Home » Warar »

Xisbiga Hantiwadaaga islaamka ku dhisan oo soo saaray Baaq ku wajahan Puntland

KU: Dhamaan shacabka soomaliyeed kooxihiisa kala duwan meel ay jooganba.
KU: Dowladda faderaalka ee Soomaliya
KU: Dowladda maamul-goboleedka Puntland
OG: Golaha dhexe ee xisbiga hantiwagaada islaamka ku dhisan.

Xisbiga Hantiwadaaga islaamka ku dhisan wuxuu si aad ah u inkirayaa isagoo cambaaraynaya go’aamadda dowlad-goboleedka Puntland ee ku aadan qaabkii uu Ra’iisal Wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo u soo xushay wasiiraddiisa. Waxaan u aragnaa haddalada ka soo yeeraya maamulka Puntland kuwo ka aradan maamuuska. Waxa muuqata in raiisulwasaare Farmaajo u soo xushay wasiiraddiisa inta badan si xor ah oo aan cidi u yeerin ama ku qasbin. In lagu tuhmo hawshaas cadiimka ah u qabtay in cid kale ka danbayso waa jariimo loo gaystay sharaftisii iyo karaamaddiisii. Madaxda Puntland waxaan ku boorrinaynaa inay ka noqdaan gocoshadda iyo wax tabashada aan aasaaska lahayn uguna hambalyeeyaan wanaagga uu soo qabtay mudane Farmaajo. Xisbigu wuxuu kaloo ku guubaabinayaa hogaanka Puntland inay si aan sharuud lahayn ula shaqeeyaan xukuumadda lana jaanqaadaan caqliga Soomalida cusub iyo inay dhamaatay anaaniyaddii iyo nin tooxsigii.

Xukuumaddaani xukuumad wanaagsan weeye, Xubnaha asalakoodu ka soo jeedo Puntland oo kujirana xubno wanaagsan weeye, dhinac kastoo laga eego, xag aqoon iyo xag kartiyeedba. Duruurina ma ahan in ay matalayaan dowlad goboleedka Puntland ee waxay matalayaan soomali oo dhan, qabaailka ay ka soo jeedaan waxaa loogu doortay si loo buuxiyo nidaamka 4,5 oo ah nidaam soomaaliyi ku heshiisay inay wax ku qaybsato. Wax lala yaabo ayay noqotay in nidaamka Puntland uu tuhun iyo dood ka keeno sida Raiisulwasaare farmaajo oo runtii ay xukuumaddiisa ka dhex muuqdaan go’aan wanaag iyo cadaalad uu wax u qaybiyay.

Xisbiga hanti-wadaaga islaamka ku dhisan wuxuu ceebaynayaa isagoo si aad ah uga xun qaab dhaqanka kuwa hogaamiya Puntland. Waxa aad rabtaan waxa weeye in dowladda Fedaraalka ah lagu daro kuwa idinku aad maamushaan oo rabitaankiina khaaska ku dhex jooga dowladda dhexe, waana arrinta sabab u ahayd in dowladdihii hore shaqaynwaayeen. Suurtogal maahan wasiir ku jira dowladda dhexe inuu halkaas u joogo inuu ilaaliyo danaha khaaska ah Puntland. Wuxuu Wasiir u yahay Jamhuuriyyada Soomaliya oo dhan. Saas darteed waa inuu yahay mid u madaxbanaan goamadiisa. Daacadnimda iyo kalsoonida wasiirku marka koobaad waa inay noqoto mid ku wajahan xukuumadda uu ka tirsanyahay iyo barnaamijka ay ku shaqaynayso, cidda kaliya uu ka amar qaataana waa inay noqoto raiisulwasaaraha xukuumaddaas hogaamiya.

