Home » Maqaallo »

Qoraal ka soo baxay Golaha Aqoonyahanada Koonfurta Soomaaliya oo ku wajahan Farmaajo

“Maxamed (Farmaajo) uma qalmo In uu Soomaaliya Raisul Wasaare u noqdo” … …


REF: SSIC/129/2010          DATE: 24/10/2010

War Saxaafadeed

Ujeeddo: Dhaleeceyn

Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen Aqoonyahanada, Siyaasiyiinta, Odayaasha dhaqanka, Culumaaudiinka iyo Waxgaradka Koonfurta Soomaaliya waxay si weyn ugu doodeen ka dib markii ay arkeen buugii uu qoray Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) oo uu soomaalidu uu ku qeybinaayey qaar uu ku tilmaamay xoolo dhaqato reer guuraa ah, kuwa yar yar oo beeraley ah iyo kuwo reer xeebeed ah oo noloshoodu ku saleysantahay kaluumeysi iyo tacbato beero sidoo kalena isu raacsiyey sida tan Dir, Daarood, Isaaq iyo Hawiye in uu shacabkoodu  soomaali ka yahay 70%  Digilmirifle ama Raxweyn 20% Reer Xeebeedka oo uu raacsiiyey beeralayda 10% isagoo ujeedadiisu ay tahay in uu xaqiro  beeraleyda iyo kaluumeysatada marka laysu geeyey 30% ay isku noqonayaan isla markaana uu sare u qaado reer baadiyaha reer guuraaga ahaa oo aan lahayn nolol deganaansho iyo xasilooni qof kastaana waxaa xukumaaya bey’adiisa ninkii abihiisa geel dhacaayey awowgiisa asagoo geel dhacaaya la diley iyagoo sidaa isu daba taxan ka awoowe ka awoowe noloshoodu ay ku salaysneyd mar uu geel dhacaayo mar uu soo dhicinayo iyo mar uu difaacaayo waxaa intaa u dheer dagaalo aan dhamaaneynin oo ah dagaalka daaqa iyo biyaha oo maalin kasta laysku laayo cadceed soo baxdaaba aan kala go` lahayn.

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Dhar magaalo sida lagu qaato dhowaa !! dhal magaalo sida lagu noqdo dheera !!.

Hadaba 20 sano ayaan mareykan ku noolaa iyo jaamacad baan ka soo baxay ilbaxnimo iyo aqoon kuuma kordhinayso (kullu sheey yarjac ilaa aslihii).

Qofku waa ilbax goormee la dhihi karaa? Waa inuu magaalo ku dhashaa ugu yaraan 5 fac  isaga, abahiisa, awoowgiisa, awoowgiisa kale kan ka sii dambeeya.

Magaalo waxaa dhista dad aan guur guurin oo leh nolol ku dhisan deganaansho iyo xasilooni kuwaasina waa beeralayda iyo kaluumeysatada iyo lo’leyda oo aan ka dheereyn waxaa ku dhex jira ganacsatada kuwaas oo ka dhex abuurma isdhexgal bulsho, is aamin, iskaashi iyo iskaashatooyin.

Shirakado ka shaqeeya horumarinta ijtimaaciga ah wax kala amaahsiga iyo wax iska sugidda, dulqaad waana dadkii keenay gobanimada iyo dowladnimada maanta lagu tumanaayo.

Sharafta iyo karaamada heybadda ay lehaydna bahdiley waa reer baadiyihii reer guraaga ah oo saaxadda siyaasadda iyo kursiga Madaxtooyada iyo Dowladaba la soo fuulay habkii isu xoog sheegashada, boobka, dilka, dhaca, sharci la’aanta qof walba qumanihiisa qoorta u suran.

Waxaa marag ma doonta ah qof kasto Soomaali u dhashay uu og yahay in aan jirin tira koob la sameeyey oo la yiri reer hebel idinka tiradiinu waa intaas xitaa soomaali tira koobkeedu waa intaa lama oran.

Shucuubta ku dhaqan inta u dhaxeysa labada webi ilaa laga gaaro xeebta badweynta hindiya waa dadka ugu badan Soomaaliya madaama degaankooda uu yahay barwaaqo roobabkuna ay ku badan yihiin abaaruhuna ay ku yar yihiin burburkaan ka horna colaaduhu ay ku yaraayeen.

Dadkani waxay isugu jiraan beeraley, xoolaley oo u badan lo’ dhaqato, kaluumeysato iyo ganacsato meesha ay barwaaqada, nabadda iyo xasiloonida ku badan tahay dadkuna waa ku badan yihiin tarankooduna aad ayuu u sareeyaa.

