Home » Warar »

Sheekh Yuusuf Al-Qardawi Muxuu ka yiri Hadalkii Obama ee koobka Aduunka 2022

Heyada kubada cagta aduunka ee FIFA ayaa ku dhawaaqday 02 December, 2010 in dowladda Qatar ay ku guuleesatay marti galinta koobka aduunka 2022 kadib tartan ay la gashay dowladdaha Australia, Japan, south Korea iyo dowladda Mareekanka.

Dowladda Qatar ayaa dadaal u gashay in ay noqoto dowladda ugu horeeysa ee Carab ah ee ku guuleeysata marti galinta koobka aduunka ee 2022 insha Allah ayna ka dhimantahay 12 Sano ku dhawaad.

Madaxwaymaha dalka Mareekanka Mr. Obama oo dalkiisa uu dowladda Qatar kula loolamayay marti galinta koobka aduunka ee 2022 oo warbaahinta iyo dad isugu yimid daawashada marti galinta koobka aduunka 2022 kula hadlayay White House ayaa yiri “Waxaan u maleenayaa in uu ahaa go’aan qaldan” isagoo ka hadlayey go’aankii FIFA ee ahaa in dowladda Qatar ay koobka aduunka marti galiso.

Sheekh Yuusuf Al-Qardawi oo ka jawaabayay Hadalka Madaxawayne Obama ayaa  Masjidka Cumar Bin Khadaab ee Magaalada Doha kadib Salaadii Jicmaha sheegay  “Guusha ay dowladda Qatar gaartay waxa ay banaanka soo dhigeeysaa in Mareekanka ay doonayaan in ay Maamulaan  Siyaasadda iyo Dhaqaalaha kuna darsadaan Kubadda Cagta.

Sheekh Yuusuf Al-Qardawi ayaa dhanka kalle sheegay in Guusha Dowladda Qatar ay tahay Guushii ugu horeesay ee Dowlad Islaam ah ay ka guuleeysato dowladda Mareekanka.

Sheekh Yuusuf Al-Qardawi oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Masar balse markii Dowladda Masar ay is fahmi waayeen oo xabsi loo taxaabay sanadkii 1961 uu yimid dalka Qatar iyadoo sanadkii 1977 ay dowladda Qatar ay sharci dowladda Qatar la siiyay.

Koobka aduunka oo sanadkii ugu horeesay la qabtay 1930-Kii ayaa wali lagu qaban dowlad Carbeed, Islam ama dal ku yaal Bariga Dhexe balse dowladda Qatar ayaa ku guleesatay in ay noqoto dowladdii ugu horeesay oo Carab ah, Islam ah isla markaana ku taal Bariga dhexe.

Dowladda Qatar dadka ku nool waxaa lagu qiyaaashaa 1.6 Million waana dal hodan ku ah Gaas-ka iyadoo Qatar ay tahay dowlad dadkeedu ay Hodan yihiin.

Kubada cagta ayaa waayadan ugu danbeesay noqotay mid dad badan ay taageeraan gaar ahaan dhalinyaradda balse koobka aduunka ayaa ah Koobka loogu fiirsi badanyahay.

Koobka aduunka 2014 waxaa qaban doonaa dalka Brazil iyadoo 2018 iyo 2022 lagu kala qaban doono dalalka Russia iyo Qatar.

Ibraahim Da’ud Abdalle “Genlteman”

Sayfudiin@gmail.com

Facebook:- Sayfudiin Abdalle

Kuala Lumpur, Malaysia

OBAMA: FIFA MADE THE WRONG DECISION

President Obama criticizes 2022 World Cup verdict

US President Barack Obama was outspoken in his criticism of FIFA’s decision to award the 2022 World Cup to Qatar instead of the United States.

“I think it was the wrong decision,” he said to a group of reporters at the White House.

Obama, who played soccer as a kid in Jakarta, Indonesia, made a surprise appearance via a prerecorded message at the final presentation by the US Bid Committee on Wednesday.

He also welcomed an African member of the FIFA Executive Committee last week in an attempt to help the US land the 2022 World Cup.

“But I continue to be optimistic that our team – wherever we’re playing – is gonna make it to the finals next time out,” he said.

Source: http://www.philadelphiaunion.com/

Qaradawi slams Obama comment

Prominent Islamic scholar Sheikh Yousuf al-Qaradawi yesterday criticised US President Barack Obama’s remarks about FIFA’s decision to pick Qatar over the United States to host the 2022 World Cup, saying the US wanted to have a monopoly on everything including sports.