Puntland waxa kaliya oo ay bannaantahay inay ka hadasho qaab dhismeedka xukuumadda waxa weeye markii uu khalal ku yimaado nidaamkii wax qaybsiga beelaha oo ay arkaan satbursi inuu jiro iyo dulmi, laakiin meel ay ku qorantahay in ay iyadu xubno ay soo barakaysay lagu daro xukuumadda federaaliga ah ma jirto, mana haboona aslan inay awoodaas yeelato. Xakuumaddaan waxaa lagu soo xulay aqoon iyo karti iyadoo la tixgaliyay nidaamkii waxqaybsi-beeleedka. Xisbiga hanti-wadaagga islaamka ku dhisan wuxuu ugu baaqayaa hogaanka Puntland inay ixtiraamaan shacabka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaliyeed, kuna ekaadaan salaaxiyaadkooda iyo xuduudda awoodooda.

Xisbigu wuxuu sido kale si adag u inkirayaa in lagu goodiyo in Puntland laga gooyn doono jamhuuriyyadda Soomaliya. Puntland way ka weyn tahay mashruuc siyaasiyiin dano gaar ah lahi ay ku shaqaystaan. Ma jirto sabab taariikheed, siyaasadeed ama mid dhaqan dhaqaale oo Puntland u suurtogalin kara inay ka go’do jamhuuriyyadda inteeda kale. Shacabka Puntland magaciisa in lagu qaraabto waa khatar weyn oo mustaqbalka fog iyo kan dhowba dhaawac u gaysan karta sumcadda iyo karaamadda reer Puntland. Sidaas darteed koox iyo shaqsiyaad rabitaankooda khaaska ah waa inaan loo siyaasadayn mustaqbalka ummadda.

Xisbiga hanti-wadaaga islaamka ku dhisan wuxuu ugu baaqayaa madaxweyanaha j Soomaliyeed , guddoomiyaha goloha shacabka iyo xubnaha goloha shacabkaba inayna ka hor imaan xukuumadda oo ay kalsoonida siiyaan. Haddii aad ka biyo diidaan qaabka xukuumaddaan u dhisantahay iyo shaqadeeda biloowga ah waxay keeni doonta in shacabka soomaaliyeed idinku tuhmo inaydan raali ka ahayn wanaaga ummadda Soomaliyeed. Shacabka soomaaliyeed wuxuu hal mar ku baraarugay inay suurtogal tahay in la dhisi karo xukuumad tayyadaan leh aadbuna wuxuu isha ugu hayaa oo u dhowrayaa sida aad ula dhaqantaan xukuumadda cusub, markaa iska ilaaliya inaad xukuumaddaan khalkhal galisaan.

Ugu danbayn Xisbiga hanti-wadaaga islaamka ku dhisan hogaankiisa, mid sare iyo mid dhexe iyo xubnihiisa guud waxay si ay xamaasadi ku dheehantahay ugu hambalyaynayaa shacabka soomaliyeed meel kastoo ay joogaanba in lagu guulaystay markii koobaad muddo labaatan sano ah inaan yelano xukuum u qalanta shacabka soomaaliyeed oo ah shacab leh taariikh iyo ilbaxnimo guun ah. Xisbigu isagoo taageero buuxda u haya wuxuu kaloo si adag ugula dardaarmayaa xukuumadda iyo hogaamiyaheeda mudane Faramaajo inay si daacad ah ugu shaqeeyaan ummadda oo ayna cidna ugu alaakoodin maslaxadda iyo danaha ummadda, isla markaasna ayna dhag jalaq u siin akeekanka kuwa danaha gaarka ah leh. ”Nin lagu seexdoow ha seexan xilbaad siddaa ha seexan”

Mubarak Xoosh
Afhayeenka golaha dhexe ee xisbiga (X. H. I.K. DH)
Ahna madaxa xafiiska siyaasadda ee xisbiga.
mubarakwarsame@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

12 Jawaabood " Xisbiga Hantiwadaaga islaamka ku dhisan oo soo saaray Baaq ku wajahan Puntland "

  1. habeeye says:

    waxaan ku faraxsanahay xisbigaan cusub ee xagee degen yahay aan shaqo u dontee balse scandinavia xafiiskiisa adres ma lee yahay hala ii soo qoro waxaan ahay nin khibrad u leh maamulka xisbiyada cusub waxaan balan qaadayaa inuu mudo yar magac ku yeesho somaliya oo dhan ila soo xiriira fadlan magacaaba i cajabiyee hadaa daacad tihiin i am master of puplic and new media co-ordinator thnks

