Home » Maqaallo »

GAROOWE OO NOQOTAY MUQDISHADII LABAAD

ASCW, Dhammaantiin Ciid wanaagsan ayaan idin leeyahay Soomaaliyeey.

Muddo wax uma soo qorin akhristayaashaydii caalamka igala xiriiri jirey.  waxaad waligay iigu barateen wuxuu ahaa WAX u sheegidda qofka soomaaliyeed ama maamulka qallooca ku socda ee aan markaas is dhaho tub qalloocan ayuu ku socdaa.  qofka walalkaa ahna haddaadan khatar ka qabanayn ama dhaliil u hayn markaasina af-qoyan looma hadlo oo wax lagama sheego.  waxaa iga yaabiyey akhristayaal meel aad joogtaanba Madaxwaynaha maamul gobolka PUNTLAND.  mudane C/RAXMAN FAROOLE malaha adinkuna horay uga yaabte khdbooyin fajac galiya dadka waan ka maqlayey arrintaydaanse taas way ka qaro wayntahay.

Marka uu ka hadlayo khubooyinkiisa faa’iidada ay soo kordhin karto habka federaalku : wuxuu ku khudbeeyaa waxaan ka soo horjeednaa in soomaaliya oo dhan waxay u baahnayd iyo wax qabadkiiba laysugu geeyo magaalada MUQDISHO.   ma xuma waa siday qof kasta la tahay haddaba bal milicsada oo xagga maamulka PUNTLAND, xaq miyaa in GAROOWE ay noqoto meesha wixii bahda maamulka samaysatay PUNTLAND ee beelaha ku dhisan ee ninba tuulo iyo degmo ka kala yimid in wixii maamulka ay hay’ad kala kaashan karto iyo wixii mashaariic awood loo helo in la galiyo buqcadaha ay hal reer ku noolyihiin oo kaliya  ??????????||””££$!!%^^&&&& ? Garoowe ha ugu sii darnaatee ??????? ||.
qayb yar oo gaalkacyo ka mid ah, Qardho, Garoowe iyo Boosaaso.  garoowe mooyee kuwa kale malaha sidaa uma wayna maraq mooyee leg kama cunaan.

Bulsho badan oo magaca Puntland ka mid ah ayaan sida xaqiiqada ah aan waxba ku qabin, ugana fadhiyin in wax loo qaban doono inta garwadeenku noocaan uu u fakarayo, qabiilaysiga, eexda, musuqmaasuqa iwm. Adeer madaxwayne c/raxman shiikh maxamed faroole reer Goldogob maxay kugu qabaan waa adiga maalinba xarigga dhismo cusub ka goonaya xagga GAROOWE. ? HOGGAAMIYE caadil ah  miyaad sidaas ku tahay ? magaalada jarriiban maxay kugu qabtaa ? fuudka bakhtigaba ha kula cabtee wax kale? soo iskuul uma baahna? soo waxa garoowe u baahantahay uma baahna ? Garacad maxay nolol ah oo puntland ka faa’iiddey ? warkood iskaba dhaaf sool, sanaag iyo caynta aan dariska ku guul guulayno har iyo leyl car u dhawaada.

buuhoodle , badhan, laasqoray iwm mashaariic miyaad galisay. hay’ado maal galiya oo biyaha, daawada, jaamacadaha ka caawiya ma gaysay ?  waa adiga Olypics-ka 5-ta garoon ciyaaro u dhisayee ???

isbitaalkii goldogob ee milyuunka doollar shacbku galiyey ICRC-da iyo hay’adaha caafimaad ee garoowe geela iyo ariga kuu daweeya shacabka Goldogob ku dhimanaya miyaad wali u dirtay bal waxay la soo qaban karaan?  MUDUG GENERAL HOSPITAL waa isbitaalka ugu wayn PUNTLAND wuxuuna ku dhaw yahay in xoolaha lagu xaraysto waayo shacab wax ma wadi karo.  miyaan ku baaqnaa in dawlad goboleed ay Goldogob samaysato ? waa maya !  waa kala jabkeenna iyo kala taggeenna waana cadow ha naga faa’iidaysto laakiin dadkeeda iyo kuwa la midka ah ha ku jirrabina inay dantu ku xambaarto wixii ay nolol ku heli karaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaan jaalle madaxwayne.

garoowe maamulka puntland maalinkii la dhisay waanu wada ogayn wqaxay ahayd ! iyo siday ahayd haddaba rag baa kula dhistay ee la soco kaligaa maadan dhisan. is-waydii haddaba magaalooyinkooda miyaad baabi’inaysaa oo aad taada oo qura dhsisaysaa aad waliba ugu goodinaysaa waa in sidaa lagu socdaa haddii kale waa dagaal ? wax qabad muuji cidna xoog wax kagama qaadi kartide.

