Waxa baryahan dambe dhalinyaro badani ay caado ka dhigatay in ay cabaan Shiishada. Tan oo aad ugu sii fidaysa dhalinyarada soomaaliyeed meel kasta oo ay hada joogaan. Cabitaanka Shiishada ayaa waxa ay dhowr sano ka hor noqotay mid aad looga cabo wadanka England. Taas oo hada u eeg in ay ku fiday meelo badan oo soomaalidu qurbaha ka joogto.
Waxa la isla dhexmaraa warbixin qalada ah oo ah in Shiishadu wax dhibaato ah lahayn, kana khatar yar tahay sigaarka. Bilcakis aad iyo aad ayay uga khatarsan tahay cigaarka. Waxa qiiqa Shiishada ku jira karbonmonoogsaydh (co) aad uga badan ka sigaarka. Qiiqan ayaa ah mid aad ugu daran caafimaadka kuna keena sambabada kanser iyo dhaawacyo kale. Waxa kale oo baadhitaan lagu sameeyay Shiishada lagu arkay in walaxda Nikotiin ay aad ugu badan tahay.
Waxa suntaa kala duwan ee qiiqa ku jirta u dheer ayada oo cuduro kala duwan laga qaado tuumbada laga dhuuqayo qiiqa ee la isu dhiib dhiibo. Cuduradaas waxa ka mid ah virus-ka keena in dibnaha kor koodu nabar ka soo baxo oo loo yaqaan herbes iyo kuwa kale.
Hadaba adiguba ma aad jeclaan lahayn in aad qof kale la wadaagto cadaygiisa. Waxa sidaas oo kale ka dhigan marka la cabayo Shiishada ee la isu dhiib dhiibayo. Inkasta oo cabitaanka Shiishada, meesha lagu cabayo iyo dhalinyarada wada cabaysaa u eegyihiin wax xiiso badan leh ayaa hadana waxa haboon in la ogaado khatarta qofka cabayaa ku sugan yahay. Taas oo ah in qiiqa badan ee uu qofku ka nuugayo Shiishada ka dhigayso mid Nikotiniista ah.
Cabitaanka Shiishada ayaa ah mid ayna soomaalidu dhaqan u lahayn, una baahan in shacabka soomaalidu ay iska war galiyaan khatarta ay leedahay.
Madaxa qaybta ka hortaga dhaawacyada Alchaholka iyo Tobakada ee dalka Sweden, Thomas Hvidfelt, ayaa sheegey in baaris lagu ogaadey in Shiishad-cabista ay ka sii xun tahay sigaar cabista. Hadalkiisan ayaa ku soo beegmey baaris lagu samaynayay dhalinta Swedishka iyo sigaar cabista. Dhalinyaradan oo 10kiiba 6 ay tijaabisey cabista shiishada, ayuu ku sheegey inay aad ula yaabeen baahsanaanta shiishad-cabista. Waxaa uu sheegey in shiishada oo cabisteeda markiiba qaadata 20 daqiiqo ilaa iyo 1 saac 20 daqiiqo, ay u dhiganto adoo cabay 100 sigaara.
Shiishada ayay dad badani u haystaan inay ka waxyeelo yar tahay sigaarka, kuwaasoo u haysta in biyaha uu qiiqa soo dhex marayo nadiifinayo nikotiinta. Tan ayaa uu Thomas ku sheegey inaanay waxba ka run ahayn, oo tobaakada lagu isticmaalo shiishada ay ku jirto nicotine la mida tan sigaarka.
Waxaana uu sheegey in biyaha aaney waxba ka difaaceyn qofka.
Thomas ayaa sheegey inay aad ula yaabeen in caruuurta Swedhishka ee uu soo gaarey dhaqankan shiishad-cabista ah oo ah mid ku baahsan Bariga Dhexe iyo Afrika. Waxaanay aad ula sii yaabeen in caruur badan durtaba tijaabisey cabista shiishada.
