Home » Maqaallo »

Waa su,aale Wasiir beeshiina ah iyo wadanka keebaa wayn?


(wax iswaydiini ma xumee wax is waydaariskaa daran)

Waxaan maanta qalinka u qaatay inaan  faalo yar oo kooban ka idhaahdo  wacyiga umada soomaaliyeed iyo waqtiga lagu jiro. Sida aan markhaatiga ka wada nahay waxaa la soo maray marxalado mid waliba lahayd taariikhdeeda , mugdi fara badan iyo meertooyin adag.

Qof  kasta oo soomaliya oo mudakar ah ama qaangaar waxaa uu  ogyahay wadcanka uu ku noolyahay xaalkiisa iyo awoodiisa  , dhaqaalihiisa,  nabadiisa,  nidaamkiisa, iyo magaciisa heerka uu dunida maanta ka taagan yahay  waxaa laynagu tilmaamaa dadkii  aana lahayn wadaniyada, aqoonta

Waxaa taariikhda inoogu jirta, budhcadbadeed, argagixiso, qowmiyad gaajo ah, qaxoontiga aduunka iyo  ma tabcadayaasha dunida  , arxanlaawayaasha  cadowga isu yaqaan. Haddii lagu waydiiyo maxaad isku dilaysaan , hadaad isku dhaqan isku af, isku diin isku midab isku dal tihiin  ma helaysid  xaqiiqdii qofka ku waydiiyay  su,aashaa si aad uga qanciso Jawaab daboosha su,aashaa, waayo  waxaan isku dilnaa qabiil  waxaan isku haysanaa kursi iyo waxaa  reer waliba doonayaa madax weyne  kama dhaadhicin kartid bulshada  caalamka ,

Marka soomaalidu ka waramayso marxalada wadankeeda , caruur iyo ciroole waxay yidhaahdaan waa   qadar iyo  amar alle oo ku dhacay kana yimid , asal ahaan cadaalad daro, qabyaalad, jahli  iyo  wadaniyad la,aan haysata umada soomaaliyeed.

Waxaan aad ula yaabaa intaan garaadsaday waxaa  la doortay beeshayda madaxweyneyaal iyo  wasiiro iyo ra,iisalwasaarayaal, waligay maan arkin mid aniga ama familkayga ama qoyskayga ama jufayda  mid ka mida wax u qabtay , xitaa  beesha guud mid wax u qabtay mid walibana waxuu xilka ka tagaa isaga oo eedaysane ah.

Markaa hadii wasiirku yahay beeshayda haduusan wax gaara ii qabanayn , ama  uusan waxtar ii lahayn maxaan kaga doorbidayaa wasiirka kale ee soomaaliyeed.

Sida aan qabo ma jiro nin soomaaliyeed oo wasiir beeshooda ah ama madaxweyne wax u qabtay hadaba  qofka miyaysan ka wanaagsanayn  wasiirka ama shaqsiga madaxnimada loo doorto intaad beeshaada ku qiimayn lahayd inaad ku qiimayso  waxqabadkiisa , wadaniyadiisa, waxgaradnimadiisa  iyo waxii wanaagsan ee uu sameeyo ku qiimayso  kuna dhaliisho  , waxii qalada ama  sharciga aan waafaqsanayn  ee uu sameeyo.

Waxaa maalmahan  bulshada soomaaliyeed ku jirtaa sawaxan badan oo ah guluf qabyaaleed ku salaysan  qaybsiga kuraasta xukuumada cusub.

Anigu waxaan qabaa wasiirka wanaagsan inaan  isku qolo nahay wasiirka xumaadana inaan kala qolona nahay, wasiirka muwaadinka ah inaan isku qolo nahay ,wasiirka  tuuga ah inaan kala qolo nahay ,wasiirka daacada ah inaan isku qolo nahay, wasiirka daalinka ah inaan kala qolo nahay.

Wasiir beeshayda ahna waxaa ka wayn wadanka soomaaliya.

