Home » Warar »

Xaflad ay xilka kula kala wareegayeen Gudoomiyihii hore ee ardayda Soomaaliyeed ee dalka Uganad

iyo kan cusub ayaa waxa ay ka dhacday jaamacadda ST.LAWRENCE ee Magaalada Kampala.

Xafaladdan ayaa waxa ay ahayd mid si weyn loo soo agaasimay,waxaana lagu qabtay hoolka jaamacadda ST.LAWRENCE.

Halkan ka daawo Sawirada Xafladda

Waxaa xafladda ka soo qeybgalay qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Syria mudane  Maxamuud Ducaale Muse(Xaaji  Kafee),qunsulka safaaradda Soomaaliya ahna sii hayaha xilka safaaradda mudane Xasan Xaaji Dusoos ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta jaamacadaha wadanka Uganad bahda saxaafadda iyo waliba marti sharaf kale.

furitaanta xafladda ka dib ayaa waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha ardayda soomaaliyeed ee jaamacadda ST.LAWRENCE mudane Maxamed Yusuf Faarax kaas oo halkaas ka soo jeediyey hadal soo dhaweyn ah

Waxaa sidoo kale khudbad qiiro iyo wadaninimo xanbaarsan halkaas ka soo jeediyey qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Syria Maxamuud Ducaale(Xaaji Kafee) iyadoo qunsulku  uu ka hadlay ahmiyadda tacliintu ay u leedahay bini’aadamka,waxa uu soo qaatay aayado iyo xaadiis muujinaya ahmiyadda waxbarashada iyo sida qofka looga baahanyahay in mar walba uu raadiyo cilmi,waxaa isla markaa ardayda uu ku booriyey in waxa ay bartaan ay ula noqdaan oo ay wax ku taraan dalkooda iyo dadkooda  ayna dadaalkooda sii laba jibaaraan gacmahana ay isqabsadaan,kala qoqobnaanta iyo qabiilkana ay ka fogaadaan.

Waxaa sidoo kale hadal halkaas ka soo jeediyey qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda mudane Xasan Dusoos,isagoo adrayda ku amaanay nidaamka iyo dadaalka ay wadaan,waxa uu tilmaamay in ayan ka gaabin oo ay sii dardargaliyaan horumarinta xirfadooda waxbarasho.

Waxaa sidoo kale mudane Dusoos uu u sheegay ardayda in iyagu ay yihiin madaxdii barrito dalka iyo dadkuna ay iyaga sugayaan loona baahanyahay isku duubnaan iyo iskaashi,waxa uuna xusay in safaaraddu ay mar walba garab taagantahay ardayda.

Waxaa iyana halkaas ka hadlay si gooni gooni ah gudoomiyihii hore ee ardayda Cumar Fardaale iyo gudoomiyaha cusub Maxamed Xasan Maxamed.

Mudane Cumar Fardaale ayaa xilka si wanaagsan ugu wareejiyey gabagabada xafladda sxbkiis Maxamed Xasan Maxamed,waxa uuna ka hadlay waxyaabihii uu qabtay mudadii uu xilka gudoomiyenimada uu hayey isagoo soo qaatay hormarka iyo  marxaladda uu gaarsiiyey ururka,waxaana uu kula taliyey gudoomiyaha cusub in uu isna halkaas ka sii wado hawsha ardayda kana shaqeeyo midnimada iyo horumarka ardayda.

Halkan ka daawo Sawirada Xafladda

Waxaa markaas isna hadlay intaas ka dib gudoomiyaha cusub ee ardayda Soomaaliyeed ee wadanka Uganda mudane Maxamed Xasan Maxamed oo u mahadceliyey walaalkiis Cumar Fardaale isagoo uga mahadceliyey sida quruxda badan ee jagada uu ugu wareejiyey,waxaa uuna balanqaaday mudane maxamed Xasan in uu mideyndoono dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee dalka Uganda kana shaqeynayo horumarkooda isagoo kula taliyey ardayda in ay iskaashadaan.waxa uu u sheegay ardayda in iyagu ay yihiin jiilkii barito dalka maamulilahaa ayna wax u baranayaan dalkooda iyo dadkooda sidii ay ugu adeegi lahaayeen.

Xafladan oo qaadatay wakhtigii loogu talo galay kuna dhamaatay jawi degan ayaa waxaa isna kalmado baaq ah halkaas ardayda uga soo jeediyey Mudane Maxamed C/salaam oo ah Xiriiriyaha Community Soomaalida ee dalka Uganda isagoona ardayda ugu baaqay in ay had iyo jeer isku duubnadan,wuxuna tibaxay in Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Uganda had iyo jeer ay garabtagan tahay Ardayda.

Waxa halkasi iyana si weyn uga hadashey Gudoomiye Kuxigeenka Ururka Ardaydaya Somali Student UNION -UGANDA  Faadumo Maxamed C\salaan oo sheegtay in ay si weyn ugu faraxsantahay soona dhoweynayso xilka Gudoomiye kuxigeenka ee loo doortay iyadoona xustay in ay la shaqeyndoonto Gudoomiyahaha cusub.

Waxaa gabagabada xafladda riwaayad qurux badan oo arimaha waxbarashada ka tarjumeysa soo bandhigay Abwaan Oday Cabdulle iyo qaar ka tirsan ardayda.

Jaamacadda http://www.stlawrenceuniversity.ac.ug/

Xuseen Cabdullaahi Xasan
E-Mail Xuseen339@hotmail.com
Kampala Uganda
Sawir qaade. Maxamed Cumar Abiib

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.