(wax iswaydiini ma xumee wax is waydaariskaa daran)
Waxaan maanta qalinka u qaatay inaan faalo yar oo kooban ka idhaahdo wacyiga umada soomaaliyeed iyo waqtiga lagu jiro. Sida aan markhaatiga ka wada nahay waxaa la soo maray marxalado mid waliba lahayd taariikhdeeda , mugdi fara badan iyo meertooyin adag.
Qof kasta oo soomaliya oo mudakar ah ama qaangaar waxaa uu ogyahay wadcanka uu ku noolyahay xaalkiisa iyo awoodiisa , dhaqaalihiisa, nabadiisa, nidaamkiisa, iyo magaciisa heerka uu dunida maanta ka taagan yahay waxaa laynagu tilmaamaa dadkii aana lahayn wadaniyada, aqoonta
Waxaa taariikhda inoogu jirta, budhcadbadeed, argagixiso, qowmiyad gaajo ah, qaxoontiga aduunka iyo ma tabcadayaasha dunida , arxanlaawayaasha cadowga isu yaqaan. Haddii lagu waydiiyo maxaad isku dilaysaan , hadaad isku dhaqan isku af, isku diin isku midab isku dal tihiin ma helaysid xaqiiqdii qofka ku waydiiyay su,aashaa si aad uga qanciso Jawaab daboosha su,aashaa, waayo waxaan isku dilnaa qabiil waxaan isku haysanaa kursi iyo waxaa reer waliba doonayaa madax weyne kama dhaadhicin kartid bulshada caalamka ,
Marka soomaalidu ka waramayso marxalada wadankeeda , caruur iyo ciroole waxay yidhaahdaan waa qadar iyo amar alle oo ku dhacay kana yimid , asal ahaan cadaalad daro, qabyaalad, jahli iyo wadaniyad la,aan haysata umada soomaaliyeed.
Waxaan aad ula yaabaa intaan garaadsaday waxaa la doortay beeshayda madaxweyneyaal iyo wasiiro iyo ra,iisalwasaarayaal, waligay maan arkin mid aniga ama familkayga ama qoyskayga ama jufayda mid ka mida wax u qabtay , xitaa beesha guud mid wax u qabtay mid walibana waxuu xilka ka tagaa isaga oo eedaysane ah.
Markaa hadii wasiirku yahay beeshayda haduusan wax gaara ii qabanayn , ama uusan waxtar ii lahayn maxaan kaga doorbidayaa wasiirka kale ee soomaaliyeed.
Sida aan qabo ma jiro nin soomaaliyeed oo wasiir beeshooda ah ama madaxweyne wax u qabtay hadaba qofka miyaysan ka wanaagsanayn wasiirka ama shaqsiga madaxnimada loo doorto intaad beeshaada ku qiimayn lahayd inaad ku qiimayso waxqabadkiisa , wadaniyadiisa, waxgaradnimadiisa iyo waxii wanaagsan ee uu sameeyo ku qiimayso kuna dhaliisho , waxii qalada ama sharciga aan waafaqsanayn ee uu sameeyo.
Waxaa maalmahan bulshada soomaaliyeed ku jirtaa sawaxan badan oo ah guluf qabyaaleed ku salaysan qaybsiga kuraasta xukuumada cusub.
Anigu waxaan qabaa wasiirka wanaagsan inaan isku qolo nahay wasiirka xumaadana inaan kala qolona nahay, wasiirka muwaadinka ah inaan isku qolo nahay ,wasiirka tuuga ah inaan kala qolo nahay ,wasiirka daacada ah inaan isku qolo nahay, wasiirka daalinka ah inaan kala qolo nahay.
Wasiir beeshayda ahna waxaa ka wayn wadanka soomaaliya.
Maxaa dadka ka doodayaa wasiirada kuma jirno iyo waxba nalama siin uga doodi waayeen in soomaaliya aysan lahayn dowlad muuqata , dhaqaale, dadkii oo dhami yahay qaxoonti dalka gudihiisa iyo dibadiisa,
Maxay xildhibaanada uga doodi waayeen in bulshada soomaaliyeed wax loo qabto , dowlada federaalka , waxaa soo maray madax badan , waxaa laga xasuustaa waxqabad dhaba ama xukuumad la odhan karo waxay samaysay isbedel, xukuumadii ra,iisal wasaare Nuur Xasan Xuseen. Oo sabab u ahayd in qaybo mucaaradkeeda ah ay heshiis la gasho, Ciidamadii shisheeye ee dalka haystay ay ka saarto ee itoobiyaanka ahaa, inay waxgaradka iyo odayadii dhaqanka ee xabsiga lagu guray ka soo dayso, duqayntii boobkiina ka joojiso, magaalada muqdisho.
Way ku amaanaayeen dhamaan xukuumaadaas Ra,iisal wasaare Nuurcade iyo wasiiradiisa , waxay xilka qabteen mudo kooban oo dowladoodiina waqtigeedu gebogebo yahay dhamaatay waxqabad muuqdana waa la dareemay mudo kooban.
Maanta xukuumada cusub ee la soo xulay waa albaabka siyaasada ee aqoonyahanka iyo dhalinyarada ma jirto oday danbe ama hogaamiye kooxeed la eedaynayo, ma jirto cid danbe oo la odhan doono waxaa ficilkaas ku kelifay jaahilnimo iyo aqoondaro, ma jirto cid danbe oo lagu eedayn haddii aqooni waxtarayso , waxaa maanta maamulka dalka gacanta ku hayo aqoonyahano, haddii dhalinyaro iyo maskax fayoow xal keenaysona waa kuwa maanta madaxda ka ah dalka , hadaba waxaan dhawrnaaba waa waqtiga u hadhay iyo waxqabadkooda .
