Home » Warar »

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo soo dhaweeyey Talaabadii Ciidamada Amisom ka qaadeen Xildhibaanada

Xildhibaan Aadan Cabdulle “Maalinka Sabtida kalfadhi ayaan ku yeelaneynaa Golaha Shacabka xitaa haddi ay ishortaag nagu sameeyaan Amisom”

Iyadoo Maalintii shaley ahayd ayaa Ciidamada Amisom xoog uga saareen Xarunta Golaha Shacabka Xildhibaano doonayey in ay ku yeeshaan kalfadhi ku aadan Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada Taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka Sharif Xasan Shiikh waxay si aad ah u soo dhaweeyeen Talaabadii ay Ciidamada Amisom ka qaadeen Xildhibaanadii doonayey in ay ku shiraan Guriga Ummadda

Kulan ay maanta isugu yimaadeen Xildhibaanadaas ayaa sheegey in Ciidamada Amisom ay ku sax sanaayeen in ay xoog kaga saaraan Xildhibaano doonayey in ay Mooshin ka keenaan Gudoomiyaha Baarlamaanka waxayna sheegeen in xildhibaanadaas ay doonayeen in ay qas iyo Jahwaree ka dhex abuuraan Golaha Baarlamaanka
“Shir uusan Ilcaamin Gudoomiyaha Baarlamaanka lama qaban karo waana mid ka hor Imaanay Xeer Hoosaadka Golaha Baarlamanka isaga ayaa soo wargelinaya Ciidamada Amisom marka la doonayo in uu Fadhiyeesho Baarlamaanka ”ayuu yiri Xildhibaan Cali Shiikh Maxame (Cali Afgooye) oo intaa raaciyey ”waxay doonayeen in ay iska horkeenaan Xildhibaanada Baarlamaanka waxayna Fulinayeen Dan shakhsiyadeed wuxuu kaloo uu sheegey in Saxaafada looga baahan yahay in aysan buunbuunin Xildhibaano doonayey in ay ka shaqeeyey iska horkeenka Madaxda Sarre ee Dowladda

Xildhibaan Cali Afgooye wuxuu sheegey in Ciidamada Amisom ay dalka u joogaan in ay Ilaaliyaan Nabadgelyada Xarumaha Dowladda isagoo sheegey in ciddii wata qas iyo iyo iska horkeen waxay xaq u leeyihiin in au ka hortagaan wuxuu kaloo uu sheegey in guddomiyaha Baarlamaanka uu yahay kan ugu sareeya Golaha isla markaana wuxuu Go’aamin karaa waqtiga la qabanayo kalfadhiga Baarlamaanka

Dhinaca kale Xildhibaanadii Maalintii Doraad ahayd laga soo eryey Xarunta Golaha Shacabka ayaa ku hanjabey in Maalinta Sabtida ay kalfadhi ku qabsan doonaan Xarunta Golaha Shacabka xitaa haddi ay is hortaagaan Ciidamada Amisom islamrkaan ay ka doodi doonaan Ajandayaasha la soo hordhigo oo ugu horeysa waa laga yeelayao Guddomiyaha Baarlamaanka oo ay ku tilmaameen nin keligiis Faramaroorsadey Golaha Baarlamaanka islamarkana Baajiyey Kalfadhiyo farabadan

“Gudoomiyaha Baarlamaanka waa uu hilmaamey Howshii Baarlamaanka waana nin ku howlan Dhismaha Dowladda Fedraalka”ayuu yiri Xildhibaan Aadan Cabdulle Diiriye oo intaa raaciyey”Sharci u ma laha in uu yiraahda waxaa Raiisul Wasaaraha la dhisayaa Xukuumada waana nin Howshiisii gabey waxaana u soo jeedinayaa Xubnaha Baarlamaanka in ay talaabo ka qaadaan maadaama uu kasoo bixi waayey Howshii loo doortey

Sidoo kale qaar ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka ayaa ku eedeeyey Godoomiyaha Baarlamaanka in uu yahay Ruux u shaqeynaya Dowladda Itoobiya oo ay sheegeen in ay tahay Dowlada aan marnaba dooneyn in soomaaliya ay hesho Dowlad iyo Nidaam hadaba waxaa isa soo taraya in khilaafka u dhaxeeyey Madaxda Sare ee Dowlada uu salka ku hayo Dano Dhaqaale iyo Fargelin Shisheeye

Xildhibaanada arrintaas ka soo horjeedtey halkan ka akhri https://somalitalk.com/2010/11/11/baarlamaanka/

WD/Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.