Home » Warar »

Soomaalida Deggan USA ee haysata Sharciga Kumeel gaarka ah ee TPS oo waqtiga loogu daray 18 bilood

Amy Klobuchar oo ka tirsan Aqalka Senate-ka Maraykanka ayaa Warsaxafadeed ay ka soo saartay Washington waxay shaaca kaga qaaday in Talaadadii (November 2, 2010) laanta socdaalka dawladda Maraykanku ay muddo 18 bilood ah kordhis ku samaysay sharciga kumeel-gaarka ah ee loo yaqaan Temporary Protected Status (TPS), taas oo loo kordhinayo Soomaalida ku dhaqan Maraykanka ee fiisadaaas hore u haystey.

Sharciga TPS ee kumeel-gaarka ah ee hadda jirtey waxa waqtigeedu ku ekaa March 17, 2011.  Kordhintan cusub waxa ay dadkii hore u haystey TPS ay isu diiwaan gelin karaan in loo kordhiyo oo loogu sii daro 18 bilood, taas oo waqtiga ay gaarsiineysa ilaa September 17, 2012.

Minnesota waxa ay guri u tahay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ugu tirade badan Maraykanka, waxaana arrinta ku saabsan baahida loo qabo kordhinta kordhinta TPS ay dhawaan  Klobuchar kulan kala yeelatay hoggaamiyaal Jaaliyadda Soomaaliyeed.

“Soomaali badan oo ku dhaqan Minnesota waa qayb si khaas ah uga mid ah jaaliyadanada – waa saaxiibadaya, aan shqooyinka ka wada shaqayno, ahna deriskayaga,” ayey tiri Klobuchar, oo intaas raacisay “Xaaladda hadda ka jirta Soomaaliya waxay ka dhigaysaa meel aan ammaan ahayn in lagu laabto, markaas kordhinta TPS waxay xaqiijinaysaa in Soomaalidaas iyo qoysaskoodu ay khatarta bannaanka ka joogaan.”

Sannadkii 2001 ayey ahayd markii Soomaaliya loo qoondeeyey TPS sababtoo ah iska hor-imaadka hubaysa ee ka socda iyo arrinta aan caadiga ahayn iyo xaaladda aan joogtada ahayn ee dalka oo halis ku ah nabad gelyada dadka la siiyey fiisada TPS ee ku dhaqan Maraykanka haddii ay ku laabtaan Soomaaliya.

Warsaxafadeedku waxa uu intaas ku daray: Dadka Soomaaliyeed (iyo dadka aan haysan dhalasha laakiin markii ugu dambaysay deganaa Soomaaliya) kuwaas oo hore loo siiyey sharciga TPS waxaa shardi ah inay markale is diiwaan geliyaan si loogu kordhiyo waqtiga 18-bilood, waana in ay is-diiwaana geliyaan 60-ka maalmood ee diiwaan-gelintu socoto oo ka bilaabanaya November 2, 2010 ilaa January 3, 2011. Soomaalida hore u haystey sharciga TPS waxaa lagu dhiiri gelinayaa in ay sida ugu dhaqsaha badan u dalbadaan marka ay bilaabato 60-ka maalmood ee is diiwaan gelinta taas oo waqti ku filan siinaysa laamaha socdaalka  (U.S. Citizen and Immigration Services ) si ay waqti ku filan ugu helaan hubinta dukumiintiga la xiriira codsiyadaas. TPS ma khusayso Soomaalida soo galay Maraykanka wixii ka dambeeyey September 4, 2001.Ka hor inta aan fiisaha TPS la siin qofku waa inauu ku baaso baaritaanka Federal Bureau of Investigation (background check).

Senator Amy Klobuchar waxaa laga soo doortaa gobolka Minnesota.

Warsaxafadeedka halkan ka akhri

. Akhbaar dheeraad ah oo ku saabsan kordhinta fiisada TPS ee Soomaalida waxaa laga heli karaa websiteka Federal Register: http://www.federalregister.gov/articles/2010/11/02/2010-27613/extension-of-the-designation-of-somalia-for-temporary-protected-status

. Sidoo kale su’aalo la xiriira TPS iyo meesha laga kordhisan karo eeg http://www.uscis.gov/portal/site/uscis/

GALABTII “BARO XUQUUQDAADA” IYO SOOMAALIDA MINNESOTA

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.