciddi ku kaalmeynayso qareen qabso amase garyaan si xaqaaqa aad usoo ceshato intaas ayaan kugula talin lahaa MR.C/KHAFAAROW .Nabadeey.

  18. Ahmed Vidic says:

    Asc cabdul waan ku salaamay marka hore salaan ka bacdi maah maah waxaa jirta dhaheesa sadar muuqdo su’aal ka dhan shaqo waa la iska burin karaa ma ahan adiga arinta sida aad u fahantay ,Cabdiqafaar kama careeysna shaqada oo laga buriyey ee waxa uu ka careeysanyahay ayaa waa ay tahay sida xadguubka ah ee ka baxsan anshaxa saxaafada oo lagula kacay . islamarkaana barnaamijka diyaarintiisa uusan shaqo kulaheyn isaga ee lagu amray in uu qabto wuuna ku qasbanaa coz waa qof boss kuu ah hadalkiisa waa in aad qaadataa Arinta uu ka hadlay waa wax muhiim ahaa waxaana abaal ooga haaya arintaas uu daaha ka qaaday dhamaan shacab weeynaha soomaliyeed ee malaayiinta gaaraya ee dhegahooda ay mar kuwada dhacday in domain ka somaliya ay xadeen tuugo calooshaad u shaqeeysta yaal ah . marka waxaa haboon in qof ka fekerkiisa uu xor u ahaado uuna u soo jeedin karo bulshada inteeda kale , Tan kale ee aad leedahay Maxaad mar hore u soo bandhigi weeysay arinta?
    Hadii aan kaaga jabaao qofka marka uu wax arko ma haboona in uu horay ka qeeyliyo waxaa haboon in uu si feejigan arinta uguda galo islamarkaana uu warbixin farabadan ka helo idaacada waxa ay furantahay ku dhowaad 1 year marka suurto gal ma noqon karto in bulshada loo soo bandhigo war bixin naaqus ah ama aan dhameeystirneyn sidaasa ayaana dhalisay cabdiqafaar in uu u dhabar adeego sidii uu u heli lahaa warbixinta dhabta ah ee ku aadan radio barkulan … Waxaa suurto gal in wariyaal badan oo ka shaqeeya idaacada aysan ogeyn halka laga xukumo , sababat aloo asaasay, qofka mada ka ah sida aan u jeedno waxaas oo dhan iyo waxa uu Radio -Barkulan galo ama uu gudo waxaa inoo soo bandhigay CAbdiqafaar Ahmed Shire . Waxaana la dhihi karaa Waa geesi Umada soomaliyeed ka istaahila in ay ku abaal mariyaan Bilad qaali ah.

  19. Cabdul sxb Saxafigaan waa mid caanka ah bahda saxafiyiinta Soomaliyeed, haatana waxaa muuqata in uu shaaca ka qaaday wax yaabo badan oo daahsoonaa, waa tilaabo geesinimo ku jirto in aad shaacisaa dhibaata dadkaaga heesataa sida C/qafaar shire oo kale, marka shaqo ku dhaaftaa micno ma sameeyso mar hadiiba aad ku weeysay u hiilinta shacabkaaga, waxaana ugu baaqayaa dhaaman saxafiyiinta ku danbeeysa gacanta calooshood u shaqeestayaasha Bar-kulan in aay ku daydaan walaalkood Mr Shire,, qaata talaabo la mid ah mida kor ku xusan, Mahadsandiin Somalitalk.

  20. As wr wb, waan idin salaamay bahda websiteka Somalitalk, aad baan ula dhacaa inta badan warbixinada baarista iyo fadeexadaha xambaarsan ee ay soo bandhigaan wariyayaasha Soomaaliyeed ee ay Somalitalk hormuudka u tahay, waxaan aad sidoo kale ula yaabay tacasiyada iyo dhibaatada lagula kaco wariyayaasha Soomaaliyeed gaar ahaana wariyahan khudbadda xasaasiga ah jeediyay, dhabtii waa gef aad u balaaran oo wariyahani loo gaystay sial markaana xukuumadda Soomaaliya looga baahan yahay iney faragalin ku sameeyaan idaacadan dadka ajnabiga ah ay ummadda Soomaaliyeed ku dulaysanayaan. Wariyahani warkiisa waa uu cadeeyay cadawga alaha ka qabtee, adinkuna caqli iyo inaad wax la qabataan ku caawiya.

    Mahadsannidiin.

  21. Cabdul says:

    Salaam
    Walaal Cabdulqafaar wax wanaagsan maaha in shaqadii lagaa soo eryay oo shaqo la’aan kugu dhacday, wax qof shaqaale ah ku farxana maaha in xuquuqdiisa la duudsiiyo. Laakin hadana markaan hadalkeega eegay, dhagaystay, si fiicana udhuuxay hadalkaagu wuxuu u muuqdaa hadal iskugu jira calaacal iyo shalayto iyo ciil aad u qabto shaqada lagaa soo eryay iyo inaad noqotay nin la isticmaalay ama la ruugay sidii xanjadii markii macaanka kadhamaadayna lasoo tufay.

    Waayo waxyaalaha mar waxaad leedahay umadda Soomalida ayaa ladhacay oo dad kale ayaa kucuna contracts, marna inaad wax ka asaastay ayaad qiranaysaa! Mar waxaad leedahay anigaa go’aansaday inaan katago, marna waxaad leedahay ruqso ayaa la i siiyay. Arinka aad fadeexada wayn kadhigayso oo idil ama fariintaada kusalaysan waa qaabka aanan wanaagsanayn oo uu ninka Soulle Issiaka kuula dhaqmay ee kusaabsan arinta domain-ka Soomaliya ee aad ubaahisay siduu rabay

    Markaa wuxuu qofka caaqilka ah ee Soomaliyeed kala dhex bixi karaa inaad tahay nin dhalinyara ah oo la adeegsaday. Taasna 2010 layaab maleh oo Soomaliya iyo somalida badankeed ayaa ah dad lagu shaqaysto oo ilaalsada hungirigooda, markii laga ciideeyana iska dhig dad dal iyo dad badbaadinayay ama sir wayn fashilnaya.

    Waan kaxumahay inay shaqo la’aan kugu dhacday, laakin hadaan aqoon kuu lahaan lahaa waxaan ku oran lahaa banaanka ha is ceebeen oo inaad tuugo la shaqaynsan jirtay oo kusoo eryeen adiga ayay kugu soo noqon kartaa mustaqbalka markii dalka cadaalad loo helo in daalac laguu raacdee. Waayo hadii aad wax fashilinayso maxaad u fashilin wayday markaad ogaatay bilowgii ee aad hadda u bilowday markii dabada lagaa soo laaday? Kula yaabi maayo oo Soomalida oo dhan ayaa baahi u gaysay waxyaalo aysan samayn lahayn, hadana sidaad wax usoo bandhigtay waa uun nin lasoo eryay oo iska dhigayana inu Soomali u danaynayo.

    Waad ku mahadsan tahay inaad nagu wargelisay Qaramada Midoobay idaacadaheeda, walow aysan waxba dhaamin BBC oo UK leedahay iyo VOA ee US, waase kaxumahay inaysan Soomali waxba kaqaban karin calaacalkaaga, waase iska caadi in shaqaale badan bilaa xuquuq la eryo ee adkayso, dad dano kale watana mardanbe yaysan kugu shaqaysan.