Madaxweynaha , Wasiirka koowaad, wasiirada, dhamaantood waa dhalinyaro ku cusub minbarka siyaasada ilaa hadana aysan jirin cid ay godob hore ka galeen hada waxay gaystaan intii nin walba xilka loo dhiibayna waxaa xusi doontaa taariikhda.
Bulshada soomaaliyeed waxaan odhan lahaa, ka gudba qabiilaysiga , u gudba qaranimada, ka gudbna nin jeclaysiga u gudba wadan jacaylka, ka gudba mucaaradka joogta ah u gudba muxaafid qaran ka gudba u dhegonugaylka xumaanta u gudba u dhegofurnaanta wanaaga iyo rajada wadankeena.
Umadyahay wareerkiyo
Wajaciyo xanuunkiyo
Walaahawga nagu dhacay
Wax u sababa waligeed
Waa duliga qabiiilkoo
Wadankeena oo idil
Waxaa dumiyay qarankii
Weerweerka nagu riday
Waa jaahilnimadee
Mid aad ehel wadaagtaan
Hadii uu wasiir helo
Wiilashiisa mooyee
Waristiisa mooyee
Waxtar kama helayside
Waxdheef kama sugayside
Wehel kama helayside
Haku waayin sharaftoo
Haku waalan waligaa
Ka waantooba cudurkaas
Dadku waa walaaloo
Wadankoow dhaxeeyoo
Waqtigii dhamaayoo
Wasiir beeli keentiyo
Wadaad beena sheegtaa
Wadankeena rogayee
Wacyigiyo aduunyada
Waayaha la marayaa
Waa aakhir samanoo
Lagu waari maayoo
Weheshada samaanto
Waligiin xaqdhawrkiyo
Wanaaguun u iishoo
Waanada ogaadoo
Ruux walboow awooda
Wax u qabo dalkaagoo
Balankeena iyo wacad
Waa wadajir iyo guul
Wado qaranka lagu helo
Wehel iyo walaalnimo
Wabilaahi tawfiiq
Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
sallam caleeykum iyo ciid wanaagsan inta islaamka ah gaar ahaan umadeyda aan jeclahay ee somaliyeed,bacdu sallaam aniga waxeey illa tahay sida uu mr galayr uu qabo waayo waa dhabta waxa uu qorahu ka hadlay maxaa iigu jira wasiir u dhashay qabiilka aan ka dhashay,ma waxaan l;eeyahay aduu ku noolayn kuwa kalana wuu qadin oo soo xaq daro maaha oo walaalkaa somaaliga ah oo gaajeeysan miyaad kaligaa dhargi oo uu asagana gaajo u dhiman oo soo wadanka kulama leh oo in uu helo intaad heshid xaq uma leh o soo tan maaha waxa halkan na keenay oo intaan naga soo reebay foolxumo in ah miyaan wali ku cashir khaadan waxa uu noo gaystay qabyaaldaas iyo xaq daradaas mida kale sooma ogidin soomaaliyeey in uu aduunkaan yahay maalmo khura oo kooban oo xitaa laga yaabo adoo milyardi lacago ah heeysto in maalin god lagu galin oo rabi hortagi war heedhe wollaahi baan ku dhaartaye in ay ragnimo aheeyn oo caqli gal aheeyn waxa aan wadno ee aan is dabo qabano oo dhiig karkaan uu qabiilka nagu rido aan iska joojino oo alla aan xasuusano iyo wadankeenii soomaliyeed,aniga soomaaliya 13jir baan uga imid oo caro gaalo imi caawo waxaan dhaegeeystay hees la yiraahdo soomaali baan ahay wollahi waan ilmeeyaya coz quruxda uu leeyahay dhulkeena iyo dadkeena somaliyeed war ragbaa la,oo milyano haysta dhul ay dagaan bal eeg jaban oo sariirta darbiga laga soo fujiyo iyo china oo gobolada khaarkood la ogaleeyn in hal cunug ka badan la dhalin war marka soomaliyeey ilaah yuu naiin caroon ee aan ka joogno qabyaladan foosha xun,nabadeey
HADAN ISKU DEYO SUASHA AH WASIIR BEESHINA AH IYO WADANKA KEE BAA WEYN?
ANIGA WAXAA ILA QIIMO WEYN OO ILA SHARAF BADAN WASIIR BEESHEYDA AH WHY?
WAXAAN SIDAAS UU LEE YAHAY HADA DFKM AYAA KU DHISAN 4.5 MARKA WAA IN AN KA HELA SAMIGEYGA AN KU LE YAHAY DOWLADA FEDRALKA AH
WADANI WAXAA LA DHOHO HADU JIDHO 4.5 WAX LAGUMA QEYBIYEEN
ANIGA AHANA HADA YEELI MAYO IN QOLA LA BAXDA MAGAC MAMUUL GOBALED MISA NA IGU TI MADA SAMIGA AN KU LAHAY DOWLADA
MISA NAA SOO QORTA WASIIR BEESHINA AH IYO WADANKA KEE BAA KUAL WEYN?
ADEER ANAGO IDIN WAXAA HOOS TAGNA FADRALKA ETHIOPIA THAT IS TRUE
TUSAALE PUTLAND+ SOMALIAND ILA DOWLADA 2 KM WAXAANU HOOS TAGNA ETHIOPIA MARKA LAGA REEBO RAAGA LA BAXAY SHABAB
EE ADEER ANIGA JAWABTA HALKAS AYAAN UGU BAXAY RAYIGEYGA AMA SOO GUDBI AMA ISKA TUUR WCS