ASCW, Dhammaantiin Ciid wanaagsan ayaan idin leeyahay Soomaaliyeey.
Muddo wax uma soo qorin akhristayaashaydii caalamka igala xiriiri jirey. waxaad waligay iigu barateen wuxuu ahaa WAX u sheegidda qofka soomaaliyeed ama maamulka qallooca ku socda ee aan markaas is dhaho tub qalloocan ayuu ku socdaa. qofka walalkaa ahna haddaadan khatar ka qabanayn ama dhaliil u hayn markaasina af-qoyan looma hadlo oo wax lagama sheego. waxaa iga yaabiyey akhristayaal meel aad joogtaanba Madaxwaynaha maamul gobolka PUNTLAND. mudane C/RAXMAN FAROOLE malaha adinkuna horay uga yaabte khdbooyin fajac galiya dadka waan ka maqlayey arrintaydaanse taas way ka qaro wayntahay.
Marka uu ka hadlayo khubooyinkiisa faa’iidada ay soo kordhin karto habka federaalku : wuxuu ku khudbeeyaa waxaan ka soo horjeednaa in soomaaliya oo dhan waxay u baahnayd iyo wax qabadkiiba laysugu geeyo magaalada MUQDISHO. ma xuma waa siday qof kasta la tahay haddaba bal milicsada oo xagga maamulka PUNTLAND, xaq miyaa in GAROOWE ay noqoto meesha wixii bahda maamulka samaysatay PUNTLAND ee beelaha ku dhisan ee ninba tuulo iyo degmo ka kala yimid in wixii maamulka ay hay’ad kala kaashan karto iyo wixii mashaariic awood loo helo in la galiyo buqcadaha ay hal reer ku noolyihiin oo kaliya ??????????||””££$!!%^^&&&& ? Garoowe ha ugu sii darnaatee ??????? ||.
qayb yar oo gaalkacyo ka mid ah, Qardho, Garoowe iyo Boosaaso. garoowe mooyee kuwa kale malaha sidaa uma wayna maraq mooyee leg kama cunaan.
Bulsho badan oo magaca Puntland ka mid ah ayaan sida xaqiiqada ah aan waxba ku qabin, ugana fadhiyin in wax loo qaban doono inta garwadeenku noocaan uu u fakarayo, qabiilaysiga, eexda, musuqmaasuqa iwm. Adeer madaxwayne c/raxman shiikh maxamed faroole reer Goldogob maxay kugu qabaan waa adiga maalinba xarigga dhismo cusub ka goonaya xagga GAROOWE. ? HOGGAAMIYE caadil ah miyaad sidaas ku tahay ? magaalada jarriiban maxay kugu qabtaa ? fuudka bakhtigaba ha kula cabtee wax kale? soo iskuul uma baahna? soo waxa garoowe u baahantahay uma baahna ? Garacad maxay nolol ah oo puntland ka faa’iiddey ? warkood iskaba dhaaf sool, sanaag iyo caynta aan dariska ku guul guulayno har iyo leyl car u dhawaada.
buuhoodle , badhan, laasqoray iwm mashaariic miyaad galisay. hay’ado maal galiya oo biyaha, daawada, jaamacadaha ka caawiya ma gaysay ? waa adiga Olypics-ka 5-ta garoon ciyaaro u dhisayee ???
isbitaalkii goldogob ee milyuunka doollar shacbku galiyey ICRC-da iyo hay’adaha caafimaad ee garoowe geela iyo ariga kuu daweeya shacabka Goldogob ku dhimanaya miyaad wali u dirtay bal waxay la soo qaban karaan? MUDUG GENERAL HOSPITAL waa isbitaalka ugu wayn PUNTLAND wuxuuna ku dhaw yahay in xoolaha lagu xaraysto waayo shacab wax ma wadi karo. miyaan ku baaqnaa in dawlad goboleed ay Goldogob samaysato ? waa maya ! waa kala jabkeenna iyo kala taggeenna waana cadow ha naga faa’iidaysto laakiin dadkeeda iyo kuwa la midka ah ha ku jirrabina inay dantu ku xambaarto wixii ay nolol ku heli karaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaan jaalle madaxwayne.
garoowe maamulka puntland maalinkii la dhisay waanu wada ogayn wqaxay ahayd ! iyo siday ahayd haddaba rag baa kula dhistay ee la soco kaligaa maadan dhisan. is-waydii haddaba magaalooyinkooda miyaad baabi’inaysaa oo aad taada oo qura dhsisaysaa aad waliba ugu goodinaysaa waa in sidaa lagu socdaa haddii kale waa dagaal ? wax qabad muuji cidna xoog wax kagama qaadi kartide.
danta aynu ka wada hadalno annaga oo tixgalin isu hayna.
c/nur maxamud cilmi (talokeen).
ku nool London.
17/11/1
amohmoud@hotmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.