danta aynu  ka wada hadalno annaga oo tixgalin isu hayna.

c/nur maxamud cilmi (talokeen).
ku nool London.
17/11/1
amohmoud@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " GAROOWE OO NOQOTAY MUQDISHADII LABAAD "

  1. talokeen says:

    xersi.
    Saaxiib haddii hadal wanaagsan la kala qaadanayo waan kaa qaatay sida wanaagsan oo walaaltinimo oo aad iila hadashay.

    hadalka oo idil biyo dhiciisu waxaa weeye ama uu ahaa awal horaba: GAROOWE yaysan noqon sidii aan Muqdisho ku haysaney oo ahayd in. maamulkii dawladda, wax qabadkii dadwaynaha, shaqadii, isbitaalkii, jidadkii, caafimaadkii iyo dhismihii intaba laysugu geeyo hal magaalo.

    ogoow: sida aad mar hore xustay dadka Garoowe maal gashiga ku samaysanayaa inay yihiin meelo kale ka yimid oo puntland afarteeda dacal ah.
    waa sax laakiin maxaa keenay ayaad u malaynaysaa ??? maxaan awal ku diidaynay haddaan dhammaanteen MUQDISHO MAAL GASHI GALINO OO KULLIGEEN WADA DEGNO. jawaabtu waxay ahayd: duruufaha ayaa qasbayey ganacsatada.
    haddii aan gaari yar ku socdo laakiin aysan magaaladaydu laami lahayn.
    haddii aan xafiis dawladeed u baahdo laakiin aysan magaaladaydu xafiis lahayn iyo wax dawlad wax iiga dhammeeya iwm soo kuma qasbani inaan caasimadda tago. waxaas weeyaan waxaan ka hadlayaa. arrimahaas waxaa looga gudbi karaa ayada oo aqoon loo yeesho in baahida dadwaynaha loogu geeyo halka ay ku nool yihiin. that is all.
    thanks

  2. Hersi says:

    Mahadsanid,

    Jawaabtaadu way wanaagsantahay, meesha keliya ee aan dooda ka qabo weli waa cinwaanka aad qormada u dooratay kuma aanan qancin, sababtoo ah meel isbarbardhig ka imaankaro Muqdisho iyo Garowe ma jirto, aniga oo aan doonayn dhinaca kale in aan Muqdisho wax u dhimo.

    Waadna Garankartaa qof reer Garowe ah dareenka uu ka yeelan karo marka uu arko cinwaan noocan oo kale ah.
    Waxaa ka habboonayd haddii aad maamulka dhaliil keligii u jeedin lahayd, sababta oo ah waa dad wax loo dhiibtay waxna laga sheegi karo, iyaama ka bacdina xilku ka dhammaanayo.

    Meesha aad tiri maamulkaan iyo kii hore waa isugu kay mid, iyaduna sax ma aha haddii aad reer Puntland tahay, waayo isku duruufana ma ahayn, isku wax qabadna ma ahayn

  3. talokeen says:

    walaal xersi maadaama aadan halkaan ku talo galin in jawabtaydu ay ka soo baxdo waxaan su’aashaada iyo jawaabtayda labadaba u copy garanayaa walaalaha soomaaliyeed ee kale.

    mahadsanid ayagau ha ina qiimeeyaan.

  4. Talokeen says:

    Asalamu calaykum warxmatullaahi wabarakaatuhu.

