Home » Faallo »

Farmaajo Ma Qaban Doonaa RIGOORAHA Shariif Xasan ?

Qofkii Daawada Cayaaraha K/cagta waxa uu isla markiiba garan karaa in kooxda markay dooneyso in ay guuleysato ay guushaasi ku timaado dadaal ay wada galaan Cayaartooyda Kooxda hase yeeshee mararka qaar guushaasi waxa ay ku xiran tahay haddaba Khibradda Goolhayaha, marka lays mari waayo waxaana farta lagu wada fiiqaa Goolhayaha waayo isaga ayaa laga sugayaa sidii uu Kooxda ugu keeni lahaa Guul aad u balaaran, hadaba aan dhanka kale u rogno, Ra’isul Wasaare Farmaajo waxa uu dhisay Koox Wasiiro ah oo intooda badan ku cusub Garoonka Siyaasadda Soomaaliya, dadka qaar waxay ku dhawaaqayaan “War waa maxay Kooxdaan cusub, ma koox ka soo baxdayaa Seria B”,Qof kalaa leh “War ma ahan ee waa koox horey u jirtay oo Cayaaryahano cusub soo iibsatay oo intooda badan ka cayaarayey Mareykanka iyo Yurub”, dadka ayaa kooxdaan cusub ka rejeeyey in ay noqon doonaan kuwo isbedel cusub la yimaada waxna ka bedela kooxihii hore u haystay horyaalnimada.

Kooxda markii la soo uruurinayey ayaa waxaa Goolhaye. Tababare iyo Kabtan laga dhigay Ra’isul Wasaare Farmaajo hase yeeshee mar uu wareysi bixiyey ayaa waxa uu sheegay in kooxda lagu soo xuli doono qaab aan aheyn qaabka hadda jira ee 4.5-ka, markiiba waxaa ka hor yimid Mucaaradada, balse qaabkaasi bulshadu aad ayay u dooneysay haddana Ra’isul Wasaare Farmaajo waxa uu ka bixiyey cudurdaar kadib markii Saxaafaddu ay aad u buunbuunisay hadalkaasi, waxaana ku qabsaday madaxdii u sareysay Kooxda,

Magacaabistii Ra’isul Wasaare Farmaajo waxay caqabad ku noqday Golaha Shacabka, waxaana ku soo biiritaanka kooxda maalinkii ugu horeysay ee la doonayey in la ansixiyo uu kullankaasi ku dhamaaday fashil kadib markii la isku afgaran waayey qaabka loogu Codeynayo Tababaraha , Kabtanka iyo Goolhayaha cusub ee kooxda Qurba joogta ah.

Guddigii loo xilsaaray in ay arrintaan Furdaamiyaan ayaa waxaa cadaadis kaga yimid shacabka oo iyagu aad u doonaya Goolhayaha cusub, waxaana aakhiritaankii lagu heshiiyey in arrintaan la fududeeyo, waxaana codka kalsoonida uu ka helay Golaha Shacabka oo iyagu markii hore ku kala qaybsanaa ku soo biiritaanka Tababarahan , Kabtanka iyo Goolahayan cusub, markii la ansixiyey kadib waxaa la faray in uu soo dhiso kooxda cusub ee hadda jirta balse aan helin ogolaanshaha Garoonka, waxaana kooxda oo aan weli Hal kullan cayaarin isaga tegay labo cayaartooy oo kursiga keydka ahaa kuwaas oo uu sheegay Tababaraha ,Goolhayaha ahna kabtanka kooxda Farmaajo in aysan u dhutin doonin, balse Booskooda ku soo buuxin doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Kooxda oo aan weli si rasmi ah u safan ayaa waxaa lagu soo wargeliyey in ay Garoomada ka soo muuqan doonaan, waxaana dhacay kullankii ugu horeeyey ee la doonayey in lagu kala ogaado qaab cayaareedka kooxda uu hogaaminayo Kaptan Farmaajo, markii ay galeen Garoonka oo kubbadda la Baasay ayaa wax la is hardiyaba oo la is weeraraba waxaa Daqiiqadihii ugu dambeeyey kooxdii ka soo horjeeday Kooxda Qurba joogta ee Kaptan Farmaajo waxay helaan Rigoore waxaana u soo baxay in uu tuurto Kaptanka Kooxda Shacabka ee Shariif Xasan, balse Rigooradaasi waxaa ka dhashay buuq kadib markii la isku qabsaday qaabka loo tuurayo, qaar waxay soo jeediyeen in Goolhayaha indhaha laga xero halka qaar kalana ay soo jeediyeen in isaga oo soo jeeda oo indhihiisu shanta yihiin uu qabashada Rigoorada isu diyaariyo hase yeeshee markiiba waxaa bilowday buuq iyo dagaal gacan ka hadal tagay, qolo waxay leedahay “Halkey sharciga uga taal in Goolhaye indhaha laga xero”,

