Home » Maqaallo »

Dowlada Cusub ee Teknooraatiska (Mutacalimiinta) Qurba Joogtaa Rajo Noocee ah ayay wadataa? Maxayse Qaban Karaan?

Laga soo Bilaabo Burburkii Dowladii Dhexe ee Soomaaliya Sanadkii 1991, Waxay Soomaaliya Soo Martay Marxalado Badan oo kala Duwan? Sida ay soomaalidu Tiraahdaba “RAQI WAA KU RAGEED!” Marxaladihaas kala Duwan waxay Soomaaliya u Xayirneyd Raggii Sheeganayay Mas’uuliyada Dalkaas iyo Dadkaas. maadaama ay ahaayeen kuwii dandareyay; rajo saas u buuran Soomaalidu uma aysan qabin inay keenayaan; laakiin intaanan Qurbajoogaan Wadaniga ah aanan Taxliilin bal aan woxogaa dib ugu noqdo dhacdooyinkii hore iyo horumarkii laga dhaxlay:-

1- Marxaladii Ugu Horeysay

Waxay ahayd 1991-2005 waxay kala ahaayeen Ragii horboodayay:

1- Maxaabiistii Hore ee Danbiyada Anshaxa iyo Deganaansho Darida ka galay Soomaaliya eek u xirnaa Xabsiyada Dhexe ee Gobolada iyo kuwa Jihaazyadii Amni Qowminga Soomaaliya sida (NSS) iyo Sirdoonkii Milatariga (Hangashta) iyo kii Madaxtooyada.

2- Ragii Kacaanku (21 OCctoober 1967-1969)uu ka curtay ee Bililiqo Raadiska ahaa; uuna Gumeystihii uga tagay Soomaaliya si aysan Dowladnimo Buuxda u Gaarin. Kuwaan intii ay Jirtay dowladii Soomaaliyadii Kacaankii Militari (1969-1991) marnaba MA neefsan; oo neefsasho la’aantoodu ayaa dhashay Horumarkii Baaxada Weynaa ee Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed ay ku talaabasadeen.

Natiijadoodu waxay noqotay Burbur, Barakac, Dil, Dhac, Kufsi iyo wax walba oon qabliga iyo indhaha insaanka soomaaliga ahi uusan waligiis ku fikirin!!!!!!!!!!!!!!!!

2- Marxaladii Labaad

Waxaa horboodayay Dowladii TFG-1 oo isugu jiray Kooxo ay ka mid ahaayeen:-

1- Madaxdii mucaaradka Soomaaliya ee Hubeysan ugu Horeysay ee ay Horkacayeen Jaalle Puntland iyo Jaalle Somaliland; labadaas Gobol oo iyagu ahaa kuwo nabadi ka dhacday ka dib markay Dowladii dhexe ka Burburiyeen Shacabkii ay Haysay; hadana ka doorbiday inay Tuulooyinkoodii Nabadeeyaaan halka ay Shacabkiina uga hareen inay is cunaan ama ay iyagu isku cunaan. Halkaan cid ay uga daydeen ma jirto? Sida Wadanka Deriska nala ah ee Itoobiya oo isagu markii uu Nidaamkii Dhexe Burbiryay si nabad ay ula wada wareegay Dhamaan Degaanadii uu nidaamkaas hore ka talinayay? Laakiin iyagu waxay doorbideen intaas? Ayna is tuseen in ay ku xukumi karaan soomaaliya Xisaab ku dhisan Dhulkeygu waa Nabad ee kaagaan Nabad ahayn? Iyagoo ka carayay mushkiladii weyneyd ee Soomaaliyadii ay Burburiyeen?! Ama iyagoo ku fashilmay inay shacabka ay dowladii ka burburiyeen ay usoo beecgeystaan Bucshirad kale?! Oo ugu yaraan u dhista Dowlad!? Isku deygii Jaalle Korneyl Camma Cabdallah waxaa uu ahaa markii danbe mid Nabiil ah?! Laakiin hadda Cidda Puntland Horboodaysa waxay Rabto lama Yaqaan?!