  2. yaya says:

    Meel baan waxa ka aqriyey xisbigu waa xisbigii dowladii xasuuqa ee 21 oktoobar. Tii ina siyaad oo markii ugu horeysay taagerayashiisii dib rogaal celin sameeyen. waxaa ugu qosol badnaa oo layiri xataa waxay leeyin hobolo ugaar ah oo uheesa. laakin hadii layiri wuxu maqalkooda waaba doraad yaab maleh. Puntland waxay dhowaan iibgeysay 6 million oo xoolo ah malaha kuwan waa kuwii 2011ka ladhoofin lahaa.

  3. Ina Xuseen says:

    Salaam

    Marka 1aad, hadalka maqaalkaan kuqoran waxaa kujira kalmado wanaagsan oo qaabka ay umuuqdaan loo baahan yahay in doodaha Soomalida lagu saleeyo, laakin laguma qaadan karo kalmad wanaagsan, waa kalmad wanaagsan uun, sababtoo ah kalmadda wanaagsan ayaa noqon karta mid kasoo baxda afka dadka waalwaalan ama af aanan xaq doonayn.Marka maba xumo in Faroole lagula taliyo ka fiirsashada hadalada, Puntland lagula taliyo u fakaridda qaab Soomaliwayn iyo ka ilbixidda qabyaaladda, laakin Xisbiga Hanti Wadaaga Islaamkow maxaad tahay? Su’aashaan oo walaalo iga horeeyayna iswaydiiyeen, horta adress ma leedahay?

    Anigoo arinkaan layaaban waxaan waydiiyay ninkii Google ahaa, wuxuuna Google yiri, aqoon dheer uma lihi Xisbiga Hantiwadaaga Islaamka, laakin xisbigu wuxuu soo baxay 18 Nov, wuxuuna kusoo baxay somalitalk.com, hadaaftimo.com iyo allgedo.com, waxa ugu horeeya ee uu soo saarayna waa article cinwaankiisu yahay “Xisbiga Hantiwadaaga islaamka ku dhisan oo soo saaray Baaq ku wajahan Puntland”!!! Ilaahow cimrigeena ha gaabin!

    Hadaba ninkii Google ahaa ee xattta dadka farahooda soo hela, wuxuu cadeeyay xisbigaanba inuu la kowsaday maqaalkaan kor kuqoran, horayna ujirin, mindhaa dibna kajiri doonin. Markaa waxaan iswaydiin karnaa xizbigaan ma Jinn ayaa leh, mise wiil baarqaba oo geel la jooga iyo mid ina adeerkiisa ah oo dibadda kayimid ayaa geed hoostiis intay caano-ciira kucabeen, go’aansaday inay bayaankaan soo saaraan? Mise nin qurbo jooga oo tuulo cidlaa dagan oo ku dhacday shaqo la’aan iyo buufis, laakin wax qori yaqaan, ayaa iska soo sanifay qoraalkaan, si uu isku hilmaamsiiyo buufiska. Mise nin ku khafiifay jamaacadaha ama diinta oo ay isku qaban wayday falsafadii iyo diintii ayay halmar iskaga qabatay inuu sanka iskaga tolo Hanti-wadaag iyo Islaam. Mise rag marfash fadhiya oo dunida dhan hal habeen kudhisay, ayaa marqaanka kudul qoray habeenkii ciidda qoraalkaan?

    War ninyahow waxaad doontaba noqo ama wax wanaagsan qor, laakin hadaadan mar lahayn meel laguu tixraaco, waxaad sheegayso oo dhan waa hal bacaad lagu lisay, qof ah naf lacaari mooyee, qof kalana ku rumaysan maayo. Warkaaguna waxbadan kama duwana sidii ninkii la oran jiray Cabdishakuur ee ku andacoon jiray ‘I am the President of Somalia’, iyo dadka kaligood qol intay isku soo xiraan kusoo khafiifa reer hebel ayaa bayyaan soo saaray iyo aqoonyahannada jiffo hebel ayaa qoraal soo diray. Marka amay fiicnaan lahayd inaad dacas-kaaga ilaalsato inaan masaajidda lagaaga xadin, dantaadana raacato oo wakhtigaaga kubixiso wax kaaga faa’iido badan wax aanan sal iyo baar lahayn. Ammaa Faroole iyo hadaladiisa, waa arin lagaagala xajaoon karo, markaad soo noqoto ruux jira.