Qolo kale ayaa leh “Sharci hooseedka ayaa sheegaya arrintaasi”, Beesha Caalamka ayaa loo xilsaaray in arrintaan ay go’aan ka gaarto, waxayna kullamo deg deg ah la yeesheen labadii kooxood ee isku haystay habka Rigoorada loo tuurayo, waxaana koox walba dhegta loogu sheegay in ay iyadu saxsan tahay, si kastaba ha ahaatee waxaa loo madlan yahay in dib la isugu laabto Rigooradii oo sidii u suran, labada kooxoodna waxay ku jiraan diyaargarow adag, waxaana farta wadnaha ku haya Tababaraha ,Goolhayaha ahna Kaptanka kooxda Qurba Joogta ee Farmaajo oo xifaalo badan kala dhexeeyo kooxda kale ee Golaha Shacabka sidaasi darteed Farmaajo ma qaban doonaa Rikoorada Shariif Xasan oo isagu si aad ah ugu sii tababar qaadanaya kullanka xiisaha leh ee lagu wado in uu dhaco maalmaha soo socda,

waxaa Garoonka sii buuxiyey taageerayaasha labada dhinac, waxayna taageerayaashu la yaaban yihiin Goolhaye indho xiran oo la doonayo in kubad lagu laado, qaar ayaa leh “Goolhayuhu waa nin Qatar ah marka waa in indhaha laga xiraa haddii kale kubbadda waa u qabanayaa”, waxayna fariimo soo gaarayaan ninka Daaha gadaashiisa ka maamulaya cayaarta ee Sheekh Shariif maadaama uu ahaa ninka Tababarahan iyo Goolhayahan ka keenay dibadda waxa uuna aad u danaynayaa in Rikooradaas sida shariciga ah loo tuurto.

Qoraaladii hore ee Amiin: https://somalitalk.com/tag/amiin/

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Farmaajo Ma Qaban Doonaa RIGOORAHA Shariif Xasan ? "

  1. yaxye says:

    kkkkkkkkkk waxaa ku qoslaayaa fariinta sxbkayga hore soo diray aniga waxaa leeyahay mr farmaajo waa nin aqoon yahan ah sidaas dardeed hala siiyo rigooraha si uu ugu faa iideesto

  2. AMIIN KHASAROW mar mar waad asiibtaa mar marna Waad qasataa ama kaa dhiiqataa
    hadda waad asiibtay

    Saxibkey iga horeeyay su,ashiisu waxay ahayd maxaa Miskiinkaan buuqa loogu furay?
    waxay ila tahay Ciyartoyda Garoonkaan labatanka sano kuciyaareesay marabaan in ciyaarta wax laga bedelo
    Waa koox isku ciyaar ah oo hal tababare soo saaray Tababaraha caanka ah ee QABIIL markaa muusan barin RIGOORE markaa ciyaartii way dhamaan waysay
    Tababare FARMAAJO wuxuu rabaa in RIGOORE lagu kala baxo si ay ciyaarta udhamaato
    Tababare QABIILNA wuxuu rabaa in ciyaarta wligeed aysan dhamaan

    waxa kaloo dhan waa mar marsiinya
    WaaQqurbo joog,Maraykan ayaa soo dirsaday,Siyasadda wuu kucub yahay
    Cayartooy waxaa jira Qurbaha kayimid oo heshiisyada ay soo galeen loo turjumaayey
    Cayaartooydii hore badideed waxay u XAJIYAAN Addis Ababa
    Cayartoydii hore 90% siyasad mayaqaanaan
    Bachalor am Bakaloriya ma haystaan

  3. Togane says:

    Micnaha cinwaanka maqaalka waalagu wareerayaa. Waxaana u sabab ah eragyga RIGOORE oo si qalad ah loo spellgareeyey (rikoore).

    Shirci yaqaanada waxay leeyihiin rigoorada marka la tuurayo laacib iyo shabaqa haloo kala baxo, sharciyaqaano kalena waxay leeyihiin mayee laacibiinta oo dhan hal mar goolka hawada laadeen! (intaas waa sida ay aniga igula muuqato dooda)

  4. kkkk.. waxaan u mahad celinayaa bahda somalitalk, mahad kadaashii waxaan aad iyo aad u taageersanahay golaha cusub ee waziirada waxaana leeyahay bal fursad ha la siiyo carqaladana ha laga daayo maadama ay leeyihiin waxaan abooraynaa isbedel horilaa, wasiirka1aad waxaan leeyahay waxaad xooga saartaa xaga bini-aadamnimada oo waxaad il ku eegtaa dadka dhibaataysan banaanada muqdisho na yaal……

  5. kkkkk…amiin khasaaro,bahasha waad laheshay,bal aynu eegno kaptankan indha xiran ee ladoonayo in lamariyo kubadda.aniguse waxaan layaabanahay, ogolaadayaasha in ay garoonka soo galaan kooxdan ,captankii ka horeeyey sidaa loolama ficiltami jirin ,toloow maxaa loo suran yahay miskiinkan,qadartu tidhi isaga gooolhaye halaga dhigo. waxaanse ku kalsoonahay in uu farmaajo ,qaban doono,waayo,ciyaaryahanadu waa kuwo la amaanay,amaanta ugu badanna waxaa loo tiiriyey,captanka kooxda ee farmaajo.