2- Labadaas gobol kan hore sido kale waxa uu samaystay Lacag cusub isagoon Gubin lacagihii hore tani waxay sababtay Sicirbarar aan naxariis lahayn; sidoo kale lacagtooda cidda u sameysa ma yaqaaniin? Mana oga? Taasna waxay wadaa hadda inay ka horkeento mujtamacoodii? Aan sidoo kale maqli Karin in Maaweeladii ahayd Aqoonsi raadis tooliskii (tools)kii loo isticmaalayay ay la mid noqotay “lifestyle” oo ah anigu sigaarkaan cabaa Reer Koonfureedkuna Ma cabaan sidaas darted baan aqoonsi u raadinayaa??????????????????????????????????????????????????????? iyo “Afweynism” oo ah Mabda’ Been iyo kutiri ku teen ku salaysan!?

3- Iyo Qabqablayaashii kasoo Haray Danbiilaayaashii Dalka iyo Dadka kala Reebay ee ugu Caansanaa tiradooduna ay ahayd (24) wadata oo kawada mideysan Xarafka (S) oo u taagnaa Soomaaliya; Maalmaati Qabeeno koonfurta ka yimid.

Natiijadoodii waxay noqotay Dowladii Maxaasasah ama 4.5 afar iyo bar; Dowlad uu xooggeedu ku dhisan yahay Awoodo Shisheeye oo Masaalix Guud iyo Mid gaar ahba ka leh soomaaliya! Oon marnaba aan Xiriir la lahayn Mushkilada Gudaha!?. Inkastoo Garab raadsasho Shisheeye aysan Xiriirka iyo Xaqiiqada Caalamiga ah ee Halka Gees ah (US Imperialism) aysan Mamnuuc ahayn hadana Garab shisheeye waxa lagu miisaamaa laba:-

a- In aad awoodo in Garabkaas (Taageeradaas Shisheeye, Caskari, ama Dhaqaale) Masaalixda ku hoos jirta aad ku dheelitiri karto Masaalixdaada Hoose.

b- Inaad Mustaqbalka Fog aad awoodo inaad ku jaangoyso Baryadaadaas ama garab raadintaas; maadaaama sidoo kalana ay tahay Mid Caqlaani ah oo la aqbali karo!

Sidoo kale Gobolada Somaliland iyo Puntland ma oga qatarta ay leedahay la mucaamaltanka Dowlada Dhibka badan ee Maraykanka inay tahay u wareejin mushkilada Koonfurta ee ay wadato Usuuliyiin Mayal adag sida Al-Shabaab si ay u badbaadiso Dowladaha Saxiibka la ah ee Gobolka.

Waxa la gudboon inay ka shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka Soomaaliyada Shacabka ah ee iscunaya la iskuna cunayo? Maanta haday Mas’uuliyadaas Qaadi waayaan Shalay Waxay noqonaysaa Taariikh?

4- Marxaladii Sadexaad

Waxay ahayd marxaladii ay wax keeni waayeen Qabqablayaashii iyo Acwaantoodii qasabna ay ku noqotay Ciidamadii Naxariista Darnaa ee Itoobiya ee soo fara gashtay si ay u saacidaan Kuwaas dhulkana ula Gooyaan Kacdoonkii ka dhanka ahaa Qabqablayaasha.

Marxaladaan marka waa tii ugu mugdiga badneyd oo la garan waayay Midabka ay leedahay ma Qabiilibaa…………Ma Qaqqable Qurba Joogbaa ………….Ma Islaami Fursad Raadis ahaa (Bililiqo dadban) ………..ma Hantiwaagbaa………..ma…ma…..ma…. Calaa ayati xaal kuwaanu waa lagarn waaya taariikhdooduna waxay ahayd 2009-20010/10/21-kii oo ku beegnayd afartan iyo Kow Guuradii Kacaankii 21 Octoobar 1969!