    Waxaanse layaabay akhyaartii Somalitalk ee feejignaan jiray sida ay idinkugu soo baahiyeen bogga hore, iyagoo farihiina soo baarin.

    Salaam
    Ina Xuseen

  4. Osman says:

    Addunka dadka madaxweynayaasha noqda ama raiisulwasaarayaasha noqda badana wa gacanyarayaasha ama la taliyayaasha ama agaasimayaasha xafiisyada madaxweynaha ama craiisulwasaraha ama wasirro hore. bal dib u akhriya taariikhda madaxdi addunka.iyo kuwa hadda joogaba.
    Waxa marka qalad ah qof masuul ah o heer madaxweyne gobol ah inuu yasmo iyo xaqiraad ereyo ay ka muuqato kula kaco laba nin oo aqoonyahaano ah qaan gaar ah muwaadiniin ah dalkooda iyo dadkoda midna dembi ka gelin leh xaquuq dastuuri ah inay xil qaban karaab una dooran karaabn cidday doonaan.
    xildhibaanno lagama dhigin nimankaan oo degaan matala ee masuliyiin xukumadeed oo dadka u dhexeeya aaa loo magacaabay nimankaan dhamaan dhallinyarada meesha lasoo magacaabayna waa aqoonyahaanno debedda inta badan iyo xafiisyada dawladda laga kala magacabay.
    Marka ma garan waxa ku gaar ah labada wiil ee reer puntland oo carada intaas le’eg oo madaxwryne ka qaylisiisay keenaya.
    Amay tahay aniga oo hore oohin u maagganaa ayaa sac saynta igu sii dhuftey. oo arrintu tahay booski jagada ugu sarreysa dalka maxaa loo wareejiyey oo Puntland looga qaatey.
    Laakiin marmar break waa loo baahan soo ma aha?

  5. kamaal says:

    Punland ma waxay is leedahay somali adiga iyo somaliland ayaa wax maamul u eg leh ee inta somaliya isku imaan waxaad doonto qas….sida rag iga horeeyay ay sheegeen punland haday run sheegayso ha sugto inta federalka uu ka shaqeenayo oo gobol walba uu madaxwayne yeelanayo markaas faroole afka haku taago maamul goboleed kale…

    Lakiin inta somali kala maqantahay yuusan radiyaasha ka qaylin ileen federal somali uma dhisnee ma inta aan federalka somaliya oo dhan ka dhismin ayuu somalida Qoorta ka qabanayaa haduu caqligiisu saa yahay meesha waxba kuma hayo somali federal markay wada dhisato hadal lakiin inta ka horeysa waxaan u aqaan imaqla…..

  6. abdalla says:

    dadki markan intay ilaaween waxkasta ayay noqdeen xoolo

    mid mooryaan ah,midkitaabgaabloo ah,mid tuug tuugdhalay ah,mid aan maamulgobaleed waxba ka aqoon,mid aan federaal waxba ka aqoon,mid aan nadaam dowli ah waxba ka aqoon ,waa hadal la aan.,indho la aan, iyo dhego la aan ku habsatay umadi iyo dalki somaliyeed.sidaa waa in loo arkaa hadalki oo kooban.
    wadani.

  7. A. Abanur says:

    ASCWW,

    Salaan ka dib, warkii oo dhan waxaa dhameeyey Xisbiga Cusub, waana ku racsanahay warsaxaafadeedkan ay soo jeediyeen, waxaana filayaa in Maamulka Buntalanda ay ka noqon doonaan Haddaladii ay horay ugu dhawaaqeen, ayna si sharuud la’aan ah ugu hogaansami doonaan wax allaale wixii danta dalka iyo dadka ku jiro, sidaa iyo SOMALI HA IS RAACDO.

