Home » Warar »

Sidee looga arkay Magaalada Muqdisho booqaashadii Madaxweynaha Uganda.

Sheekh Bilaal “Musaveni waa ka Fuleysan yahay Miles Zanawi waayo”
Musaveni oo ku qaabilay Madaxda Dowladda Dhufeyska hoostiisa..

Madaxweynaha wadanka Uganda Yuweri Musafeni oo aan booqasho aan horey loo shaacin ku yimid shalay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa booqashadiisa aragtiyo kala duwan ka bixiyey aqoonyahano, culuma’udiin, ururada diiniga ah iyo qaar ka mid ah bulshada, waxayna intooda badan ay muujiyeen in booqashadaasi ay ahayd mid uu niyadda ugu dhisayey Ciidamada Uganda oo waayadan dambe dagaalo kulul uga imaanayeen kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo ciidamada AMISOM.

Booqashadan oo lagu waday in Madaxweyne Musafeni ku yimaado Muqdisho maalintii xasuuqa ciidamada AMISOM ay ka gaysteen agagaarka KM4 taas oo ay si weyn uga caroodeen qaybaha bulshada Soomaaliyeed, hase yeeshee booqashadiisa ayaa dib loo dhigay maadaama uu dareenka shacabka reer Muqdisho uu aad u kacsanaa waxayna taasi sababtay in shalay (Nov 28, 2010) uu booqasho qarsoodi ah ku yimaado magaalada Muqdisho, waxa uuna markiiba kullamo la qaatay saraakiisha ciidamada AMISOM oo uu ugu tagay xeradii Xalane, waxayna wararka qaar ay sheegayaan in mas’uuliyiinta Dowladda aan lagu soo wargelin booqashada madaxweyne Musafeni arrimo la xiriira dhinaca nabadgelyada, waxaana mar dambe loo sheegay in garoonka ay ku sugayaan rag madax ah oo aan loo sheegin cidda ay yihiin markii ay soo gaareyn garoonkana waxa ay arkeen madaxweynaha Uganda.

Kullankaan oo laga qariyey saxaafadda ayaa Musafeni waxa uu la qaatay madaxda sare ee dowladda FKMG oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne Sheekh Shariif, Guddoomiye Shariif Xasan iyo Ra’isul Wasaare Farmaajo waxaana la sheegay in kullankaasi uu socday mudo 2 saacadood ah, lamana shaacin waxa la iskula soo qaaday kullankaasi balse wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne Musafeni uu doonayey in uu taageere u muujiyo madaxda sare ee dowladda federaalka, hase yeeshee warar kale ayaa waxay sheegayaan in uu si weyn ugu canaantay awoodda darada ciidamada dowladda FKMG oo iyagu inta badan soo baneeyey safka hore ee goobaha isaga soo horjeedaan labada dhinac, waxa uuna u soo jeediyey in sidda ugu dhaqsiyaha badan dib u habeyn loogu sameeyo ciidamada Dowladda.

“Markii aad wax qabsataan ayaan anagu idin taageeri karnaa”ayaa laga soo weriyey in uu si kulul u yiri Musafeni oo sheegay in la soo dhameystiray 8-deedii kun oo Midowga Afrika horey ugu yaboohay Soomaaliya, waxaa kale oo uu u soo jeediyey Madaxda Dowladda in ay meel iska dhigaan khilaafka dib u dhaca u keenay Dowladda, isagoo ugu baaqay in ay midnimo muujiyaan.

Guddoomiyaha Camalka Islaamka Sheekh Mohamed Ibrahim Bilal ayaa waxa uu ku tilmaamay booqashada Musafeni mid fuleynimo ah, isla markaana lagu garan karo niyadda jabka ciidamada shisheeye ka soo gaaray dagaalada ay wadaan magaalada Muqdisho, “Musafeni waa uu ka fuleysan yahay Miles Zenawi waayo Miless waxa uu yimid Xarunta Madaxtoonyada Musaveni wuxuu soo dhaafi waayey Garoonka Diyaaradaha Waqtigii uu imaanayey Zanaawi waxay booqashadiisu la xiriirtey in uu Niyada u dhiso Ciidamadii Itoobiyey ee ku jabay Dagaalada kana waxba kama duwan Booqashadaas ” ayuu yiri Mohamed Ibrahim Bilal oo sheegay in dagaalada ka socda soomaaliya aysan weligood joogsaneyn inta soomaaliya iyada looga deynayo in ay aayaheeda ka tashato.

