Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo baaq nabad u direy dadka deegaanka Buuhoodle

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray dagaal ka dhacay degaanka Buuhoodle, waxana uu sheegay “Aad iyo aad baan uga xunahay falalka sababay dhimashada iyo dhaawaca shacabka soomaaliyeed, waxaana ugu baaqayaa dhammaan cid allaale iyo cidii wax ka geysan karta daminta collaada ummadda dhexdeeda si masuuliyad ku jirto. Waxaana ugu baaqeynaa labada beelood ee xurgufta dhexmartay inay si wallaaltinimo ah u galaan arrinka oo ay ka qeybqaataan sidii nabadda ka jirta goobahaas loo sii xoojin lahaa”.

Warsaxafadeedka ayaa u soqnaa sidan:

War saxaafadeed

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo baaq nabad u direy dadka deegaanka Buuhodle.

(Muqdisho, 16 November 2010) Dowladda Federalka Ku Meel Gaarka ah (DFKMG) ah waxey tacsi u direysaa dadka soomaaliyeed ee waxyeeladu ku gaartey iyo intii ku dhimatay magaalada Qorilugud ee degmada Buuhodle. Waxayna EEBBE uga bareyeysaa in inta dhaawacantay uu EEBBE siiyo caafimaad deg-deg ah, intii ku dhimatayna in eheladooda iyo somalida uu ka siiyo samir iyo Iimaan.

DFKMG ah aad iyo aad bey uga xuntahay in dadka degaanka uu ka dhexdhaco qilaaf keenay dagaal oo dad soomaaliyeed ay ku geeriyoodeen, kuwana ku dhaawacmeen. Degaanka Buuhodle waa degaan nabadeed oo ummadda soomaaliyeed ee degen ay horseed ka ahaayeen nabadda ka jirta aagaas. Falalka noocan oo kale ah waxay keeni karaan cadaawad sii dheeraata.

DFKMG ah waxey baaq nabadeed u direysaa maamulada, Cuqaasha, Culumaa’udiinka iyo dhammaan qeybaha bulshada ee degaanka ay dhibtaas ka dhacday waxeyna ugu baaqeysaa in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalada, laguna bedelo wadahadal, istixgelin, qadarin iyo heshiis waara oo dhexmara labada beelood ee ay xurguftu dhexmaray.

Siyaasadda DFKMG ah ayaa ah in ummaadda soomaaliyeed ay aayahooda ka tashadaan, kana qeybqaataan nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo islaaxa ummadda dhexdeeda.

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ah Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa yiri “Aad iyo aad baan uga xunahay falalka sababay dhimashada iyo dhaawaca shacabka soomaaliyeed, waxaana ugu baaqayaa dhammaan cid allaale iyo cidii wax ka geysan karta daminta collaada ummadda dhexdeeda si masuuliyad ku jirto. Waxaana ugu baaqeynaa labada beelood ee xurgufta dhexmartay inay si wallaaltinimo ah u galaan arrinka oo ay ka qeybqaataan sidii nabadda ka jirta goobahaas loo sii xoojin lahaa”.

-DHAMAAD-

Wasaaradda Warfaafinta

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo baaq nabad u direy dadka deegaanka Buuhoodle "

  1. mudane ra’iisal wasaare aadbaan kaaga mahadcelinayaa sida sharafta leh ee aad uga hadashay dagaalka kadhacay gobolada waqooyi oo kuwii kaa horeeyey ayba ka aamusi jireen,lkn waxaad dareemaysaa ayaan ufilayaa in wadanka oo dhani ay mas’uuliyadi kaasaaran tahay,hana ku koobnaan ayaan ku odhan lahaa cambaarayn ama baaq ee ficilna kudar oo dadka deegaanka iyo maamulka SSC-ba la xidhiidh oo hawshaa gacan kala sii sidii loo xoojin lahaa nabadda dhulkaas.sidoo kale waxaan kuu arkaa mid midnimada soomaaliya aaminsan ee halkaa kahay.mahadnaq iyo salaan kalgacaltoooyo ayaan hawada kuusoo marinayaa.