Marka laysma bar bardhigi karo meesha ay ku badan yihiin coladaha, abaaraha iyo roob la’aanta noloshuna ay ku adagtahay.

Sidaasi awgeed, Maxamed Cabdulaahi Maxamed (farmaajo) waa nin aan aqoon dalka iyo dadka Soomaaliya aaminsan in soomaalidu ay kala sareyso ku tala galkiisana uu yahay in uu duudsiyo Qowmiyaad jira xuquuqdooda.

Sidaasi daraadeed, uma qalmo In uu Soomaaliya Raisul Wasaare u noqdo.

Talo soo jeedin

Waxaan soo jeedinaynaa in la helo qof aqoon iyo waayo aragnimo durugsan u leh dalka iyo dadka soomaaliyeed rug cadaa ah, isku kalsoon kuna kalsoon dalkiisa, dadkiisa iyo  diintiisa islamarkaasna aan jiidaneynin caadifad qabiil.

Ka madax banana cunsuriyadda, hanti aruursiga, kala yaqaan waxa  gaarka loo leeyahay iyo waxa ummaddu leedahay iyo Qarankaba, dhowra shuruucda iyo qawaaniinta, xisaabtama kala saari kara waxa uu xaq leeyahay iyo waxa xaq loogu leeyahay xil kasna ah.

Wa bilaahi towfiiq.

La xiriir:
Prof. Ibraahi Heeroow

ama Email: macklay@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Qoraal ka soo baxay Golaha Aqoonyahanada Koonfurta Soomaaliya oo ku wajahan Farmaajo "

  1. DAADIR says:

    ASWC AQYAAREEY,

    MARKII LA EEGO QORAALKA UU SOO QORAY MR. HEEROOW IYO COMMENTS LAGA BIXIYEY , WAXAA SI CAD U MUUQANEYSO IN SOOMAALIDA DHAMAANTOOD DHIIGOODU UU AAD U BADAN YAHAY MASKAXDANA AY BUGTO.

    WAXAA DALIIL U AH NIN KAAN QORAALKAAN SOO QORAY (HEEROW) IYO MIDKA UU U JAWAABAYEY (FARMAAJO) INAYSAN WAXBA IS DHAAMIN!!!

    MA ILA QABTIIN AQYAAREEY?!
    SABABTU AAD IYO AAD AYAY U FUDUDAHAY , FARMAAJO QOOM AYUU U GAFEY , KANA QOOMAM KALE AYUU USII GAFAY!!!
    SIDAAS AWAAWADEED ARINTU WAA:DHIIGOODA AAD U BADAN MASKAXDU WAY WADA BUGTAA—MASKAXDU WAY WADA BUGTAAAAAAAAA..

  2. gaarane says:

    asc walaalayaal waxaa ayaan daro wayn inoo ah in aqoonyahanadii wadanku sidaa u hadlaan aabe iyo awoow iyo ka fac ka fac iyo qabyaaladii soomali meshan dhigtay , waxaan oran lahaa umadaan ilaahay siaan si ka roon ha u garto

  3. Ina Xuseen says:

    Salaam

    Waxaan aad ugu farxay faalooyinka ay uqoreen akhyarta iga horaysay oo dhan walaalkeen Ibraahi Heeroow. Sababta aan ugu farxayna waxaa weeye inay soo fara badanayaan dadka waxgaradka ah ee kafog taageeridda caadifadda, been abuurka iyo waxyaalaha kudhisan khiyaaliga iyo mala awaalka aanan xaqiiq lagu salayn karin, isla markaana loosii dareerayo in dhacdooyinka loo bandhigo caqliga, cilmiga, akhlaaqda iyo waxa mandiqa ah ‘rationale’.

    Sababta midaan danbe loogu sii farxayo waxay tahay, Soomaliya waxaa 20 sano hareeyay dad rart dadka sidii ratigii, ku rarta caadifad qabiil, magacyo beena, ururo iyo tan waayahaan badatay Aqoonyahanno. Ragaas ama dumarkaasna dadka kurarta afartaas qaab, waxay kasiman yihiin aqoon aanan fadhiyin oo boobsi ubadan, luuqado jajaban, kicinta masaakinta iyo caamada, sheegasho magacyo (titles) waa wayn iyo inay nin iyo islaantiis ama 4 isla qaraabata oo meel kushira kadibna soo saara bayyaan, sawirana iska soo qaada. Isla markaana waxaysan jeclayn in laga hadlo caqliga iyo maskaxda.