Waxay u kala ahaayeen:-

1- Fursad Raadiskii (Qurbajoogta) kanu waxa uu ahaa Qabqable kale oo ka jiray Qurbaha lacagna u soo uruurin jiray Qabqablaha Beeshooda; harsasho iyo Hoyashana u Diiday Qurbajoogtii Horusocodka ahayd (progressive) ahayd;

2- Qabiiligii Baarlamaanka ee (Bililiqo Raadiska ahaa) ee Qabqable uu keenay oo isagu jiray (qabqable Gurbajoogii) Hore iyo (Qabiili Karaani u ahaa Qabqable) oo gashnaa Shaatiga Aqoonyahayan!? Iyo Odoyaashii Kacaanku Ka curtay ee Maanafeesto (Afar Jeeble!) (Sulux) (Harweeshe!) iyo Xaajo u joogii Gar-jaqoflihii, Dirac-Aragii, iyo Xarfaantii Dhaqantoosinta u baahneyd!? Ee Qurbaha iyo Gudaha?!

3- Iyo Balaayo Islaami sheeganaya oo aan Midab lahayn (Akhwaan, Salafi, Suufi, Takfiir, Hantiwadaag, Hantigoosi, Liberal) wax uu wato ma yaqaan; isla markaasna wax uu rabo lama yaqaan? Sida taariikhdaas ay Soomaalidu u qortayna waxay ahayd Barakobeele! Ama ka dareee oo Soomaalidii Muqdisho iyo Koonfurtaba kuqasbay inay yiraahdaan Salaamulaah Calaa Camma Cabdalaah? Ugu yaraan Bililiqo Doon ma ahayn ee Qabiili Magacdoon ah ayuu ahaa.

Taariikhdii Xujaaj waxa uu ahaa Amiir loo magacaabay Ciraaq; markii Balaayadoodu ay badatay waxay rabaana la fahmi waayay ? waxaa uu can ku ahaa “maalintii uu tagay Basra oo uu xilka tirsanayay ayaa waxaa uu duubtay wajiga (isagoo ka baqayay afareey ay u tiriyaan odoyaashii Dhuusaweynayaasha ahaa ee Reer Ciraaq si aysan wajigiisa iyo Fuulxumadisa ugu saleyn Afareeydaas markaasay ku qosqosleen Reer Basra; waxay yiraahdeen hadana Cabdumalik Binu Marwaan ma wuxuu noo soo magacaabay Fuleygaan . Wuxuu ku bilaabay Qudbadiisii “Madaxyo Bislaaday ayaan arkaa oo u baahan in Goosto ! iyo ereyo kale oo la mid ah oon naxariis lahay. Maalintii danbe oo uu duqoobay ogaadayna in dhimashadiisu soo dhowaatay ayuu waxa uu wiilkiisa kula dardaarmay ” Maandhoow xafladeyda Duugista; hanaqoto sidaan “Qasriga iyo inta u dhaxeysa Qabrigayada Muslimiinta guryaha ku yaala Burburi hana I marsiin Jidadka, subaxdii lagu dhawaaqay inuu dhintay Xujaaj ayaa waxaa uu bilaabay Wiilkiisii Burburin Guryaha shacabkii Basra Deganaa ee Reer Ciraaq waxay Ugu Yaraan Xujaaj Bin Yuusuf Al-Thaqafi Guryahanaga ma dundunim jirin

Marxaldaan Afraad (Qurbajoogtii Wadaniga ahayd)

Tayada iyo Tiradooda Kooban marka lagu miisaamo taxadiga iyo Tiradiisa markiiba waxa la jeedaaliniyaa rajo! Aan ka imaanayn dhiifoonaanta Kooxaha Hubeysan ee ka soo horjeeda iska caabintooda; laakiin ka imaanaysa Kartida iyo Rabitaankooda waxqabad? Haba iska ahaato Niyad Wanaagooda Caaboon ee Wadata sida ku xusan halheysyadooda Midab “Wadani Xornimo Doon ah” taaasoo ra’yi ahaan anigu aan qabo inay tahay midda kaliya ee soomaaliya lagu Badbaadin karo/