Maxaa dadka ka doodayaa wasiirada kuma jirno iyo waxba nalama siin uga doodi waayeen in soomaaliya  aysan lahayn dowlad muuqata , dhaqaale, dadkii oo dhami yahay qaxoonti dalka gudihiisa iyo dibadiisa,

Maxay  xildhibaanada uga doodi waayeen  in bulshada soomaaliyeed wax loo qabto ,  dowlada federaalka , waxaa soo maray madax badan , waxaa laga xasuustaa waxqabad  dhaba ama xukuumad la odhan karo waxay samaysay isbedel, xukuumadii  ra,iisal wasaare  Nuur Xasan Xuseen. Oo sabab u ahayd in qaybo mucaaradkeeda ah ay heshiis la gasho, Ciidamadii shisheeye ee dalka haystay ay ka saarto ee itoobiyaanka ahaa, inay waxgaradka iyo odayadii dhaqanka ee xabsiga lagu guray ka soo dayso,  duqayntii boobkiina ka joojiso, magaalada muqdisho.

Way ku amaanaayeen dhamaan  xukuumaadaas   Ra,iisal wasaare  Nuurcade iyo wasiiradiisa , waxay xilka qabteen mudo kooban oo  dowladoodiina waqtigeedu gebogebo yahay dhamaatay waxqabad muuqdana  waa la dareemay mudo kooban.

Maanta xukuumada cusub ee la soo xulay waa  albaabka siyaasada ee aqoonyahanka iyo dhalinyarada  ma jirto oday danbe ama hogaamiye kooxeed la eedaynayo, ma jirto cid danbe oo la odhan doono waxaa ficilkaas ku kelifay  jaahilnimo iyo aqoondaro,  ma jirto cid danbe oo lagu eedayn  haddii aqooni waxtarayso , waxaa maanta  maamulka dalka gacanta ku hayo  aqoonyahano, haddii dhalinyaro iyo maskax  fayoow xal keenaysona waa kuwa maanta madaxda ka ah dalka , hadaba waxaan dhawrnaaba waa waqtiga u hadhay iyo waxqabadkooda .

Madaxweynaha , Wasiirka  koowaad,   wasiirada,  dhamaantood waa dhalinyaro ku cusub  minbarka siyaasada  ilaa hadana aysan jirin cid ay godob hore ka galeen  hada waxay gaystaan intii nin walba xilka loo dhiibayna waxaa xusi doontaa taariikhda.

Bulshada soomaaliyeed waxaan odhan lahaa, ka gudba qabiilaysiga , u  gudba qaranimada, ka gudbna nin jeclaysiga u gudba wadan jacaylka, ka gudba mucaaradka joogta ah u gudba muxaafid qaran ka gudba  u dhegonugaylka xumaanta u gudba u dhegofurnaanta wanaaga iyo rajada wadankeena.

Umadyahay wareerkiyo

Wajaciyo xanuunkiyo

Walaahawga  nagu dhacay

Wax u sababa waligeed

Waa  duliga qabiiilkoo

Wadankeena oo idil

Waxaa dumiyay qarankii

Weerweerka nagu riday

Waa jaahilnimadee

Mid aad ehel wadaagtaan

Hadii uu wasiir helo

Wiilashiisa mooyee

Waristiisa mooyee

Waxtar kama helayside

Waxdheef kama sugayside

Wehel kama helayside

Haku waayin sharaftoo

Haku waalan waligaa

Ka waantooba cudurkaas

Dadku waa walaaloo

Wadankoow dhaxeeyoo

Waqtigii dhamaayoo

Wasiir beeli keentiyo

Wadaad beena sheegtaa

Wadankeena rogayee

Wacyigiyo aduunyada

Waayaha la marayaa

Waa aakhir samanoo

Lagu waari maayoo

Weheshada samaanto

Waligiin  xaqdhawrkiyo

Wanaaguun u iishoo

Waanada ogaadoo

Ruux walboow awooda

Wax u qabo dalkaagoo

Balankeena iyo wacad

Waa wadajir iyo guul

Wado qaranka lagu helo

Wehel iyo walaalnimo

Wabilaahi tawfiiq

Waa Qalinkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Waa su,aale Wasiir beeshiina ah iyo wadanka keebaa wayn? "

