Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo Warsaxaafadeed ka soo saaray colaadda Gobolada Dhexe

Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kulan la yeeshay xildhibaano iyo odayaal ka soo jeeda gobolada Dhexe ee Soomaaliya, waxana uu u ballan qaaday in uu guddi u xilsaarayo sidii loo joojin lahaa colaada G/dhexe, sida ku cad warsaxaafadeedka hoose oo Jimcadii ka soo baxay xafiiska ra’iiusl wasaaraha DFKMG.

War-saxaafadeed

Jimce, 05.11.2010: Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay odayaal, waxgarad iyo xildhibaano ka soo jeeda gobolada dhexe gaar ahaana degaanada ay dhibaatadu ka dhaceen.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa kala hadlay waxgaradkaasi ka soo jeeda gobolada Mudug iyo Galgaduud sidii loo damin lahaa xiisada colaadeed ee ka soo cusboonaatay degaano ka tirsan Galinsoor oo ay dad badani ku dhinteen labo habeen ka hor.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa u balan qaaday inuu soo dirayo guddi ka socda xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya oo qeyb ka qaata joojinta dhiiga shacabka ee macna darrida loo daadinayo.

Ugu dambeyntii Ra’iisal Wasaaraha waxay Qadka telefoonka ku wada hadleen hogaamiyeyaasha labada maamul, waxayna ka aqbaleen talaabooyinka R/wasaaruhu ku doonayo joojinta colaadaasi, iyagoo u balan qaaday inay labada maamul yeelan doonaan kulamo toos ah oo lagu qaboojinayo xiisadan.

Xafiiska Warfaafinta
pmcommunicationoffice@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo Warsaxaafadeed ka soo saaray colaadda Gobolada Dhexe "

  1. Ali says:

    Waa wax lagu farxo aadna loo soodhaweeyo in markii uguhoreysay uu Ra’iisulwasaare Soomaaliyeed muudo 200 kahadlo dagaalada qabiilada ee joogtaada ah. Taas waxay tusinaysaa dadka masuulka laga yahay in laga warqabo oo aan laga aamisin dhimashadooda iyo dhibaatooyinka kusoo cusboonaada.

  2. abdirisaq says:

    waa arrin fiican in raiisulwasaaraha iyo madaxweuynaha Galmudug ay tallabooyin la taaban karo billaabeen lagu maareeynayo arrinta dhibka leh ee kasoo cusbonaayey gobollada dhexe.
    Marka dab ka kaco xaafad waxaad arkeysaa dadki oo hal mar isla dhawaaqaya oo nin waliba meeshi uu joogay biyo ciid iyo wixi uu heli karey kala soo ordo oo la isku wada dayo in dabkaas la damiyo.
    Waxa haddaba yaab leh; dagaal la ogyahay inay ku dhimanayaan dad fara badan kuna dhaawacmayaan dad kasii badan, intaas wax ka badaana ku cayrtoobayan kuna barakacayaan indhaha laga fiirsado oo la isweydiiyo war reer hebel iyo reer hebel xagay kala marayaan? sidi in kubad cagta la cayaarayo o kale.
    Waxaa fiican dhaqanka ah reer hebel ayaa ku dilaye kii aad ka aragtaba dil duullaan indha la’ isaga qaad in bataatanba la isugu tago in la joojiyo.
    qofki wax dila ama kxdi wax disha waa in aysan helin boor ay isku qariyaan ku fakadaan waana in abadi dhinac ee wax kala gaareen maskax fiye isticmaalaan laguna gaar yeelo dhib kasta dhaca qofki ama kooxdi keentey.
    Markaas ayaan suulin karna dhaqanka qabiilka loo isticmaalo sida qaladka ah. Gaarina karnaa dadku inuu is amino oo walaalnimo u wada noolaado qofki si qalad ah u fekereyeyna uu ka joogsado qaladka xad gudubka ah.