Khatarta ugu weyn ee ay kaga halisan tahay Shiishada ayuu ku sheegey in qofku waqti badan u fadhiyo cabista shiishada, taaasoo uu ku tilmaamey inay la mid tahay qof markiiba cabaya 100 sigaara. Waxaa uu sheegey in dadka qaarkii ay maalin walba saacad ama in ka badan cabaan Shiishada, taasoo u dhiganta qof isbuucii 700 sigaara cabay.
Thomas ayaa waxa kaloo uu sheegey in Shiishadu keento qabatin (Addict) ka xoog badan tan sigaarka. Waxaa uu sheegey in qofka mudo yar bartaa Shiishada uu qabatimo, kuna dhib noqoto inuu joojiyo.
Somalida ayaa noqotay bulsho uu aad ugu faafay Shiishad- cabista rag iyo dumarba Taasoo qaarkood keenta inay raacsadaan waqtiyada qaadka ay cunayaan.
DR.KHALID SULEIMAN KALIB.
GUDOOMIYAHA DHAKHAATIIRTA
PAKISTAN/ISLAMABAD.
khaaliduu@hotmail.com
QAADKA IYO WAXYEELLOOYINKIISA CAAFIMAAD IYO BULSHADA.
Sida la wada ogsoon yahay qaadku wuxuu leeyahay dhibaatooyin aad iyo aad u fara badan oo aan lagu soo koobin qoraalkaani gaaban.
waddamada sida ba’an qaadka looga cuno waxay kala yihiin Somaliya, Ethopia, Kenya, Yeman , Djabouti iyo kuwa kale .
Qaadku waddamo badan ayuu imminka mabnuuc ka yahay:
sida dalalka: Canada, New Zealand, Belgium, Ireland, UAE, Denmark, Tanzania, Zambia, Germany, Switzerland, Finland and the United States. Maddaama qaadka la keeno laguna dhex gado waddanka Ingiriiska, nasiib darro, wadankan waxa uu noqday xarunta la soo mariyo lagana abaabulo qorshayaasha si suuqa-madow ah qaad lagu gelinayo dalalka qaadka xaaraan-tinimeeyey.
Wadamadaasi aanu kor ku soo xusnay waa waddamada sida xad dhaafka ah u isticmaala Qaadka, dadyowga waddamadaasi ku nool isla markaasi na burburiyey dhaqaalihii dalalkaasi.
Caafimaadka:
· a) Dhimirka
Saamaynta ugu muhimsan ee qaadku waa tan dhimirka, taasoo la xiriirta awooddiisa maandoorinta. Qofka cunidda qaadka badsada waxaa lagu yaqaan caro badan iyo ilaalin la’aan tebinta fikradaha iyo dhqdhaqaaqa jirka, kuwaasoo sabab u noqon kara dagaal iyo shilal, siiba markii uu qofku baabuur wado. Cunidda badan oo raagta ee qaadku waxay iyadu keeni kartaa waalli dhab ah.
· b) Dheefshiidka
Maaddooyinka katiinka, katinoonka iyo tanniinyada ee qaadka ku jiraa waxay dhabqiyaan hawlaha dheefshiidka, taasoo keeni karta hamuundarro, yabuusad, caloolholoc (gastritis) iyo beerqolfow.
· t) Afka
Wuxuu burburiyaa ilkaha iyo cirridka, taasoo dhibaato u keenaysa hawsha calalinta iyo caafimaadka afka.
j) Cudurrada faafa ee dhiska dheefshiidka
Cudurradaasi waxay ku soo duggaalaan sida nadaafad xumada leh oo qaadka loo iibiyo, isagoo gacmo badan oo aan nadiif ahayn soo mara, busta iyo cayayaankana aan laga xafidin.
