Home » Maqaallo »

WELI DUCO MA LAGU DAYEY DAGAALKA SOMALIA?

Assalaamu Alaykum. Aad ayaan idiin salaamaya akhyaarta websitekan qaymaha badan kuxiran!

Waxaan marayna marxalad ay xaq nagu tahay inaan la oyna mustaqka sii fogaanaya, rajaxumada nagu hareeraysan iyo ayadoo aan noo muuqan hifofaalo nabadeed!

Sow kulama aha inaan shaxda wax kabadalno?

Maadama aan galnay sanadkii 20aad oo aan iska dabo wareeganayno, oo dad iyo duunyo lawada basbaxay, daris dhow iyo mid fog intaba albaabada naga soo xirteen, sow gar ma’aha in sikale loo fikiro oo shaxda wax laga badalo!

Xal aan xabad  ahayn ma uxiiso qabtaa?

Sanadkii 20aad ayaan galnay oo aan xabad kali ah xal ku raadinaynaa anagoo isticmaalayna qabiil iyo koox ilaa aan wadanka gaarsiinay haadaan aan kazoo noqosha lahayn!

Mabda’a kasta oo aan wadanaba haddii lakala xoog roonaanwayay, sow xaq ma’aha inaan xabad la’aan xal kuraadino?

Shahaado sharaf aduunka nagudoonsiiyey!

Sanadkii 20aad ayaan galnay oo ay gaalo iyo islaamba garteena galeen oo lawaayey cid noo garawda oo tirahdo: Soomaaliyeey garbaad uleedihiin gumaadka iyo dabargoynta aad kawadaan Somalia! Balse  aduunka wuxuu nagudoonsiiyey shahaado labixiyo mida ugu liidato- inaay noo soo qaataan tusaale ahaan!

Waxaan diidanahay waa lagartay laakinse  waxaan rabno….?

Sanadkii 20aad ayaan galnay oo aan lasoo taaganahay diidmo aan wax rabitaan siyaasadeed lasocon! Waxaan lasoo taaganahay hebel madoonayno… madaxwayne… ra’isal wasaare… koox hebel anagoon badalkiisa hayn…! Sidaas darteed cid garteena gashaa majirto oo aan dhabanada qabsan! ‘Khilaaf aan sabab lahayn’ sidaas ayay kusoo gunaanadeen dowladihii arimaheena galay!

Maxaa  shicaarkeena kadhigay  ‘kii horaa dhaamay kan iminka’?

Sanadkii 20aad ayaan galnay oo talaabadan qaadnaba  quus iyo rajo xumo horleh. Maxaa xaaladeena kadhigay “timartii horaba dab loo waa…. Kadaro dibi dhal…” hebelbaa kafiicnaa midka haatan jooga!!

Siyaad Bare Allaha unaxariista… Caydiid Allaha unaxariista. Haaba sii fogaan Abdullaahi Yusuf maashallah…dhankale shariif aaaaaa… Marka ay xilka hayaan  ha laxoojiyo sicadaabka umada ugu baxdo oo ay nagu dhaafaan sinabadgalyo leh!

Aniga iyo adigaba haddii aanan nabad doonayn, qable-qable muxuu danbi leeyahay!

Qiso gaaban Haweeney udhalatay wadanka Liberia ayay BBCdu waydisay mar laqabtay doorashooyinkii ugu horeeyey ee lagu soo afjarayay khilaafka wadankaaas- waxaa lawaydiyey cida ay ucodaysay, waxay kujawaabtay: Waxaan ucodeeyey xisbiga Charles Taylor inkasta oo aan taageersanahay xisbi kale. Waxaa lawaydiyey sababta ay sidaas usamaysay, waxay kujawaabtay: Charles haddii aan ladooran xabada majoojinaya sidaas ayaan codkeyga usiisey, waana soo baxay oo isaga ayaa dalka madaxwayne ka ah.

Waficlana xabadii waa ka istaagtay wadankaas; Charles Taylorna waad ogtihiin meesha uu kudanbeeyey iyo sida ay maanta Liberia nabad utahay!

Ma istiri xalka dalka gacantaadu ku jira?

Risaalada aan ka leeyahay qoraalkan shacabyahow waa inaan kudareensiiyo sidii aan wadajir usoo afjari lahayn musiibadan nagu habsatay ee aan maalinkasta usamaynayno magac horleh iyo hogaamiyo horleh!

Shidaalka mashaakilka Somalia waa shacabka, waa aniga iyo adiga. Soo adiga lasoo taagan reer hebel iyo koox hebel ayaa qaldan ee ha layska celiyo? Sow adiga aaminsan inuu dalkan kudagayo gacanta koox yar fikradeed?

Sow ma aragtid inaanu hadalkaada isbadalin ilaa iyo maalintii xabada labilaabay? Nabad galyo aad adiga raadin cidi kuuguma maqno ees sidaas ogow!!

Ma aaminsantahay inuu dalka kadhaxeeyo dad isdagaalsan oo isa soo laynayay 20 sano iyo inkabadan? Haddii ay jawaabtaadu tahay haa, diyaar ma utahay inaad gorgortan kagashid waxa aad gocanaysid iyo waxa aad kabiyo diidsantahay?

Waad mahadsantihiin, Somalia ha israacdo, rabigeedna ha utowbadkeento.

Adam Abuzuhri Al-Hasani
abuzuhri1@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " WELI DUCO MA LAGU DAYEY DAGAALKA SOMALIA? "

  1. Mh Mohammed says:

    ASC,, walaalkay Adam aad ayaad ugu mahadsan tahay caqligaagan nadiifka ah balse cid fikirkaas kula qabtaayi waa yar tahay, tusaale ahaan maalin dhexdaas ah ayaan meel shaaha laga cabo waxaan ugu soo galay odayaal Soomaaliyeed oo ku shaahaya isna waraysanaya, hadalkoodii baan dhagta la sii raacay waana u adkaysan waayay markii mid odayaashii ka mida uu si cod sare ah ugu yiri ” ra’iisal wasaraaha cusub taageeri meyno waayo waa fulaan ibnu fulaan waa dadkii sidaa inagu falay”. Inta soo booday ayaan ku iri adeerow adigu hadda wadankii waad ka soo carartay westernka ayaad nabad ku joogtaa, ummaad badan oo dhibaateysan ayaa dalkii jooga calal aqal kolay caqli ku kordhin meysid oo kan aan arkayo ayaad wadataa ee isku dirka kala qoqobka ka daa…. waxaan intaas tusaale ahaan ugu soo qaatay arrintu madaxay ka buktaa ee majaha kama toosi karto ee ALLE ayaan leenahay ee Ilaah noo barya bal inuu na daba qabto.