“I am not interested in football at all, and believe that it is getting more world attention than it really deserves. But when the voting process put Qatar against the US, I hoped that Qatar would win,” Sheikh Qaradawi said in his Friday sermon at the Omar bin al-Khattab mosque at Khalifa South town.

The US president had said that FIFA had taken a “wrong decision”.

“It was a very bad comment by Obama. This means that he was intervening in a decision that should be made through voting. It seems that America wants to have the monopoly on everything in the world from politics to sports,” Qaradawi said.

Source: http://www.gulf-times.com/s

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

15 Jawaabood " Sheekh Yuusuf Al-Qardawi Muxuu ka yiri Hadalkii Obama ee koobka Aduunka 2022 "

  1. Cumar says:

    Asc,
    Xujo ayeey ku tahay dadka diinta ehelka u ah siiba kuwa arrinka Qardaawi akhriyay ee wax ka oran waaya. Tan iyo xilligii Nebiga(NNKH) baratan waa jiray qeybo ka mid ah Sportiga maanta sida ku tartamidda gaadiidka iyo qalabkii markaa jiray, Balse ujeeddo ka fog ta maanta ayaa sal u aheyd waa KOR YEELlIDDA KELIMADA ALLE, suurta galna maba aheyn inay quruumo badan ay isugu yimmaadaan.
    Su`aal iyo gunaanad, yaa haya?
    1. Siirwale salaad waqtigeeda galay u joojiyay kubbadda-cagta heer qaran ama caalami?
    2. Koox heer qaran oo muslim ah oo cawradeeda sida sharciga waafaqsan u dedatay garoomada kubbadda cagta ee caalamka kuwii hore u dhacay?

  2. Cxakim says:

    Alle weyne isagaa xaq badan, hadii maanta carantii ugu diinta badnayd sidan u hadlayaan oo world cup 2022 lafaraxsanyihiin, walee islam ilaahay baa u maqan.

    waxaan u haystey shiikha nin baqay laakin weli ishufa laakiin haduu sidan u hadlayo waa iiga dhamaatay.

    waa dame degedhaysan maayo wacdigiisa.

    Carab waa bay Carab ahayd oo xaga Alle iyo xaga aduunkaba sharaf ku lahayd waana markii nabigii suubanaa laga soo saaray isugana uu Ilaahay kaashaday cid kalena uusan kabaqayn.

    marka ilaa sidii rasuulka (scw) ku noqdaan oo khaliif soo baxdo walee aniga shaki baa iiga jira inay sidan iska bedelayaa.

    Ilaahay adigaa wax walba awoowa oo sidan Islaam ka u dhaan.

    su, aal isweydii waa maxay world cup, it is Satan be-amusement (I have got one proof, it is look at football it is bigest gamble in the world bigest fitna.

    Salaama.

  3. axmed says:

    asc dhamaan walaalaha salan kadib
    subxaana laah ninka qaasim sheeganayow ilaahay kabaq oo toobadkeen (obama iyo dr yusuf qaradawi obama ayaa ii sokeeya )!!!!!!!! waa yaab sxb ma’ogi waxa tahay lakin hadad muslimtahay qardawi ayaa diin ahaan kuu sokeeya hadaad somali tahayn qardawi ayaa dhaqan iyo dhalashoba kuu sokeeya marka iska daa afxumada iyo aflagaadada carab umada dunida ayay lamid yihiin kamana xuma kamana fiicna ilaahay kabaq walaal .

    arinta ciyaaraha waxay ilatahay wadaadka in warbaahintu katan badisay oo buun-buuniskii arintan loosameeyey ay maskaxdiisa saamaysay
    uma arko in aytahay guul ee waa duulaan aan hubaysnayn oo dhaqan xumo jaajuusnimo iyo wasaq oo dhan ku hoosjirto waxana lahubaa qadar inan loodooran marti gelinta ciyaaraha ayadoon maslaxa kawayn tan qadar ugu jirta aysan ugu jirin reer galbeed maraykanka dadyar ayaa danaynaya in ciyaaraha lugu qabto dalkooda lakin dadka arintu ka go’do sidaas uma arkaan hadalka obamana waa afgobaadsi iyo samirsiin dadka jecel ciyaaraha ee maraykanka ah sheekha waxan dhihikaraa way kahoos baxday dowladna waji haka raadsado haduu rabee .