Afhayeenka Xisbul Islaam Maxamed Aadan Caroos ayaa booqashada Musafeni ku tilmaamay mid aan waxba soo kordhineyn, waayo ayuu yiri ciidamada Burundi iyo Uganda hadafkii ay ka lahaayeen Soomaaliya waxaa fashiliyey ummadda Soomaaliyeed oo aan marnaba dooneyn gumeysiga cusub. “Haddii la keeno 8 kun iyo haddii labo boqol oo kun la keeno wax ay Soomaaliya ku soo kordhinayaan ma jiraan, waxaana u sheegayaa shacabka in sidii lagu yaqaanay ay dagaalka sii wadi doonaan”.

Xildhibaan qariyey magaciisa ayaa isna ku tilmaamay booqashada Musafeni mid niyad dhis ah isla markaana aysan jirin ujeedo kale oo ay leedahay, waxaa kale oo uu sheegay in madaxda dowladda lagu canaantay sida ay uga gaabiyeen dib u habeynta ciidamada dalka, “Waxaa lagu yiri dhiiga ciidamadeena ayaad wax ku tihiin waad og tihiin in madaxtoonyada darbigeeda la soo fuuley oo ay ciidamadeena difaaceen, marka ma ahan in aad waqtigaan is khilaaftaan” ayuu yiri xildhibaankaa oo sidoo kale sheegay in madaxda dowladda la hor dhigay in Magaalada Kampala ay martigelin doonto shir dib u heshiisiin soomaaliyeed oo lagu soo dhisi doono dowlad Soomaaliyeed.

Kullankii dhex maray Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha dalka Uganda ayaa sida aad sawirka ka garan kartaan waxa uu ka dhacay mid ka mid ah dhufeysyada ciidamada Uganda ku leeyihiin garoonka diyaaradaha, waxaana ku hareereysan baakado ay ka buuxaan ciid oo loogu talagalay in ay celiyaan rasaasta yar yar.

W/D AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Sidee looga arkay Magaalada Muqdisho booqaashadii Madaxweynaha Uganda. "

  1. safiya says:

    asc all somaliyeey xal maheeysiin hadii xal yimaadana waa ka soo hor jeesaneeeysaan taas macna kale looma haayo in aad tashataan marabtaan in leydiin taliyana diideen meel walbo qaxooti ku ahadaa hana leydinku laayo wadan kii aad qabteena waa gubteen midkalena maheeystaaan in musafeni idiin imaado adinkaa sababteen maxaa yeelay adinkaa heshiin weydeen oo maalinba dagaal cusub wada diina maheysatiin maxaa yeelay dadka diinta heysta waa ku dhaqmaan kuligiin dhiiga leydinka xaaraantinimeeyey aad daadineeysaan macna daro walaalkiin soomaaliyeed oo islaam ah isku diina tihiin ayaad gaal ku tilmaameeysaan oona dhiigiisa baneeysateen qof muslim aan ahay dhahaa gaal kuma tilmaami kartid diintana ma ogolo. marka waxaad sugtaanba waa in magac soomaali laga tir tiro qaarada aduun wax kale oo dhiman malahan dadkiina iyo dalkiina ayaaad gadateen

  2. kismaayo says:

    AMA SHARIIF AMA SHABAAB
    just ninkaan ciidamadiissa ayuu uyimid iyo saaxiibadii
    Somalidu illaa ay ilowdo in aan cid kaleto waxbo uqabanayn wax uhagaagaya maleh