Sidoo kale Marka laga fiiriyo Dhalashadooda Qabiileed; markiiba waxa soo baxaya in hadayba jiraan rabitaan qabiil in loogu hiiliyo inaysan taasi ku salaysnaan doonin mas’uuliyada Dowladeed ee ay hayaan; laakiin ay ku salaysnaan doonto Dhalashadooda? Tani waxay ka leexisay in Qabiiligii uu ugu hiiliyo Dowlad Bililigo Raadin laakiin uu ugu hiiliyo inay awoodo inay Nabad keento? Waana Tii ugu horeysay marka la fiiriyo Ra’yul Caamka Shaarica Soomaaliya oo ku tusinaysa inay shacabka caadiga ahi ku niyad san yihiin waxqabadka Dowladaan.

Dhanka kale kooxaha Caaboon ee HUbeysan; waxay u muuqdaan kuwo kala qaybsan maadaama aysan jirin rajo weyn oo ku dhisan inay dowladaanu tahay Islaami Mayal adag ama xitaa tii Sheekh Shariif Garabkiisii ?waxmatare? si kastaba waxa muuqata inay rabaan inay badalaan Lahjadooda Dagaal Marka laga Dheehdo Xaqiibada (Wasaarada) Warfaafinta Wasiirkeeda oo ah Laf-dhabarta siyaasadaan Cusub.

Ugu danbeyn idinka hordhici meyno……….laakiin waxaanan la qarin Karin inaad ugu yaraan noqon doontaan mustaqbalka dhow awood cusub “Power House” Tanwiiri ah “Enlightened” doonayana inay dhistaan Dowlad Madani ah oo ku dhisan Nidaam lawada Leeyahay oo ka dhaxeeya Mujtamaca Soomaaliyeed. Dimuqraadina ah ama Shuurada. Dastuurkeedana Masdarkiisu yahay Shareecada Islaamka.

Ugu danbeyntii Halkaan meelna ugama banaana Taxliilinteeda Baarlamaanka “Jiho Laawe” ee isagu u dhisan kala qobqobida iyo Dowlad diidnimada dad iyo dal ay iyagii dandareeyeen waxaa xusid mudan in Baarlamaankaasu uusanba matalaan Mujtamaca Soomaaliyeed ee Dhibaateysan. Yahayna mid gacan ku rimis ah.

W/Q Saadaat Geesh

drgeesh@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Dowlada Cusub ee Teknooraatiska (Mutacalimiinta) Qurba Joogtaa Rajo Noocee ah ayay wadataa? Maxayse Qaban Karaan? "

  1. waxgarad says:

    scwr,waxaan filaya dawlada cusub hadii ay heli lahyen mas,uliinta ka sareeysa kuwo ayga la cilmi eg ama kaba daba dhow in ay somaliya rajo wanaagsan laga qabi la haa lakin sida muuqata hay ada ugu sareysa wadanka waxa haysta niman aan cilmi badneen anoo soo gabaniya hadalkayga dawladan waxaa hortaale sidii ay u qancin la hayen masuliyinta ka sareeysa iyo kasbashada ciidanka dawlada oo xilbadan la iska sarin 2 badaas haday xal u helan umada somaliyed oo rafadka iyo diiftu ka muqato kuwo sharaftoda uso celinkara in ay yiihiin aya aminsanahay

  2. gaashaanle says:

    aad buu umahadsan yahay ninka maqaalkaan so qorey , runtia ad baa baan uga heley waa maqaaaaaal wanaagsan…

  3. Togane says:

    Nuxurka Maqaalka:

    TFG da waxaa ugu fiican Dowlada (ra’iisul wasaraha) Baarlamaankana waa waxaan jirin oo cid uu matalaa aysan jirin!

    Soomaali waxay tiraahdaa: DUDUMOOOY waan ku DUGSANI waana kaa DAREEMANI meel islama gasho!

    Odoroska Maqaalka kuwo la mid ah oo horey loo tumay usoo joognay kana kuwaas jidkoodi ayuu hayaa!