  4. eeeen fikirka bulshada waxuu u baahanyahay in la tixgiliyo, mida kale waxan aad ugu farxayaa jawaabta uu bixiyay caalimka islaamka shiekh yuusuf al qardaawi, waxaana dhihi waa islaam siyaasi,

  5. wadaad says:

    sheekh qardaawi kheyr ilaahay hasiiyee waa shuyuukhda ictisaamka oo kale ee faroole u arka amiirul muminiin marka qadar waxay rabto ma diidi karo sheekha waayo amiirka qadar baa amiirul muminin u ah

  6. Othman said says:

    Aasalmu caleykum, salaan guud kadib
    Waxaan walaalo badan oo comments so galinya qoraalkaan ka raali galin iney faham khalad ah ka fahamsanyahiin ujeedada malaha hadalka max yeelay hadalku asgoo nin ka fool xun ayuu dhan kale macquul ka noqn karaa wax walbana daahir maahan ee sarbeeb baa jirta sidas daradeed waxaan oran lahaa yaan lagu dag dagin wax walba, shekh yusuf waa shekh kamid ah culumada muslimiinta ugu waa weyn casriga cusub waana bashar aan cismo laheyn khalad iyo gafba wa ka suurtawdaa balse wax walba hubsiimo ayaa ka horaysa wixi uu ku khaladamo asga lagu celin ee yeynaan anigu waqtiga iska lumin, fadalan waxaan ka codsanayaah walaalaha websitka maamula in aysan so galin waxyaabaha dadka caamada ah ku noqn kara shubho iyo sarbeeb, MAQALSAN

  7. Osman said says:

    @ Qaasim ninka layiraahdaw sxb waad khaladantahaye ilaahay u tawabd keen kolyba sida hadaladada ka muuqata waxaad tahay insaan jaahil ah oo garaad yari hayso maxyeelay nin gaal ah ayaad leedahay wa aila dhaqan iyo dhalasho umad islaam ahna waad af lagadenaysaah ma ogtahay markaad leedahay carab carab waxay leedahay xume iyo mid san intaba culumo iyo camo, awliyo ilaahay imsa ayaa ku jira kadha? sxb waxaan kuso jeedin lahaa inaad alfaadada iyo ereyada aad ku hadashay aad ka tawabad keento oo iska hagaajiso max yelay waa kuwa aad u fool xun runti, Mahadsanid r

  8. zaynaba says:

    asc wrx wbr, wax laga xuamdo waxaa ah in nin caalimsheeganya uu uu riiyaqo caag la cayr saanaayo oo dadka da”yarta ah waqtiga loga luminayo iyo diintoda in uu uu arko guul,,,,,,,,,,waa aragti wadad xume ilahoow naga qabo kuwa fiidnaynayaa da” yarta soo koraysa.

  9. guul says:

    AS/C … aniga ka fakir ahan wxey ila tahay in uu shiiqa saxan yahay waa hadii dhinac laga fiiriyo .. wx walbane xumaan iyo wanagba wey leeyihiin ..
    balse . qabashada koobkan oo hadane lagu qabanayo wadan islam ah o hadane carab ah . wxey ila tahay umadaha caalamka ee diimaha kala duwan leh . in ay wadanka usoo daawaasho tagi doonaan., ayna baran doonaan dhaqanka iyo sida dadka islaam ah u dhaqmaan . wxa laga yabaaa in faaaido aad u weyn ay muslimtu u tahay ..
    gaaalada in ay dadka muslimiinta ah badalaaan oo ay dhaqankooda u xumeyaaan ayeey ku fakiraan .. mxa nooo diiday keena in aan barno ..
    wa ra’yigeyga ..wan qaldami karaa..

  10. garyaqan says:

    akhyarey wan idin salamay marka hore . dhamanten waxan filayaa dhalin yarada hadda in ay jeceshay banoniga iyo firsashadisa kan hadda firsaninna hory u firsaday. shikhana yaan la aflagadayn waa caalim. idinku dhinaca sharka ayad ka fakarteene ma laga yaabaa in ay noqoto futuuxaat islamiyah kadib markay so galaan o ay yimaadan caasumadda saqafadda carabta iyo islamka waa QARA E oo markaas sharkii aan ka baqaynay khayrba isu badalo. khamri iyo qawananna ma haday ka marantayihiin dowladaha islaamku. anigu waxan u arkaa in qadar meel sare kaga jirtay sportiga siiba tenska haddana kubadda haday ku darsato ugama ximi waba haday 12 kadib xaladaha is badalin

  11. Rabigii Maxa’ed scw xaq ku soo saaray, wax Alla wax aan sheego waan la,ahay!!!

    Dhalinyarooooow!!!! Diinta aan inagu barano!!!
    Wallee dad waxaa ugu liita qofkii Diintiisa looga turjumo!!