    Amisom marbto in Filinkan dhamaado Somaliduna ha ogaato in ay maslaxo ugu jirin in arrintu saan sii ahaato
    war nin kale kuu dhiman maayo haddii cid dhimanayso Eithopia ayaa joogi laheed
    Hadda Eithopia maxaa kamaqan?
    shaqadeedii waa loo hayaa ayadoon cidi kaga dhiman
    Amisom Tangigaas iyo Dhufeeskaas ayuu kujiri waligii Bakarahana sidaas ayey uduqeen
    Maraykana 8 bilood kaddib Dowlad kale ayuu soo dhisi maxaa yeelay Somaliya waxay uwaalatay MADAXWYNE MAR IDHAHA,LABO MALIN HADDAY KADHIMAN TAHAY KURSIGAAN REER HEBEL AYAA LEH
    KURSI WA KANE ADNA KURAAXEESO LABO SANO AMA 4 SANO
    waa inay labo madax weyne soo maraan
    Somalieey ama SHARIIF ama SHABAAB waxii intaa kabadelin waa Xaasidnimo iyo jugjug meeshaada joog.

  3. WELCOME PRESIDENT MUSAFENI
    Amiin, madaxweyne MusAfeni waan soo dhawaynaynaa haddii aan yeelan waynay madaxne Somaliyeed oo Sharaf leh. Kuwa uu ugu yimid Xamar inuu taageero sow anaga halkaas magaarsiin oo uma dhibaato galin inaay gaalo maciinsadaan ilayn waa rag korsi doon ah.

    Hadda Musafeni wuxuu uyimid inuu xooji 3nin oo isku khilaafsan oo dowlad dhisan la’a laakinse haddii kuwaan meesha laga tuuro iyo ciidamada Africanka, waxaan hubaa qolada dagaalamaysa inaaysan soo sharixi karin madaxweyne kuwaan badalo balse ayaga ayaa isku jeesanaya oo waxaan bilaamaya dagaal nooc kale ah oo hadaba inoo muuqda sida loo kala qaybsanyahay.
    Yaa shacab, maxaan xabada ugu mideysanahay oo aan isu khilaafnaa marka nabad laraadinayo? Waxaan diidanahay lagarey ee maxaan rabnaa oo aan dagaal ahayn oo aan isku raacsanahay?

    Xasuusto oo haddii Musefeni ciidamadiisa lajabiyo sidii Ethiopia oo kale inaan lawaayeen midkale oo ciidamo soo diro oo meeshaas kasii wado gumaadka umada ilaa aan anaga iska afgaranayno sidii ay gaalada kubixi laheyd.
    Iga raali ahaada luuqada adag ee aan idinkula hadlay waxaa iga keeney dhibaatada 20 jirsatey ee aan wali faraha kaqodnayn.
    waad mahadsantihiin.

  4. Yahya Ali says:

    Asc all, kkkkkkk, qosol mahan goyska dambe ayan isku qabtay oo waxan layabay fuleynimada ku jirta musevani oo xita soo dhafiwayay garonka, 8,000 askari ayad rabta inad wadan oo dadkisa aqonyahano iyo culimo usiku jira inad ku qabsato waxad umaleysa wadanka aad ka sojedo ugandha ayad ku qabsatay cidan yar oo dadkeda cawan u badanyihin srry somaliya sida lama mid ahan wa dad muslim ah gumeysta kastan iska gor qada, 50,000 ciidan itobiyan ah aya dalkan xog loga saray jabki garana waligod kama kabsanayan watas xudud benadka sodhafila, national comminitika yu ku qaldin, mardambe hadad imado muqdisha baqdigaka aya diyarada kambala ku celineysa insha,allah Mujahidinta alaha barakeya alaha guleyo, bushki xugumi jiray marekanka aya sidan okale uga labtay goranka cabsi darded sakashamadki kaana xog badna kana dhaqala badna. Ayad rabta adoo dadkaka sabool yihin hadana cawan ah wadankakana dhaqala anan heysan ayad rabta wadan dhulkisa hodan ah dadkisa muslim ah gesiyalna ah ina ku qabsato, walayab taas