Home » Warar »

Wefdi Nabad raadis ah oo uu hor kacayo R.wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta Xukuumada oo maanta gaaray Gaalkacyo si diirana loogu soo dhoweeyay

Wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka DFKMG ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayna xubno ka yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdishakuur Sheekh Xasan, Wasiir ku-xigeeno, Xildhibaano, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Xafiiska R/wasaaraha ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Halkan ka daawo sawirada

Wefdigan ayaa ka soo ambabaxay magaalada Muqdisho, waxaana ujeedada safarkoodu uu yahay sidii ay wadahadalo deg deg ah ugu furi lahaayeen beelaha walaaha ah ee maalmihii ugu dambeeyey isku dilayay qeybo ka tirsan magaalada Gaalkacyo dagaaladaasi oo geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wefdigan ayaa markii ay ka degeen Garoonka Gaalkacyo waxaa si weyn ugu soo dhoweeyey madax ka tirsan labada maamul goboleed ee Galmudug iyo Puntland, kuwaasoo si weyn u marxabeeyey wefdigii ka socday Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ee uu hogaainayay Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta C/weli Maxamed Cali, iyadoo loo soo gudbiyay Koofurta magaalada Gaalkacyo.

Wefdigan ayaa markii ay gaareen Koofurta magaalada Gaalkacyo waxaa si weyn ugu soo dhoweeyey madax uu hor kacayay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Col. Maxamed Axmed Caalim iyo madax kale oo ka tirsan maamulkiisa oo iyagu ku sii sugayay wefdiga Hotelka Embassy oo ku yaala bartamaha magaalada, waxaana sidoo kale soo dhoweynta ka qeyb qaadanayay Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ahaa Waskiirkii Macdanta iyo Biyaha Xukuumadii hore.

Madaxweyne Maxamed Axmed Caalim ayaa wefdiga u sheegay inay si weyn u soo dhoweynayaan isla markaana ay aad ugu faraxsan yihiin sida ay isu soo xilqaameen Wasiirada Xukuumada iyo xildhibaanada u soo baxay daminta colaada ka taagan qeybo ka tirsan magaalada Gaalkacyo, wuxuuna sheegay in dhankooda ay qoor dhiibteen ayna diyaar u yihiin wax kasta oo nabad lagu heli karo laguna damin karo xiisadaha ka dhex taagan dadka walaalaha ah ee xoolo dhaqatada ah.

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta Mudane Dr. C/weli ayaa isna dhankiisa si weyn u soo dhoweeyey hadalka madaxweyne Caalim, wuxuuna sheegay inuu uga mahadcelinayo sida diiran ee loo soo dhoweeyey iyo weliba balan qaadka ah inay aqbalayaan wax kasta oo go’aano ah oo nabad lagu gaari karo, isagoo xusay in dadka ku nool magaalada Gaalkacyo ay yihiin dad walaalo ah oo xidid iyo xasabo ah loona baahan yahay in colaadahaasi la joojiyo wax kastana wadahadal iyo gogol nabadeed lagu dhameeyo.

“Anigu waxaan wakiil ka ahay xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxaana dooneynaa in dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay ku noolaadaan Nabad iyo walaalnimo, weyna ina dhibeysaa inaan maqalno beel hebel iyo beel hebel ayaa is dilay” ayuu yiri Mudane Dr. C/weli.

Ugu dambeyntiina wefdiga uu hogaaminayay Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ayaa u soo gudbay dhanka Waqooyiga magaalada Gaalkacyo halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyey, waxaana kulan ka dhacay xarunta martida ee Waqooyiga Gaalkacyo erayo soo dhoweyn ah ka jeediyay Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhanka Puntland Axmed Cali Salaad oo ay dhinacyadiisa fadhiyeen Wasiir kuxigeeno ka socday maamulka Puntland wuxuuna sheegay in Puntland ay dhankeeda diyaar u tahay Nabad laga gaaro beelaha walaalaha ee ku dagaalamaya magaalada Gaalkacyo wuxuuna xusay inay diyaar u yihiin wax kasta oo xal u noqonaya dhiiga daadanaya.

Wefdigan ayaa maalinta berry ah waxay guda geli doonaan sidii ay u ogaan lahaayeen dhibaatooyinka dhacay sababta ka dambeysa si ugu dambeysta xal looga gaaro dagaaladaasi.

Garaad Salaad Xirsi
garaadcadde@hotmail.com
Gaalkacyo, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.