  1. sallam caleeykum iyo ciid wanaagsan inta islaamka ah gaar ahaan umadeyda aan jeclahay ee somaliyeed,bacdu sallaam aniga waxeey illa tahay sida uu mr galayr uu qabo waayo waa dhabta waxa uu qorahu ka hadlay maxaa iigu jira wasiir u dhashay qabiilka aan ka dhashay,ma waxaan l;eeyahay aduu ku noolayn kuwa kalana wuu qadin oo soo xaq daro maaha oo walaalkaa somaaliga ah oo gaajeeysan miyaad kaligaa dhargi oo uu asagana gaajo u dhiman oo soo wadanka kulama leh oo in uu helo intaad heshid xaq uma leh o soo tan maaha waxa halkan na keenay oo intaan naga soo reebay foolxumo in ah miyaan wali ku cashir khaadan waxa uu noo gaystay qabyaaldaas iyo xaq daradaas mida kale sooma ogidin soomaaliyeey in uu aduunkaan yahay maalmo khura oo kooban oo xitaa laga yaabo adoo milyardi lacago ah heeysto in maalin god lagu galin oo rabi hortagi war heedhe wollaahi baan ku dhaartaye in ay ragnimo aheeyn oo caqli gal aheeyn waxa aan wadno ee aan is dabo qabano oo dhiig karkaan uu qabiilka nagu rido aan iska joojino oo alla aan xasuusano iyo wadankeenii soomaliyeed,aniga soomaaliya 13jir baan uga imid oo caro gaalo imi caawo waxaan dhaegeeystay hees la yiraahdo soomaali baan ahay wollahi waan ilmeeyaya coz quruxda uu leeyahay dhulkeena iyo dadkeena somaliyeed war ragbaa la,oo milyano haysta dhul ay dagaan bal eeg jaban oo sariirta darbiga laga soo fujiyo iyo china oo gobolada khaarkood la ogaleeyn in hal cunug ka badan la dhalin war marka soomaliyeey ilaah yuu naiin caroon ee aan ka joogno qabyaladan foosha xun,nabadeey

  2. HADAN ISKU DEYO SUASHA AH WASIIR BEESHINA AH IYO WADANKA KEE BAA WEYN?

    ANIGA WAXAA ILA QIIMO WEYN OO ILA SHARAF BADAN WASIIR BEESHEYDA AH WHY?

    WAXAAN SIDAAS UU LEE YAHAY HADA DFKM AYAA KU DHISAN 4.5 MARKA WAA IN AN KA HELA SAMIGEYGA AN KU LE YAHAY DOWLADA FEDRALKA AH

    WADANI WAXAA LA DHOHO HADU JIDHO 4.5 WAX LAGUMA QEYBIYEEN

    ANIGA AHANA HADA YEELI MAYO IN QOLA LA BAXDA MAGAC MAMUUL GOBALED MISA NA IGU TI MADA SAMIGA AN KU LAHAY DOWLADA

    MISA NAA SOO QORTA WASIIR BEESHINA AH IYO WADANKA KEE BAA KUAL WEYN?

    ADEER ANAGO IDIN WAXAA HOOS TAGNA FADRALKA ETHIOPIA THAT IS TRUE

    TUSAALE PUTLAND+ SOMALIAND ILA DOWLADA 2 KM WAXAANU HOOS TAGNA ETHIOPIA MARKA LAGA REEBO RAAGA LA BAXAY SHABAB

    EE ADEER ANIGA JAWABTA HALKAS AYAAN UGU BAXAY RAYIGEYGA AMA SOO GUDBI AMA ISKA TUUR WCS