Cudurrada habkaan ku iman kara waxaa ka mid ah cagaarshow, daacuun, shuban, dabadhiig, tiifow, ameeba, iwl, oo ah kuwa laga qaado nadaafadxumada cunnada iyo biyaha.
x) Cudurrada faafa ee dhiska neefsadeenka
Faafidda cudurrada noocaan ah waxaa kaalmeeya jawiga cabbursan ee goobaha qaadka lagu cuno, iyadoo dariishadaha la xiro, sigaar badan la cabbo, muddo dheerna laysku neefsanayo. Maadaama habka laysu qaadsiiyo cudurrada faafa ee neefsadeenku uu yahay in uumanka cudurradaas keenaa ay soo raacaan neefta uu qofka jirrani soo saarayo oo usoo gudbaysa dadka fayow waa la wada garan karaa sida jawiga cabbursan ee aan soo sheegnay u kaalmayn karo kala qaadidda cudurrada noocaan ah. Bal maleeya khatarta weyn oo ay u ban dhiganyihiin dadka qaadka cunayaa haddii uu ku dhex jiro qof qaaxo sambab qabaa.
Cudurrada saabka ee qaadka cuniddiisa ku soo gabban kara waxaa ka mid ah: qaaxada, qaarjeexa, ifilada, hargabka, iwm.
kh) Cudurrada bulshada (cudurrada fisqiga)
Sida la ogsoonyahay qaadka cuniddiisa waxaa marar badan la xiriira is-dhexgal aan bannaanayn ee rag iyo haween oo keena xiriir jinsi oo xaaraan ah. Cudurro xunxun ayaa sidaas lagu kala qaadi karaa oo ay ka mid yihiim: jabto, waraabow, AIDS iyo kuwo kale. Waatii uu yiri ninkii qaadka ka gabyey:
Qalbi kacay qalab aan lahayn qaadow adigaa leh
Labo qaawan oo aan is qabin qaadow adigaa leh
Qol ciriiriyoo qaac lagu iltiray qaadow adigaa leh
· d) Nadaafadda guud
Dhibaatooyinka caafimaad ee qaadka waxaa ka mid ah qashinkiisa oo meel walba lagu daadsho iyo kaadi iyo saxaro aan loo meel deyin ee xagga dadka qaadka cunaya.
2. Bulshada
Dhibaatooyinka bulsho ee qaadku way badanyihiin waxaana ka mid ah kuwa soo socda:
a) Khilaaf iyo kala tag qoyska dhexdiisa ah
b) Dayicid daryeelka iyo tarbiyadda carruurta
t) Dhaqanxumo (xishoodarro, dhillaysi, iwl)
j) Sigaarcab
x) Khamrocab (3% dadka qaadka cunaa khamradana waa cabbaan)
kh) Uhorseedid xumaan dadka kale, siiba dhallinyarada Iyadoo arrinta lagu xusay qodobka ugu dambeeya la xiriirta, ayaa Nebiga, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene, waxaa laga weriyey inuu yiri: “Qofkii jideeya jid san wuxuu leeyahay ajarkiisa iyo ajarka qofkii ku camal falay, qofkii jid xun jideeyana waxaa korkiisa ah dambigiisa iyo dambiga qofkii ku camal falay”
3. Dhaqaalaha
Keenidda qaadka waxaa ku baxda lacag adag oo waxyaalo kale oo faa’iido leh lagu keeni kari lahaa. Waagii Dawladda Soomaaliyeed qaadka mamnuucday (1983kii) waxaa la qiyaasay inay keeniddiisa ku bixi jirtey lacag gaaraysa US$ 47 malyan. Joornaal carabi ah oo dhowaan soo baxay wuxuu sheegay inay Xamar maalin walba ku soo degaan 12 dayuuradood oo qaad sidaa. Isugeyntooda kharajka maalmeed oo ku baxa waxaa joornaalku ku qiyaasay US$ 87,771. Marka kharajka sano ee qaadka ku baxa, Xamar oo keli ah, wuxuu noqonayaa (US$ 87,771×365=US$ 32,036,415). Haddaba, haddii laysu geeyo kharajka qaadka ku baxa dalka gudihiisa oo dhammi intee buu noqonayaa? Waa lacag fooqal caqli ah. Lacagtaas tirada badani waxay gashaa labo dal oo aan xinif leennahay, taasoo xoojinaysa awooddooda dhinac kasta ah. Sow arrintaasi muujin mayso fiiro gaabni dhaqaale iyo ficilo yari qarannimo ?!
