Home » Warar »

Suldaan Ciise Xasan Cumar oo xalay fiidkii lagu dilay Boosaaso

Allah h au naxariistee waxaa magaalada Boosaaso xalay (Nov 20, 2010) magaalada boosaaso lagu diley Suldaan Ciise Xasan Cumar.

Tacsi: – Geeri Naxdin iyo Argagax Leh

Dhammaan Beelweynta Cali Saleebaan ee ku nool magaalada Leicester ee dalkan Ingiriiska waxa ay si wadjir ah u canbaareynayaan falka dilka ah ee loogula kacay Suldaan Ciise Xasan Cumar oo caawa fiidkii lagu dilay magaalada Boosaaso.

Allaha u naxariistee Suldaan Ciise oo ka mid ahaa isimada waaweyn ee Puntland ayaa waxaa dishay gacan ka gardaran oo runtiina ah arin aad iyo aad ay uga naxeen dhammaan bulshoweynta reer Puntland ee ku nool daafaha addunka.

Waxaanu leenahay Allaha ka waraabiyo Suldaan Ciise Janatul Ferdowsa qoyskii iyo eheladii iyo dhammaan reer tolkiisba waxaanu leenahay Allaha sabar iyo iimaanba idinka siiyo.Aaaamiiiin

Waxaa tacsidan diray dadka kala ah

Siciid Yuusuf Maxamed

Sharmaarke Cabdullaahi Buule

Cabdirishiid Ismaaciil Siciid Beeldaaje

Warsame Maxamed Siciid Beeldaaje

Cabdirishiid Qandala

Maxamed Yuusuf

Jamaal Siciid Buuryoqab

Siciid Shabeele

Shiikh Maxamed Xasan Caraale

Cabdirisaaq Isqasaal

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Maxamed Yaasiin Cali Buur

Fowsiyo Cartan

Faadumo Jaamac

Ayaan Maxamed Galan

Leylo Jaamac Jooje

By: –  Iftiinshe Media

saicentadv@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Suldaan Ciise Xasan Cumar oo xalay fiidkii lagu dilay Boosaaso "

  1. CABDIWAHAAB says:

    AAD BAAN UGA XUMAHAY DILKA LOO GAYSTAY SULDAANKA WAXAA DISHAY GACAN KA KA XADARAN ILAAHA WAXAAN UGA BARYAYAA IN UU KA WARAABIYO JANADIISA KA BADBAADIYO CADDAABKIISA.

  2. abdalla says:

    ilaahay ha naxariisto marxuumka janadiisina ha ka waraabsho,samir iyo iimaana alaha kasiiyo inta uu katagay iyo umadda puntland iyo tan somaliyeedba .
    inaa lilaahi wainaa ilayhi raajicuun.
    gacanku dhiiglayaasha falkan foosha xun kaystay waxay wataan nuqul ay nooga keeneen muqdisha oo aanay aheen marki ugu horaysay oo ay sameeyaan danbiyadan foosha xun ,waxaanse kaxunahay xukuumad ku sheega ka talisa dhulka wax ay qabtaan ciidamada ay u taba bareen in ay ilaaliyaan nabadgalyada ka yeeli mayno in ay ay sidaa u daawadaan waxgaradka iyo odoyaasha beelaha oomaalin walba mid laga takhalusayo,danbiilayaasha foosha xun kama badna 2/3 ciidamada loogu talagay in ay ilaaliyaan amnigana boqolaal ayay kor u dhaafeen ,waxay ku fashilantahay dowlad ku sheega ka hortaga falalkaa xunxun int ayan dhicin
    waana aan ku dhaliilaynaa wax qabad la aantooda.

  3. anoo ku hadlaya magaca beesha meheri (carab saalax) waxaanu canbaaraynaynaa falka foosha xun ee ka dhacay magaalada boosaaso ee dilka marxuumka
    intaa kadib waxaanu leenahay marxuumka alle hakawaraabiyo janatul fardawsa ehelkii iyo asxaabtiina samir iyo iimaan alle hakasiiyo iyo pulshada ree puntlandba