    Marka in dadkaas hadda la isla arko waa guul iyo rajjo soo dadajinaysa umadda Soomaliyeed ee masaakinta ah inay xur ka noqdaan Caqliga iyo Maskaxda laga dagay ee rag intay qufusheen, shisheeye u geeyeen furayaashii.

    Marka Abukarow waxaan talo walaaltinimo ku oran, qoraalkaan meesha katirtir ama la aad bog uu kuhaboon yahay, magaca Aqoonyahanno iyo Prof-na kubadal kuwo ku haboon qaabka qoraalku uqoran yahay. Taladaydana ha ula kicin dhan kale oo Mr. Farmaayo iyo wuxuu qoray kuma jactadsani, balse meeshaad la aaday iyo qaabka aad udhigtayba maaha mid u cuntami kara qof fiyow oo si qumman u fakari og, aqoonba yuusan lahaane. Hadda kadibna kutala gal dadka aad qoraal usoo dirayso inay kala duwan yihiin.

    Salaam
    Ina Xuseen

  4. Cumar says:

    Asc,
    Ayaan darro weeyaan in dab iyo baansiin un laysla dabo wado, waliba ruux soo qortay inuu heer prof. yahay oo soo saaaray qoraal urur aqoonyahan.
    Waxaa ila habboonaan laheyd inuu sidaa aannu u faanin isla markaa anshaxa iyo suluugga habsamida fekerkiisa uu asluubta ku saleysnaado, talo bixintaada Heerow toosin uma eka taasoo xubnaha ururkaaga qaar ka mid ah ay kugu dhaliilayaan.
    Gebogebo beeraaleyda joogtada iyo reer xeebeeka waa kuwa abuuray ilbaxnimada magaalooyinka. Qaab bulshadeeda Somaalida u degdo iyo dabeecooyinkooda waa dhaqan hufan uma baahna difaac. Tirakoobka rasmiga oo xaqiiqo ku fadhiya waayahan xaalku waa qasnaa, mala-awaalkuna wax sugan ma ahan haba ka caroon xisaabaha Formaajo. Waayo waxaa haatan socda waa ifafaale kale sidaa darteed ayuusan waxba soo kordhin doonin ama naaqusin karin theses uu ku qalin jebiyay Formaajo.
    “Ogow eedo aad u khatrsan dad qaba ayaa horwadeenka qaranka ka buuxa”

  5. waamo says:

    Salaan kaddib waxaa waayadan badatay annagoo kuhadleena magaca beel heblaayo,Aqoon yahanno
    DADKA Somaliyeed wax mideeya oon Diinta ka aheen majiro
    beenta joojiya majiro urur mideeya Aqoon yahano somalyeed
    Somaliduna waa wada Reer Badiya
    inta 2 Awowe Magalo kudhalatay madhamo 2%

    ADEN MADOBE IYO SHARIIF SAKIIN
    Warqadaha Af somaliga ah waa loo Aqriya
    mesha aad udoodeyso ayey kayimadeen labadoodaba

