Home » Warar »

Ardayda Somaliyed ee Jamacada KLMU ee dalka Malaysia oo kaalinta 1-aad ka gashay bandhig cunto ah “Daawo Sawirada”

Bandhig balaaran oo ku aadan cuntada laga isticmaallo dalka kasta oo ay soo qaban qaabisay Jaamacadda KLMU ee dalka Malaysia ayaa waxaa kaalinta 1-aad ka gallay ardayda Soomaaliyeed ee dhigatada Jaamacadaasi.

Halkan ka daawo sawirada

Bandhigaan oo ay kasoo qeyb galleen dhamaan ardayda dhigata Jaamacadaasi ayaa waxay arday kasta soo bandhigeen cunada laga isticmaalo dalkooda, waxaana ardaydaasi qeyb ka ahayd ardayda Somaliyeed ee waxbarashada u joogta Jaamacadda KLMU.

Barnaamijkaan oo aad u balaarnaa ayaa waxay arday kasta u soo tafa-xeetaan bal sidii ay kaalinta 1-aad ugu guuleysan lahaayeen, isla-markaana waxay soo bandhigeen qaar kamid ah cunooyinka sida weyn looga jacel yahay dalalkooda.

Kolkii ay arday kasta soo bandhigeen cunooyinka ugu wanaagsan, looguna jacel yahay dalalkoodaa ayaa waxay gudigii qimeynta sheegeen in ardayda Somaliyeed ee waxbarashada u joogta Jaamacadaasi ay ku guuleysteen kaalinta 1-aad, waxaana si weyn u soo dhaweeyay gudoomiyaha ardayda Somaliyeed ee Jaamacadaasi Axmed Sheekh Maxamed “Axmed Hadi”.

Dhanka kale Shabakadda Dhacdo.com ayaa wareysi la-yeelatay gudoomiyaha ardayda Somaliyeed ee Jaamacadda KLMU Axmed Sheekh Maxamed “Axmed Hadi”, wuxuuna inooga waramay sida ay wax u dhaceen, iyo cidda soo abaabushay barnaamijkaan.

Sidoo kale mudane Axmed Hadi ayaa Shabakadda Dhacdo.com u sheegay in tirada ardayda Somaliyeed ee waxbarashada u joogta Jaamacadani ay gaarayaan in ka badan 150 arday, kuwaa oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay dalka Soomaaliya.

Wuxuu kaloo uu Axmed Hadi ka dhaawajiyay in Jaamacadda KLMU ay tahay Jaamacadda ugu badan ay dhigtaan ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lumpur.

Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaan waxbarashada u joogta kulliyadaha kala duwan ay aadka u dhigtaan ayaa waxaa laga xusi karaa Maamulka iyo Maareynta, Ganacsiga, Dhaqaalaha iyo xisaabaadka.

Si kastaba ha-ahaatee guushaan balaaran ay gaareyn ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u joogta Jaamacadda KLMU ayaa waxay sharaf balaaran u soo jiiday dalka Soomaaliya.

Xasan Cadde
Tafaftiraha Dhacdo.com
Kuala Lumpur Malaysia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.