    ALLAA MAHAD LEH

  8. sade says:

    MAGARAN MEESHA DHIBKA KAJIRO
    war meeshaan mooryaan iyo jirri soo maamushay,qabqable soo maamul,aqoon yahan soo maamul
    500 ee meesha fadhi kudirika ku hayso Qabiil soo dirsaday mjiro
    Danahooda ayey meesha ujoogaan
    Kuwan cusub waxa TUKE canbaar leh kadhigay mafahmin??
    FEDERAL
    Markii MUQDISHO iyo KONFURTA Nabad laga dhigo
    GOBOLADA oo dhan maamullo ayaa loo sameen LAND-LAND AH
    BUTLAND markaas wixii kusoo aado ha,udoodo ama Dad matalaaya ha keensato
    TFG dan tabcaanka ah Dhaqaalo hadday haysato ASKARTEEDA AYEY Mushaar uqori laheed

  9. gaashaanle says:

    Dad badan oo anigu ku jira ma aanan fahmin waxa loola jeedo xisbiga hantiwadaaga islaamka ku dhisan sababtoo ah waxa aan ogahahay in hantiwadaagu yahay hab ismaamuleed ku dhisan in umada oo dhan ay wax wadaagaan , taas macnaheeda waxa ula jeeda qofkasta , waxkasta oo uu shaqeeyo waxa la wadaaga bulshada , bulshada cid gooni wax uleh ma jirto , ISLAAMKUNA wa hab maamul oo u dhexeeya socialist iyo capitalistga waaayo islaamku waxa uu dhiirigaliya in qofkasta uu shaqeysto , waxa uu shaqeystona isagu uu leeyahay ….

    hadaba waxa aad ula yaabay marka aan arkay xisbiga islaamiga ah ee hantiwadaaga ku dhisan , malaha waxay kamid tahay jaahilnimada iyo caqli xumada umada soomaaliyeed haysata in ninkasta uu la baxo magacu uu doono isagoon xata aan u fiirinayan hab dhaqameed ka umada soomaaliyeed .

    dadka puntland waxa leeyihin maamul matala maamulkas isaga ah ayeyna uga daba fadhiyaan wax kasta oo talo ah , diinta islaamkuna waxay ay boorinaysa in dad ka hormudka iyo madaxda u ah bulshada in laga danbeeyo, hadaba hadi madaxda puntland garteen in ragaas na matalin , anagu hadaan nahay bulshada puntland ragaas iyaka ah nama matalaaaaaaaan.

    ugu danbeyn soomaalitalk waxa ka codsanayna inaysan no so gudbin qoraalka nin qol inta uu iska xirey riyooday , kadibna riyadiisa no so gudbiyey sababta aan taas u leeyahayna waxa weeyaan xisbigani xage ka shaqeeya? xage ka diiwaangshan yahay? maxu qabta ? waa maxa ula jeedkiisu inta ba meel ay ku cadahay ma jirto iyaguna nooma sheegin..

    NB.. waxa ubadan tahay qoladani inay yihin raggii maxamed siyaad barre hantiwadaagi ama shuuciyinti oo iyagu la midoowey kooxaha islaamiyinta ah ..

  10. asha says:

    xisbiga hanti-wadaad Islaaamka ku dhisan, xageeh ka jiraa muxuuse ka shaqeeyaa?!!!!!!!! horta aan barano fadhigiisu meesha uu yahay iyo hawlihiisa shaqo. mise waa jamhadihii asmara waa mid la mid ah. Puntland istikhyaar bay leedahay danaheeda in ay ilaashato waa arrin muqadis ah. Talo kabixiso ciiddii u matalaysa wasiiro shacabkeeduna waa kuraacsan yahay. Soomaali waa isku talo waanna kalatolo. hase-yeeshee digsigu qurunka wuxuu ugu jiraa dantiisa Raysal wasaaraha iyo shariifka xaq u leh in ay duudsiiyaan Puntland xaqeedda madoonayaan wax dan u ah dadweynaha soomaaliyeed ee dantooda ayey ilaashanayaan. Sideed bilood baaharay kamana soo raynayso Mashruucaan waa mid maxaliga reer asmara iyo aminson u dhexeeya ee laanta uu fuliyey amay lajabtaa shariifka iyo dawladiisa.