Xagga kale, dhibaatooyinka dhaqaale oo ina haysta awgood, waxaan in badan u qaylo dhaansannaa gargaar hey’ado ama dawlado shisheeye ah. Haddaba, mar haddii aan innaguba si micno darro ah u gubeynno dhaqaaleheenna, sidee baan u fili karnaa in laynooku garaabo?.
Xagga maskaxda
· Hurdo la’aan
· Madax xanuun
· Wal wal (stress)
· Hadal badannaan
· Isku buuqid (depression )
· Garaacida wadnaha oo kordha
· Heer kululka Dhiiga oo kaca
· Dhiig furan oo madax ah
· Waali
Xagga jidhka
. qaaxo ama TB
. Laab jeex
· Saxaradda
· Hunqaac (mantag)
· Calool xanuun
· Dhabar xanuun
· Miisanka oo is dhima
· Raashka oo ka xirma
· Kaadi dhiig
· Baawasiir
· Saxarada oo adkaata
· Cagaarshow
· Caanaha naaska oo yaraada hooyoyinka cuna qaadka.
. qaaxo ama TB
Isku soo wada duub isticmaalka qaadka oo waqti badan lagu bixiyo wuxuu kaloo keenaa dhibaatooyin aad iyo aad u adag iyo niyad jab oo ugu dambeyntiina dhici karto inuu u dhiiga maskaxda uu ku furmo ka dibna u geeriyoodo .
Diinta islaamku muxuu ka qabaa cunista qaadka.
Saddex nooc ayay u kala baxaan waxa maskaxada beni aadamku beddela waxay na kala yihiin :
a). Muqadar sida xashiishada iyo daroogadda kale
b). Musakar sida qamriga la cabo
c). Muqayar sida qaadka iyo wixii la midka ah.
Intaasi oo idil waa noocyadda maskada qofka wax u dhimi karta oo caqligiisa rogi karta, si fudud na u baabi’iya caafimaadka qofka isticmaala waxyaalaha aanu kor ku soo xusnay Arrimaha bulshadda: isticmaalka qaadku wuxuu dhabar jab u yahay bulshadd , oo saameyn weyn ku yeelan karaa arrimaha qoyska , wax barashadda iyo wax soo saarka oo dhamaan ba laf dhabar u ah horumarinta bulshadda. Runtii qaadku waa dumiyaha qoyska, inta badan arrimaha furinka waxaa u sal ah cunista qaadka maxaa yeelay dhaqaalihii qoyska calfan lahaa wuxuu u weeciyey meel aan u munaasab ahayn sidaasi darteed waxaa markii ba imaan kara iska hor imaad oo ugu dambeyntiina keeni kara in qoyskii dhisnaa uu burburo.
Waxaa xusud mudan in dhibaatada qaadku aanay ahayn mid ugub ah. Dhab ahaantii, hay’addii la oran jirey The League of Nations ee ka horreysay hay’adda Qaramada Midoobey ayaa sanadkii 1933-dii arrinta qaadka ka hadashay. Waxaase wax laga xumaado ah, Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Daroogada iyo Denbiyada, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), iyo ururada kale ee caalamiga ah, in ay ka baaqsadeen in ay qaadka u aqoonsadaan daroogoda khatarta ah ee xaqiiqo ahaan uu yahay.
