Home » Warar »

Nasteexo Faarax “Nin la Nool Cudurka HIV/AIDS-ka ayaan u Guursaday Xanaaneynta Gabar uu dhalay darteed anigoo qaba Cudurkaas”

  • “Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof” UN: “Haddii arrintu sida ay tahay ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba waxaa lagu qiyaasay in ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka 2012…” SII AKHRI…

Ayadoo maanta lagu (December 1) adduunka laga xuso maalinta Cudurka HIV/AIDS-ka ayaa waxaa jira dhacdooyin badan oo la xiriira dadka qaba cudurkaasi, waxaa ugu dambeysay in dhawaan ay is guursadeen Nin iyo Naag la qaba cudurka HIV/AIDS-ka, waxayna arrintani ka dambeysay kadib markii ninkaan ay horey Cudurka HIV/AIDS-ka ugu geeriyootay xaaskiisii iyo labo carruur ah oo uu dhalay, waxaa u baaqi noqotay gabar yar oo iyana la nool cudurkaasi.

Nasteexo Faarax Cilmi oo qabta Cudurka HIV/AIDS-ka isla markaana gabadha uu guursatay ninkaan cudurka qaba ayaa iiga waran tahay sababaha keenay in ay guursato ninkaan, waxayna iigu jawaabtay “qofka bini’aadamka ah waxa uu jecel yahay in uu nolosha wax ka dhedhemiyo sidaasi darteed waa run in aan qabo cudurkaan balse waxaan u baahanahay nolol iyo mustaqbal, aniga oo middaas ka walwalsan mudo ayaan is helnay ninkaan oo la nool isna cudurkaan HIV/AIDS-ka, midda kale oo aan ugu dhiiraday guurkaan waxay tahay iyadoo ninkaan ay haystay dhibaato cudurka u dheer maadaama ay xaaskiisii hore ka geeriyootay isla markaana uu haysto gabar yar oo iyana la nool cudurka sidaasi darteed waxaan aad uga naxay xaaladda adag oo uu ku jiro ninkaan oo gabadhiisa yar garan la’ si uu u xanaaneeyo maadaama ay u baahan tahay in mar walba laga war qabo ayna hesho qof u dhigmi kara hooyadeed, aniga oo markaa arrintaan jawaab ka bixinaya ayaan u bandhigay in aan is guursano isna waa uu iga aqbalay”.

Nasteexo Faarax ayaa hadalkeeda  ku sii dartay “Gabar yar ee uu ninkeygu dhalay waxaa lagu magacaabaa Ubax waxayna hadda jirtaa 3 sano ku dhawaad, runtii aad baan u jeclahay waxaana wada qaadanaa daawo kaalmaati u ah cudurkan, sidaan horey kuugu sheegayna waxa ugu weyn ee igu dhiirageliyey guurkaana waa gabadhaa xanaaneynteeda, aan kuu sii raaciyee aniga cudurkaan waxaan la noolahay mudo 5 sano ah, ilaa iyo haddana wax nuqsaan ah oo igu dhacay ma jirto, inkastoo markii hore ay ehelkeygu i faquuqeen, waxaana markaa kadib gacanta igu dhigay Hay’adda SOPHPA iyo ururka la dagaalanka cudurka AIDS-ka ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ee SCAC waxayna i siiyeen meel aan seexdo, cuno, daawo iyo dhamaan wixii tasiilaad ah ee aan u baahnaa taas oo iga baabi’isay cuqdadii aan ka qabay cudurkaas, mudo kadibna waxaa dhacday in ehelkeygu ay fahmeen in cudurkaan uu ka mid yahay cudurada bini’aadanka ku dhici kara sidaasna aan dib u midowno”.

Nasteexo waa gabar aad u firifrcoon oo geesiyad ah waayo waxay ka mid tahay dadkii yaraa ee ugu horeeyey kuna dhiiraday in ay bulshada u sheegaan in ay cudurkaas la nool yihiin, isla markaana si weyn uga qayb qaadata ka wacyigelinta bulshada ee cudurka HIV/AIDS-ka iyo waliba in aan la faquuqin dadka la nool cudurkaasi, waxayna ka mid tahay dallad ay ku mideysan yihiin dadka qaba cudurkaan oo lagu magacaabo HIV kuwaas oo u istaagay in ay wacyigelin ka sameeyaan meelaha ay bulshadu isugu timaado iyo ka qayb-qaadashada siminaarada wacyigelinta ah ee ku aadan Cudurka HIV/AIDS-ka.

Ugu dambeyntii Nasteexo ayaa shacabka ugu baaqday in ay qayb ay kala qaataan koritaanka gabadhaan yar ee dhibaateysan waxayna sheegtay Nasteexo in inta ay nooshahay gacanta ku hayn doonto gabadhaan, haddaba qofkii doonaya in uu gacan u fidiyo gabadhan qabta cudurka AIDS-ka waxay la soo xiriiri karaan cinwaanadaan hoose.

Nasteexo Faarax Cilmi:

Tel: 002526215496344

Ama

Amiin Yuusuf Khasaaro:

00252615532494

amiinkhasaaro@hotmail.com

“Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof” UN

“Haddii arrintu sida ay tahay ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba waxaa lagu qiyaasay in ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka 2012…” Warbixin Qarammada Midoobay..

Cilmi baaris aad u qoto dheer oo Qarammada Midoobay ku samaysay dadka Soomaaliyeed ee qaba cudurka HIV/AIDS ayaa soo bandhigtey akhbaar aad u argagax badan oo muujinaysa sida cudurkaasi uu xawliga ugu dhex fidayo shacabka Soomaaliyeed (Boosaaso, Hargeysa, Muqdisho, Garoowe, Berbera, Galkacyo, Jawhar iwm).

Cilmi baaristaas oo ka kooban 64 bog oo la faafiyey May 13, 2010, waxay jaaha saartay Woqooyi-Galbeed (Somaliland), Woqooyi-bari (Puntland) iyo Koonfurta-dhexe ee Soomaaliya.Halkan ka akhri Tarjumada warbixinta

Tarjumadii SomaliTalk ee warbixinta ka akhri Halkan RIIX

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.