    mahadsanid

  11. liibaan says:

    qodobada ka dhawajisay badankood waan kula qaba,
    balse qodobkan ah puntland xaq uma lahan in ay iyada soo xulato golaha shacabka oo u matalayo waa arin muqadas ah,
    sidaad u ogtahay markii hishiiski djabuuti ay dawladaan ku timid
    waxaa mudan in la xuso in mamulka puntland oo ah degaan somaliyeed
    aan xaqeeda u helin golahii parlamaanka oo la kordhiyey.
    puntland waxa ay ku andoconayso aniga ahaan waxaan u fahmay
    inay leedahay degaanka puntland hab gobol ama hab degmo in looso doorto dadka u matalaya golaha shacabka dawlad tfg u matalaya ama mamul ahaan puntland si ay ugu yeelato golaha shacabka qeebteda,
    iyado laguso doortay laguna soo xushay rabitaanka shacabka ee degaanka puntland,
    aysan ku imaan hab ah booski banaaan hala buuxsho un hab qabiil,
    muhiim waxa ah in tagero buuxda iyo kalsooni buuxda degaanka shacabka puntland uu heesta ruuxi matalayo, hab doorashana uu ku yimid,
    lana yaqaan shaqadiisa iyo hool-qabadkiisa hab raadraac leh
    uuna aqoon iyo qibradna u leeyahay shaqana kaso qabtay heer degmo ama
    heer gobolba, deganada puntland. gobolada somaliya inteeda kaleba loo helo sidaas iyo si la mid ah.
    sidaas ay tahay xubnaha xukumada farmaajo uu so dhisay iyo xukumadaba
    waa muwadiniin somaliyeed,
    waxaan kula talin laha
    shaqadiina kaso bilaaba heer degmo ama heer gobol
    si loo arko loona helo tixraac, ama ref,,,
    waliba dhalinyaro baad tihiin waqtina haysta.
    shaqada hoos halaga soo bilaabo idinkana qibrad ha idiin noqonkarta.
    si markaas ay xukumada tfg u noqoto ama goleheeda shacabka u noqdaan
    dad lagu kalsoon yahay meel ala meeshi laga soo doortayba ha ahate.
    gobol ama degmo?

    wabilaahi toofiikh

  12. ali says:

    asc
    waxaan nan garan xisbigan hantiwadaag& islamka xagee ka dhisan yahya ma ka diiwaan gashan yahay mise waa fadhi ku diri somaliyana xisbi kama jiree mad dhahdidi kacaanka cusub dhinac halaga raaco ileyn somaliya xisbi wuxu ka jrii jirey 1960-1969 wax ka dambeyeyna xoog & ana iri baa ka socotey hadana weyba ugu daran tahay waxase la yaab ah dowladan 2km oo xamar Aminson ku ilaaliso & wasiiradan intooda badan madaxtooyada ka shaqeynayey oo misana wasiro loo maga cabey oo arimihi kacanka looga bartey oo shanta golaha sare & taliyasha ciidamada loo dhiibijirey raga gabdhihisa qaba tanina waa ay ku dhow dahay oo rag ku dhow dhow midda kale waaba fiicnan lahayd hadii ay jirto raga nidaam & somalinimo u shaqeynaya qolyahahn waxay ka liitaan xitaa jamhadihii somalida ee xamar horey u joogey xitaa waa ka liitan midda kale dowladan kuli waa wada maxkamidihii oo kuli waa wada asmara group xaggee somalinimo & wax la mid ah midna meesha kama muuqato mana ka muuqato wax dadaal ah dowlada labada shariif ee shirkada ah wax ay qabteen ilaa hadda oo ay meesha joogeen ee ninyahow somalidu waa daashey waana fahmayan in qof walba ay hayso diilo qabiil oo ay san jirin wax somalinomo doonaya ee waxa mesha ka jira waa dano gaar & qabiil sad bursi run halugu dhinti??/??