  6. Sidaas madhab baa oo urur ayaa soo qoray baaqaan? Ama qof xanaaqsan ayaa guri isku soo xirey isagoo uhaysto inuu hortaaganyahay Farmaajo?
    Saaxib xaal qaado haddii aan aniga laftayda kuu gafay; waxa iyara gubay adigoo kuhadlaya magac aqoonyahay Somaliyeed oo aan aniga rajo wayn kaqabo inuu Allah kubadbaadiyo umadan.
    Somaliyeey Su’aal: ma dowlad nacayb iyo qaran dumis bay naga tahay sidaan mise sikale ayaad wax urabtaan? Ma anagaa qaldan mise beesha caalamka?
    Anigoon difaacayn Ra’isal Wasaara aan aqoon ulahayn waxaan kuxasuusin lahaa nin qoraal umada wax ugu dhimay iyo mid qoray qoorta ugu jaray keebaad dooran lahayd haddiiba aad codleedahay oo doorasho jirto?
    Oohinta orgiga kawayn, R/wasaare maxaad kasheegeysa madaxwaynihii iyo gudoomiyihii baarlamaanka ayaaba sii socda ee sidey kaa noqotay?
    Barnaamijku kawayn buuga qalin jabis lagu qoray!!!
    Saaxib duruufta aan Marayno waxaan ubaahanahay inaan wax badan xeerino. Sideeda banaana wadanka Somalia guud ahaan, gaar ahaan baarlamaanka iyo xuguumada ceeb ma’aha inuu qofku matalayo qabiil; balse waxaa fadhiya dadkii kusoo dagaalamay magac qabiil oo maxkamad sugayaal ah haddii lahelo dowlad howshaas qabato.
    Qoraalka warqadan qalin jabinta ah isha ayaan mariyey oo waxa meesha kuqoran oo dhan waa wax laga soo guuriyey buugaag dadkale qoreen; waana habka wax loo qora iyo waxa nalaga qoray wadan ahaan ee maha wax ninkaan iminka kasheegaya shacabka Somaliyeed.
    Anigoon hadalka kusii dheeraanayn, waxaan kagubtay oo kali ah inaad ku hadlaysid magac aqoonyahaniin Somaliyeed. Mar labaad qoraalka dib u eeg oo fiiri masaadirta meesha uu ka keeney.
    Qoraalkan wuxuu lamid ah barnaamij kabaxa qanaat Al-Jazeera oo layirahdo ارشيفهم وتاريخهم oo lagu falanqeeyo waxa ay gaalada horay ugu qortay madaxda Carabta. Marka ay Al-Jazeera turjumta oo ay soo daysa wadama badan ayaa kuleh qanaat Al-Jazeera ayaa wax naga sheegtey sidaas darteed Qatar iyo anaga calaaqaadka ayaan kala goosanaynaa.
    Xusuusin qofkii aan horey u akhrin qoraalka Farmaajo, waa tanaa masaadirta meesha kuqoran ee hadaladiisa ay ubadan yihiin:
    6 I. M. Lewis, Brief descriptions of the major Somali drought in the 20th Century, including that of 1973 -75, can found in Abaar: The Somali Drought. (London, 1975) pp. 1-2, 11-14.
    7 While anthropologists might use tribe and clan in different terms, in Somali language, both (clan-family and tribe) mean the same.
    8 Cassanelli, 21
    18 I. M. Lewis, Modern History of Somalia (London: Westview Press 1988), 209
    19 I. M. Lewis, Modern History of Somalia (London: Westview Press 1988), 209
    20 Metz, 119
    24 Anna Simons, Somalia and the Dissolution of the Nation-State (American Anthropologist, New Series, Vol. 96, No. 4, Dec., 1994), 823
    25 Scott Peterson, Me Against my Brother: At War in Somalia, Sudan, and Rwanda (London: Routledge, 2000), 15
    26 Samatar, 121
    Iyo kuwa kale oo aad ufara badan oo qofkii buuga akhriyey uu arki karo.

  7. axmad xirsi says:

    asc dhamaantiin salam kadib waa wax wanagsan in qofkii qaldan
    qaladkiisa loosheego si’cilmiyeysan oo caqliyeysan lakin qalad kusax
    mawanagsana sida qoraalkan iiga muuqata mahan qoraal cilmiyeysan
    ee waa qoraal xanaaq iyo caadifad kamuuqato,
    waxaa aad iila qaldan in nin aqoon sheeganayaa uu dadka walaalaha ah
    qabiil ukala qaybiyo oo qaar aflagaadeeyo ama sharaftooda meel uga dhoco,
    waxanse shaki kujirin in somalia dadkeedu reer guuraa ubadanyihiin
    waxaa sidoo kale qarsoonayn in dadkeena nuucaydoonaan hanoqdeene aqoontoda
    iyo ilbaxnimadoodu iska yartahay,
    sidan u arko mahan ilbax-nimadu in 5fac magaalo lugu dhashay sidoo kale
    mahan america ayan tagay ama joogi jiray iwm ee waa in aqoon cagli
    iyo waayo aragnimo qofku leeyahay,
    somalina kuma badna dad tilmaantaas leh siday ilatahay
    xoola dhaqato , beeralay ama kaluumaysato miday doonan hanoqdeene
    walaalayaal wax dan noo ah mahan is aflagaadayn iyo is qab-qabsi
    dadkeena iyo dalkeena dulka ayey yaalaan anaga ayeyna naga sugayaan
    inan kaqaadno madahsanidin

  8. Dhirfaaye says:

    Anigoo ku hadlaya ururka xoolo-dhaqata iyo beeraleyda yaryar yaan illoobin iyo kalluumaysatadaba ma fahmin qoraalkaaga waxa aad ula jeedo. Dhawr jeer ayaan ku celicelinay aniga iyo rag badan oo ururadaas aan xusay ka tirsan waxaan kaa codsanaynaa inaa soomaali saafsaafan aad ku muujiso,Mudane Heerow adoo raalli ah.