Dalalka Itoobiya iyo Kenya ayaa ah labada dal ee ugu horreeya soosaaridda iyo ka ganacsiga qaadka. Waxaase xusid mudan, in inta badan dadka Kenya iyo Itoobiya aanay qaadka cunin. Dadka qaadka beerta iyo kuwa ka ganacsada waxa ay qaadka u arkaan il-lacageed oo burqanaysa; dowladaha Kenya iyo Itoobiyana canshuur badan iyo lacag adag ayay qaadka ka helaan. Qaadkaas intiisa badan Soomaaliya ayaa loo dhoofiyaa inta kalana Soomaalida qurbaha joogtaayaa laga daba-geeyaa – iyada oo dalka Ingiriiska la soo marsiiyo.
Tusaale ahaan, shayga labaad oo dalka Itoobiya dhoofinta coffee-ka u soo raaca waa qaadka. Cilmi Baaris dalka Ingiriiska ay ku sameeyeen
Cultures of Consumption Research Programme waxay leedahay, “Canshuurta sanadihii sagaasha-maadkii ay Itoobiya ka heshay qaadka waxay cel-celis ahaan dakhliga dalka Itoobiya ka ahayd boqolkiiba 1.7. Dhinaca kalana kharashka Itoobiya sanadahaas uga baxay daryeelka caafimaadku waxa uu ahaa cel-celis ahaan 1.2, taas oo macnaheedu yahay in Itoobiya ay dakhliga qaadka ka soo gala ku daboosho kharashka daryeelka caafimaadka.” Xogtaasina waxa ay caddaynaysaa in dhoofinta qaadka ay Itoobiya – ganacsato iyo dowladba – u tahay il-dakhli oo sida dur-durka ay biyuhu uga burqadaan, uu dollar uga burqanayo.
Ahmiyadda uu qaadku Itoobiya u leeyahay ayaa keentay in aqoon-yahanno Itoobiyan aha ay qayb ka noqdaan ol-olaha sumcad u raadinta qaadka. Dr. Ezekiel Gebissa, oo uu dhashay Itoobiya ahna barre jaamacadeed kuna guuleystey abaal-marinta sanadlaha ah ee Fulbright scholar – taas oo isugu jirta aqoon-kororsi iyo cilmi baaris – ayaa ka mid ah dadka u ban-baxay qiil u raadinta qaadka, isaga oo qoray, “Muslimiintu waxa ay qaadka u cunaan si aanay salaadda uga seexan. Beeralayduna waxay u cunaan si ay awood iyo adkaysi ugu helaan shaqada adag oo saacadaha badan ay qabtaan. Reer magaalka in ka mid ah waxay u isticmaalaan raaxaysi. Beeralayda taagagga sare ee latin America, caleemaha geedka kokaha waxay u cunaan si ay kulay uga helaan. Taasina la mid maaha ujeedada dadka Maraykanka ahi ay u isticmaalaan daroogada koo-keynta ee laga sameeyo geedka kokaha. Dhab ahaantii, ku habsaanka daroogada koo-keynka la mid ma aha isticmaalka labada kun oo sano soo taxnaa ee dadka Koofurta Amerika ay isticmaalaan caleemaha geedka kokaha. Beeralayda iyo ganacsatada itoobiya iyo waddamada Geeska Afrika, qaadku waa dalag-lacageed ay ka shaqaystaan dad malaayiin ah”
In kasta oo ninkaas uu isku dayey in uu qaadka qiil u sameeyo, haddana Ururka Caafimaadka Adduunka oo ka warbixiyey cilmi-baaris qaadka laga sameeyey, waxa uu tilmaameen in maanka iyo maskaxda qofka qaadka cuna lagu garto, “hammi badan, hiyi kac iyo haab-haabasho ka maran xasiloonida”
Oraahda ah qaadku salaadda ayuu sahlaa, waa mid yaab leh! xaqiiqada qaadkana ka durugsan; haddii aan isticmaalo weeraha Ururka Caafimaadka Adduunka – waxaan oran karnaa waa oraah hammi xambaarsan kana leexsan xaqiiqada.