    Weligaa luuqad dal kale halaguu turjumo balse Diintaada yaan laguu turjumin , waxaan uga golleeyahay in aan Diinta inagu barano ! Intaa ayaan ku gaabsaa hadalkayga !

    Culumado haday qaldanto Culumaa saxee ee Caaaaamadeena aan ka gaabsano!!

  12. Qaasim says:

    Yuusuf Al-Qardawi & Obama, aniga koley Obama ayaa dhalasho, dhaqan iyo bani aadanimo i xiga–> Obama hadalkiisa waa ku saxan yahay, in uu Badawda carabeed u sheego in aysan u qalmin qabashada cayaaraha aduunka.

    Arabtu waa dadka aduunka ugu insaaniyad xun, waxanan oran karaa waa cadawga koowaad ee jirtaanka aadanaha iyo xoriyada, waxayna istaahilaan dhamaantood sida Falastiin in cagta madaxa looga hayo, waan wasaq aduunka siyaado ku ah oo inlaga mayro u baahan carabtu.

    Qardaawi inta uu obaamo ka hadlyo muu ka hadlo, dadka sharci darada xabisyada ugu jira wadamda carbeed iyo kuwa aan dhulna haysan iyo aqoonsiga een wadamada carbeed ee ay u dhasheen ku nool ee ( beduuna loo yaqaano). sheekhu malaha afkiisa iyo dhagihiisu isma maqalaan sida kuwa boqorada sheegta ee diinta islaamku unhaysta Hoby ahaanta.

  13. Garaad says:

    Wallee waa wax ii dhimanaa????

    Inta aanan bilaabin aqriska maqaalka , oo aan arkay Cinwaanka ayaan is dhahay Alle mahadii Sheekhii ayaaba uga digay dadka Carbeed gaar ahaan Muslimiinta dabinka kubada loo hoos gelshe , balse waxaaba afkii ila kala tegay shekha leh waa inoo Guul noo soo hoyatay?????

    War bal akhyaareey ma kilaygaa mise waa ila qabtiin rayigaas??
    Gaalo oo dhan ayaa isgu imaanee, qabri iyo zinana waa la socotaa , dhalinyaradii Carbeed ee Muslimiinta ahaana waa lagu jeedinaaye sideey sheekha wax uga hoos baxde????

  14. Waxaan la yaabahanay waa maxay sharafta ay leedahay qabashada koobka aduunka, naago qaaqaawan oo wadooyinka wareega iyo qamri cabitaan aan aheyn …. walaahi aad ayaan ula yaabay in sheikh al-qadrawi xata uu wax fiican uu arko arintaas. Mida kale 2022 waxa ka dhiman 12 sano, waana waqti aad u dheer. Obama waxa laga yaaba in uu ogyahay in Qatar ay sidaas sii ahaan doonin waqtigaas oo is badal siyaasadeed oo qarsan uu jiro. Mideeda kale faa’iidada ugu weyn soma lahan shirkadaha ajnabiga ee dhisaayo garoomanka iyo wadooyinka iyo dhamaan service-ga loogu talagalay ciyaaraha. marka ay ciyaaraha dhamaadanse waxaas dhan ee lacagta lagu dhumiyay soo ka kac mahan. Walaahi waa wax la yaab leh. :(

  15. nuur says:

    Asalaamu calykum, akhii runtii waa wax laga naxo nin culuma oo Ilaahay sharaf siiyey in uu ka hadlo koobka kubada cagta ee dalka qadar. hadii aad aragto oo aad akhriso hada qadar qarash ay kubixin toonta waa billions, waxayna samayn meel u garr ah dadka qamriga cabaya, meelaha beaches way hagaajinaya. inta uu sheekhu ka hadli lahaa fidnada, iyo wuxuu ilaahay iyo rasuulkiisu ka qabaan , umadana looga digi lahaa , baad aragtaa wax , socda ilaahyow diinta nagu sug. I was really dis appointed