    Walaal Xersi aad ayaad ugu mahadsanatahay sida wanaagsan oo aad ii soo waydiisay iyo sida aad uga hadashay dadka ehelka ah iyo meelha ay maal gashadeen.
    Saaxiib wax iswaydiin ma xuma ee wax iswaydaarsi baa daran, sidaas darteed, waxaan hadalkaygii ama dooddaydii ku xoojinayaa oo waliba deegaanka aad xustay darteed ugu dooranayaa isla deegaankaas. xusuus: ogow hadalkaygii hore Goldogob oo kaliya kuma xusin ee way badnaayeen. ka kaalay Goldogob sidaad ogsoontahay dhismayaasha sida hoteellada, Guryaha iyo hantida dadku leeyahay ujeeddadaydu maysan ahayn marka laga reebo Garoowe siday ahayd iyo sdiay tahay hadda (intaas haddaad taas ugu qaadatay waa meesheed). Anigu wixii aan ka hadlay waxay ahayd si khaas ah Isbitaalka Guud ee magaalada Goldogob. Mashaariicda daryeelka caafimaad ee macaawinada loogu soo helo magaca maamulka Puntland.
    Dadka reer Goldogob sida xaqiiqada ah haddaysan si kalsoni ah ku qabin maamulka Puntland, haddaan magacii guud ee Mandaqada wax jumlad ah oo gargaar caafimaad ah laysugu dhiibi lahayn waxay adduunka iyo hay’adaha dadka caawiya waydiisan lahaayeen si toos ah baahidooda in looga gargaaro.
    Haddaan dawladdu xil wayn iska saarin oo aan dadkeeda xanuunsan, iyo gabadha foolanaysa ee ummulisooyinka macmalka ah aysan wax ka qaban karin oo dantu ku xambaarayso in Isbitaal meesha ugu dhow loola cararo !!!!! walaal xaq umay laha waa sidaan qabo. dawlad hore iyo dawlad hadda jirta toona…makes no different for me. waana isku kaaya mid (ka muwaadin reer Puntland ahaan markaanu hadlo).
    AAN kuugu sii daro waliba, waad garanaysaa jidka Goldogob iyo Gaalkacyo oo xataa magaalo ugu dhow (Jid xumada halkaas ka jirta). Goldogob oo idil sooma qaadeen haddii aan kula doodi lahaa dawladda maxaa Isbitaal loogu dhisi waayey ? ogow dawladdu waxay igu oran karaysay inshaa allaah markaan awood u helno baanu smaynaynaa. laakiin hadda waa Haydaha laanqayrta cas oo la geeyo, dhawr shaqaale ah oo mushaar yar loogu qoro, iyo dawadii oo si qoontaysan waxuun wixii loo awoodo lagu taakuleeyo. haddaan intaasi daacad u hadal ahayn garan maayo wax kale oo qof walaal ah oo wax naga dhexeeyaan aan ku oran lahaa.

    dhanka kale wixii iska sad bursi ah kolley waa iska dhacdaa dadkuna wax caadil ahi waa iska yar yahay oo ilaahay ayaa caadil ah. waase layska ilaaliyaa markii ummad Masaakiin ahi wax kaa wada sugayaan waa adiga iyo ilaahay sida aad wiilkaaga iyo wiilasha kale ugu xaq soorto. kolley maamulka Puntland sida qaalibka ah waa uun laga dhex muuqdaa dadka meesha joogay laakiin heerkii la rabay looguma wada dhamma. oo annagu hawshayadu waa intii baaniyaal cuni lahaa Cali ha beesaysto. kkkkkkk.
    war ninyohow intaas ayaan isaga koobayaa markaan hadalku Buug ayuu isu baddali doonaa haddaan mijaha u fidiyee.
    take care brother. walaal ku leh waryaa qaladka jooji waa walaal ku jecel ee adiguna ha noqon mid adigu isjecel naftiisa oo kaliya.

  5. Hersi says:

    Walaal waad ku mahadsantahay qoraalka,

    Laakiin waxaan jeclaa in uu ku dhisanyahay xaqiiqada, waxaan jeclaan lahayn in aad noo sheegi kartid tiro koobyo ama xaqiiqooyin wax qabadka dowladda halkii aad wax iska mucaaradi lahayd, waxaan jeclayn in aad cadeysid mashaariicda Garowe loola xishay oo laga daayey Tuulooyinka aad ka hadashay,

    Runtii ma wanaagsana in qof qoraa ah laga dhadhansado caadifad aan xaqiiqo wehelin.

    Dhismayaasha garoowe ku yaalla dadka leh baa dhistay, kororka dhismuhuna wuxuu la mid yahay Magaaloyinka Puntland ee kale ee laamiga ku yaalla, dadka deggan meelaha fogfog ee aad sheegaysidna hadda waxay dhistaan Bosaso, Qardho iyo Garowe, isla markaana iyaga ayey ka shaqeystaan, oo ma jirto meel kale oo loo shaqo tago. Waad ogtahay reer Goldogob Hotellada ugu quruxda badan waxay ka dhisteen Garowe Sida ROORSHE iyo SHARIQA halkii ay ka dhisi lahaayeen Goldogob, sababtana waad garaneysaa

    Walaal sidoo kale ma saxna cinwaanka aad dooratay, mana aha mid caadil ah,
    Sidoo kale Goldogob way mudantahay in wax loo qabto, xaqna way u leedahay, Laakiin eedeeda ma waxaad saartay Farole oo laba sano kaliya talada hayey oo uu dagaal kula jiray mucaarad iyo musuqmaasuq aad ogtahay inta ay dhibtu le’ekayd, ?

    Waxaan dhihi walaal qoraalka dib u eeg oo war kale keen