Indhaha waa laga laaban karaa hiilada aan hufneyn ee aqoon-yahanka Itoobiyaanka ahi uu u sameeyey (si kas ah ama si kama’a ah) dalkiisa iyo dadkiisa qaadka ka lacagaystay. Waxaase filan waa iyo wax laga tiiraanyooda ah, arragtida aan loo meel-deyin ee aqoon yahanno Soomaaliyeed arrinta qaadka ay kala shir-yimaadeen; iyaga oo ayaan darro, doonayo in ay gacan ka geystaan fasaxa iyo fiddidda isticmaalka qaadka.
Dadka Soomaaliyeed waxa ay noqon lahaayeen dad hoodo iyo ayaan leh, haddii dhibaatada qaadku ay ku ekaan lahayn isdaba maridda qaadka iyo doolarka. Dhibaatooyin kale oo waaaweyn oo isugu jira kuwa bulsho, kuwo dhaqan- dhaqaale iyo kuwo caafimaad ayaa ka dhasha qaadka Soomaaliya loo soo waarido. Ugu horrayn, qaadku qabatin ayuu u keenaa dadka cuna. Ragga qayilaana waxa wakhtigooda dilla todoba saac oo cunid ah iyo toban saac oo qaadiro ah. Dhibaatooyinka kale ee qaadku dhaliyo waxaa ka mid ah bur-burka qoysaska, aabayaal inta badan caruurtooda ka maqan iyo fidinta cudurrada faafa sida qaaxada.
Adduunkaan isa-suran (globalized) dhibaatooyinka qaadka keeno Soomaaliya kuma koobnaan doonaan. Tusaale ahaa, saddex bilood ka hor, dalka Ingiriiska waxaa laga helay nooc cusub oo cudurka Qaaxada ah – cudurkaas oo ah qaaxo ama TB aan daawadu wax ka tari karin. Nin Soomaali ah ayaa cudurkaas laga helay, kaas oo la karan tiilay. Dhacdaan khatarta xambaarsan waa lagama maarmaan in ay baraarug u keento madaxda iyo masuuliyiinta dalka Ingiriiska oo intii muddo ah is moogeysiiyey khatarta daroogada qaadka ay u keeni karto bulshada Ingiriiska. Sir ma aha in cudurada HIV-AIDS iyo idka qaaxadu ay faro ba’an ku hayaan dalalka Kenya iyo Itoobiya.
Gebo-gabadii:
Dadka Soomaaliyeedna waxaa waajib ku ah in ay u caddaato in haddii qabiilku uu yahay midka dumiyey qarankii Soomaaliyeed in qaadkuna uu yahay mataankiisa kaas oo qallajiyey dhaqankii, dhaqaalihii, iyo dheecaankii dadka Soomaaliyeed.
DR.KHALID SULEIMAN KALIB.
GUDOOMIYAHA DHAKHAATIIRTA
PAKISTAN/ISLAMABAD.
khaaliduu@hotmail.com
What happened to the share buttons? like Share on facebook twitter and others, I thought they were added to somalitalk to make sharing articles easy.
REPLY:
Please see at bottom of each article to SHARE that article.
Aaww,
Dr. Khaalid Alle ha kaa abaalmariyo maqaalkaagan iyo kii ka horeeyeyba oo aad uga wada hadashay muqaadaradka iyo dhibaatooyinka ay keenaan oo dhan walba leh, waa maqaal run ahaanti faa’iido badan u leh dhamaan bulshooyinka caalamka gaar ahaan bulshada soomaaliyeed oo uu dilooday jaadka iwm. Alle ayaan uga baryeynaa inu garansiiyo dhibta ay leeyihiin qaadka iwm, aamiin. Aaww
Gudoomiyaha dhaqaatiirta Pakistan miyaa? mise waa gudoomiyaha dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee wadanka Pakisyan?